Home / Suugaan / Silsiladda Xaydha 3

Silsiladda Xaydha 3

Mugga sow silsiladdii halkaa haka socoto maaha? Sow nin waliba tarkii haka gar naqo maaha? Oo weliba gabay hasoo adeegsado maaha?! Waataynu soo sheegnay in ninkii ugu horreeyey ee arrinka xaydha ka garnaqay uu ahaa Maxamed Nuur oo “Huube” loo yiqiin. Sidoo kale Diiriye Aw Guuleed Warsame waatuu cagidiiba hadal ka keenay hannaankii gar-qaadiseed ee Huube.

Waayahay… Halkan ayaa waxa meertada kasoo gelaya Aar Xandulle Nuur oo uu Huube adeer rumaad u ahaa. Aar Xandulle markii uu xaajadii maankiisa la kaashaday waxa u muuqatay, gari Allay taqaannaaye, in adeerkii Huube hawshii garqaadista ee uu galay aanu kasoo dhalaalin, balse uu ku barbarriiqday. Isagoo aad mooddo garsoore madaxiisu ku cirreystay miiska dacwadaha, ayuu Aar Xandulle Nuur inoo balballaadhinayaa waddadii ay isaga la ahayd in gartaa loo maro.

Wuxuu ku doodayaa inay qummanayd in gartaa guddi madax bannaan loo saaro, oo welibana wixii adduun ah ee xaajadaa ka midho-dhalinteeda ku baxaya meel la saaro, si looga bedbaado laaluushka doc-ka-tuurka ah ee waqtigan la joogaba halakeeyey hannaankeenna garsoorka. Si lillaahiya markii arrinkaa loo lafoguro, labada dhinac na laysu soo fadhiisiyo, in mudduciga markhaatiyo la weydiiyo, haddii uu soo waayana madaacaleyga millad laga doono.

Marka aan kugu jalbeebiyo meerisyada xaaja-yaqaannimadu ku gobo’ tidhi ee uu Aar Xandulle arrintaa kaga garnaqay, ayaa waxa markiiba maankaaga kusoo degdegaya mid ka mid ah afartankii xadiis ee wadaaddada Shaaficiyadu xerta u laqbayn jireen kolka ay cilmiga xadiiska u seesdhigayaan. Dhaqan-yaqaanka qaarkii ayaa yidhaahda gabayaaga Soomaaliyeed wuxuu u badan yahay isagoo masalooyinka shareecada bowsi uun ku maqlay, inuu haddana tixihiisa maanso si farshaxannimo leh ugu dhex sooho.

Kolka uu Aar Xandulle hilinka u jeexo halkii ay ahayd in gartaa la mariyo, ayuu usoo daadegayaa inuu wax ka yidhaahdo arrinkan lagu kala saftay ee dhinac na dooddiisu tahay “haddii dhuunigu silloonaa maxaa loo dharqanayey?”, dhinaca kalena ku adkaysanayo in tafantoofkii toobiyaha dheeri uu ku moohaariyey, wax kastaba ha ahaadee, wixii la helayey in la calafsado.

Sida uu xogta ku helay Aar, raggii socotada ahaa waxaa bacadle awr uga milaallaa soor jaad walba leh oo ay ka mid ahayd timir, caleen-shaah iyo weliba iidaan kale. Haddaba mesalada maankiisa gadday ayaa waxay tahay, haddii subaggii sahayda loo sitay la qoonsaday, sowtan awrta xidhiidhsani la dhigijac leh soor jaad kastaba isugu jirta, maxaa ragga looga urquumi waayey?!!  Wuxuu yidhi Aar Xandulle Nuur:

Milgaha gabay Cismaanow beryahan, waanigaan marinne

Ka mastuurtay waa hore haddaan, miigganaan jiraye

Rag wixii is maagaba garbaa, lagu muquunshaaye

Waxaan anigu maankay ka helay, marinna aan mooday

Kol haddaan mudducigii gartaa, marag usoo joojin

Ama aan madaacaley wallii, lagula soo meerin

Aan labada meelood dacwiga, laysu soo muujin

Oo aan guddidu meel u bixin, kharashna meelaynin

Waa ila maroor Caamirow, moosku kugu ciirye

Afartaa wax lama miiciyee, maadh maka caddeeyey

Midhna waxaan ka idhi xaajadii, la isku maan dhaafay

Meeshaa ma joogine waxaa, igu maqaaloobay

Margi-weyne awr bay hanfaha, uga milaallayde

Masruuf waa siteen jaad kastaba, mudanka sooreed e

Timir malab leh shaah mulukiyaa, miingi ka ahaaye

Macalluul ka-yaab iyo xarrago, waaba kala maane

Muslinnimo haddii loo garnaqo, marinka dawleeya

Uu marag u furo xoolahaa, layna maqashiiyey

Miyaan xaydh madow maalinkaa, lagaga maarmaynin?!!

*****

Markii ay halkaa marayso, oo ay gaadhey in wiil iyo adeerkii laba saf kala raacaan, ayaa waxa meertadii kusoo biiray nin la odhan jiray Jaamac Xirsi.  Jaamac marka hore waa ladqabo. Waxa uu tolweynaha guud iyo ardaaga arrintani ku rafatayba usoo jeedinayaa inay arrinka xaydha soo afmeeraan maadaama uu soo jiitamay. Waxa uu dareensiinayaa in jarmaade, guure iyo galab-carrawtiinba geedkii shaxda iyo golihii shirka ay kusoo dhacayaan gabayada xaydhu. Sidaa awgeed, kub geeljire kor looma dhaqo e, waxa uu Jaamac ku talinayaa inay arrinkooda hoos hoos u dhammaystaan, si aan duddooyinka kale ugu maadsan.

Odayeyntaa kaddib ayuu Jaamac Xirsi weedhiisa ka ridanayaa wixii la isku maan dhaafay. Waxa uu hadal ku gooyey mar haddii aad baradaada ka durugto inay baahiyi kula ollog tahay, sidaa awgeedna nimankii soortii xilka lahayd faraha geliyey loogu garaabayo, maxaa yeelay duruufta ayaa ku moohaarisay. Halkaas ayuu Jaamac Xirsi ku raacay safkii Weerar Cali iyo weliba Huube, isagoo Xirsi-Caamir na ku maagay inuu seediyaashii saaruq usoo miiray.

Ugu danbaynta ayuu Jaamac si toos ah u abbaarayaa Diiriye Aw Guuleed oo uu ku tilmaamay nin uu ficil qaaday, haddii aanu is yeel yeelayna ay isagaba u muuqato in gartii laga helay.

Waxa uu yidhi Jaamac Xirsi:

Nimanyow gondaha reer Xirsi, iyo guudka Habaryoonis

Haddii gabaygi xaydhee fogaa, haatan go’i waayey

Oo weliba lama gaabinnine, gees walba u duulay

Galka Beeratiyo Ceelxumiyo, gobabka Oodweyne

Gaashaamo iyo Yucub-yabooh, gooddiyada Ceelka

Iyo Goodirraale iyo Xalxalis, geedo laga waabtay

Guryuhu badane haywaadharkiibaa, galabta keenteene

Waarbal gaabsada yaanu noqon, gocondho weeyaane

Rag se geddoomey meel socotadii, gaadhu ka idlaatay

Mar haddii guryaha laga durkood, gacal ka dheeraato

Gooddigana joogoo hunguri, guuri kari waaye

Gasiinkii xalaal kuu ah baad, gacanta saartaaye

Gulcub se waxa ah kaad garan la’dee, goobta kaa dila e

Gaagaadde soortii xumayd, gaajo waa cudure

U garawnay inuu Weerar cuno, gabayna waw daw e

Nimankii gabdhaha qabay haddii, guushkan la hor keenay

Kuma gubannine dee Caamir baa, gaday wax shaydaane

Ninkaad adigu waa galaxsantiyo, gedo ku sheegaysid

Intuu ficilku kula gees ordaad, gaadhay Huubana e

Garta marag ah adigaa ku furay, goor horeetaba e

Dhaaxaad gashaad xaajo weyn, goysey keligaaye

Guddiga looyarkeedaad tahee, hays gabbaanadine

Godkaa Maxamed naqay Diiriyow, gawdhis laga waaye


Filo hormada 4aad dhowaan…


Shaaficiqaasim@gmail.com

Mahadcelin:  Waxaan mahad gaar ah u celinayaa af yaqaanka weyn ee Cabdillaahi Diiriye Aw Guuleed (Carraale), kaas oo cajalad laga qabtay 1983 kii aan kasoo xigtey gabayada xooggooda. Cabdillaahi aabbihii, waa Diiriye Aw Guuleed e, waxa uu ka mid ahaa raggii ka qayb qaatey Silsiladdan Xaydha.

 

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Silsiladda Xaydha 2

Akhristeyaal aan idiin soo koobo, idinna xasuusiyo qaybtii hore ee qoraalkane, waatey ahayd afartameeyadii qarnigii ...

Silsiladdii Xaydha 1

“Meeshaan hannaan gobannimo iyo, hadiyad eegaayey  Haf miyaad la tidhi xaydh sidaad, haan ku dhayanayso” ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *