Aan halkaygii kasii wado taxanihii ku saabsanaa gabayadii Xaydha, innagoo dul istaagi doonna gabaygii toddobaad ee laga tiriyo silsiladdan. Jeerkan waxaa meertadii kusoo noqday Xirsi Cali Buraale (Xirsi-Caamir), oo ahaa xuddunta uu ka unkamay asaraartankan oodda jebiyey. Xirsi-Caamir waxa uu markan daba joogaa go’aankii Maxamed Nuur Abokor (Huube) ee ahaa in Xirsi facshar iyo fadeexad dhex fadhiistay haddii lagu marag furo inuu raggii ay qoob-wadaagta ahaayeen xaydh ka durduuray. Isagoo midhkaas ka ledi waayey ayuu Xirsi-Caamir u iftiiminayaa Huube in gabayga Weerar Cali dhaafsiisan yahay dooddan ku saabsan jicsinkii lagu soo jidmaray. Waxa uu daboolka ka qaaday, baroortu orgiga ka weyn e, in isaga iyo Weerar xurguf iyo xafiiltan hore ka dhexeeyeen, sidaa awgeedna uu Weerar fursadda ka faa’iideysanayo.
Dhanka kale, waxa uu xasuusinayaa Huube in ciddii garsoor lasoo bido ee xaajadii loo dhiibtey kala melmeshaa aanay if iyo aakhiro toona mahadin. Haddaba, si uu Huube gartan u qaado waa inuu labada dhinac ee ilaaqtanku ka dhexeeyo isu soo fadhiisiyo, waa in xeerbeegtidii arrinkan loo xulay xubno ka mid ahi madasha ku weheliyaan, dabadeedna markii arrinka uu fallamaguro, waa inuu u kala soocaa saddex qaybood: Wax qiraal noqda, wax mudducigu marag usoo joojo iyo wax madaacaley ka jid baxo. Haddii aan sidaa hufan garta loo niqin, oo Huube isagoon xagna deyin uu garta isaga uun ku mooso, waxa uu Xirsi ku dacwiyayaa inay tahay xaqdarro aan sharci iyo xisti midna qiil ku lahayn.
Maadaama uu Weerar soortii lasoo sahayday duray, oo bari iyo bogox ba ka ridey inaan loo hagar bixin, ragga qaarna macaluul ka-yaab meesha soo geliyeen, waxa ay ka fursan weydey in Xirsi-Caamir mar labaad meertada kusoo noqdo, si uu wixii madmadow ah meesha uga saaro.
Waatay ku maahmaahi jireen “beenaale markhaatigiisa ayuu fogeeyaaye”, Xirsi Cali Buraale waxa uu marag gashaday nin isagana la odhan jirey “Xirsi-Wadhane” oo socotada ka mid ahaa, welibana ay Weerar gooni isu sii xigeen. Wuxuu ku gar naqsanayaa in dhawrkii caano-maal ee ay fool usoo jeedeen subaggii sahayda loo sitey laga wada gasiintey, wax ceeb ahna aan lagu arag. Wuxuu yidhi Xirsi-Caamir:
Midhkaad tidhi adaan kugu qabsaday, Maxamed Nuurow e
Maantuun ha moodine horaa, muran u taagnaaye
Nin maroorshey xaajada ifkuu, murug ka qaadaaye
Maqfira iyo haddii aanu celin, mahad Allee toobad
Miisaanka aakhirana waa, man iyo dheeraade
Wax mustaqir noqda iyo wuxuu mudduci, marag usoo joojo
Iyo wuxuu madaacaley qurdi, iyo xeer iskaga meersho
Kol haddaanad labadooda muuq, meel isugu keenin
Oo aan guddida dhawr milgo lihi, meesha kula joogin
Macnaba maaha xaajada inaad, qolo ku moostaaye
Waa maxay masaladaa naqdeen, adiyo maankaagu?
Haddii Weerar hadal uu marsaday, maalmo kuu tiriyey
Oo uu manfacadi u cunay, mohobbiyoo caayey
Uu sida ibleyska is maldahay, midabbo dhawr jaadle
Ood adigu macaluul ka-hadal, meesha soo gelisey
Waxaan ahay madaacalay mudduci, moosinkeed bixinne
Anna maan tixdaan maagganaa, miinka ka caddeeyo
Inaanu maalin soo qadin Burciyo, madashi reerkooda
Isagay muraad wada siteen, meeshana u xigaye
Magaciis ha raagee Xirsaa, ii markhaatiyahe
Is majiiristii socod kolkii, sahay la maageeray
Wax dhammaan muddadu noo ahayd, muudhka subaggiiye
Aan mushtariga wada iibsannaan, muran ka oognayne
Maakhiri lo’aad iyo mid adhi, meesha may geline
Isagay muraad wada siteen, meeshana u xigaye
Magaciis ha raagee Xirsaa, ii markhaatiyahe
Hadduu meel ka gaabtana qurdaan, magan u joogaaye
*****
Waayahay… Silsiladdii xaydhu waxay noqotay sidii tusbax furmay oo kale. Maya e waxay noqotay sidii kubbado layn toosan is daba yaal oo kolkii mid la taabto ay ta ku xigta sii dhaqaajinayso. Sida ka muuqata gabayga kor ku xusan, Xirsi-Caamir waxa uu ku gacan saydhay go’aankii Huube, si uu dooddiisa u badhitaaro na waxa uu marag u qabsaday nin ka mid ah raggii ay isku lugta ahaayeen.
Iyadoo go’aankii Huube aad mooddo in rafcaan laga qaatay, guddi cusubna aan weli la magacaabin ayaa waxa taajkii garsoorka isu xidhay nin la odhan jirey Guuleed-Xawaash, kaas oo isu xilsaaray bal inuu arrinkan xaydha ee yuruyurudiisu badatay soo af jaro. Tixdii Guuleed-Xawaash oo aannaan wada helin, balse inta naga soo gaadhey ay murti iyo minqax miidhan tahay ayuu isaga oo aan usoo meermeerin sidan soo socota gartii u ridey: Waxa uu hadal ku gooyey kol haddii ninkii sahayda loo dirtey uu ahaa nin gedihiisu weyn yihiin, oo aan looga baqayn in la khiyaano, isla markaana uu ahaa ruux isku san bannaan oo miyirkiisu taam yahay inaan laga siisanayn inuu xaydh ku horo raggii xilka ku lahaa. Gabaygii Guuleed-Xawaash oo aan dhammayn waxa ka mid ahaa:
Waxa Huube lagu gawdhiyaa, waa garaad xumo e
Annagaa gartiinnii naqnoon, gees ka mari hayne
Kol hadduu garaad leeyahoo, gugu u weynaadey
Ninkii xaydha soo gaday ayaan, eed isugu geeyay
Filo hormada 5aad dhowaan…
Email: shaaficiqaasim@gmail.com
Mahad-celin: Waxaan mahad gaar ah u celinayaa af yaqaanka weyn ee Cabdillaahi Diiriye Aw Guuleed (Carraale), kaas oo cajalad laga qabtay 1983 kii aan kasoo xigtey gabayada xooggooda. Cabdillaahi aabbihii, waa Diiriye Aw Guuleed e, waxa uu ka mid ahaa raggii ka qayb qaatey Silsiladdan Xaydha.