Home / Tartan / Sayid Maxamed iyo Daraawiishtiisii

Sayid Maxamed iyo Daraawiishtiisii

Curiskii ku guuleystay kaalinta afraad ee Tartan-curiseedka Aw Jaamac ee Taariikhda

DHALASHADII SAYID MAXAMED

Sida dhaqanka iyo soo jireenka ahayd, wadaaddadu ma lahayn goob u gaar ah, waddanka meel kasta waa ay tegi jireen. Degsiimadaasi wadaadka waxa ay ka baran jireen diinta isna xoolo iyo xurmo ayaa uu ku lahaa. Haddaba intaasi waxa ay arar u tahay, Shiikh Xasan Nuur, oo ahaa Sayidka awowgiis, ayaa ka tegey Gobolka Qallaafo, oo ay beeshiisu deggenayd. Waxa uu jaaha saaray halkaa iyo Nugaal, oo ahayd dhul ku wanaagsan dhaqashada xoolaha, maadaama ummadda Soomaaliyeed ee berigaa jirtey xoolo dhaqato u badnayd. Inta badan culimmadu waxa ay diinta dhigisteeda ku beddelan jireen xoolo.

Shiikh Xasan Nuur, markii uu in muddo ah joogey Nugaal, ayaa waxaa gashay hawo guur. Shiikhu waxa uu guursaday gabadh reer Nugaaleed ah, oo mageceeda lagu sheegay Khadiijo Jaamac. Waxaa la sheegay in shiikhu guursaday 4 dumar ah, oo u dhalay carruur tiradooda lagu sheegay 12 wiil iyo 11 gabdhood. Shiikh Cabdulle Xasan, oo ahaa aabbaha Sayid Maxamed, ayaa curadkooda ahaa.

Shiikh Cabdulle Xasan, isaga oo 26 jir ah, waxa uu guursaday gabadh magaceeda la oran jirey, Timiro Seed Magan, oo lagu naanaysi jirey Carro Seed. Waxa ay u dhashay toban carruur ah. Ha se ahaatee Shiikh Cabdulle Xasan, carruurtiisu waxa ay gaaraysay soddomeeyo. Maxamed Cabdulle, waxa uu ahaa curadkii aabbihii, Shiikh Cabdulle Xasan, oo isaguna markii hore ahaa curadkii Shiikh Xasan Nuur. Shiikh Cabdulle Xasan, waa uu soo gaaray dhismihii Daraawiishta, waxa uuna ku dhintay magaalada Taleex, oo ahayd xarunta Daraawiishta, sannadkii 1913-kii.

Maxamed Shiikh Cabdulle Xasan, waxa uu ku dhashay Ciid-Nugaaleed ama Laaso, oo degmada Buhoodle ah, balliga loo yaqaan Sac-ma-deeqo, oo magaalada Buuhoodle u jira 7 mayl, kagana beegan dhinaca waqooyi. Maxamed Shiikh Cabdulle Xasan, waxa uu dhashay sannadkii 1856-dii, taas oo ahayd gu’ barwaaqo ah oo la oran jirey, Gobaysane. Dad iyo duunyo wixii dhashay gugaa hanaqaad ayey wada noqdeen. Waxa uu ku koray Nugaal, halkaas oo reerkoodi yiilleen. Dabciga reer guuraaga ah ee kolba biyo iyo baad raadiska ah ayaa qof kasta, oo miyiga jooga ka dhigi jirey xoolo-raac, Maxamed na geddaas ayaa uu ahaa.

Sidii dhaqanka Soomaalida ee diinta ku lammaani ahaa, Maxamed Cabdulle Xasan, waxaa Qur’aanka loogu bilaabay toddobo jir. Kud-Qur’aan ayaa lagu naanaysi jirey macallinkii Qur’aanka baray. Qur’aankii waxa uu ku dhammeeyey toban jir. Marka wiilku dhammeeyo Qur’aanka, waxaa hubaal ahayd in lagu gargaaro sidii uu cilmiga u baran lahaa. Sidaa daraaddeed, Maxamed, aabbihii ayaa u bilaabay kutubka cilmiga ah. Taasi waxa ay keentay in uu culimmada xerta ah ee cilmiga raacata la fariisto. Marka ay degmada dhex marayaanna raaco oo la socdo. Markii dambe waxa uu ka mid noqday xertii, taasina waxa ay dhashay in loogu yeero Aw Maxamed Shiikh Cabdulle. Derajadaa awgu waxa ay u kordhisay xurmo iyo xushmad.

Dalku masaajid iyo malcamado midna ma lahayn; ha se ahaatee waxaa jirtey meelo xer deggenayd, meel Qur’aanka lagu barto iyo meelo la isugu yimaaddo, oo aan lahayn waqti go’an. Waxaa se jirtey waqtiyo diintu jidaysay in la isu yimaaddo sida; labada ciidood, oo culimmadu dadka wax ugu sheegi jireen.

Maxamed Cabdulle Xasan, waxa uu cilmiga ka bartay shiikh la oran jirey Shiikh Abokor Shiikh Ibraahin, oo degmadiisu ahayd dhinaca Waqooyi ee Webiga Shabeelle. Taasi waxa ay innoo iftiiminaysaa sheeko been lagu tilmaamo oo ahayd; in Maxamed Cabdulle Xasan, dhul badan oo Soomaaliya ka mid ah uu diinta barashadeeda u maray. Maxamed Cabdulle Xasan, meel kasta iyo shiikh kasta ha ka bartee cilmiga, waxaa hubaal ah in uu si wanaagsan u yaqaannay diinta iyo Af-Carbeedka, gaar ahaan qaybta loo yaqaan Cilmi-aale, oo afka Carabiga barashadiisa fure u ah. Markaa ka dib, waxa uu la baxay Shiikh Maxamed Shiikh Cabdulle Xasan.  

AADITAANKII SAYIDKA EE MAKA IYO MADIINA

Shiikh Maxamed Shiikh Cabdulle, markii uu da’da soddomeeyo ku jirey ayaa uu u sodcaalay Xijaas, si uu u soo guto tiirka shanaad ee diinta Islaamka, una soo kororsado diinta. Waxaa sodcaalka ku weheliyey koox culimmo ah oo reer Nugaaleed ahaa. Kooxda tiradooda waxaa lagu sheegay 13. Lama sheegin in hoggaankooda uu ahaa iyo in kale, waxaa se kooxdaas ka mid ahaa laba abtiyaashii ah; Obsiiye Seed iyo Xaaji Aadan Seed. Waxaa la sheegay in qaybtood ay ku dhinteen Maka iyo Maddiina, oo aanay soo noqon, qaarkood na lagu diley dagaalladii iyo jihaadkii.

Shiikh Maxamed Shiikh Cabdulle, markii uu xajiyey, waxa uu jeclaystay in uu Xajka sii joogo si uu u gaaro hadafkiisii labaad ee safarkan oo aynnu kor ku soo xusnay. Waxa uu Xajka kula kulmay culimmo badan oo sii joogtey iyo kuwo caalamka uga soo xaj tegey. Qofka inta uu doono ayaa uu Xajka joogi jirey, xeer u diidaya negaanshahana ma jirin.

Berigaa waxaa jirtey arrin badi culimmadu ka hadli jireen oo ahayd dagaalladii ka socday Suudaan, oo uu Maxamed Al-Mahdi madaxda ka ahaa. Culimmo badan oo dariiqooyin kala duwan kala haystay jihaadka iyo qiimihiisa na faallayn jirey waxa ay ku sugnaayeen Xajka. Shiikh Maxamed, waxa uu ka qayb geli jirey fadhiyaal lagu qaban jirey Majliska Sayid Maxamed Saalax, oo reer Suudaan ahaa, dariiqadii Saalixiyada na abuuray. Shiikh Maxamed, waxa uu qaatay dariiqada Saalixiyada, hoggaamiyahoodii Sayid Maxamed Saalax na waxa ay wada yeesheen fadhiyo gaar ah, si looga wada hadlo sidii dariiqada Saalixiya loogu fidin lahaa Soomaaliya, siyaaradana Mako loogu soo diri lahaa.

Qiyaastii laba gu’ haddii uu Xaaji Maxamed xajka joogey, kana mid ahaa xerta Maxamed Saalax, kana helay fikir buuxa oo ku saabsan Saalixiyada, wixii dardaaran ahna la kala qaatay waxa uu doonay in uu dalkiisii hooyo u soo kicitamo. Markaas na waxa uu gaaray derejooyinka xagga diinta ee dalka Soomaaliya lagu yaqiin oo kala ahaa; shiikh, xaaji, wadaad, macallin iyo aw.

IMAANSHIHII SAYIDKA EE BERBERA

Xaaji Maxamed Shiikh Cabdulle, oo wata dariiqada Saalixiya ayaa Cadan doonni ka soo raacay. Berbera waxaa awood ku lahaa culimmo haysata dariiqada Qaaddiriyada. In kasta oo dariiqada Axmadiya Soomaaliya ay soo gashay, haddana geesta waqooyi waxaa kaga itaal roonaa Qaaddiriyada.

Xaaji Maxamed, markii uu dekedda ka soo degey ayaa nin Ingiriisi ahi waxa uu damcay in uu cashuur ka qaado isaga iyo alaabtiisii ba. Dabadeed Xaaji Maxamed, isma hawlin ee waxa uu ku yiri “Adigu markii aad halkan ka soo degtay, yaa cashuurtii kaa qaaday? Waddanka se ma adigaa leh maxaad canshuur iiga qaadaysaa?” Ninkii Ingiriisiga ahaa ayaa damcay in uu xiro ninka amar diiddada sameeyey, ha se ahaatee ninkii turjumaanka ahaa iyo niman kale ayaa waxa ay ku yiraahdeen innaga daa waa wadaad waalan e. Magaca <mad mullah> halkaas ayaa uu ka raacay.

Shiikh Maxamed, waxa uu degey Berbera, waxa uuna guursaday aafo la oran jirey Barni Xirsi, oo u dhashay carruurtiisa wiilkii ugu weynaa ee Mahdi Sayid Maxamed.  Xaaji Maxamed, waxa uu magaaladii ka bilaabay majlis dariiqada Saalixiya lee dahay, oo dadka lagu barayo diinta. Taasina magaaladii waxa ay gelisay xiisad hor leh. Shiikhyadii magaalada uga soo horreeyey ayaa arrintani gaadhay, mana oggoleyn in dariiqada Qaaddiriya mid aan ahayn ay dalka soo gasho.

Intaa ka dib, waxaa lagu heshiiyey wada hadal. Qolo kasta kutubteedii ayey boorka ka soo jafatay, oo waxaa lagu heshiiyey in mas’alooyin diinta ah la gorfeeyo. Xaaji Maxamed, waxa uu ahaa nin aftahan ah, oo durba magaalada waxa uu ku yeeshay rag isaga taageera oo kutubta ka raacda. Shiikhyadii ka soo horjeeday, waxaa ka mid ahaa; Shiikh Kabiir Aw Cumar, Shiikh Cabdillaahi Caruus, Aw Gaas Axmed, Shiikh Ibraahin Xirsi Guuleed iyo culimmo kale. Doodihii badnaa waxa ay keeneen in Xaaji Maxamed yiraahdo “Qaadka cunistiisu waa xaaraan iyo in gaalada xiriir lala yeesho oo meel lala dego waa xaaraan.” Culimmadii ka soo horjeedday na taas kuma jeclaysan.  

1891-dii ayaa waxaa xeebta ka soo degey, French Roman Catholic Mission, oo diinta Kiristaanka mad’habteeda Kaatooliga fidinaya. Waxaa madax u ahaa Baaderi la oran jirey Father Cypriana. Dabadeeed magaalada Berbera gudeheeda iyo laba meelood oo dibedda ka ahaa oo la kala yiraahdo; Dhaamoole iyo Majacaseeye ayey ka fureen dugsiyo Kiristaan ah, oo carruurta Soomaaliyeed lagu baro diinta Masiixiga.

Shiikh Maxamed, aad ayaa uu dadka ugu sheegi jirey waxyeellada gaalada iyo gumeystaha. Waxaa dhacday arrin kicisay dadkii magaalada ku noolaa. Turkigii haysan jirey magaalada Berbera ayaa waxa uu xeebta ka dhisay daar weyn oo dawladdu lee dahay iyo masaajid ku qabsan. Daartii waxaa degey nin Ingiriisi ah, masaajidkiina waa laga addami jirey waana lagu tukan jirey. Gaalkii in badan ayaa uu ka cawday oo culimmadii waxa uu ku yiri iga daaya qayladiina, ha se ahaatee dheg jalaq looma siin. Maalintii dambe, ayaa uu xabbad ku dhuftay ninkii ka addamayey masaajidka.

Xaaji Maxamed, wixii uu bulshada uga digayey ayaa dhacay, waxa uu sii labanlaabay waanadiisii waxa uuna bulshadii ku guubaabiyey in la jihaado. Rag sirdoon u ahaa Ingiriiska ayaa gaalkii magaalada haystay u tegey waxa ayna ku yiraahdeen “Wadaad dhiirran oo dawladda iyo dadka daacadda u ahba aad war uga sheegay, ummaddana isku diraya ayaa jira.” Arrinta aan jecelahay in aan xuso waxa weeye; wadaadkii la oran jirey Aw Gaas Axmed, ayaa gaalkii u tegey waxa uuna ku yiri, haddii aydaan ninkan iska qaban hadda, meel fog ayaad u dooni doontaan. Aw Gaas, waxa uu dalbaday hadalkiisa in la qoro. Marki uu rumoobay na waxaa loo qoray mushahar uu qaadanayey intii ka dhimanayey.

KA BIXIDDII SAYIDKA EE BERBERA

Shiikh Maxamed Cabdulle Xasan, waxa uu goostay in uu magaalada iskaga baxo, oo uu xagga miyiga ka soo bilaabo wax sheeggiisa. Shiikh Maxamed, waxa uu miyiga ku doortay saddex qodob;

  1. Tirada ugu badan ee dadku waqtigaa waxa ay deggenaayeen miyi.
  2. Reer miyigu waa ka oodnaayeen xeeladaha gurracan ee Ingiriiska, waxa ayna ugu muuqatay in uu ujeedkiisa ka dhaadhicin karo.
  3. Reer miyigu xiriir iyo heshiis midna lama lahayn Ingiriiska.

1897-dii dabayaaqadeedii, ayaa Shiikh Maxamed ka huleelay magaalada Berbera. Waxa uu sii maray halkii ay ka furnaayeen dugsiyadii ardayda Soomaaliyeed lagu barayey diinta Kiristaanka. Waxaa la sheegaa in Shiikh Maxamed, uu u yeeray wiil ka mid ah wiilashii la barayey diinta Kiristaanka. Waxa uu ku yiri, “Magacaa?” Wiilkii waxa uu yiri, “Waxaa la i yiraahdaa Joon Cabdillaahi.” Halkaa waxa uu ka dhadhansaday sida diintii dadkiisa loo beddelay, dalkiina loo qaatay.

Shiikh Maxamed, waa uu ka sii gudbay. Waxa uu sii maray Shiikh, oo Dariiqo Qaaddiri ahi tiil. Shiikhu, culimmadii magaalada joogtey waxa uu kala hadlay gaalada diintooda ku faafinaysa dalka. Waxa uu uga sii gudbay Burco, oo ahayd ceel xooluhu ka cabbaan. Waxa uu u sii dhaafay Oodweyne, oo uu kula kulmay Suldaan Nuur Axmed Ammaan, oo halkaas magac weyn ku lahaa. Halkaa si wanaagsan baa loogu soo dhoweeyey Shiikh Maxamed, suldaankiina waa is-afgarteen.

QORYAWEYN

Qoryaweyn, waa ceel magaalada Caynaba dhanka galbeed kaga beegan.  Sayid Maxamed, halkaas ayaa uu ka unkay Daraawiish sidoo kale na ka bilaabay fidinta Saalixiyada. 1898-dii ayaa Sayid Maxamed, ceelkaa Qoryaweyn hooso ama waab lagu tukado kutubtana lagu raacdo ka dhisay. Muddo gaaban ka dib, waxa uu u rogey masaajid weyn. Waxa uu dadka ugu baaqay; in diinta la barto, in xoolaha siyaarada laga bixiyo, in dariiqada lagu soo biiro iyo in daraawiish la noqdo. Dadkii aad ayey ugu riyaaqeen Saalixiyada, magicii Daraawiish na waa hirgalay. Shiikh Maxamed, waxa uu isku hawlay in uu xumaantii dadka ku dhex jirtey ka saaro oo uu heshiis dhex dhigo. Taas na waxaa ka dhashay in dadku yiraahdaan, “Waa weli Eebbe dadka u soo diray.” Sayidku waxa uu dadka u sheegay baahida uu u qabo hub iyo fardo. Buntukhii u horreeyey waxa uu ka helay rag ilaalo u ahaa Ingiriiska, oo uu neefaf geel ah ka siistay, walow uu ninkii lahaa yiri waa la iga xoogay.

1899-kii, ayaa Sayid Maxamed, waxa uu isku dubba riday dad lagu qiyaasay 5,000 oo qof. Rag iyo dumar isugu jira, oo magaca Daraawiish wata. Xoolo ku filan oo geel iyo fardo u badanna haysta iyo labo boqol oo buntukh. Ingiriiskii waxa uu rumaystay in dhaqdhaqaaq halkaas ka jiro, balse waxaa cabsidii ka tirtay markii daraawiish u guurtay dhinacaa iyo bari.

Daraawiish waxa ay degtay balli la oran jirey Dareemacaddo, oo Buuhoodle waqooyi galbeed kaga beegan. Dadkii Nugaal yiilley dhammaantood waxa ay noqdeen Daraawiish. Sayidku waxa uu ku caan baxay deeq, af-tahannimo, wax garadnimo iyo isaga oo diinta Islaamka aqoon durugsan u lahaa. Dadkii meel walba waa isaga yimaaddeen, si ay u dhegeystaan hadalladiisa murtida iyo waanada isugu jira.

