Suugaanyahan iyo afyahantoona ma ihi, marka la eego takhasuskii iskuulna tumaal baa aan ahaa, marka la eego hiwaayaddaydana waa diin. Suugaan iyo af, iyo malaha tumaalnimaduna xidhiidh ma laha. Haddana waxa ay noqotay uun bal hamzatul wasli ma noqon karaa? Waxaygu waa labo farriimood, laakiin waa laga yaabaa labada farriimood in ay ila dheeraadaan. Farriin waxa ay ku socotaa dadweynaha Soomaaliyeed ee afkan ku hadla, farriinna waxa ay ku socotaa inta adabka (suugaanta) iyo qoraalka ku mashquulsan, ee iyaguna bahdaasi u soocmay.
Farriinta koowaad: Afka
Ilaahay Kitaabkiisa waxa uu innoogu tilmaamayaa aadanaha waxa lagu doortay in uu af yahay. Nebi Aadan- calayhis salaam- markii la doortay ee malaa’igta laga hormariyey, wixii looga hormariyey waxa ay ahayd وعلم آدم الأسماء كلها, af baa la baray. Qur’aanka waxyaalaha nimcooyinka ee uu banii aadamka ugu gallad sheegtay afka ayaa ka mid ah. الرَّحْمَٰنُ (1) عَلَّمَ الْقُرْآنَ (2) خَلَقَ الْإِنسَانَ (3) عَلَّمَهُ الْبَيَانَ (4), caddayn ayaa la baray baa Ilaahay leeyahay. Weliba sifatu Raxmaan ayaa lagu xidhiidhiyey. Waxyaabaha Ilaahay- subxaanahuu wa tacaalaa- aayaadka lagu garto ee waaweyn uu ku tilmaamay Qur’aanka waxaa ka mid ah afka. وَمِنْ آيَاتِهِ خَلْقُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَاخْتِلَافُ أَلْسِنَتِكُمْ وَأَلْوَانِكُمْ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِّلْعَالِمِينَ (22), baa Ilaahay weliba yidhi. Afka waxaa ugu sugan aayaad waaweyn oo Ilaahay lagu garto oo wax lagu qaato, inta waxgaradka ah baa Ilaahay weliba yidhi.
Haddaba, afku waa aadanuhu waxa uu ku wada xidhiidho, ee uu dareemmadiisa isugu gudbiyo, ee uu aqoonta iyo afkaarta isugu gudbiyo. Waxa aad sawirtaa adigu bal reer Nebi Aadan oo af la’ oo dhega la’. Sidee ayaa uu u ekaadaa? Adduun baa aynu ku noolnahay oo dadku waa uu afla’yahay, maxaa uu aadanuhu qiimo yeelan lahaa baa aad u malaynaysaa?
Waxa uu ka mid yahay afku baahiyaha banii aadaanka. Waxa aan xusuustaa xabsiyadii dawladdii Soomaaliyeed oo qofka marka xabsiga la dhigo xabsiguna xabsi kale ayaa uu sii lahaa. Haddii xabsiga askarta joogta aad is afgaranweydaan, waa lagu sii xidhayaa oo xabsi kale oo sheelada la odhan jirey ayaa lagu geynayaa. Sheeladu maxaa ay sheegaysaa awalba waa aad xidhnayd e? Waxa weeyaan, wax aad la hadashaa uun baad waayeysaa. Keli baa aad joogeysaa. Waxa aad arkaysaa qof banii aadam ah oo markii uu muddo meesha ku jirey ee cid uu la hadlo waayey keligii qaylinaya. Markaa xabsiga keli ahaaneed ee la sheegayaana waa in xidhiidhkii aad aadanaha la lahayd iyo wadahadalkaad la lahayd aad weydo walow maxbuusna ha kula ahaado e, markii aad weydo ayaa aad maxbuus kale sii noqotay.
Afku waa weelka qaada iyo agabka sida ummadi xaddaaradda ay leedahay dhammaanteed; haddii ay aqoon tahay, haddii ay afkaar tahay, haddii ay suugaan tahay, wixii ay doonto ha noqoto. Ummadi hantida saqaafadeed ee ay leedahay weelka xambaarsani waa af. Intaa waxaa u dheer, in uu afku mutcah jamaaliyyah leeyahay, wax lagu raaxaysto oo dhegtu jeceshahay in uu leeyahay. Sidaa awgeed baa falaasifadii caalamka soo martay waxa ay ku tilmaamayeen, Johann Gottfried Herder (1744-1803) ninkii la odhan jirey baa waxa uu leeyahay: aabbeyaasha iyo awoowyada afkoodu waa kaydka haya shacabkaasi waxa uu leeyahay ee fikir ah, ee hiddo ah, ee taariikh ah, ee falsafad ah, ee diin ah. Wadnaha shacabku dhiigga uu tufaa waa afkiisa, ruuxda ummadu ay leedahayna waa afkeeda, baa uu leeyahay. Yacnii, afku waa waxa ummad ka dhiga ummad.
Aniga oo jecel in aan warku igu badanin, kaasi haddii uu guud ahaan af yahay, afka hooyo waa uu kasii geddisan yahay. Afka hooyo waa afka aan dugsi loo gelin e inta badan guriga qofku uu ku barto. Afka hooyo waa afka kuu sida ab iyo awoow wixii aad hidde iyo dhaqan lahayd meeshaad ku dhaxli lahayd. Afka hooyo waa dadkaagu wixii ay dhaxaltooyo haysteen, fikir ha noqoto, caqli la uruuriyey ha noqoto, taariikh ha noqoto, wixii ay doonayso ha noqoto e, waa waxa uu ku qoran yahay. Sidaa awgeed baa Qarammada Midoobay (UN) 2003 dii waxa ay qaateen go’aan ah dhaxalka banii aadamka ee la ilaaliyaa in aanu ku koobnaanin oo qudha daaraha iyo guryaha iyo agabkii ay ka tageen e, in lagu daro luqadduna in ay ka mid noqoto dhaxalka banii aadamku leeyahay ee u baahan in la ilaaliyo.
Haddaba, innagu ka Soomaali ahaan aadane ayaa aynu nahay oo aadanaha wax baa aynu la wadaagnaa. Muslim baa aynu nahay oo Muslimka waxbaa aynu la wadaagnaa. Laakiin Soomaali ayaa aynu nahay, Soomaalinimana waxa ugu weyn ee astaan u ahi waa af. Waxaa laga yaabaa genetically in aad Soomaali tahay af kalena in aad ku hadashid, haddiise aad af Soomaaliga weydo waa aad dabargo’day Soomaalinimana markaasaa kuugu dambaysa. Maxaa yeelay afku waa waxa dadka isku xidha ee uruuriya. Dad inta aad la af tahay baa aad la urursan tahay oo aad ku xidhan tahay. Inta aad ka afka tahayna waa aad ka go’an tahay oo xidhiidh lama lihid.
Afku waa waxa uu banii aadamku ku faano oo dhan. Xusuus wadareedkii ummaddu ay lahayd ayaa uu xambaarsan yahay. Haddii aad aadanaha ka tirsanayd, qaybtaadu wixii ay lahayd oo dhan afkaa kuu haya. Markaa waxa aynu odhan karnaa, afkaagu waa sida sawirka farahaaga. Qofka marka la rabo in la aqoonsado maanta ama farahaa laga qaadaa, ama indhahaa sawir laga qaadaa, oo waxa ay muujiyaan qofnimadaada. Laakiin shacabnimadaada waxaa muujiya afkaaga. Afkaagaa kuu ah sawirka faraha (fingerprint). Haddii aynu af Soomaali u kacno, waa waxa aynu gaar ku nahay. Waa baadisoocdeenna. Reerku xoolo ayaa uu wada leeyahay laakiin jilib waliba summad yar oo usii gaar ah oo uu reerka kale kaga sii soocan yahay ayaa jirta oo baadisooc la yidhaahdo. Haddii aynu Muslim weynaha ka tirsan nahay, baadisoocda Muslimka aynu ku dhex leennahay waa af. Haddii aad afka weydo sawricii iyo aqoonsigaagi baa aad weyday.
Marka, waxa aan kusoo koobayaa maanta adduunka aynu ku noolnahay aragtiyaha cilmiga ah ee yaalla ee tirada badan leh waxa ay tilmaamayaan wax uu banii aadam wax ku barto in afkiisu ugu habboon yahay. Ilmaha yar ee guriga afkiisi ku hadlay ee aan wax kale baranin, wax uu cilmi ku qaatay kiisa ayaa uu ugu horreeyaa. Af kale, wixii ay doonto ha noqoto e, Carabi ha noqoto, Ingiriisi ha noqoto, Faransiis ha noqoto, waa luqad labaad. Laakiin asalku waa afkaaga, in kasta oo Soomaalidu maanta dhanka kale usii socoto. Waddankeenna dugsiyada hoosaa la tijaabinayaa in hadda af Ingiriisi lagu bilaabo. Qoladii hore ee wadaaddada ahayd ayaa af Carabiga keentay in ay ku bilowdo, qoladii dambe ee galbeedka ka timina af Ingiriisiga ayaa ay ku bilaabeen.
Markii la ogaaday faa’iidada ay leedahay, xataa dadka laga badan yahay ee waddannadan (qurbaha) ku nool in ay dani ugu jirto ummad ahaan in dadkaa afkooda la baro, ayaa waxa ay go’aansadeen, sida waddamada Iskaandinayfiyaanka, in ilmaha yar loo dhigo afkiisa. Aragtiyo badan oo cilmi ah ayaa kasoo baxay arrintan iyada oo guud ahaan la ogyahay siyaasigu in uu jecelyahay dadkiisu in ay koox isku dhafan (homogenous group) noqdaan, ninka siyaasiga ahi khilaafaadka badan ma jecla. In uu dadka intii uu isu ekaysiin karo sameeyo ayaa uu jecelyahay. Sidaa awgeed, wasaaradda waxbarashadu waxa ugu weyn ee ay qabataa waa in ay dadka isku misho, warbaahintu waxa ay qabataa waa in ay dadka isku misho, wixii isku milmi waayana qaanuunkaa lagu milaa. Saddexdaa hay’adood waxyaabaha ugu badan ee ay qabtaan waxaa ka mid ah bulshada in ay isdhexgeliyaan. Iyada oo ay taasi jirto ayaa waxa ay leeyihiin lagama maarmo qofku in uu afkiisi hooyo haysto.
Haddaba, aniga oo jecel in aan soo koobo oo aan rabin in aan sii dhexgalo aragtiyahan tirada badan leh, su’aal baa aan idin weydiinayaa: ma af cilmi ah baa jira iyo af reer miyi ah? Dadka badh baa waxa ay u haystaan Ingiriisigu in uu cilmi yahay keennuna in uu reer baadiye yahay. Af cilmi ah iyo mid aan cilmi ahayni ma jiraan e, afku waa weelka cilmiga qaada. Islamarkaana waa weelka jahliga qaada. Labadaba isagaa lagu shubaa. Ummad kastaa afkeeda iyadaa kobcisa, oo luqaddu siyaabo badan baa ay u ballaadhataa oo ay weel weyn u noqon kartaa. Waxaa ka mid ah ereyada afku uu leeyahay in la ballaadhiyo oo ereyga muggiisi la ballaadhiyo. Taa macnaheedu waxa weeyaan ereybixinta oo dhan waa erey muggiisi la ballaadhiyey. Ereygu mug baa uu lahaa markii hore oo in baa uu macno samaynayey. Tusaale ahaan, aqoonyahankii Soomaaliyeed ee af Soomaaliga in ay cilmiga ku dhigaan isku dayey ereyga mareegta baa ay ballaadhiyeen markaas ayaa ay yidhaahdeen waa CIRCUIT. Haddaba mareeg baa macnaheedi la ballaadhiyey. Afafka waa la kala jiidaa, ereybixin oo dhanna waa afkaagii oo la kala jiidey.
Taariikh ahaan marka aan ka imaaddo raggii awalba suugaanta ka shaqaynayey, Soomaalida inta aan anigu garanayo saddex kooxood baa afka ballaadhiyey. Waxaa ugu horreeyey ee afka ballaadhiyey culumadii hore ee Soomaaliyeed ee diinta dhigi jirtey. Luqadda Carbeed oo luqad aad u ballaadhan ah adduunka luqooyinka ugu waaweyn ka mid ah, ayaa culumadii Soomaaliyeed waxa ay isku dayeen in ay dhammaanteed u turjumi karaan af Soomaali. Sidaas darteed, kutubtii raggii hore dhigi jirey waxaa jiri jirtey luqad la yidhaahdo laqabe, oo ah qaabka la isu saaro ereyada. Marka uu sheekhu dhigo tafsiirka ee uu ka baxo, ardaydaa ku ceshata oo ardayga ku celinayaa marka uu akhriyo waxa ay xertu yidhaahdaan kaa aad sheegtay carrabkii sheekha ma aha. Carrabka sheekha ee loo jeedaa waxa weeyaan turjumiddii saxda ahayd ee sheekhu sameeyey, macnihii waa aad ag marmaraysaaye sidii uu sheekhu tilmaamay ma aha. Sidaa awgeed, culumadii hore ee Soomaaliyeed aad baa ay u ballaadhiyeen af Soomaaliga.
Qolada labaad ee aan isleeyahay af Soomaaliga waa ay ballaadhiyeen waa bahdii hore ee warbaahinta oo isku dayey afkii cusbaa ee aan dhaqanka Soomaaliyeed ku jirin ee warbaahinta in ay dhammaantii af Soomaali u turjumaan. Haddii ay ka waayaannaa in ay xitaa abuuraan oo soo kordhiyaan ereyo cusub. Ereyada quruxda badan leh ee aan maqlay waxaa ka mid ah oo aqoonyahan Maxamuud Sh Axmed Dalmar sheegay in la isweydiiyey ereyga ah “العُنف/ violence” maxaa aynu ku turjumnaa? Dalmar baa innoo soo kordhiyey gacan-ka-hadal. Gacan iyo hadal waa aynu naqaannay oo af Soomaaliga ayaa ay ka mid ahaayeen labaduba, laakiin gacan-ka-hadalku waa ereybixin cusub oo soo korodhay oo lagu biiriyey af Soomaaligii. Haddaba, warbaahintii horena waa ay badisay. Macalimiintii dugsiyada iyo turjumiddii loo sameeyey wasaaraddii waxbarashada, wasaaradihii dawladda, iyo ciidamadii iyo wixii oo dhan waa la af Soomaaliyeeyey. Maareeye erey Soomaali ah baa uu ahaa, ama agaasime erey Soomaali ah baa uu ahaa. Laakiin macne cusub baa uu qaatay oo ereygu mugguu qaadayey baa la ballaadhiyey. Haddaba, afafku ma kala fiicna oo af cilmi ah iyo mid aan cilmi ahayn ma kala jiraan e, umaddii wax-aqoon noqotaa iyadaa afkeeda ballaadhsata oo ka dhigta af wax badan xambaari kara. Markaa wax allaale iyo waxa ereybixin ah oo dhan, wixii ay doonto ha ku saabsanaato, fanniga ay doonaysona ha ka warranto e, waa ereyadii afku lahaa oo la ballaadhiyey.
Mararka qaarkood ereyada waa lasoo amaahdaa oo iyana ceeb ma aha. Waxa kugu cusub waa la amaahdaa oo innaguba badh baa aynu dunida amaahinnay. Afafka maanta Yurub ay ku hadasho qayb ayaa Soomaali ah. Tusaalaan ku siinayaa: garanuug ereyga la yidhaahdo af Soomaali baa iska leh. Ingiriisigana GERENUK baa laa yidhaahdaa. Waddama Faransiiska iyo Jarmalka iyo kuwo kaleba qaarna K baa ay u qoraan qaarna G. Waa ay ku ballaadhsadeen markii ay afkoodii ka waayeen wax garanuug la yidhaahdo. Garanuug waa xayawaan aynu leennahay oo la yaqaanno, laakiin afkooda kuma jirto oo markii ay waayeen keennii baa ay qaateen oo ku biirsadeen. Haddaba, innaguba afafka caalamka waxbaa aynu ku biirinnay. Sidaas oo kale, in aynu wax ka biirsannaa ama wax ka korodhsanaayi iyana ceeb ma aha.
Afka waa la dhaliyaa waana la biiriyaa waana la naaxiyaa. Af cilmi ahi markaa ma jiro e, af walba dadkiisu sida uu u galo ayaa qaabkiisu yeeshaa uun. Haddii aynu afkeenna u dedaalnana muuqaal qurux badan baa uu yeelanayaa, haddii aynu ka guurnana, banii aadamka intii awoodi waaya in ay afkooda wax ku samaystaan rag baa u qora kooda, oo ku kale ayaa loo qoraa oo ay wax ku bartaan. Dadkeenna badh baa u haysta afkeenna haddii aynu adeegsanno in aynu dib u hadhayno. Waa qaab-feker taban. Dunida maanta dadka tiknoolojiyadda wax ka hoggaamiya qaar af dhintay baa ay ku hoggaamiyaan. Afka Cibriga ahi, afka Yuhuudda, af dhintay oo qadiim ah baa uu ahaa. Laakiin markii uu dawlad helay dib baa loo amaamuday, dabadeedna waxa uu ka mid yahay baadhitaanna waaweyn ee caalamiga ah afafka maanta lagu qoro. Af wax lagu baadho oo dawladi ku hadasho oo dugsiyo ku socdaan, oo jaamacado ku socdaan, oo ummadi leedahay baa uu noqday. Waa af dib loo afuufay oo dib loo nooleeyey. Markaa af nool miyaa aan la wadi karin? Haddii mid dhintay lasoo noolayn karo miyaa aan mid nool oo hadda jooga la hayn karin ama la wadi karin?
Waxaa la hubaa, baa ay leeyihiin, dhawrka kun ee af ee maanta dunida jooga, 96% waxaa ku hadla 4% oo dadka dunida ka mid ah. Inta kale waa dhawrka kooxood ee dunida haysta. Laakiin, 19 ka dawladood ee dunida ugu horreeya ee tiknoolojiga hoggaamiya, 19 kuba afkooda ayaa ay ku dhigaan. Shanta boqol ee jaamacadood ee maanta dunida ugu horreeya oo 35 waddan ku yaalla, shanta boqolba afkooda ayaa ay ku dhigaan. Haddaba, mid kasta oo aad u horumartaa af ay amaahatay kuma ay horumarin e, waxa ay ku horumartay keedii rasmiga ahaa ee ay lahayd.
Markaa farriintayda koowaad waxa ay tahay afkii ciddiisu danaynweydaa waa uu dhintaa. Maalin dhowayd baa waxa aan dhegaysanayey BBC-da af Carabida iyaga oo ka warramaya qabiil yar oo Yaakuu la yidhaahdo oo Kiiniya deggan oo afar kun oo qof ah, oo ay yidhaahdeen afkooda maanta wax sax ugu hadli kara sagaal qof baa ka nool. Waayo ciddii ay la degganaayeen oo Masay ah oo degaan iyo xididba ay ahaayeen, ayaa afkoodi ka xoog batay. Sagaalkaasi maalinta ay dhintaan afkaasi isaguna waa uu dhimanayaa. Haddii aynu innagu afkeenna noolayn weyno, inta dhimatay baa uu ku biirayaa. Markaa dadweynaha Soomaaliyeed waxa aan leeyahay guud ahaan, inta wax dhigta, inta afka danaynaysa, af cilmi ahi ma jiro e af dadkii lahaa nooleeyey baa jira, iyo af dadkii lahaa uu diley oo dhintay. Marka aad ilmahaaga guriga jooga afkaaga u gudbinweydo waa aad dishay. Waa suurtagal in uu Muslim kuu ahaado, laakiin Muslim Baakistaani ah aniga iigama sokeeyo. Muslim Baakistaani ah, Muslim Carab ah… waa wada Muslimiin oo diintaa naga dhexaysa, dad Muslimiin ah baa aanu nahay, laakiin waxa Soomaaliga isku kaaya xidhaa waa afka. Anigu waxaa laga yaabaa shan af in ku dhow baa aan wax ku bartay, haddana weli af Soomaali baa aan ku hadlaa af kalena wax kuma sheego, inta aan la hadlaana waa Soomaali, waayo waxa aan dareemayaa afkaas in aan waxa aan rabo ku dhihi karo; in uu yahay afka keli ah ee aan isleeyahay wixii aad rabtay in aad sheegtaa ku xagan maayo e isaga oo fudud ayaa uu kaa soo bixi karayaa.
Marka aan u imaaddo kooxda adabka (suugaanta), sidiisaba adabku waa qayb falsafadda ka mid ah. “Aesthetics”, “falsafatul jamaali wad dawq“, “beauty and taste”, la sheegayaa waa al-adab oo ah qayb falsafadda ah oo aadanuhu taariikhdiisa soo dhigan jirey. Gaarriye- Alle ha u naxariisto e- ayaa odhan jirey, afku haddii uu caano yahay, gabayga iyo suugaanta iyo adabkuna waa labeenteeda. Innagu caanihii baa aynu la’nahayba ee maxaa aynu labeen helnaa!
Adabku fanniyada kale oo dhan waa uu ka geddisan yahay, gaar ahaan adabka luqadda. Marka laga yimaaddo fanniga sawirka iyo farshaxanka iyo kuwaa kale ee “art” ka raacsiisan, ee loosoo baxo qaybta afka oo qudha iyo adabkeeda, waxa ay yidhaahdaan culuumta kale oo dhan waa uu ka geddisan yahay waayo culuumta kale oo dhan laba arrimood mid baa ay adeegsataa, isna labadaba waa uu adeegsadaa. Culuumta qaybi (sayniska) caddayn caqli ah ama la taaban karo ayaa ay adeegsadaan. Culuumta kalena (art: ee farshaxanka, sawirka, muusikada,…) dhadhan (الذَوق) baa ay adeegsadaan. Laakiin waxaa la yidhaahdaa, adabku labadaba waa uu adeegsadaa oo caqliga banii aadamkana wax baa uu u caddeeyaa, dhadhanka iyo quruxdana waa uu tilmaamaa. Sidaa awgeed, qofka banii aadamka ahi, dunida uu ku dhex nool yahay ee cir leh, dhul leh, aadane leh, xoolo leh, xayawaan leh, waxaa uu makhluuqaad ku dhex noolyahay dhammaantood farriimo ayaa ay dirayaan, laakiin farriintaa sida aynu u turjumi karnaa kala geddisan. Ninka adiibka (suugaanyahanka) ahi farriintaas uu ka helay abuurka uu la noolyahay baa uu af aad u macaan kuugu turjumayaa. Qalabkiisa qaabilitaanka ayaa dareenkiisu sarreeyaa. Qolada tiknoolajigu waxa ay yaqaannaan wax la yidhaahdo “transmitters”; wax wax baahiya oo wax dira, iyo “receivers” wax wax qabta. Wixii dunida la dirayey oo dhani waa ay joogaan. Tusaale ahaan, wixii idaacad hadashay oo dhani halkan ayaa ay maraysaa, wixii TV oo dhani halkan ayaa uu marayaa, wixii aad telefoon ku hadashay oo dhani halkan ayaa uu joogaa, laakiin waa sidee loo kala sooci karaa? Markaasaa lagu leeyahay risiifarkaaga 19ka mitir baan marka aad saarto intaasaa soo hadhaysa oo BBC baa aad helaysaa. Kolba kii aad beddesho qolo ayaa aad helaysaa. Haddaba koonkan aynu ku noolnahay dhammaantii wax baa uu baahinayaa laakiin sida aynu ula kulanno ayaa kala geddisan. Qofka adiibka (suugaanyahanka) ahi waa uu kaa xasaasisan yahay, waa uu kaa dareen badan yahay, waxa uu la kulmayo ayaa ka badan inta adigu farriimahaa la diray aad kala kulmayso. Waxa uu dareemayaa quruxda ku faafsan cirka iyo dhulka iyo dadka iyo xoolaha iyo badda iyo berriga iyo waxa Alle abuuray oo dhan- subxaanahuu wa tacaalaa-.
Adabku markaa nimcooyinka ugu waaweyn ee Ilaahay bixiyey ayaa uu ka mid yahay. Laakiin nimcooyinku sidoodaba waa dul xaddayn, waa wax aad ku goosato oo labo af leh. Haddii adabkaagu uu noqdo adab qanciya aadanaha oo u raaxeeya, oo faafinaya wanaagga iyo ciffada (dhawrsoonaanta) iyo sharafta iyo geesinimada iyo khayrka, macno ayaa uu samaynayaa. Adabkaagu haddii uu sharka beero, xumaha raadceeyo, wanaagga ka fogaadana waa khatar. Markaa qofka suugaanyahanka ahi, ama maqaal ha qorayo, ama qiso ha qorayo, ama gabay ha qorayo, wixii uu doono ha noqdo waxa uu qorayaa e, waa qof farriin diraya, oo weliba farriin quruxsan diraya, weliba farriin qofka jidhkiisa dhul badan oo ka mid ahi la wada kulmayaan. Laakiin farriinta aad diraysaa maxaa ay tahay uun ayaa isweydiinta leh.
Maanta waxaa laga yaabaa sheekooyinka dunida la qoro ee noofallo leh, wixii ay doonaanba leh, waxa ay u badan yihiin waa sheeko inta ugu badani jinsi (galmo) ka warramaysa. Weliba jinsi cawro qaawan ka warramaysa. Weliba suurad aad u liidata u sawiraysa. Waa farriin yoolkeeda iyo danta laga leeyahay ay tahay dareenka banii aadanka in la kiciyo. Laakiin, sheeko oo dhani ma caynkaasaa? Maya. Waxa ay yidhaahdaan sheekada ugu fiican ee xilligii dhexe (Medieval Period) la qoray waa Ibnu Dufayl al-Andalusii qisadiisi macruufka ahayd Xay ibnu Yaqdaan ( حي بن يقظان). Waa sheeko aad u macaan oo falsafad ku dhisan, waa qiso ka warramaysa caqliga iyo diintu ma iswaafiqi karaan. Waa qiso ka warramaysa ilmo yar oo sanduuq inta lagu ridey lumay oo jasiirad cidlo ah kasoo baxay oo dabadeetana deero neefkeedi weyday ay heshay oo ay caano siisay oo cidla ku koray oo aan aadane la korin. Sheekadan dad badan baa mar dambe ka dheegtay, sida Robison Crusoe-gii Ingiriiska iyo Ibnu Nafiiskii Carbeed tii uu qoray. Sheekooyinkaas oo dhan waa wax laga dhambashay qisada Ibnu Dufayl al-Andalusi. Waxa ay yidhaahdaan waa sheekadii ugu fiicnayd ee xilligii dhexe la qoray. Waxa ay ahayd qiso macne samaynaysa. Haddaba, sheekada lafteeda sharku ma aha e waxa weeyaan maxaa ay xambaarsan tahay? Maxaa ay tahay farriinta ay siddaa? Aadanaha maxaa ay u kordhinaysaa? Afka maxaa ay ku kordhinaysaa? Waxa ay gudbinayso ayaa isweydiinta leh.
Sheekooyinkii qarnigii hore la qoray ee caanka ah waxaa ka mid ah sheeko asalkeedi af Turki lagu qoray, af Carabina loo turjumay, oo qiso falsafi ah, oo قصة الإيمان بين الفلسفة والعلم والقرآن baa la yidhaahdaa. Waa sheeko ka warramaysa arday jaamacad galay oo koorsooyinkii hore ee falsafadda markii uu qaatay wareeray, dabadeetana mulxid (qof aan Alle rumaysnayn) noqday, dabadeetana jaamacaddii uu Bishaawar dhigan jirey ka tagey, dabadeetana aabbihii uu u sheegay nin borofesoor ahaan jirey oo shaqadii inta uu ka fadhiistay buuragale iska noqday oo suufiyeeyey oo buurihiisa iskaga wardiya oo meelahaa iska jooga oo loo tilmaamay tuullo yar oo Khartank la yidhaahdo, waa Samarqand agteeda, dabadeedna meeshaa ugu tagey. Ka dibna ardaygaa iyo borofesoorkaa oo cidla ku noolaa oo aan cidna la joogin ayaa wadahadal dhex marayaa. Wadahadalku waa saddex qaybood: dood falsafi ah ayaa dhex maraysa. Haddana dood saynis ah baa dhex maraysa. Haddana dood Qur’aanka ku saabsiisan ayaa dhex maraysa. Sheekadu dhammaateed waa falsafad, Alle-diidka (atheism) baana ay ka warramaysaa. Haddii aad qisadaa akhrido lagama yaabo in aad seexato adiga oo aan dhammaynin. Markii ugu horreysay ee aan arko aniga oo xabsi ka soo baxay Siyaad Barre dawladdiisi, ayaa inan yar oo buuggaas oo dhinacyadu ka go’een sita, 406 bog baan u malaynayaa in uu ahaa, ayaa igu yidhi sheekh waxa aan ku weydiiyey kitaabkan mala iibsan karaa? Markaasaan ku idhi iga iibi. Derbi cidla ah baa aan la fadhiistay. Ma aanan kicin ilaa aan ka dhammeeyey mooyaan e! Yacnii, iyadaa ku odhanaysa i akhri! Ma uusan ahayn buug aan anigu usoo qaatay markii hore in aan akhriyo.
Markaa, sheekada qoraagu diyaariyey waxa ay noqon kartaa wax qofka caqligiisa iyo maankiisa iyo dareenkiisaba qabsada, oo macno iyo dhadhan leh, farriinta ay xambaarsan tahayna gudbisay. Haddaba, marka aynu nidhaahno adab Islaami ah ayaa la rabaa, beryahan dambe waxa aynu barannay wax walba in Islaami xagga dambe lagaga daro. Asalku waxa uu ahaa in ay noloshuba Ilaahay waafaqsan tahay oo uma aynan baahnayn, laakiin markii kii kale la innaga badiyey baa aynu is nidhi malaha idinna gaar isu sooca: adab Islaami, iskuul Islaami, bangi Islaami, waxan Islaami, jaamacad Islaami. Jaamacad haddii cilmi la baranayo cilmigu sidiisa ayaa uu u yahay xaqiiqo, waayo cilmigu asal ahaan aadanuhu waxa uu wax ku bartaa waa labo shay: midi waa kalaamullaahi, waa waxyi xagga Alle ka yimid, midna waa ficlullaahi, waa wixii uu Galiili (Galileo Galile, 1564-1642) lahaa markii maxkamadda lagu wadey ee uu tilmaamay shaqada Ilaahay baa aan turjumayey. Laakiin markii la innaga xoog batay baa aynu wax kasta xagga dambe waxa aynu kaga yara nabnay si aynu u soocanno “waxaa al-Islaami, waxaa al-Islaami….”
Asalku waxa uu yahay, sheekada haddii uu Muslim qoro asaane xambaarsanayn farriin banii aadamka wax u gudbinaysa oo wax taraysa, sheeko Islaami ah ma aha. Haddii uu gaal qoro laakiin ay xambaarayso qiyam insaani ah oo banii aadamku uu u baahan yahay markaas ayaa ay Islaami noqonaysaa. Waxa aynu ka fekeraynaa waa maxay? Waa qiyam, maxaa sax ah maxaa xun. Markaa waxa aynu ka eegaynaa marna ereyada dhadhankooda iyo macaankooda iyo dhegta sida ay ugu raaxaynayaan iyo ereyga fasaaxadiisa iwm, oo qurux iyo dhadhan baa aynu ku xisaabtamaynaa, marna waxa aynu ku xisaabtamaynaa muxuu sidaa? Waxa sheekadan ama gabaygani sidaa muxuu yahay? Haddaba haddii uu wax dheef aadanaha u leh sido, wax wax dhisaya uu sido, wax aadantinimada kor u qaadaya uu sido, ama qiso ha noqdo ama maqaal ha noqdo ama gabay ha noqdo, wixii uu doonaba ha noqdo e, waxa aynu leennahay kaas ayaa Islaami ah ciddii doontaa ha tiriso markaa.
Haddiise uu sido wax dhaqanka hoos u dhigaya, aadaabta xumaynaya, akhlaaqda liidaya, qaarka hoose ee banii aadamka uun ka warramaya, waa wax liita markaa, qiimo badanna ma samaynayo. Aadanuhu qiyam uu wada waafaqsan yahay ayaa jira oo caddaalad leh, oo xorriyad leh, oo iimaan leh, oo fadiilo leh, oo geesinnimo leh, oo deeqsinimo leh, oo dulqaad leh, oo sabir leh. Wax uu banii aadanku wada xumo u arkaa jira oo anaaninimo ah, oo bakhaylnimo, dhabcaalnimo, islaweyni, kibir, istus, ismaqashiin. Wax uu fasirkiisa isku khilaafaa jira, tusaale ahaan, dagaalku ma wax fiican baa mise waa wax xun? Dagaalku waa wasiilo oo waxa uu ku xidhan yahay haddii xaq iyo caddaalad lagu sugayo wax fiican baa uu noqonayaa, waxa uu noqonayaa qalliinkii jidhka ee aan laga maarmaynin oo kale. Dhakhtarku mar baa uu ku qancaa in uu mindi ku mariyo sow ma aha? Laakiin mindidatan waxaa loo arkaa in ay mustaqbal fiican ku gaadhsiinayso. Waxaa laga maarmi waayey inta lagu qalo in hilibkaaga wax ka mid ah la tuuro si intaada kale aad u caafimaaddo. Dagaalku markaa mar baa uu yahay khayr. Marna waa hamajinimo; waa xayawaannimo. Nabaddu marbaa ay xun tahay. Nabaddu marka ay addoonsi keento, marka aad isdhiibto, nabaddu qiimo ma leh. Marbaa ay fiican tahay. Asalka aadanuhu in uu horumar samayn karaa waxa ay ku xidhan tahay in uu nabad helo oo deganaanshiiyo helo. Adabku waa waxa waxaa lagu qurxiyo. Waa waxa marna nabadda fiican ku tusin kara, marna nabadda xun ku dhadhansiin kara. Adabku laba shay baa uu ka warramaa baa ay yidhaahdaan: xaqa iyo jamaalka. Xaqu sidiisa ayaa uu u qurux badan yahay. Qiyamka xaqa ahi sidooda ayaa ay u qurux badan yihiin. Jamaalkuna waa dhadhan banii aadanka Ilaahay ku abuuray.
Adabku qofka sidaa waxa uu rumaysan yahay ayaa uu ku xidhan yahay. Adabkii jaahiliyadii Carbeed luqad ahaan lagama maarmo. Adabka marna waxaa loo daraaseeyaa luqad ahaan, oo afku waa uu dhintaa haddii aan adabkiisa la qorin walow uu xun yahay. Imika luqada Carbeed haddii aad tafsiir akhrinayso kama maarantid in aad Imru’ul Qays, Darfah ibnul Cabd iyo Laamiyadii Shanfari, iyo kuwaa in aad tiriso. Nimankaa gabayadooda ma taqaannaa? Khamri iyo naag iyo faras iyo dagaal iyo dad la boobay baa ay ka warramayaan. Waxa ay ka warramayaan oo dhan waa intaa. Laakiin adabka ku jira, luqadda ku jirtaa waxa ay keensatay in loo baahdo, oo Ilaahay kitaabkiisa in la fasiro in loo noqdo adabkii jaahiliyadii Carbeed. Adabka mar waa aynu soo guurinaynaa. Waxa aan usoo guurinaynaa ma aha in aynu ammaanayno. Waxa aynu usoo guurinaynaa in uu afka sido oo uu kaydkii afka yahay; in uu noqdo waxa aan ku sharxayo afka aan u baahannahay. Marna waa aan kala soocayaa adabka oo waxa aan leeyahay ka aad adigu tirinayso iyo inta kaa dambaysaa afkana ha sido qiyamkana ha sido. Yaa uusan noqonin adabkii qabiilka ee hore. Adabkii jaahiliyadii Carbeed waxa uu ka koobnaa faan, iyo ammaan, cay, iyo mujuun iyo waalli, qabiilada iyo faankeeda sheegistiisa, dagaalka iyo weerarrada dadka lagu qaado, aargoosiga, waxaa ayaa uu ka warrami jirey. Waayo Carabtu waxa ay ku maahmaahaan وكل اناء بالذي فيه ينضح, weel waliba waxa ku jira ayaa uu dhididaa oo wax kale kama soo baxaan.
La soco qaybta labaad…
FG: qoraalkan asalkiisu waa muxaadaro uu Sheekh Mustafe ka akhriyey Stockholm habeenkii Jimcaha ee 2 dii Disambar, 2016 (3 Rabiicul Awal 1438). Hadalka iyo qoraalku isku mid ma aha, in hadal meel laga jeediyey qoraal loo beddelaana ma sahlana, sidaas awgeed, si qoraalku u tooso, fahmiddiisuna u fududaato, meelo kooban ayaa erey lagu daray ama mid af kale ahaa la turjumay. Meelaha qaarna ereyo soo noqnoqday ayaa laga saaray.
illaahay ha ini barakeeyo hana iniga ajar siiyo faa iidooyinka aad noo soo gudbinaysaan runtii waxbadan ayaad soomalida u haysaan aadban mar iyo marar yow badan iniiigu mahad celinayaa
waa astaanteena iyo quruxdeena afku runtiina wuxu u baahan yahay in had iyo goor la dabayliyo lagana saaro turxaamaha si uu u noqdo mid dunida casriga ah la jaan qaada. walaahi waa saad sheegtoo soomalida qaar badan baa ku odhan waa dib u dhac inaad afkaaga dib u fiiriso una saxdo. walow aynu ku hadalkii hayno hadana dhibta u wayn waa higaadii iyo qoraalkii afka oo anigana dhoo aanu ka madhanahay, waxan arkay maalin dhawayd gabadh magaceeda higaadu u saxnay oo u qortay mageecad “NIMCO DAGAN” bal u fiirso adba eraygaa ay ku ladhay magaceeda NIMCO iyo ula jeedkeeda oo ahaa NIMCO DEGAN’ sida ay u kala durugsan yihiin, iyo waliba siday ugu faraxsantahay inay magaceeda ju la dho erayga DAGAN oo uula muuqda amaan. runtii afka qoraalkiisa in nalaga dhiso waliba jiilkayaga cusub aadbay muhiim u tahay.
waxa nasiib dara ah in dhamaan jamacadaha soomalida laga barto afka carabiga iyo waliba kan eglish ka ah oo ay ka qalin jabiyaan sankiiba kumaanaan arday oo wakhti ku biyay darsayna afafkaa ajaanibka ah balse aanay jirin cid hiil u fidinaysa afkeena oo ah astaan sharafeedkeena ,majiro jamacad lagu dhigtaa iyo cid takha khus u le . aadban iniigu mahad celinayaa bahdiina garanuug in badan. waxabadan waan iniga baranay inigana baran doonaa insha allaah.