Home / Abaalmarinta Buugga / Buugga Sannadka 2016
© Freepik ayaa naqshadda iska leh.

Buugga Sannadka 2016

© Freepik ayaa naqshadda iska leh.
© Freepik ayaa naqshadda iska leh.

Abaalmarintii Buugga Sannadka ee ay u codeeyeen akhristeyaasha bogga Garanuug ee Facebook, waxaa ku guuleystay buugga “Baalkii Madoobaa ee Noloshayda” oo uu qoray Warsame Shiidley.

Halkan ka akhriso faallo kooban oo ku saabsan buugga.

Buugaag badan ayaa loo codeeyey. Waxaanuna rajaynayaa in la akhrin doono oo laga faa’iideysan doono. Shanta buug ee ugu codadka badnaa waa:

  1. Baaalkii Madoobaa ee Nolashayda- Warsame Shiidley (131)
  2. Gurrac- Khadar Cabdi Cabdillaahi (45)
  3. Raadraadca Taariikhda Soomaliyeed- Xuseen Cali Ducaale “Cawil” (29)
  4. Indha deeq ku aaway- Ismaaciil C Ubax (23)
  5. Is Le’eg Isa Seegan- Ismaaciil C Ubax (16)

buugga-sannadka-codayn

Dhammaan intii ka qaybqaatay aad ayaa aanu uga mahadinaynaa, waana wax lagu farxo in Soomaalidii la lahaa waxba ma akhriyaan ay ku baraarugeen wax akhrintii. Akhrisku waa quudka maanka iyo maskaxda. Waa wax kobciya garaadka qofka.

Maxamed Ciise Cabdilaahi oo u codeeyey buugga Duco-qabe, ayaa ku guuleystay bakhtiyanasiibkii.

Dhammaan waxa aanu leennahay hambalyo. Guuleysta.

Waxaa innoo ballan ah abaalmarinta xigta oo qabsoomi doonta qaybta hore ee 2017. Haddii aad tahay qoraa danaynaya in uu ka qaybqaato, waxa aad xog dheeraad ah ka heli kartaa halkan.

Abaalmarinta Buugga- Xog Guud

Print Friendly

Comments

comments

One comment

  1. baalkii madoobaa waa weero aad u yasaysa midabka madoow loogana dayda caddaanka iyo yurubta oo aan ahayn mid dhaqanka soomaalida ku jirta, in kasta oo aan buugga akhrin hadana ma siiyeen abaalmarki waayo magaciisa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *