Home / Aragti / Maxaa Looga Jeedaa “Diimaha”?

Maxaa Looga Jeedaa “Diimaha”?

Waxa la yidhi oday reer baadiye ah oo aan weligii magaalo arag ayaa waxa uu maqli jirey; nebigeenu waa Muxammad (csw) ummada nebi Maxamed iwm.  Berigii danbe ayuu magaalo soo galay, waxa uu arkay waxyaalo badan oo aanu hore u arki jirin, waxa kale oo uu maqaly  ‘Nebi Ciise’. Waxa uu yidhi diinteenu sawtii ta nebi Maxamed (csw) ahayd goormaa Ciise (cs) loo bedelay?!

Waxa dhowaanahan aan arkay qoraallo af Soomaali ku qoran oo ladhkoodu yahay odhaah ah ‘Diimaha’.  Waxa aan isweydiiyey Soomaalidu goormay diimo badan yeesheen, mise anigaa hurdee wax kalaa jira oo aanan fahmin. Waa hubaal in uu fekerka bani aadamku koro oo hore u socdo mar walbana ay soo baxaan erayo iyo halkudhigyo cusub, ma laga yaabaa in weedhani ay halkaa salka ku hayso? Oo ay innoo tilmaamayso aqoon hor leh oo innaga daahan?! Mise waa eray la iska yidhi ee ujeeddo sidaasi  kama danbeyso?!.

Sida la ogsoon yahay ummadda Soomaliyeed waa ummad Muslin ah 99.9% mana jirto diin kale oo ku wada faaftay geyiga Soomaalida intii aanu Islaamku soo gaadhin. Taasi waxa ay caddaynaysaa in markii horeba dhulka Soomaalida aanay ku xoogaysan diimo kale oo ka duwan diinta Islaamka. Ta labaad, diinta islaamka oo sideedaba ah diinta asalka (fidrah) ah ee Eebbe addoomihisa u dooray. “…Wejigaaga u jeedi Diinta adoo toosan, (diintu) waa abuuridda Eebbe ee dadka uu ku abuuray, wax beddeli kara abuurka Eebbena ma jiro, saasina waa diinta toosan laakiin dadka badidiis ma oga” (Ar-Ruum- 30).

Dhinaca kale marka laga eego, diimihii hore ee Eebbe soo dejiyey dhammaantood waxa ay ahaayeen kuwo isku hal baaq iyo hal ujeeddo keli ah wada leh; ‘Eebbe weyne keligii in la caabudo’. Waxa keli ah oo kala duwaanaa waxa ay ahayd shareecada ay ummad waliba raacaysay ama lagu dhaqayey, maadaama uu kala duwanaa waqtiga ay noolayeen iyo hab nololeedkooduba. Waana sababta diimaha badan loo soo dejiyey; waayo sideedaba bani aadamku waxa uu u baahanyahay cid daweysa oo dabiibta cudurradooda, xalna u hesha mushkiladahooda bulsho iyo aafooyinka fikir ee ku dhaca ummadaha, si ay uga baxaan khuraafaadka iyo mooganaanta dibudhaca. Sidaa darteed, ujeeddada ugu weyn ee diintu waa helitaanka daawo wax tar leh oo ka takhalusta khuraafaadka iyo ismoogaysiinta. Isla markaana ka saarta dadka godka madow ee jahliga si ay u higsadaan fikir cusub oo kor u qaada garaadkooda; sidii Islaamku u galay una saameeyey Carabtii jaahilka ahayd.

Geesta kale waxa maanta dunida asqaysay mawjad aad u xoog badan oo ku baaqaysa in laga fogaado wax walba oo diin ku shuqul leh, xagga maaddadana loo bato, iyada oo cuskanaysa aragti diimaha u nisbeynaysa ama ku tilmaanta in ay sabab u yihiin dib u dhaca, dagaallada iyo ismaandhaafka badan ee maanta dunida ka jira. Inkastoo ay tahay arrin u baahan in si gaaar ah loo derso, haddana ma fududa in diinta keligeed eed intaa le’eg dusha loo saaro.

Marka loo soo noqdo diimaha samaawiga ah, dhammaantood waa baaq run ah oo ku baaqaya wada noolaanshaha iyo isfahan sabab u noqda nabad iyo wada noolaansho bulshooyinka dunida.

Xikmadda uu Eebbe, Korreeye, u soo diray rusushu waxa ay ahayd in dadka wax la baro, garaadkoodana  kor loo qaado. Rasuul walbana waxa lala soo dirayey risaalo ku haboon waqtigiisii, waayihiisii iyo qadiyadihii markaa taagnaa, isla markaana ka jawaabta baaahiyihii jiray; ha ahaato kuwo bulsho, dhaqaale ama siyaasadeed.  Guud ahaan diimaha iyo shareecooyinka waxa looga gol lahaa toosinta, barbaarinta iyo tilmaamidda bani aadamka, xag dhaqan, xag aqooneed, xag akhlaaqeed iyo in la helo oo la sugo caddaaladda.

Qofka u fiirsada taariikhda diimihii Eebbe soo dejiyey waxaa u muuqanaysa in ay ahaayeen cutubyo isku xidhiidhsan oo midiba tii ka horreysay dhamaystiraysay, marka laga eego xagga nuxurka (ruuxiga) iyada oo ay jirto kala duwanaansho la xidhiidha waqtiga iyo duruufihii jirey.  Sidaa awgeed rususha waxa la faray in ay rumeeyaan risaalooyinkii ka horreeyey, kuwa ka danbeeyana sii bishaareeyaan, si ay ummaddooda uga digaan in ay ku dhacaan gefafkii kuwii ka horreeyey ku dhaceen.

Ugu danbeyn risaaladihii oo dhan waxa lagu khatimay oo lagu gunaanaday risaalada Islaamka. Waxana Eebbe Qur’aanka innoogu caddeeyey: “in diintu Eebbe agtiisa ay tahay Islaamka” (Aal-Cimraan 19)  “Ruuxii doona Diin aan Islaamka ahayn laga aqbali maayo, Aakhirana waxa uu noqon kuwa khasaaray”  (Aal-Cimraan 85)

Hadaba ma la odhan karaa dhibaatada maanta dunida ka aloosan diintaa u sabab ah? Waa su’aal u baahan in mar kale la is weyddiiyo. Maxayse tahay ulajeeddada weedha la innoo laqimay ee dadka qaarkii beryahan ku celceliyaan ee ah in diimaha oo dhan selled lagu wada rido dabadeedna isku si loo dhaleeceeyo?


Aragtiyaha ku sheeggan qoraalkan waxaa iska leh qoraha oo daruuri ma aha in ay ka afceliyaan siyaaso-tifaftireedda Garanuug.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Kaalinta 2: Garta dhaqanka iyo garsoorka Soomaalida

Curiskii ku guuleystay kaalinta labaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Umadda Soomaaliyeed ...

Kaalinta 3: Hal ka mida hawlkarnimadii haweenkeenna

Curiskii ku guuleystay kaalinta saddexaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Hordhac Sinji aw ...

One comment

  1. Diin waa dhaqan lkn sidaa u ogow adaa wax kaa yara khaldanyihiine tusaalana waxa u ah kamaa ta diinu tu daan oo macneheedu yahay waxaa laguula dhaqmi saad udhaqanto Nabadi korkaaga ha ahaato

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *