Halqabsi ayaa hadal meceeya e, waxa la yidhi beri hore ayaa islaan baa inanteedii curad waxa ka guursaday nin reer miyi ahaa oo jamaal iyo joog Ilaah u dhammeeyay, afarta maal-adduunyana wax ka haystay. In muddo ah markii ninkii iyo inantii wada joogeen, Rabbina aanu sarrifin, ayaa subaxii danbe islaantii soddohda ahayd isha ku dhufatay ninkii oo aqalkiisa kasii baxaya – malahayga tuulada ayuu u shir tegayey sidii dhaqanku ahaan jirey. Soddohdii intay isha lasii raacday ninkii inanteeda qabay ayay tidhi, “Ninka intaa le’egi inantayda kama ilmo dhali waayin e, hagrasho ayaa jirta”. Haddaba waxa tabnigaa u yaabban Aar Xandulle Nuur oo ka mid ahaa raggii ka qayb qaatay gabayada Xaydha, lana amakaagsan raggan tiradoodu tobanka gaadhey ee mid waliba isu xaydxayday xallinta xaajada xaydha, balse aan wax natiijo ah ka keenin. “Allaylahe ragga intaa le’egi labadaa nin ma kala saari waayin e, malaha u hagarbax ayaan jirin”, sidaas ayuu laabta ka dareensan yahay Aar Xandulle Nuur.
Sida ka muuqata gabaygiisa hoos ku qoran, wuxuu si weyn u dhaliilsan yahay guddidii xaajada gashay iyo weliba gabayadii lagaga garnaqay, kuwaas oo uu ku tilmaamay qaar xeeladaysan oo aan xaqa ku addimeynin, maxaa yeelay carrab dalab leh, lugo dalab leh laga garan og!!!
Gunaanadka tixdan ayuu Aar Xandulle sii harraatiyayaa Guuleed-Xawaash oo aynu hormadii tan ka horreysay kusoo marnay inuu doc aan sidaa usii fogeyn gabay garqaadis ah kaga soo liishaamay taxanta xaydha. Isagoo aad mooddo inuu yara baciidsanayo sida uu mar qudha uun Guuleed-Xawaash gundhada ugu galay gabayada xaydha, ayuu Aar Xandulle tixdiisan kusoo xidhayaa tuducyo biyodhacoodu yahay: ‘Waar raggii goobjoogga ahaa iyo intii ku gedaannayd ba waa joogaane, maxaa Guuleed-Xawaash na dhayda ka lisay?!’ Wuxu yidhi:
Xa’da gabay beryahan Diiriyow, xaaladdeed dhigaye
Caawana xusuus baa qalbigu, xaajada u galaye
Xeerbeegti waa inay guddida, xaqa ka sheegtaaye
Xistiga iyo shareecaduba waa, laba xarriiqood e
Hadba xadbaw dhigan dambaabkiyo ajriga, xarafyadiisiiye
Midba xaashibaa malag hayaa, loo xaddidayaaye
Xintifaallo abidkeedba waa, xeerka dabadeed e
Xirsi iyo ninkaa Weerar Cali, lays xasaradeeye
Subaggay xannaanka u siteen, laysku xaaleeye
Kol haddaanad xog-ogaal ahayn, maragna xuuraamin
Xaydh iyo inuu sixin ahaa, looma xeel bixin e
Xag Ilaah waxaan deyin guddidii, xaalka loo diraye
Aakhiro xisaab baa jirta iyo, xaq iyo miisaane
Gartaan xaali loo niqinna waa, lagu xidhmaayaaye
Xusbadeeyay oo toban nin baa, xaajadaa naqaye
Inuu gabaygu xeel leeyahaan, xaqa la sheegaynin
Xigto looma waayine ku filan, reer Xirsi Cismaane
Waar Guuleed-Xawaashena maxaa, geliyey xiiqdeeda!
******
Af af loo hayo ayaa ba’ay!!
Ha sugi waayin Guuleed-Xawaash oo sida leebka u ganaya tuducyadiisii dhadhaabyada ka cuslaa, dhinbiishana ka kululaa. Isagoo ka hafeefanaya sida uu Aar Xandulle hangool farraarro leh ugaga fogeeyay golaha garqaadista iyo gorfeynta gabayada xaydha, ayuu mariyey tix uu Aar ugu baalaxooftaynayo, naftiisana uu ruugcaddaannimo ku bantookhayo.
Iyadoo uu weliba hadalkiisii kala hambaystay, halna aanu seegin, Aar Xandullena uu ku sifeeyay wiil yar oo aan waayo aragnimo lahayn, ayuu sharxayaa waxa ku kellifay inuu ka garnaqo silsiladdan lagu kala saftay ee sawaxanka dhalisay.
Ugu horraynba waxa uu cod sare ku sheegayaa Guuleed-Xawaash inuu yahay nin ballaadhan oo aan ku seetaysnayn soohdimaha raaskiisa oo keliya, balse kolba goobta uu joogo godobtii ka dhacda garsoore iyo guurti ka noqda, tan maanta miiska saaranina ay uga sii xagjirto.
Intaa kaddib ayuu Guuleed-Xawaash badka soo dhigayaa inuu yahay nin haldoor ah oo aan ciduhu ka maarmaynin, meelo badan oo dhaxani kasoo geli lahaydna isaga lagu gufeeyo. Waxa uu gabaygiisa kusoo afmeerayaa haddiiba uu ka huleelo oo raaskiisa oo keliya uu ku ekaado, in qofka koowaad ee ku wax la’ ama manfacadiisa tebeyaa uu yahay Aar Xandulle oo ah ninkan sii durkinaya ee deyrka debedda uga saaraya!!! Waxa uu yidhi Guuleed-Xawaash:
Weligiiba guul igama helin, gaban is waalaaye
Gufaacooyin baan ridi lahaa, waan ka gaabsadaye
Guuleed-Xawaash baan ahay, iyo guurtidii hore e
Giddigii Islaankaba haddii, eedi kala gaadho
Gaafaan ku leeyahay haddaan, joogo golahaase
Waxa I geliyey xaajada tolkaan, kala guraayaaye
Gugii galaba gabadh baan dhisaa, gogolna raacshaaye
Goolkiyo wankaan naaxiyaan, kugu gargaaraaye
Adna meeshi kaa gaabataad, igu gufaysaaye
Haddaan guuro oo reer tolkay, ciidanka u geeyo
Bal maxaad ka guran maalintaan, guri-cas kuu reebo!
******
Filo hormada 6aad dhowaan…
Mahadcelin: Waxaan mahad gaar ah u celinayaa af yaqaanka weyn ee Cabdillaahi Diiriye Aw Guuleed (Carraale), kaas oo cajalad laga qabtay 1983 kii aan kasoo xigtey gabayada xooggooda. Cabdillaahi aabbihii, waa Diiriye Aw Guuleed e, waxa uu ka mid ahaa raggii ka qayb qaatey Silsiladdan Xaydha.