Mamuu iyo Seyn 1

Qalbi kasta oo uu calafkiisu kabbisiiyay xinjiraha jaceylka halkii isaga oo biyo qaboow ah uu dhadhamin lahaa; qalbi kasta oo nasiib-xumadiisu gayaysiisay in uu ku gubto dabka jacaylka oo aan mar kaliyana goosan dheefta mirihiisa ayaan u hadiyeynayaa sheekadan oo laga qoray xaqiiqo dhacday, isla markaan ka tagtay taariikh xanuun iyo hurgumo leh. Waxaa laga yaabaa in ay qalbigaa u noqoto tacsi iyo sabirsiin qaboojisa[1].

Amiirkii abwaannada kurdida, Axmed al-Khaani oo ahaa faqiih (fiqi yaqaan), suugaanyahan, faylasuuf iyo suufi oo geeriyooday 1953-dii ayaa waaxyaha qisadan gabay af Kurdi ah ku unkay.

Gabaygaa waxaa 1958-dii af-carbeed u turjumay Dr. Muxammad-Siciid Ramadaan al-Buudi oo isaguna ahaa nin Kurdi ah. Dalka Suuriya ayuu ku barbaaray, waxna ku bartay. Al-Buudi waxa kale oo uu ahaa buuni aftahan ah, xakiim dadaal badan iyo suufi faqiih ah. 2013-kii ayaa lagu dilay isla dalka Suuriya. Qaab aad u cajiib ah oo habka qoraalka iyo farshaxanka ka muuqdaa ay ku soo jiidanayaan ayuu digtoorku gabayga u hal-tebiyay, dawaaf iyo dheelmasho mid ay tahay bana aad bar-joogsiyada qisadan u galaysid.

Waa qiso jaceyl ah oo hagardaamada ay siddaayi ku xanuujinayso. Mar baad is oranaysaa adiga ayay kugu dhacday. Illinta kaa burqanaysa ayaa markaas tarjumaan kuugu filan. Mar kalana xikmadda iyo quruxda rabbaaniga ah ee ku dhex jirta ayaad la ashqaraaraysaa. Dhabtii qisadani waa sida isla Sheekh Buudi ku tilmaamayo oo waa “qiso jaceyl ah oo iniinteedu dhulka ka dhalatay, miraheeduna ay samada ku bislaadeen”.

Toddobaad walba hal mar ayaan hayaan la gali doonnaa mid ka mid ah fasalladii ay ka koobnayd dhacdadan ay taariikhdu qortay ee jaceylka wajiga cusub u unugtay, sooyaal-bulsheed ay qawmiyad dhani leedahayna sida dadban inoo bari doonta.

Aynnu gudaha u galno haddaba qeybta koowaad ee Jasiiradda Cagaaran!!

Jasiiradda Cagaaran

1393M-dii ayay sheekadani ka dhacday jasiiradda Buudaan oo hadda loo yaqaanno Ibni Cumar. Jasiiraddani waxa ay ku taallaa jiinka webiga Dajlah, waxayna ku dherersan tahay dhul ballaaran oo u dhexeeya taagagga iyo gollayaasha doogga ah ee waqooyiga Ciraaq.

Magaca jasiiraddani waxa uu baarka sare kaga jiraa degaannada Kurdidu degto. Jasiiraddan inteeda badani quruxda iyo qaayaha dabiicadda waxa ay ka heshay sad ashqaraar leh oo waafi ah. Waxaa qaybaheeda kala xirmeeya beero dabiici ah oo quruxdooda lala amakaagayo, dhalaalna uu usii kordhiyay biriqa biyaha webiga Dajla. Jasiiraddan bilicdeedaa waxaa sii bilay buuraheeda dheerdheer ee samada la deriska ah. Waa buuro ay jasiiraddu dhererkooda kula tartanto buuraha dheerdheer ee dunida kale. Doogga iyo cagaarka buurahani waxay hareeraha jasiiradda dhigeen heybad kasta oo ay quruxda iyo qaayuhu lahaayeen.

Dhacdooyinka qisadani waxa ay ka unkameen qasriga hoggaamiyahii jasiiradda al-Amiir Sayn al-Diin. Xilligii hogaamiyahaa, wixii ka danbeeyay iyo illaa bartamihii boqortooyadii Cusmaaniyada waxa ay dhulalka Kurdidu u qeybsanaayeen maamullo yaryar. Mid kasta oo iyaga ka mid ahna waxaa ka talin jiray hoggamiye awood iyo ku-habboonaan maamul isku darsaday.

Amiir Sayn al-Diin waxaa ku habboonaanshaha hoggaamineed u dheeraa hodantinnimo, hanasho maamul iyo awood si weyn uga muuqatay, waxaa se yaab lahayd in awooddiisii iyo hodantinnimadiisii aanay ka horjoogsan kasbashada qalbiyada shacabkiisa. Aad bay u jeclaayeen, waana sababta keentay in magaciisa, heybaddiisa iyo xurmada loo hayaba aysan jasiiraddiisa uun ku koobneyn e laga aqoonsaday dhammaan dhulalka kurdida iyo maamulladooda.

Qasriga hoggaamiye Sayn al-Diin ee quruxda badani ma ahayn mid la mid ah qasriyada maamullada kale ee iyaguna qurxoon. Wuxuu ahaa mucjiso fankii, farshaxankii iyo hal abuurnimadii jirtay lagu dhammeeyay, dhaqaalaha lagu bixiyay qurxintiisa, dhalaalintiis iyo dhismihiisaba aanay qiyaas lahayn. Muuqiisa ashqaraarka leh oo kaliya ayaa laga garan karayay in adduun badani ku baxay.

Gudihiisa goglo iyo alaabo qurxoon oo qura uun lama dhigine, waxaa dhalaal iyo if ugu deeqayay madxafyo la isugu keenay waxyaabo mar-la-arag ah, alaabooyin kala gedgeddisan oo amakaag leh iyo jooharado dhif ah oo qaali ku fadhiyay.

Qasriga daaradihiisa iyo barandooyinkiisu waxa ay la ciirciirayeen tobannaan gashaantimooyin ah oo hareeraha qasriga isku dhaafdhaafayay, gudihiisana waxa ay u beddeli jireen jawi sixir ah oo qurux iyo roob-la-soo-dhac miiran ah.

Balse aayadda iyo astaanta ugu weyn ee quruxda qasrigaasi ma ahayn kali ah mid ka soo burqanaysay hablahaas quruxda badan. Waxaa jirtay sir kale oo ay la gaar ahaayeen laba lu’lu’ (Luul) oo sartaas Alle ku abuuray.

Quruxda labadan luuli la kaliyoobeen waxa uu Alle ka dhigay tusaale sare oo quruxdu leedahay, gurigaas iyo jasiiradda Buudaanna ay la gaar yihiin. Waxa ay astaan dhammeystiran u ahaayeen muuqaalka ugu sarreeya ee ay sixirka iyo fitnada quruxda Rabbaaniga ahi leedahay. Waxa aad mooddaa in abuurta Alle ee farshaxankeedu ebyoon yahay ay u dhammaysay labadaas gabdhood qurux iyo bilic aysan cidi la wadaagin; si ay fannaanada, farshaxanleyda, hal-abuurrada iyo farsamo-yaqaanaduba u garwaaqsadaan in qurux oo dhammi abuurtaas oo qura tahay, oo dhabna u ogaadaan in dhagax-qorista, fanka xardhitaanka iyo sancada waxyaabaha birqa aysan quruxdu ahayn. Farqiga u dhexeeyaayi waa in bilicda hablahani uu qalbigu la wareerayo oo la dheelmanayo, laabtuna ay la sakhraammayso, sancooyinkan la hal-abuurayna ay leeyihiin uun qurux isha xadda oo dhalaalkeeda ku soo jiita. Qurux uu qalbiga la guureeyo iyo mid araggu la carraabayo ma sinnaan karaan, farqigaa weyn ee u dhexeeyaana cidi ma baabi’in karto.

Labadan gabdhoodi waxa ay la dhasheen amiir Sayn al-Diin. Midda labadooda weyn oo markaa 24-jir ahayd waxaa la oran jiray Siti. Midabkeedu waxa uu u dhexeeyay caddaan dhalaal ah iyo maarriin qurux badan. Xubin kasta oo jirkeeda ka mid ahi waxa ay gaar la ahayd qurux ku kooban iyada, jirkeeda oo dhammina waxa uu ahaa mid uu bilay isugeynta quruxda xubnahihiisa. Sidii in lagu indha-sarcaadinayo ayay hadba si kuugu muuqanaysaa.

Gabadha kale magaceedu waxa uu ahaa Sayn (Zayn). Kaligeed ayaaba caddeyn ugu filnayd in quruxda dhabta ah cidda sameysa ay tahay Ilaahay. Waxa ay lahayd qurux lagu fidnoobayo, ishu aanay dhanna uga jeesanayn oo quruxda walaasheedna baabah ka dhigaysa marka teeda loo eego.

Dhexdeedu madag, jooggeedu siman yahay oo bari iyo baruuri aysan fool xumeyn bay ahayd. Sarajooggeedu suurad yaab leh ayuu ahaa. Caddaankeeda dhalaalka ah waxaa sii bilay guduudka uu soo saarayo holaca midabkeedu. Laba indhood oo bu’doodu aad u madawdahay, intooda kalena ay aad u caddahay ayay lahayd. Alle ayaa ku ammaaneeyay qurux, soo jiidasho iyo dhimrin kuwoodii ugu sarreeyay ee aan hadal lagu koobi karin.

Midabkeedu ma ahayn mid dahabi ah, balse tinteeda aadka u madoow ayaa wajigeeda isku gadaamaysay sidii oogga waaberi oo kale. Astaamaha wajigeedu si xeel dheer ayay isu qeybiyeen, guduudka bishamaheedana waxa aad moodaysaa in uu ku milmay casaanka holaca ah ee labadeeda kood, caddaankeeda dhalaalka ahina uu yahay kan isku milmiyay. Waxa ay lahayd midab qalbiga diloonaya, miyirka iyo caqliguna la doorsoommayaan.

Sayn (Zain) waxaas oo qurux ah waxaa u dheeraa qofnimo ay ruuxdeedu aad u dabacsan tahay oo dhiiggeeduna aad u qabaw yahay. Marka la isu geeyo dadnimadeeda iyo bilicdeedana waxa ay ahayd tusaale loo qaato quruxda, dabacsanida iyo dulqaadka ugu sarreeya ee jiri kara.

Labada gabdhoodi waxa ay ahaayeen jawharado qubkooda ku jira, gurigooda ku qarsoon oo badi aysan indhuhu qaban jirin, balse arrintaasi kama horjoogsan in la aqoonsado, quruxdoodana laga dhigto tusaale iyo qiyaas lagu halqabsado, daafaha jasiiradda iyo dhulka Kurdidana badidiis si isku mid ah ay caan uga noqdaan.

Waxaa aad la yaab u ahaa in labadaas gadhood ee quruxdoodu halkaa joogtay ee lagu uumay qasriga amiirka ee ahaa labada ubax ee ugu qaayaha badan ee ku nool barxadaha qasrigiisa in ay noqdaan kuwa la xijaabo oo aanay dadku arki jirin. Balse shacabka kurdida ah guud ahaan, gaar ahaanna kuwooda madaxda ahi waa dad masayr badan, waxyar oo daruuri ah mooyaane aan oggolayn in ragga iyo dumarku isu dhawaadaan, waxaa intaa wehliyay in walaalkood amiir Sayn al-Diin uu lahaa maseyr iyo qiiro aad u sii sarraysay. Waxaa amiirka qiirada masayrks ku sii holcinaysay quruxda ay walaalihiis la gaarka yihiin, ee ayaga oo makhabiyooyinka ah caan ka dhigtay, sababna u noqotay in jasiiradda daafaheeda iyo gobollada kala ba laga yaqaanno. Masayrkani waa midkii sababta u ahaa in badi dadka ay gaadhay xogta qasrigaasi ay dhageysiga akhbaartiisa oo qura kaga kaaftoomaan u daawasho tagiddiisa!

Waa inoo toddobaabka dambe iyo Ciidda Guga.


[1] Sheekh Buudi

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 15: Kacdoon iyo Dhagar

Qaybtii Hore Kacdoon Hal sano oo dhammaystiran ayuu immika xabsiga ku jiraa Mamuu. Saaxiibaddiisii guuldarrada, …

Mamuu iyo Seyn 14: Naf Saafi ah iyo Quus

Qaybtii Hore  Naf saafi ah Dhacdooyinka falagga iyo koonku waa kuwo horreeyay oo asal ah. …

2 comments

  1. waa sheko qurux badan oo loo xiisikaro

  2. Sheeko qurux badan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *