Home / Af Soomaali

Af Soomaali

Ereybixinta Geela

Halkaan hoose ka dheego eray bixino loo adeegsado xoolaha gaar ahaan geela oo ah waryahaadka ay soomaalidu ugu jeceshahay. Geela sidkiisu waa 13 bilood. (390 habeen). Muddada uu ilmah wadana waxaa loo yaqaannaa Sid. Hasha rimman waxaa lagu gartaa Goojada ama Dhays – candhada (naasaha oo caano galeen yeesha). Hasha ...

Read More »

Qoritaanka Curiska- Guudmar

Waa Maxay Curisku? Curisku waa qoraal habaysan oo ku saabsan hal mawduuc. Curisku waa uu ka geddisan yahay maqaalka, inkasta oo ay aad isugu macno dhowyihiin, mararka qaarna isku si loo adeegsado. Sida maqaalka oo kale, curisku waxa uu yeeshaa gundhig (thesis), taas oo lagu soo bandhigo, si toos ah ama ...

Read More »

Afka iyo Suugaanta 1

Suugaanyahan iyo afyahantoona ma ihi, marka la eego takhasuskii iskuulna tumaal baa aan ahaa, marka la eego hiwaayaddaydana waa diin. Suugaan iyo af, iyo malaha tumaalnimaduna xidhiidh ma laha. Haddana waxa ay noqotay uun bal hamzatul wasli ma noqon karaa? Waxaygu waa labo farriimood, laakiin waa laga yaabaa labada farriimood in ...

Read More »

Qaybaha Buugga

Guud ahaan buugaagta waxaa loo qaybin karaa kuwo ka hadlaya wax jira (Jiraal: Non-fiction) iyo kuwo male-awaal iyo sheeko-faneed ah (fiction). Qaybahan hoos ku xusan intooda badan lagama helo buugaagta male-awaalka/ sheeko-faneedka ah (fiction). Marka aad buug qoraysid, ku dedaal qaybahan in aad qoristooda ku bilowdid bogga midigta xiga, xitaa ...

Read More »

Isu mise Isku?

Markaan cabbaar u fiirsaday waxaa ii soo baxay in dadka qaarkii ay labadaas erey isku khaldaan, ama aysan farqi badan u samayn markey adeegsanayaan. Sideedaba, af walbaa isagaa dhismihiisa (naxwihiisa) samaysta. Af walba dadka u dhashaa waxa ay ku baraarugsan yihiin in uu jiro sharci xakamaynaya in hadallada sidii la ...

Read More »

Maansayahankii Koowaad

Haddii aad hadda ka hor is weydiisey su’aasha ah: waxa maanso la yiraahdo hor iyo horraan yaa bilaabay, sidee se ku bilaabatay? Waxaan kuu qiraayaa in aad martay waddo raadku ku yar yahay, welibana aad tahay qof arrimaha aan dul roorin ee hoos ugu dhaadhaca. Sidoo kale waxa laga yaabaa ...

Read More »

Af Hiil Waayey

Magacaygu waa af-Soomaali.  Da’deyda ma aqaan.  Hayeeshee in dhaaxo waan soo joogay.  Afaf qalaad inay igu milmaan waan iska caabbiyay.  Kuwii gumeystahana hangool ayaan isaga qabtay.  Waan xididaystay.  Oo raagay.  Gallad Eebbe dheh. Rag shisheeye ah baa ii qiray inaan ahay afkii gabayaaga.  Garab ayaan ahay.  Aniguu i adeegsadaa Soomaali ...

Read More »