Nin baa geel u raaci jirey nin kale oo maal-qabeen ahaa oo la oran jirey Firin Qodax. Ninkii markii uu dhowr gu’ geelii raacay ayaa uu weyddiistay xaqiisii, Firin Qodax waa u diidey. Ninkii waxa uu soo dhacay faras, waxa uuna u yimi Daraawiishtii. Firin Qodax, waa uu ka daba yimi. Waxa uu arkay faraskiisii oo fardaha daraawiish ku dhex jira, waxa uu yiri, “Faraskaa aniga ayaa la iga soo dhacay e, ha la i siiyo.” Ninkii soo dhacayna Sayidka ayaa uu xogtii uga warramay. Dabadeed Sayidku waxa uu ku yiri Firin, “Ninkani xaq buu sheeganayaa e ka gar bax.” Firin waxa uu yiri, “Haddii uu wax iga sheeganayo Ferenjiga ha u tago oo ha i dacweeyo, faraskaygana ha la i siiyo.” Sayidku waxa uu yiri, “Mar haddii aad gar qaybta Muslinka diiddey, oo tan gaalka oggoshahay, gaal baad tahay, oo waad xujowday, sharciguna waa ku dilayaa.” Halkii ayaa lagu diley.

BILOWGII DHAQDHAQAAQA

Waxaa la yiri mar haddii aan diinta difaacaynno waxa aan u baahannahay in aan urursanno dad iyo duunyo. Waxaa lagama maarmaan ah in aan garab iyo gaashaan ka helno degmooyinka galbeed ee Beer, Burco iyo Oodweyne. Rag 5,000 lagu qiyaasay, oo Sayidkuna hor kacayo ayaa u ambabaxay galbeed.  Dadkii halkaa deggenaa dhiillo ayaa gashay, oo waxa ay moodeen in iyaga loo socdo. Ha se ahaatee waxaa lagu yiri gaalada iyo dadka raacay ayaa aannu ku jihaadaynaa.

Dacaayad la fidiyey oo ahayd in wadaadku Berbera gubi doono, waxa ay dhashay in Hindidii iyo Carabtii maal-qaabeenka ahaa ay ka qaxaan Berbera oo Cadan aadaan. Daraawiishta ujeeddadoodu waxa ay ahayd dhoollatus iyo hanjabaad, sidii ay doonayeen waa u meel martay. Iyaga oo xoolo siyaaro loo siiyey oo geel iyo fardo u badnaa wata ayey dib u noqdeen.

Dayrtii la oran jirey Tawasulle, ayaa Daraawiish xag bari u sii guurtay. Warkoodiina aad buu dadka ugu sii baahay, waana loo riyaaqay. Geeddigaas waxaa laga lahaa laba ujeeddo;

  1. Sayid Maxamed, oo doonayey in uu dhex tago abtiyaashii si uu garab, gaashaan iyo gargaar ba uga helo.
  2. Ololaha Daraawiishta oo lagu faafiyo dadka bariga deggen.

Dabadeed dariiqadii waxa ay tagtay Dhuuglim, Widh-widh iyo hareerihiisa. Dadkii waa batay, waxaa la gartay saddex hal;

  1. In la abuuro rag la yiraahdo Qusuusi, oo had iyo jeer Sayidka la taliya.
  2. In la sooco Gaarhaye xarunta gudeheeda iyo Sayidka ilaaliya.
  3. Qofka la garan waayo, ama la maleeyo in uu Daraawiish ka meel yahay in marka hore la waaniyo, haddii uu ku qaadan wayo na laga tashado.

Waxaa la wariyey laba nin oo la kala oran jirey Xaaji Cismaan Cali iyo Cali-Askar Maxamed, ayaa Sayid Maxamed, u geeyey labaatan buntukh, oo midkiiba ka siistay toban geel ah.

DILKII GARAAD CALI

Garaad Cali Garaad Maxamuud, oo reer Nugaaleed boqor u ahaa iyo rag kale oo talada ku raacsanaa ama la talin jirey ayaa diiddanaa arrinta Sayid Maxamed wado. Rag xigto u ahaa ayaa loo direy si ay Garaadka u soo xero geliyaan. Garaadka markii loo tegey waxaa uu ku jawaabay, “Wadaadku wixii diin ah ha xukumo. Wixii reer ah ama dadka Nugaal deggen xaalkooda ha dhaafo, annaga dhulkayaga gaalo ma joogto, tan xeebaha iyo magaalooyinka lagu sheegay na annagu dagaal ku doonan maynno.”

Maalintii dambe ayaa uu Sayidku cid u direy Garaadka waxa uuna ka dalbaday in ay tashadaan oo uu u yimaaddo. Markii uu Garaadku yimi ayaa uu Sayidku ka dalbaday in ay iyagu qol gaar ah ku shiraan. Garaad Cali waa ka biyo diiday, in uu raggiisa ka tago. Sayidku markaa waxa uu u hawl galay in uu hagaajiyo aqal weyn oo ragga wada qaadda. Garaad Cali inta uu eegay ayaa uu yiri, “Kabash-kabashley, wallee aniga iyo adigu Nugaal kama wada talinno.”

1899 bishii Oktoobar, ayaa sir lagu ogaaday in Garaadku laba warqadood u kala diray Ingiriiska iyo Boqor Cismaan, oo gobollada bari u talin jirey. Waxa uu ku yiri warqaddaa, “Wadaad Ogaadeen ah oo dariiqo aan dhulkan laga aqoon wada ayaa dhulkii walaaqay, dadkiina kaxaystay, dab iyo askar ba ii soo dir.” Labadaa warqadood tii Ingiriiska u socotay waa la qabtay. Tuhunno hore iyo tani waxa ay sababeen in Sayidku rag u diro Garaad Cali, isaga oo war ma qabto ahna la dilo.

DARAAWIISH IYO OGAADEEN

Dilkii Garaad Cali awgiis, Daraawiish waxa ay ku sigatay in ay kala yaacdo. Waxa ayna la noqotay in ay Nugaal ka guuraan oo xaggaa iyo Ogaadeen u kacaan. Daraawiish waxa ay saldhigatay Haraadigeed, oo ah bartamaha degmada reer Subeer. Cabdi Maxamed Waal, oo ahaa nin la yaqaan ayaa Daraawiish hor kacay si wanaagsanna waa loo soo dhoweeyey. Sayidku waxa uu u dhisay walaashii Tooxyar Shiikh Cabdulle. Sayid Maxamed, markii uu ujeeddadiisa u sheegay dadkii waa la dhaceen. Dad badan oo is hayeyna waxa uu dhex dhigay heshiis.

Muddo dabadeed ayaa Sayidku dadkii deegaanka isugu yeeray waxa uuna weyddiistay in jihaad loo guntado, diinta iyo dadkeeda na loo hiiliyo, dab iyo faras wixii la hayo na Daraawiish loogu deeqo. Sayidku waxa uu maanka ku hayey sidii uu u heli lahaa 72 buntukh oo dadka deegaanku ka furteen Xabashi dagaal ku soo qaadday. Muddo dhowr toddobaad gudahood ah ayaa lagu keenay 72 qori, rasaastoodii iyo boqollaal fardo ah.

Markii Ingiriisku ka war helay in ay Daraawiish, u guurtay dhul Ogaadeen, waxa uu warqad u diray boqorkii Itoobiya, oo uu kaga dalbanayo in uu ciidan ku saaro. Boqorkii Itoobiya Harar ayaa uu ciidan kaga saaray. Ciidankii Itoobiya iyo Daraawiish waxa ay isku fara saareen Ceelka Jigjiga. Si ba’an ayaa halkaa la isugu diley. Itoobiyaanka waxa ka dhintay 230 nin, halka Daraawiish 170 ay ku waayeen. Xoolo iyo hub door ah markii ay Daraawiish ka soo furatay Xabashidii, waxa ay dib ugu soo noqotay xaruntii.

Bishii Juun 1900, Sayid Maxamed waxa uu duullaan ku qaaday beelo deggenaa inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Oodweyne, oo lagu tuhmay in ay xiriir la lee yihiin Ingiriiska.  Geel lagu qiyaasay 2 kun oo halaad ayey degmooyinkaa ka dheceen. Duullaankaasi waxa uu caan ku ahaa Dayax-weerar. Waa duullaankii ugu horreeyey ay Daraawiish qalqaalo ugu kacdo, xoolo Soomaaliyeedna lagu dhaco.  

DAGAALLADII AY DARAAWIISHTU GALEEN

Dagaallada ay galeen Daraawiishi, waxaa ugu waa weynaa; Af-bakayle, Fardhiddin, Beerdhiga, Cagaarweyne, Daratoole iyo Jidbaale. Tirada qoraalka la iga rabo oo xaddidan awgeed waxa aan xoogga saari doonaa afarta dagaal ee ugu horreeya, inta soo hadhayna waa aan guudmari doonaa.

AF-BAKAYLE

Af-bakayle, waxa ay magaalada Laascaanood kaga beegan tahay dhinaca galbeed, markii dambe Haradhiig ayaa loo bixiyey, ka dib dagaalkaa dhiigga badani ku daatay.  Bishii Abriil 1901-dii, ayaa Ingiriisku ciidan saddex madax leh ku soo saaray Daraawiish. Colkaasi waxa ay ka koobnaayeen Caddaan aan badnayn, Hindi, Sawaaxili iyo Soomaali. Waxaa ciidanka ammaanduule u ahaa Gaashaanle Dhexe Swayne. Ciidanka Ingiriisku waxa uu watay hub kala duwan, geel laba jaad ah, mid rukuub ah iyo mid la raro, fardo iyo buquul. Ugu dambayn waxa uu ciidankii saldhigtay Af-bakayle.  

Daraawiish xarunta ay deggenayd waxaaa la oran jirey Baaraan, oo 20 mayl u jirta Laascaanood.  Markii laga war helay colkaa ayaa Daraawiish isu ciidansatay. Saddexdii Juun, 1901, ayaa la isku hor fariistay balliga Haradhiig goor barqo ah. Markii qorraxdu nin jooggii le’ekayd ayaa dagaal kharaar bilaabmay. Ninka darwiishka ahi waxa uu u soo diyaar garoobay janno iyo guul mid kood. Saacado ka dib, Daraawiish waxa ay gudaha u galeen xeradii cadowga. Khasaraha labada dhinac ma yarayn. Labada dhinac min 70 ayaa kaga dhimatay dagaalkaa. 20 ayaa ka dhaawacantay Daraawiish, halka Ingiriiska 80 ka dhaawacantay. Tirooyinka waa lagu kala duwan yahay.

FARDHIDDIN

Fardhiddin waa goobtii labaad, ee goobaha caanka ah. Waxa ay 50 mayl dhinaca bari kaga beegan tahay Laascaanood. Fardhiddin waa doox, buuraha hawdka dhexdooda ah, oo afar dul leh, gees walbana waxaa ka xiga bookh bannaan oo laga galo, lagana baxo. Ingiriisku markii uu arkay xoogga Daraawiish, iyo sida ay naftood hurayaal u yihiin waxa uu go’aansaday in uu dagaalkan gaadmo ka dhigo, oo uu xaruntooda weeraro.

16-kii Luulyo 1901, ayaa colkii Ingiriisku goor arooryo ah weerar ku soo qaadeen xaruntii Daraawiishta, ha se ahaatee Daraawiish habeenka gelinkiisii hore ayey ka guureen. Laba buurood oo waddada colka Ingiriisku soo mari lahaayeen labada dhinac ka xiga hawdna ah ayey kaynta dhexdeedii u galeen. Markii waagu dillaacay ayaa ciidankii Ingiriiska is yiraahdeen xarunta qabsada. Kuwii Daraawiishta ayaa markiiba dagaalka kala horreeyey. Illaa iyo barqo dheer ayaa rasaas la isku ridaayey. Labada geesoodba dhimashadu hayb ma lahayn. Daraawiish ayaa goobtii u hadhay, dab iyo maal wixii gaalku watayna waa ka meersadeen.

BEERDHIGA

Beeridhiga waa goobtii saddexaad goobaha waa weyn. Waxa ay ka dhacday meel la yiraahdo Xodayo, oo Gaalkacayo waqooyi ka xigta. Dagaalkii Fardhiddin dabadeed, Daraawiish waxa ay u guurtay hawdka dhiniciisa koonfur iyo Mudug xaggiisa sare. Danta ay ugu guureenna waxa ay ahayd tigaaddii oo dhankaa u badatay iyo u diyaar garow dagaal kale. Ciidankii Ingiriisku waxa uu degey meel la yiraahdo Sallaxa Eeraggo, oo ceelka Roox galbeed kaga aaddan.

Oktoobar 6-deedii 1902, goor ammintu arooryo tahay ayaa jilbaha la isu dhigay balliga Xodayo.  Dagaalkaa ba’ani waxa uu socday tan iyo habeenka gelinkiisii dambe. In kasta oo rag badan Daraawiish laga diley, haddana iyaga ayey guushii raacday. Gaashaanle Swayne hawadii uu qabayna waa beenowday, dab iyo maal wixii uu watayna wa laga furtay. Markii guusha Daraawiish gees walba gaadhay ayaa safarro maal iyo dab ba leh loo soo raray.

CAGAARWEYNE

14-kii Abriil 1905, ayaa galabnimadii col Hobyo ka soo degey ceelka Gallaadi yimaaddeen. Waxa ay halkaa kula kulmeen nin Darwiish ah oo dhaan ah. Markii uu xog ka siin waayey Daraawiish ayey xireen, ha se ahaatee habeenkii ayaa uu ka fakaday, oo Daraawiish uga warramay wixii uu soo arkay.

16-kii Abriil, aroornimadii ayey Daraawiishi ciidankii Ingiriiska dul fariisatay. Kolkii waagu dillaacay, oo ay salaaddii tukadeen ayey afarta gees kaga dhufteen. Muddo yar ka dib, Daraawiish rasaastii waa joojisay. Nin walba inta uu buntukhiisii xeraystay, ayaa uu ablay la soo baxay, iyada oo rasaastii dhacayso ayaa uu cadowgii la dhex galay. Abbaaro 11-kii duhurnimo ayaa ciidankii koowaad ee Daraawiish u banneeyeen ciidankoodii labaad. Iyaga oo carcartoodii qaba ayey iyana galeen. Dagaalkaasi Ingiriis waxaa ka soo gaaray jabkii ugu xumaa. Waxaa la sheegay in ciidankii Ingiriiska ee dagaalka galay wax nabad qaba goobtii ay ka tageen lix nin! Kowdii duhurnimo ayaa wax dhaqdhaqaaq ah dhinac kasta laga waayey. Daraawiish iyaga oo gabayo tirinaya ayey gurteen wixii gaalku watay ee dab iyo maal ahaa.

GUNAANAD

18 gu’ markii uu dagaalku socday habeen iyo dharaarna foodda la is darayey. Labada geesood la isku hoobtay, dad iyo duunyona lagu cayroobay. Ingiriiska talo ayaa ku caddaatay, dabadeed waxa uu goostay in Daraawiish dayuurado lagula dagaallamo mooyaane aan si kale waxba looga qaadi karin.

Jannaayo 1919-kii, ayaa Ingiriisku Daraawish kaga soo duulay cir, bad iyo berri ba. Siddeeddii dayuuradood ee ugu horreysay waxa ay duqeeyeen Mirashi, Jiidale iyo Badhan, oo Daraawiishtu qalcado ku lahayd. Markaa ka dib, Daraawiish waxa ay la noqotay in aan Nugaal dayuurado lagu dagaallami karin, waxa ayna u guureen koonfur si ay u xoojiyaan ciidammo Webiga Shabeelle aaggiisa fadhiyey oo uu madax u ahaa Khaliif Shiikh Cabdulle. Nin haray iyo nin itaal waayey mooyee Daraawiish waxa ay isugu tagtay Qorra, Shinniille iyo Hora-shagax oo intuba ah dhul Ogaadeen, halkaas ayeyna xarun ka dhigteen. Rag talo kama dhammaato waxa ay ku hammiyeen in ay dib isu urursadaan.

Raggii heeganka ahaa wax loo kala garan waayey duumo iyo daacuun ayaa Eebbe ku ekeeyey. Raggii duullaanka ahaa waxa ay noqdeen in taal iyo in tarabtarab u le’atay. Ingiriis markii uu ka war helay, ayaa uu ciidan ku saaray. Waxaa hoggaaminayey Sir Ardher, Somaaliduna u tiqiin Carsha-dheere.

Colkaasi waxa uu dad helayna waa laayey, wixii duunyo ahna waa taabtay. Xoolahaas waxaa ka mid ahaa geelii la baxay Hagoogane. Firxadkii Daraawiish waxa uu galay Qarrijiqood, oo Wabiga Shabeelle xaggiisa sare ku taal. Waa meeshii ugu dambaysay oo Daraawiish daar ka dhisato.

GEERIDII SAYIDKA

Alle ha u naxariistee Sayid Maxamed, waxa uu ku geeriyooday aagga Webiga Shabeelle, gaar ahaan degmada Iimey sannadkii 1921-kii. Waxaa la sheegaa in uu u geeriyooday xanuun lagu sheegay duumo iyo qandho, oo Daraawiish si ba’an u haleelay.

TIXRAAC

Buugga Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, ee uu qorey Aw Jaamac Cumar Ciise.

 

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Kaalinta 2: Garta dhaqanka iyo garsoorka Soomaalida

Curiskii ku guuleystay kaalinta labaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Umadda Soomaaliyeed ...

Kaalinta 3: Hal ka mida hawlkarnimadii haweenkeenna

Curiskii ku guuleystay kaalinta saddexaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Hordhac Sinji aw ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *