Home / Waxqoris

Waxqoris

“Qalinkaa wax suureeyaa/ Kugu sima halkaad doonto.”

Sirta Qoraalka: Maxaa Wax loo Qoraa? *** ن ۚ وَالْقَلَمِ وَمَا يَسْطُرُونَ “Nuun. Qalinka [ayaa aan ku dhaartay], iyo waxa ay dhigayaan.” al-Qalam: 1 *** عُبَادَةَ بْنِ الصَّامِتِ قال : سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ : إِنَّ أَوَّلَ مَا خَلَقَ اللَّهُ الْقَلَمَ فَقَالَ لَهُ : اكْتُبْ ، قَالَ ...

Read More »

“Bulshooy adigay bokhraday”

Sirta Qoraalka: Masuuliyadda Qoraaga Soomaaliyeed Qoraagu waxa uu isu xilsaaray in uu hal-abuur iyo gadhwadeen u noqdo nimcada qoraalka ee Alle innagu galladaystay. Waxaa saaran masuuliyad iyo ammaano ay waajib tahay in uu hagar la’aan u guto; taas oo ah kaydinta, kobcinta, dhawrista, iyo faafinta aqoonta iyo garashada ummadi leedahay. ...

Read More »

Ninba intuu akhriyuu qoraa

“Maxaad kula talin lahayd qofka raba in uu qoraalka bilaabo?” “Akhris, akhris, akhris,” Waa weydiin iyo warcelinteed ay badanaa isweydaarsadaan qof qoraa ah iyo mid raba in uu qoraa noqdo. Ceel nin galay baa laga waraystaaye, inta wax qaayo leh qortaa waxa ay ka siman yihiin wax akhris badan. Qofku ...

Read More »

Afka iyo Suugaanta 1

Suugaanyahan iyo afyahantoona ma ihi, marka la eego takhasuskii iskuulna tumaal baa aan ahaa, marka la eego hiwaayaddaydana waa diin. Suugaan iyo af, iyo malaha tumaalnimaduna xidhiidh ma laha. Haddana waxa ay noqotay uun bal hamzatul wasli ma noqon karaa? Waxaygu waa labo farriimood, laakiin waa laga yaabaa labada farriimood in ...

Read More »

Qaybaha Buugga

Guud ahaan buugaagta waxaa loo qaybin karaa kuwo ka hadlaya wax jira (Jiraal: Non-fiction) iyo kuwo male-awaal iyo sheeko-faneed ah (fiction). Qaybahan hoos ku xusan intooda badan lagama helo buugaagta male-awaalka/ sheeko-faneedka ah (fiction). Marka aad buug qoraysid, ku dedaal qaybahan in aad qoristooda ku bilowdid bogga midigta xiga, xitaa ...

Read More »

Isu mise Isku?

Markaan cabbaar u fiirsaday waxaa ii soo baxay in dadka qaarkii ay labadaas erey isku khaldaan, ama aysan farqi badan u samayn markey adeegsanayaan. Sideedaba, af walbaa isagaa dhismihiisa (naxwihiisa) samaysta. Af walba dadka u dhashaa waxa ay ku baraarugsan yihiin in uu jiro sharci xakamaynaya in hadallada sidii la ...

Read More »

Waxa aad hurtaa 30 daqiiqo si aad…

Earl Nightingale waxa uu baadhayay iskuna taxallujiyay guusha muddo tobanaan sanno ah, si dhab ahna waa uu u gudanayay shaqadiisa. Waxqabadkiisii inta u badan haddeer waa la iska illaaway, balse haddii aad in uun meel ku aragtid, waa kuwo u qalma in waqti la gesho ee ha sii dayn. Aniga ...

Read More »

Ma qoraa ayuu yahay?

Maqaallada uu midkaayo ba tayayntooda ku bixiyo wakhtiyada badan haddii uu qoraa ku noqon waayo ma naqaanno waxa kale ee uu qoraa ku noqon lahaa. Qaamuuska Af-Soomaaliga, ee ay sida hagar la’aanta ah inoo soo gaarsiiyeen buunniyada kala ah, Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur, ayaa “qoraa” ku qeexaya: “Qof ...

Read More »