Home / Tartan / Daraawiish iyo Hoggaamiyahoodii Labo Dhinac aan ka Eegno

Daraawiish iyo Hoggaamiyahoodii Labo Dhinac aan ka Eegno

Curiskii ku guuleystay kaalinta shanaad ee Tartan-curiseedka Aw Jaamac ee Taariikhda

Dadka soomaaliyeed aragtiyo kala duwan bay ka qabaan Daraawiishtii iyo hoggaamiyahoodii. Qaar baa rumaysan in Daraawiishtu ahayd dooxato dhiig-miirato ah oo mar soo martay waayihii sooyaalka soomaalida; halka qaar kalana ay qabaan in ay ahaayeen halgamayaal rabay in ay heeryadii gumaysiga ka kor qaadaan ummadda soomaaliyeed. Arrintu marka ay saas oo kale u murugsantahay, waxa ay u baahantahay in si miyir iyo miisaan leh kana fog nin-jeclaysi iyo qaraaba kiil labo dhinac looga eego. Arrin dhacday say u dhacday iyo wixii sababay; koox taariikhda soo martay qaab-dhaqankeedii iyo sooyaalka qof shakhsiyaddiis in lagu murmo la is kuna jiijiido wax noo gaar ah maaha. Waa wax aan dadyawga kale ee dunida ina kula nool aan la wadaagno. Aan u soo daadagno danta iyo dulucda qormada. Hor iyo horraan aan sooyaalkii Maxamed Cabdulle Xasan oo kooban aan isla eegno.

Waxaa la yiri Maxamed C Xasan awoowgii ayaa ka tagey aagga webi Shabeelle, isagoo u kicitamay Nugaal. Nugaali waxa ay ahayd dhul ilaahay baad iyo biyo ku galladay. Waayo dabadeed haddii uu degaankii fahmay xoolana tabcaday, waxa uu guursaday gabar reer Nugaaleed ah. Shiikh Xasan waxa uu dhalay 23 carruura. Carruurtaas waxaa curad u ahaa Cabdulle Xasan, oo ah Maxamed C Xasan aabbihii. Cabdulle Xasan waxa uu ku dhashay isagu meel degmada Laascaanood Waqooyi-galbeed ka xigta. Cabdulle, Nugaal buu ku barbaaray kuna guursaday. Waxa uu guursaday bay yiraahdaan gabar  ku magac dheerayd Carro Seed. Waxa ay u dhashay koox carruur ah oo uu u waynaa Maxamed C Xasan. Cabdulle Xasan waxa uu dhintay qiyaastii 1913. Waxa uu ku dhintay degmada taarikhiga ah ee Taleex.

Sayidku waxa uu dhashay hilaaddii 1856. Waxa uu na ku dhashay balliga Sacmadeeq oo u dhow degmada Buuhoodle. Isagoo toban jira buu qur’aan ka dhammeeyay. Intaa ka dib waxa uu bilaabay raacashada qaybaha kala duwan ee cilmiga diiniga ah. Markii uu da’da sodomeeyada jiray waxa uu tagey xajka, isaga iyo dhowr iyo toban wadaad oo kale. Waxa uu ku sugnaa dhulka barakaysan labo sano. Intaa ka dib waxa uu ku soo noqday dalka, gaar ahaan magaalada Berbera. Maxamed C Xasan waxa uu haystay dariiqada Saalixiyada. Waxa uu beri jiray dadka diinta, sidoo kale waxa uu uga digi jiray khatarka uu gumaystuhu ku hayo waddanka. Waxaa la sheegaa in fidinta diinta uu ku garab waday fidinta dariiqada Saalixiyada. Horay waxaa magaalada Berbera ugu sugnaa wadaaddo ku abtirsada dariiqada Qaaddiriyada. Labadaas dariiqo ee magaalada  ku sugnaa waxaa dhex maray loolan adag oo sababay markii danbe in la gu murmo oo la isku maan-dhaafo qaar ka mid ah mas’alooyin diinta ku saabsan. Wax yaalihii la isku af garan waayay waxaa ka mid ahaa cunidda  qaadka. Sayidku, xaaraan maqdac ah buu ku sheegay cunidda qaadka.

Maxamed C Xasan waa uu isaga baxay magaaladii Berbera. Intaa ka dib Sayidku waxa uu dhidibbada u taagay Daraawiishtii. Waxa uu ku aas aasay ceel layiraahdo Qoryowayne, oo uu dhawaa Caynaba. Daraawiishi dagaalkii ugu horreeyay waxa ay qaadday 3-3-1900. Walow ay dagaallo badan galeen haddana kuwii ugu magaca dheeraa waxaa ka mid ah Afbakayle ( 3 May 1901) Fardhidin (16 July 1901) Beerdhigga (10 Aug 1902) Cagaarweyne (17 Apr 1903) Daratoole (18 Apr 1903) Jidbaale (10 Apr 1904)  Ruuga (9 Oct 19013) iyo duqaynta diyaaradaha oo dhacday  Jannaayo 1919. Halkaas waxaa ku so af jarmay labaatan sano oo ay Daraawiishi dagaal ku jirtay.

Warbaahintu waa hub miisaan culus leh mar walba, gaar ahaan makii xaalad dagaal lagu jiro. Xilligaan aynnu ku jirno, wax allaale wixii ay doonaan dunida waxaa u sheega hadde waa wixii ay doonaan iyagu CNN, Reuters iyo AFP iyo ikk. Meel ba’day oo hoogtay bay kaaga dhigayaan, guri barwaaqo iyo barako taal. Meel naruuro iyo nayaayiro taallana waxa ay  kaaga dhigayaan hoygii nacabka iyo naxariis darrada. Iyagaa dad u kala sheega Ciddii argagixiso ah iyo ciddii aan ahayn. “Kooxdaasi waa argagixiso ee hallaga fogaado.” “Kooxdaannina waa qunyar socodee halla ogaado.”  Berigii Daraawiish iyo wixii ka horreeyayba, soomaalidu waxa ay warbaahin ahaan u isticmaali jirtay maansada qaybaheeda kala duwan. Iyadaa lagu sheegi jiray hadba xaaladda markaa lagu jiro. Nabad baa lagu baadi goobi jiray, colaadna waa lagu kicin jiray. Waa la isku ammaani jiray, waana la isku dhaliili jiray. Sayid Maxamed C Xasan waxa uu ahaa aftahan maansoyahan ah. Lama qiyaasi karayn, sida ay ahaan lahayd Daraawiishi, haddii uu Maxamed C Xasan ahaan lahaa afgarooc aan labo eray isku duwi karin. Waxa ay ila tahay aniga in Cali dhuux iyo intii la midka  ahayd ee  Daraawiish dhuunta u gashay ay barqo cad liqilahaayeen. Walow ay jireen rag badan oo maansoyahanno ahaa, Daraawiishna af iyo adinba ku difaaci jiray, oo uu ugu horreeyo Darwiishkii waynee ee Ismaaciil Mire, Haddana madax meel ka sarraysa oo la salaaxo male. Waxa aanu oran karnaa Sayidku warbaahintii berigaa jirtay samayn xoog leh buu ku lahaa. Maxamed C Xasan mar uu sheegayay inuu yahay nin maansada hibo u leh waxa uu yiri:

  • Hal madow higgaad iyo qur’aan, “Ha” iyo “Wow” reeban.
  • Harannimiyo hooyaale gabay, hello iyo maanso.
  • Nin kalaba naftii ha hafree, hooda anigow leh.

Ugu danbayn, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waxa uu ku geeriyooday  Iimey sannadku markii uu ahaa1920. Intaas waa sooyaalkii Sayidka Maxamed Cabdulle Xasan iyo  Daraawiishtii oo si aad iyo aad ah u kooban.

Waxa aannu soo sheegnay wadaadku markii uu yimid Berbera in fidinta diinta uu garab waday fidinta dariiqada Saalixiyada. Halkaas weeye meesha laga qaniinay wadaadka, waa markaas markii uu nabarkii ugu horreeyay ku dhacay. Intaad dhul shisheeye ka timaaddo in dad dhaqankii iyo waxa ay aaminsanyihiin si degdeg ku jiro aad faraha u la gasho, taasi waxa ay sababaysaa in si wayn lagaaga horyimaado. Walow ay Saalixayadu ahayn wax khaldan, oo ay tahay dariiqo ka mid ah dariiqooyinka, haddana waxaa jirta wax un ay kaga duwan tahay dariiqada Qaaddiriyada. Soomaaliduna waxa ay tiraahdaan “ Caado laga tagaa caro Alley leedahay.”  Cidda ka hortimid wadaadka waxa ay ahayd wadaaddo kale. Wadaaddadu waxa ay ahaayeen iftiinkii u baxayay ummadda xilligaas. Ciddii ka hortimaada, dadwaynuhuna waa uu ka hor imaanayay. Taasoo jirta Maxamed C Xasan ma waayin cid garab istaagta. Waxa ay ahayd in uu cagta u dhigo, wixii ku saabsan dariiqada Saalixiyada. Waxaa wanaagsanayd in uu horumariyo dadkana ka gado afkaartii ay ku raacsanaayeen wadaaddada kale. Sida gumaysi diidka iyo sidii uu dadka u tusi jiray dhibta uu gumaystuhu ku hayo dadka diintooda, dalkooda iyo dhaqankooda. Waxa laga rabay inuu intaas ka dib Daraawiish aas aaso, markaa isagoo cudud iyo ciidanba leh uu lasoo baxo afkaartiisa u gaarka ah.

Soomaalidu waa dad xorriyad jecel, berigii Daraawiishtu xoog iyo xoolaba haysatay, waxa ay u dhaqantay sida dawlad digtaatooriya. Qofka  soomaaliga ah haddana reer miyiga ah mar naba lagu soo kari maayo, mana yeelayo in qof kaloo soomaaliya uu khasab u sanduleeyo. Amarradii adkaa ee uu bixinjiray Sayidku, oo ay ka mid ahaayeen “Hebel waa uu xujoobayee halla dilo.” Waxa ay sababtay in  Reer miyi badan ka didaan daraawiishtii. Sayidka, dadku laba qaybood bay u kala ahaayeen. Qaar isaga raacsan oo Daraawiishtii ah iyo qaar uu u arkayay in ay yihiin gumaysi kalkaal. Xaqiiqduse saas waa ay ka fogeyd. Dadku saddex jaad buu ahaa, labadaa uu sheegay iyo qaar aan Daraawiish iyo Ingiriis toonna raacsanayn. Mar marse dan iyo duruufo adag ay ku khasbi jireen in ay ka guuraan degaanno ay deggenaayeen, una guuraan dhinicii Ingiriis-ka, taasi markay dhacdo dadkaas waxaa lagu shaabadayn jiray gumaysi iyo cawaankiis in ay yihiin. Sidoo kale waxaa jiray dad uu degaankoodu ahaa dhulkii uu Ingiriisku maamuli jiray, ase aan labada dhinac midna la jirin. Daraawiish marka ay col ku saarto Ingiriis-ka, dadka ugu badan oo xoolaha laga dhici jiray, mar marna si’aan loo meel dayin oo aan kala sooc lahayn loo layn jiray, waxa ay ahaayeen dad masaakiin oo degaanka deggenaa ama baad iyo biyo soo raacay. Waxa ay ahaayeen dad aan shuqul ku lahayn dirirta labada dhinac u dhaxaysay. Balse Daraawiishi waxa ay u arkaysay in ay Ingriiska la safanyihiin. Dhibaatayntii dadkaas iyo xadgudub yadii ay Daraawiishi kula kacday, waxa ay sababtay in dadkaas iyo qaar badan oo ka danbeeyay, ay Sayid Maxamed C Xasan ku magacaabaan dhiigyacab. Taasi waxa ay sababtay in ay soo baxaan jiil Daraawiishta iyo hoggaamiyahoodii ba ka aaminsan balo Alla dhaafiyay oo ku oranaya “Ina Cabdille Xasan, waxa uu ahaa wadaad dhiigyacab ah oo soomaalida lagu soo salladay horraantii qarnigii ina dhaafay. Wadaadkaa warkiisa danbe lama maqleene, taliska Siyaad Barre baa sooyaalkiisa cirkaa geeyay.”

Haddii uu qof bilaabo arrin wanaagsan, oo cirib teeda danbe iyo halka ay ku dhammaanayso uu ka muuqdo ifafaale wanaagsan oo wacan; lama waayo dad arrintaas ka horyimaada. Labo siyaabood kay doonaanba ha uga horyimaadeene: in ay danahooda khaaska ah ka hor imaanayso arrintaas ugub ka ah. Ama inay uga hor yimaadaan si aan ka fiirsi lahayn, iyagoona garanayn arintaani faa’iido iyo khasaare wanaag iyo xumaan hadba kay u leedahay. Kooxdaan danbe waxay u badantahay oo loo sababayn karaa ka hor imaatinkooda, inay diidanyihiin isbadalka ku dhacaya xaaladdii hore ee ay ku sugnaaayeen. Sidaa si lamid, waxaana marnaba la waayayn dad gacan qabta oo hiil iyo hoo ba la garab istaaga arrintaas wanaagsan. Siyadku markii uu yiri saancaddaalihii dalka haysaty baan la dirirayaa, dadkii waxa ay noqdeen kooxahaas aan soo sheeganay- qaar garab istaagay iyo qaar kasoo horjeestay.

Ciddii garab istaagtay la garay, oo Daraawiish bay ahaayeen. Yaa ay ahayd dadkii ka soo horjeeday?  Saancaddaalihii qaarada Afrika kusoo duulay waxa uu dhaqan iyo caado  u lahaa, inuu kala qaybiyo dadka uu damacsanyahay inuu guumaysto, oo waxa uu ku dhaqmi jiray tabtii sunta iyo waabaayada lahayd ee uu ummado badan kusoo halaagay, waa hal-ku-dhiggii ahaa qaybi oo xukun (divide and rule.)  Isla taas buuna soomaalidii  u adeegsaday, isagoo soo kala dhawaystay soomaalidii uu guumaysanjiray. Waxa uuna  u sheegay jaalleyaashiis, “ciddii isaga col la ah inay iyaguna la colloobaan.” Waxaa iyaguna jiray dad laf-dhuun-gashay ku noqday halgankii Daraawiishi kula jirtay gumaystihii. Dadkaas oo dano kala duwan u mucaaradayay, qaar xoogaa sandareerto ah ka qaadanayay gumaystaha, qaybtani waa noocii ugu liitay uguna xumaa daba-dhilifyada. Gumaystaha un bay gacan yare u ahaayeen, iyagaa dadka iyo deegaan kaba kala yiqiin. Iyagaa gumaystaha u tilmaami jiray halka ay Daraawiishi joogto, waddooyinka loo maro iyo ceelasha. Kooxdaan mar uu ka hadlayay Sayid Maxamed C Xasan waxa uu yiri:

  • Dallacaad jacayl baad kurtiin noola dirirteene.
  • Dubaaqana waxaa idin ka galay daaro buuxsade e.

Dad waxaa iyaguna jiray siyaabo kale col u la ahaa Daraawiishta. Iyaduna waxaa sidoo kale jirtay, dad  soomaaliyeed oo miyi iyo magaalaba deggenaa, oo uu gumaytuhu ku khasbay inay colaadiyaan Daraawiishtii. Arintaas waxa aannu tusaale ugu soo qaadan karnaa markii Sayidku u soo diray Ingiriiska warqad waxa ku qoran nuxurkoodu ahaa; laba kala doorta Ingiriisow: Dagaal haddii aad doonaysaan diyaar baannu nahay, haddii aad nabad rabtaanna baxsha qiimaheeda oo ah inaad dalka isaga tagtaan. Warqadaasi markii ay gaartay mas’uuliyiintii sare ee Ingiriiska aad bay uga caroodeen. Waxa ayna u aqoonsadeen Sayidka nin shufto ah. Isla mar ahaan taasna  Ingiriisku waxa uu u sheegay soomaalidii ku hoos noolayd in caddii xiriir la samaysa ama wax kaalmo ah u fidisa Daraawiish ay ciqaab daran la kulmi doonaan

Sidii aan horay u soo sheegnay, dadka soomaaliyeed aragtiyo kala duwan bay ka qabaan Daraawiishtii. Aduunka iyo soomaalida badankeedu waxa ay aaminsanyihiin in  Maxamed C Xasan uu la mid ahaa raggii dunida daafaheeda kula dagaallamayay gumaystaha, oo aan tusaale u soo qaadan karno Mahdi-gii Suudaan ka dagaalami jiray, iyo Cumar Al-mukhtaar kii Liibiya. Maxamed C Xasan waxa uu  ahaa nin gumayste la dirirayay, muddo labaatan sano ah, waxa uuna ahaa qof bini’aadan ah oo xumaan iyo samaan ba waa ay ka imaan kareen dhankiisa. Marka in si indho la’aan ah loo yiraahdo wax gaf ah kama dhicin, taasi waxa ay keenaysaa in lagu sii kala fogaado fikirka laga qabo Daraawiish iyo hoggaamiyahoodii. Dhanka kale haddii Daraawiish lagu eedeeyo dil iyo dhac, iyaduna waxaa muhiim ah in la sheego dhibaatadii gumayste iyo cawaankiis ay u gaysteen Daraawiish. Daraawiish waxaa lagu hayay qudhooda dil, dhac iyo dhibaato nooc walba oo ay tahay. Sayid Maxamed C Xasan oo ka hadlaya dhibtii loo gaystay waxa uu yiri:

  • Nimankii aduunkayga dhacay ariyo geeliiba.
  • Anigoo islaan ahba kuwii ii arxami waayay.
  • Nimankaan Allahayow lahaa eyda iga doono.
  • Nimankii urugo iyo ciil igu ebaadsiiyey.
  • Nimankii ilmada iga qubee oohin iga keenay.
  • Nimankaan ku alaladay markii uunku wada jiifay.
  • Nimankii intaas igu falaan i asaraaraynnin.
  • Waxba yaan ardiba layga siin ilindidaydiiye.
  • Mar un baa addoomaha ilaah iiga aargudiye.

Boqollaal jeer oo kalana Maxamed C Xasan waa uu ka ka hadlay dhibtii lagu hayay. Waa kii uu lahaa mar kale:

  • Eebow geyiga oo dhan waa nalaga guulaaye.
  • Waa noo geedleeyaan dadkii gaalada ahaaye.
  • Eebow Giriig kolay ku tahay nala gamuuneeye.
  • Go’na lagama qaadin dulmay gelaayaane.
  • Gabbaad kale hadday noo helaan waa gam’i lahayne
  • Eebow waxay nagu gabreen diinta soo gala e!

Dadkii dunida dacalladeeda gumaystaha kula dagaalamayay iyo shakhsiyaadkii ummadahooda wax u qabtay, dabadeedna magac iyo maamuus ku dhexyeeshay ummaddii ay ka dhasheen. Hawlahaas ay qabteen dadkaasi ma aysan ahayn ceeb li’i, ee dhaliil iyo ammaan labaduba waa ay lahaayeen. Balse dadkii ay ka dhasheen baa is barbardhigay hawshii ay hayeen iyo khaladaadkii ka dhacay. Deetana waxaa la waynaatay hawshii ay ummaddooda u hayeen. Intaa ka dib baa annaga naloo sheegay in dadkaasi ahaayeen halgamayaal uu waddankaasi ku dhaarto. Si taa la mid ah, Maxamad C Xasan waxa uu ahaa halyay, ummaddana magac iyo maamuus ku dhexyeeshay. Waxa uu ahaa nin la dagaallamayay gumayste Ingiriis, Xabashi iyo Talyaani ah, halka uu ku la dagaallamayay waxa ay ahayd waddankiisii. Marba haddaan ognahay in Daraawiishi gumayste la dagaallamaysay. Daraawiish waxa ay ahayd koox rabtay in ay u badbaadiso ummadda diinteeda iyo dhaqankeeda. Taasoo jirta mar naba inaan iska indho tirno maaha khaladaadkii ka dhacay Daraawiish. Cid walba oo ay dhib ka soo gaartay Daraawiish, deetana wuxuush dad qalato ah ka aaminay  waa inaan u garownaa, oo dee noloshaa ku dhisan in la kala fikir duwanaado. Gun iyo gabogabo marka; qoraalkaan waxa aan kusoo afmeerayaa   Saddexdaan qodob

1. In dadkii ay dhibaatada kasoo gaartay khaladaadkii ka dhacay Daraawiish, lasiiyo magdhow. Dabcan dadkii begriaas joogay hadda ma noola, balse waxaa nool soo maahan firkoodii iyo dad un ay ehello ahaayeen? Cidda magdhowga siinaysana waa waydiin kale oo meesha ku jirta. Dawlad un weeye waxa bixinaya magdhowga. Taasina hadda ma muuqato. Balse timaaddada wax walba waa la fili karaa. Haddii magdhow la siiyo dadkii waagaas dhibaatadu gaartay ehelladood, taasi waxa ay keeni kartaa isu soo dhawaansho fekar. Waxa ayna horseed u noqon karta in si wada jir ah, Daraawiish loogu aqoonsado in ay ahaayeen halgamayaal gumaysi la dirir ah.

2. Haddii magdhow la siiyo, dadkii ku waxyeeloobay khaladaadkii ka dhacay Daraawiish; iyadana yaa magdhow ka bixinaya dhibaatadii Daraawiish loo gaysanjiray har iyo habeen? Yaa magdhow ka bixinaya maatadii lagu dhuqeeyay diyaradaha iyo hantidii ku burburtay? Duqayntii diyaaradaha ka dib, waa iyagii Daraawiish dhibta wayn soo wajahday, gaajo iyo cadow baa isugu darsamay. Waxa aanu ognahay soomaalidu xoolaha ay dhaqdaan qayb ka mid ah cuniddiisa waa ay ka faanaan, sida caloosha iyo iwm. Balse Daraawiish waxaa la gaarsiiyay heer ay geenyo Qashaan. Waa tii uu lahaa sayidku:

Iga gawrac geenyada ragbaa mawdku gurayaaye.

Boqollaalkaas dhib ee la gaarsiiyay dee yaa bixinaya magdhowgooda. Sidii aan ku sheegnay sadarradii hore ee qoraalkan. Arrimaha Daraawiish waa arrimo u baahan in loo darso si mug wayn, kana fog caadifad iyo wixii la hal maala.

3. In lagu tixgaliyo dadka afkaartooda, oo nin walba sida uu ka aaminsayahay Daraawiish iyo hoggaamiyahoodii faraha looga qaado.

W/Q:- Cabdullaahi Cabdi Muuse (YamYam)

E-mail: abdulahiyamyam@gmail.com

Tixraac:

  • Diiwaanka gabayadii Sayid Maxamed   Cabdulle Xasan. – Aw Jaamac C Ciise
  • Taariikhdii Daraawiishta. – Aw Jaamac C Ciise
  • Maqaal uu qoray Axmed F Idaajaa cinwaankiisuna ahaa “Sayid Maxamed iyo Soomaalidii ka soo Horjeeday Keebaa Gardaraa.”
  • Taariikh kooban oo ku saabsan Sayid Maxamed C Xasan- waa maqaal lagu faafiyay bogga Doollo.com
Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Kaalinta 2: Garta dhaqanka iyo garsoorka Soomaalida

Curiskii ku guuleystay kaalinta labaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Umadda Soomaaliyeed ...

Kaalinta 3: Hal ka mida hawlkarnimadii haweenkeenna

Curiskii ku guuleystay kaalinta saddexaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Hordhac Sinji aw ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *