Home / Suugaan / Silsiladdii Xaydha: 6 (Dhammaad)

Silsiladdii Xaydha: 6 (Dhammaad)

Sidii aan qormadii koowaad kusoo xusay, far Soomaalida iyo af Soomaaliga oo in badan kala da’ weyn aawadeed, waxa hallaabay ama marar badan madmadow isku gedaamaa suugaan badan oo haddii qoraal lagu sugi lahaa, afkeenna dhumuc iyo dhadhanba ku biirin lahayd. Yeelkeede, wax aynu dugsanno ama wax ku dul dhisi karno waynu soo gaadhney. Silsiladdan Xaydha lafteedu ma wada dhamma oo sidii wax u dhaceen looma wada xasuusto, balse inteedii mugga lahayd, ujeeddadana iftiiminaysey way ina soo gaadhey oo waynu haleelnay. Haddaba, tixaha soo socda oo ah kuwa aan kusoo afmeeri doono taxanahan, ma wada dhamma, mana dhumuc yara ee sidaa ku guddooma akhristeyaal.

Waxa inoogu dambaysey iyadoo Aar Xandulle iyo Guuleed-Xawaash isu halceliyeen, kaddib markii Aar Xandulle ku yidhi Guuleed-Xawaash, “sheekada candhuuqada ha usoo gelin ee soo kulaal”. Guuleed-Xawaash na markii uu arrinkaa liqi waayey, waakii mariyey tix uu ku faahfaahinayo sababta keentay inuu gartan wax ka galo iyo weliba meeqaanka uu bulshada ku dhex leeyahay, iyadoo ay weheliso waxoogaa hanjabo-Ruush ah oo uu Aar ugu quus goynayo.

Waayahay… Teer iyo markii ay bilaabantayba waxa meertadan ku garramayey laba saf oo is quwad le’eg. Safka hore waxa uu xoojinayey dooddii Weerar Cali Geelle ee ahayd, “Allaylehe ninkii xididkiisa xaydha ka waraabshey inuu xishood darraa”, waxaana hormuud u ahaa Maxamed Nuur Abokor oo “Huube” loo yiqiin. Safka labaadna waxa uu difaacayey Xirsi Cali Buraale (Xirsi-Caamir) oo dulucda weedhiisu ahayd, “hadduu dhuunigu silloonaa, maxaa loo dharqanayey?” Safkaana waxa horkacayey Diiriye Aw Guuleed Warsame.

Haddaba markii gabaygii xaydhu go’i waayey, gees walbana u duulay ayaa ragga qaarkii Diiriye Aw Guuleed ku yidhaahdeen: “Diiriyow gartii waxay u muuqataa in laydinka heley e, xaajada qarsada, xaalna bixiya, muranka xaydhana halkaa ku xabaala”.

Diiriye Aw Guuleed arrinkaasi uma qudhqudhsamin. Iska dhaaf inuu qarsado e, qaylo dhaan hor leh ayuu dirtay. Si uu medad ugu noqdo, raggana wax uga jebiyo, waxa uu u habarwacday nin la odhan jirey Xaaji Jaamac Abokor oo markaa Bari gacalkii kula ollog ahaa, watarracda dhacdayna moogganaa.

Bilowga tixdiisa (oo aan dhammayn) ayuu Diiriye ku gacan saydhayaa nimankii ula yimi dabuubtii ahayd “gaagaabso oo garowshiinyo bixi”, isagoo ku tilmaamay kuwo caddaaladdii can-gashi dhaafsaday oo dibnahooda la kiraystay. Wuxu yidhi Diiriye:

Qawdhan iyo malaa Jaamacow, waa i qaladeene

Qarshi iyo waxay dhaafsateen, quudki tuulada e

Qayrada Xirsi Cismaan intaan, qaylo marinaayo

Ee Xaajigii Qararre jirey, qabarku gaadhaaayo

Qarsiinada miyaan yeelayaa, Qaadir baa jira e

******

Xaaji Jaamac Abokor ayaa tixdii gaadhey. Warkii ayuu helay, wixii laga yidhina waa loo mariyey. Isla ninkii gabayga u keenay, ayuu isna usoo xambaariyey tix uu Diiriye iyo colkiisa ku garabsiinayo, Weerar Cali iyo ciddiisana ku canaananayo.

Horraantaba, Xaaji Jaamac waxa uu tilmaamayaa, asluubtu waa sed e, arsaaqdii afka la gashaday ee la alamsaday, ku akeekamiddeedu inay wax laga istixyoodo tahay. Intaa wuxu raaciyey, subag iyo saaruq kay ahaydba, soortii lasoo sahayday, mar haddii aan la saydhin, asii lagu soo wada siqay, waxa uu Weerar la sarakacaaba inuu hadal sirgaxan yahay. Wuxu yidhi Xaaji Jaamac:

Axmedow ninkii qabanayaan, qodob u sheegaaye

Qararre iyo waataan fadhiyey, gurigi Qoorwaaye

Qabaarkaba nin hayn baan ahoo, qoobka dhacay mooge

Qaylada dhankaa iiga timi, qoladi aan sheegtay

Qurux malaha dhuunigu haddii, laysku qoonsado e

Qasaarii Salaan waa wixii, jaray qudheenniiye

Jiilaal qawaarsaday abaar, qamacu duulaayo

Horta yaa bal qoonsaday ninkii, subagga soo qaaday?!

Haddii aa qubtaan Weerarow, quni ma yeedheene

Hadduu subaggu qudhun yahay maxaa, loo qudhqudhinaayey?!

******

Illeen hadal lama dhammeeyo!

Weerar Cali oo sedriga gashaday inuu dooddii isagu ku gacan sarreeyay, sow taar meel dheer ka yimi saqdhexe ma kicin! Sow nin qabar-maafish ahaa oo qisadii loo geeyay uma qiil deyin! Goor uu dibnaha furtayba intuu garan waayey, ayuu Weerar Cali Geelle qummaati ugu jawaabey ninkii Qararre joogay. Isagoo ka jawaabaya midhkii ahaa “maxaa u qubi weydeen?” ayuu Weerar iftiiminayaa wixii ku xanbaaray, in la qubo daaye, soortii xilka lahayd in lagu soo xoomo. Wuxuu sheegay in jidaashii lasoo maray iyo kayntii lasoo jibaaxay ee aan jinaw iyo jaan wax jidiinkaa la mariyo lahayni ay ku jirrabtay, inkastuu jaahu diidaayey, inay kala jiitaan jicsinkii fara-ku-dhegga lahaa. Tixdii Weerar oo aan dhammayn waxa ka mid ahaa:

Qabaarkaba nimaan haynin oo, qaafilaa tahaye

Qararre iyo waxa aad fadhidey, gurigi Qoorwaaye

Subaggii qudhmuunaa waxaa, loo qudhqudhinaayey

Qarfadii la marayey naftii, qado u waayeene

Nin qudhiiba haysaa xarrago, qayb ka geli waaye


DHAMMAAD…

W/Q: Shaafici Qaasim Nuur

Email: shaaficiqaasim@gmail.com

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Silsiladda Xaydha 2

Akhristeyaal aan idiin soo koobo, idinna xasuusiyo qaybtii hore ee qoraalkane, waatey ahayd afartameeyadii qarnigii ...

Silsiladdii Xaydha 1

“Meeshaan hannaan gobannimo iyo, hadiyad eegaayey  Haf miyaad la tidhi xaydh sidaad, haan ku dhayanayso” ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *