Home / Aragti

Aragti

Maxaa Looga Jeedaa “Diimaha”?

Waxa la yidhi oday reer baadiye ah oo aan weligii magaalo arag ayaa waxa uu maqli jirey; nebigeenu waa Muxammad (csw) ummada nebi Maxamed iwm.  Berigii danbe ayuu magaalo soo galay, waxa uu arkay waxyaalo badan oo aanu hore u arki jirin, waxa kale oo uu maqaly  ‘Nebi Ciise’. Waxa ...

Read More »

Warcelin Waafi ah- Wahaabiya: Diin iyo Dawlad

Qoraalkan gaaban waxa uu warcelin u noqon doonaa qoraal lagu daabacay bogga maandoon.com, larkiisuna ahaa WAHAABIYA: DIIN IYO DAWLAD, uuna qoray Shaafici Xasan Maxamed. Si aad u akhrisato qoraalkaas lifaaqa hoose dhag sii. http://maandoon.com/wahaabiya-diin-iyo-dowlad/. Sida ka muuqata cinwaanka qoraalka, Shaafici waxa uu rabaa in uu iswaafajiyo magaca uu sito qoraalka ...

Read More »

Madaxdeennu ma Hoggaamiyeyaal baa mise waa Maamuleyaal?

Weydiinta summada u ah qoraalkeennan, inta aynaan ka jawaabin ma isla sii fahannaa farqiga u dhexeeya hoggaamiye (leader) iyo maamule (manager)? Inta badan waxa aad moodda in ay isku mid yihiin, laakiin ma aha e, waa loo maleeyey. Waxaa la sheegaa in hoggaamintu la soo bilaabantay aadamaha, kumannaan sano ka ...

Read More »

Rejada Ummadda Soomaaliyeed

Laga soo bilaabo burburkii dawladnimo ee 1991dii, dadka Soomaaliyeed markasta oo la yiraahdo doorasho ayaa jirta waxaa gasha rejo, waxa ayna u hanqaltaagaan in isbeddel imaan doono. Waa sax oo rejada lagama quusto laakiin waxa aad mooddaa in aysan weli helin hoggaamiyihii ay ku taamayeen ama xaqiijin lahaa rabitaannada ugu ...

Read More »

Waxbarasho xer-u-dhalad ah ma loo baahan yahay?!

Waxbarashada casriga ahi waxa ay la kowsatey soo gelitaankii gumaystayaasha reer Yurub ee arlada soomaalida, waxaana bilowgii laga lahaa ujeeddo iyo qarad diin fidin salka ku haya. Wadaad masiixi ah ama baaderi, ayaa waxbarashadaas hor kuutinayey. 1891-kii ayaa dugsiyadii ugu horreeyey ee noocaas ahaa laga kala furay magaalooyinka xeebta kulaalaya ...

Read More »

Sababaha Baaba’a Dawladnimo

Maxaa ay dawladuhu u dhintaan, xaddaaraduhu u burburaan ama ummaduhu u baaba’aan? Waa su’aal da’ weyn oo aqoonyahano badani, waqtiyo kala duwan doodo ka dhiibteen. Aqoonyahannada ka hadlay arrintan ee wax ka taabtay waxaa ka mid ahaa caalimkii taariikhyahanka ahaa ee Cabdiraxmaan Ibnu Khalduun (1332 –1406M). Ibnu Khalduun waxa uu ...

Read More »

Diinta iyo Sayniska

Alle- kor ahaaye– markii uu uunkan sameeyey waxa ku dhex abuuray noole aynu ka mid nahay. Markii Aadan- calayhis salaam– la abuurayna waxaa la baray dhammaan magacyadii waxyaalihii jirey. Isaga iyo Xaawo ba- calayhas salaam– waxaa loo kala sheegay dhirtii ku hareeraysneed kuwa dheefta u leh iyo kuwa dhibta u keeni ...

Read More »

Xalku Waa Isbeddel Shacab

Soomaali baynu nahay. Doorashada 2016 baynu hadal heynaa. Sannadku wuu isbeddelay. Fikirkaayaguse isma uusan beddelin. Saas ay tahayna waxaynu u ololeynaa in isbeddel lagu sameeyo Madaxtooyada. Misana hankaayagu ma dhaafsiisana inaynu ku il doogsanno un qof nagu qabiil ahoo ku fariisto kursiga Madaxtooyada. Sabir iyo bisayl siyaasadeed waynu ka arradan ...

Read More »

“Soomaalidii baan u dudi, daadufka ahayde”

“Soomaalidii baan u dudi, daadufka ahayde” Sayyid Maxamed. Hordhac Sayyid Maxamed (AUN) waxa uu ahaa halyey u halgameyey diintiisa, dadkiisa iyo dalkiisaba. Wuxuuna hadh iyo habeen u taagnaa sidii uu gumaystaha waddanka uga saari lahaa, isaga oo taas uga gol lahaa inuu dadkiisa ka badbaadiyo in diintooda laga bedelo ama ...

Read More »

Kacaan mise Afgambi?

Kacaan waa bulsho ka gilgilatey falalka ka soo fulaya maammulka ay hoos joogaan, ujeeddadada kacdoonkoodu na tahay in ay isbeddel dhaliyaan. Tusaale waxaa ah kacaankii ka dhacay dalka TUUNIISIYA. Haddaba, 21kii Oktoobar 1969kii ma bulsho kacdoontay baa dawladdii jirtey riddey mise askar ayaa afgambidey? Dabcan jawaabtu waa caddahay oo waa: ...

Read More »