Home / Suugaan / Silsiladda Xaydha 2

Silsiladda Xaydha 2

Akhristeyaal aan idiin soo koobo, idinna xasuusiyo qaybtii hore ee qoraalkane, waatey ahayd afartameeyadii qarnigii tegey, waatey rag door ah, asii aan saa usii kala durugsanayni, ku ballameen inay isku sii lug-darsadaan iyagoo ka ambabaxaya ceelka Burco, una sii jeeda rugihii ay reerahoodu yiilleen oo ku beegnaa hawdka Togdheer. Saluuggii ka dhashay subaggii jicsinka loo qaatay awgii, waatuu Weerar Cali Geelle gabay ku warjeefay Xirsi Cali Buraale oo ahaa ninkii soo gaday sahaydii subagga iyo xaydha loo kala saari waayey. Xirsi Cali Buraale na waatuu iska deedafeeyey eeddii lagu soo dudduucay, isaga oo gabay gar-naqsi ah kaga jawaabey.

Markii haddaba labadaa tixood la is weydaarsadey, reerihiina lasoo gaadhey ayaa arrintii hadal haynteedii la dhigi waayey. Kanaa gar leh iyo kanaa garowshiinyo mudan ayaa laysla dhex maray. Qofkii labadooda midkood u warramaaba, ka maqan ayuu eedda saaraa, kan gartiisa akhristeyna wuu u garaabaa. Wax badan baan maqli jirey laba garood oo iska garab dhasha waa la arkaa, laba bilood oo iska garab dhasha se lama arko!!!

Iyadoo xaajadii la rogrogaayo, loona rag badsanaayo ayaa Weerar Cali Geelle wixii dhacay dhankiisa uga warramay nin la odhan jirey Maxamed Nuur Abokor oo “Huube” ku magac dheeraa. Waxa uu ugu war bixiyey in Xirsi-Caamir xurmadii ka tegey oo nimankii ay xididka ahaayeen xaydh madow faraha u geliyey.

Wadaad loo su’aal xumeeyaa isna waa jawaab xumeeyaaye, Huube wixii loo sheegay ayuu wax ku dhisay. Isaga oo aan gole iyo geed midna la tegin ayuu gartii keligii naqay. Eed oo dhan wuxuu dusha ka saaray ninkii maalintii socod, seediyaashii xaydha kala ufoon waayey. Balse gari Allay taqaannaaye, Weerar Cali Geelle oo gartiisa u akhristeyna iskamuu hor boodin e, waxa uu ku xidhay inuu marag iyo caddeymo waafi ah dooddiisa ku xoojiyo. Waxa uu Huube gartaa ku naqay, haddii ay sidaa u dhacdo oo Weerar warkiisa dhayda ka caddeeyo, in aanu Xirsi-Caamir sina ceeb uga fakaneynin.

Asalkeeda bannaanba, markii garta la furfurayo ee golaha laysugu yimaaddo, waxa ay ku bilaaban jireen, ‘Ilaahow aqoon darrana ha nagu cadaabin, eexna ha nagaga tegin’, taasna Maxamed Nuur Abokor, waa Huube e, ma uu ilduufin, saa ‘innagaa cashiiro ah haygu soo cabannin’ ayaabu Xirsi-Caamir ugu quus gooyey e.

Gebogebada gabaygiisa ayuu Huube u banbaxayaa sidii uu baduugaha uga dhigi lahaa doodda Xirsi ee biyodhaceedu yahay ‘hadduu dhuunigu silloonaa maxaa loo dharqanayey’.

Isagoo cuskanaya dulucda maahmaahdii ahayd ‘neef gawracani geedo kama baydho’, ayuu Huube arrintaa ku maakubay haddii geelu – waa xoolo dhaqashadiisa dhibi ku mataansan tahaye – meel dheer u kicitimo, kolkii niman dhawr ah loo diro ee ay dhengedda soo saaraan, waxay dhabbaha soo hayaanba markay dhanqalmaan, dhibicda biyo ah ee tulud tuldaha kamida caloosheeda ku jirta haddii ay dharruurtaan inaan lagu dhaleecayneynin. Isagoo ku hal-qabsanaya nin la odhan jirey Maxamed Xaashi (Buuri-hayste) ayuu yidhi Huube:

Ragbaa gabayga moorada ka daya, Maxamed Xaashow e

Malluugta iyo waa kala tagaan, minan qalloocdaaye

Markaanse anigu meel kaga dhacaa, murame joogaaye

Rag la madhay mageyno iyo xidid, mudane saad qaatay

Oo kala mijiray sahay intuu, maalki kala qaybshey

Maksabkii kasoo hadhay hadduu, midigta kuu saaray

Kol haddaad magaalana fadhidey, manina dhiibeysey

Oo lacagtu waa madhan ogtee, midigtu kuu buuxdey

Miid dhuux ah baa laga helaa, maalin iyo leyle

Maakhiri lo’aad baa kun daas, lagaga miisaaye

Muraad noolba waa laga helaa, moodka kii culuse

Inuu subaggu kaa muunad dhacay, maqal islaamkiiye

Muslax Caamirow kuma gar-naqo, maliyo been beene

Mudaahanadu waa waxa qarribey, madaxda reeraaye

Haddii xaajadii muran ka dhaco, laygu soo meersho

Milmilla haw dhashee inaan dulmiyo, maanka kuma hayne

Hadba moosinkey taagantaan, kaga majiiraaye

Gar haddaan melmeli Xaajigaanan, marag ku qaadeene

Inaan adiga kula meel ahaad, muhatay dhawr jeere

Abtirsiino meel uma hayee, hay miliilicine

Haddii geelu waa maal jinniye, meel fog naga aado

Uusmiirka kama maarannoo, waa mitibinnaaye

Marbaa garowga naaguhu miraan, magas ahaadaaye

Waw macandis ruuxii dib jirey, madax ugaadheede

Haddii Weerar hadalkuu marsaday, marag usoo joojo

Oo uu wax lama miiciyee, maadha ka caddeeyo

Ninkastaa manfacadii ha cuno, murudki xaydhiiye

Waxba yaan ku madadaalinine, moosku kugu ciirye

*****

Hagaag….. Gabaygii Huube ayaa gees walba u duulay, falanqayn iyo faaqidaad badan ayaa lagu sameeyey. Gadh-caddaagii iyo guurtigii sebenkaas ayaa gorfeeyey. Waxa la is weydiiyey: Horta yaa garta qaaday? Geedkee se lagu qaaday?!! Xamxam iyo xanshaashaq badan ayaa abuurmay. Dad badan ayaa saluugey hannaanka gartaa loo naqay, hawgu horreeyo Diiriye Aw Guuleed Warsame oo ka mid ahaa waxgaradkii waqtigaas. Diiriye Aw Guuleed oo madmadow badani iskaga gedaamay gar-qaadistii Huube, ayaa iska kari waayey bal inuu qawl yar su’aalo ninkan hawsha aan la bisleynin keligii isku qaaday. Judhiiba waxa uu su’aaley: Haddii Weerar dhaliishaa uu aloogay markhaatiyo usoo fadhiisin waayo, Xirsi-Caamir na dhaar ku xagaf siiyo, markaa sow dhanka Weerar dhaliishii dib uguma ciirin? Isagoo tixraacaya tuducyadii Huube ayuu yidhi Diiriye:

Haddii Weerar hadalkuu marsaday, marag usoo waayo

Oo uu wax lama miiciyee, muujin kari waayo

Macal-qabasho dhaareed Xirsina, yaw mudh soo tidhiye

Hadduu maro madaacaleyna yahay, meertay dabadeede

Kolkaa sow mudducigii handadey, moosku kuma ciirin?!

Midhkaasi weydiin degdeg ah oo maankiisa kusoo dhacdey ayay ahayde, immika ayuu Diiriye u hogbaday inuu gabay madax bannaan kaga falceliyo hannaankii uu Huube gartaa u naqay. Ugu horreynba waxa uu Diiriye ku canaantey Huube inuu xaajadii hororsaday, iyada oo aan laga wada shawrinna shanta la galay. Waxaa amakaag iyo af-kala-qaad ku noqotay, xaajo laba dhinac ka dhaxaysa oo weliba laysaga gabyey inuu Huube isaga oo aan sheekh iyo shaybe midna la kaashan keligii gartaa rido.

Waxaabad mooddaa iyaga oo geed gob ah isu doonyeystay inuu Diiriye weedhahan Huube hordhigey: Rag Allow xaggee baa lagu arkay xeerbeegti hal nin ka kooban!!…… Bal inaad Huubow xaajadii kirkirtay oo korandaalli ka tuurtay, afo iyo odeygeedii oo is qabtay kol ay ku tahay, sowkii sharcigu guurti laba dhinac ka kooban u saari jirey!!!…… Arrintaa aad sarka-xaadisey ee sahalka u gashay, rag aqoon leh, aw iyo haddii odayo loo geeyo, Alleylehe in aanay sida aad u dhigtey abidkeedna noqoneynin.

Kamuu tegin Diiriye inuu nalka ku ifiyo dabciga Weerar ee ah sasabashada iyo isu bihin-bihinta kolba cidda uu maalinkaa gacan ama garawshiinyo ka jeeqaaqayo. Wuxu yidhi:

Gartaad Maxamed-Huubow naqdee, uunka wada gaadhey

Gaashaamaday noogu timi, galab carrawtiine

Dayuuradaha guuraynayiyo, gaadhiyaa sidaye

Guddi nin ah shareecadaba waa, lagala giigaaye

Giddigii Xirsi Cismaanka iyo guudka Habar Yoonis

Gug baa laysku yidhi xaajadaad, goysey keligaaye

Haddiise hadalka lama guud maree, odayo loo geeyo

Guntii waxa ah Huubow inaad, gawdhis leedahaye

Ninkii galaxsanaa baa ku heley, ee gedeyn jiraye

Geed buu ku saaraa markuu, kuu gol leeyahaye

Kolka se cirirku kugu geeddi yahay, layska garan waaye

Qunbii subagga laga soo gingimay, ee la kala goostay

Ninna soo gad kii kalana waatuu, guddoonsadaye

Waatii guntiga loo furtee, laysku gaabsadaye

Maxaad Caamir ugu geeddi tahay, sow ku guban meysid?!

*****

Filo hormada 3aad dhowaan…

W/Q: Shaafici Qaasim Nuur

Shaaficiqaasim@gmail.com 

Mahad-celin:  Waxaan mahad gaar ah u celinayaa af yaqaanka weyn ee Cabdillaahi Diiriye Aw Guuleed (Carraale), kaas oo cajalad laga qabtay 1983 kii aan kasoo xigtey gabayada xooggooda. Cabdillaahi aabbihii, waa Diiriye Aw Guuleed e, waxa uu ka mid ahaa raggii ka qayb qaatey Silsiladdan Xaydha.

Waxaa xusid mudan in buugga Af-Soomaaliga ee fasalka 8aad ee manhajkii hore uu isna tixraac muhiim ah ii ahaa.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Silsiladda Xaydha 3

Mugga sow silsiladdii halkaa haka socoto maaha? Sow nin waliba tarkii haka gar naqo maaha? ...

Silsiladdii Xaydha 1

“Meeshaan hannaan gobannimo iyo, hadiyad eegaayey  Haf miyaad la tidhi xaydh sidaad, haan ku dhayanayso” ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *