“Soomaalidii baan u dudi, daadufka ahayde”

“Soomaalidii baan u dudi, daadufka ahayde”

Sayyid Maxamed.

Hordhac

Sayyid Maxamed (AUN) waxa uu ahaa halyey u halgameyey diintiisa, dadkiisa iyo dalkiisaba. Wuxuuna hadh iyo habeen u taagnaa sidii uu gumaystaha waddanka uga saari lahaa, isaga oo taas uga gol lahaa inuu dadkiisa ka badbaadiyo in diintooda laga bedelo ama dalkooda laga qaado.

Sayyidku markii uu xajka ka soo laabtay (1895-1897 kii), laba sano ayuu Berbera joogay, oo dadka waxbarayey ugana digayey gumaystihii iyo tabihiisii gurracanaa. Sannadkii 1898 ayuu degay Qoryaweyn kana dhisay mawlac uu dadka wax ku baro. Meel kasta oo uu tagana soo dhowayn ballaadhan iyo taageero mug weyn ayuu ka helayey. Wuxuu bilaabay dib-uheshiisiinta iyo nabadaynta beelihii kala didsanaa. Wanaaggii uu samaynayeyna dad badan ayuu soo jiitay, oo bilaabay inay u arkaan weli xag Alle laga soo diray.

Haddii sidaa wax u socon lahaayeen, waxaan filayaa in taariikhda Soomaalidu aad uga duwanaan lahayd tan aynu maanta ka war qabno. Nasiibdarro, shahrul casalkii Sayyidku ku jiray ma sii dabadheeraan, oo wakhti yar kaddiba isku dhac iyo kala-did ayaa meeshii yimid, taas oo saamaysay taageeradii uu helayey iyo aragtidii dadku ka qabeen. Maxaa sababay? Qormadan aragtida ah waxaan ku tilmaamayaa dhawr qodob oo ay shakhsiyan ila tahay in ay qayb weyn ka qaateen isku-dhiccii Daraawiish iyo bulshada inteedii kale.

Qiiro

Daraawiishu hadafkeedu wuxuu ahaa u hiilinta diinta. Diintaasi, sida la ogsoon yahay, waxay ku dhisan tahay oo hadafkeeedu yahay ilaalinta iyo dhawrista shan arrimood oo lagu tilmaamo inay yihiin shanta daruuriga ama lama-huraanka ah: dhawrista Diinta, dhawrista nafta, dhawrista caqliga, dhawrista sharafta iyo dhawrista hantida qofka.

Sayyidkii iyo Daraawiishi waxay u halgamayeen dhawrista diinta oo aad ula weynayd, aadna way ugu qiiraysnaayeen, naf iyo hantina way u hurayeen iyaga oo aan ka gabbanayn ku jihaadidda “cadawga” diinta, sokeeye iyo shisheeye kuu ahaadaba. Waxayna u aaminsanaayeen in gumeystaha Kiristaanka ahi uu diinta weerar ku yahay. Waxaadse mooddaa in ay taasi illowsiisay afartii kale saddex ka mid ah, aysanna sidii la rabey u tixgelinin aadna ugu tunteen. Sida Aw Jaamac (AUN) uu ku sheegay buuggiisa Taariikhda Daraawiishta (bogga 137-138) “Soomaalida jeerkaas dhaca, dilka iyo duullaanku ceeb kuma ahayn oo caado ayey u noqotay, geeluna xilliba qoluu u meeraayey. Daraawiishi waxay guddoon ku gaartay dadka lagu ogaado inay gaalada gacan siinayaan ama lagu maleeyo inay xiriir la leeyihiin in la colaadiyo oo la caayo, lana canbaareeyo xoolahana laga dhaco. Taasna waxay uga jeedaan, iyaga aqoontooda in gaalada agtooda laga cararo, culimada Daraawiishna waxay la ahayd in sidaas sharcigu qabo.” Waxaa kale oo uu sheegay in muddo yar gudaheed ay bilaabeen “dil, dhac, xaraash iyo xukun isaga [Sayyidka] ku siman oo aan ninna la tixgelinayn iyo arrimo kale oo dadkii ka dideen”. Fiiri bogga 57.

Diinta oo loo qiiroodo loona halgamaa ma bannaynayso in sharcigeeda lagu tunto ama la garabmaro. Xikmad Alle iyo maslaxadda dadka oo la fiirinayo ayaa loo dejiyey sharciyadan waana in la dhawro, intii la awoodo, garabmarkooduna waxyeello ayuu keenayaa. Ilaahay oo kaa qiiro badan ayaa xukunkaas u dejiyey in maslaxad lagu ilaaliyo, waan qiirooday cudurdaar ma aha.

Xaaladdii Dadka

Waxaa jirtey in diintu aysan saamayn sidaa u sii weyn ku lahayn Soomaalidii xilligaa joogtay, dadkuna aysan aqoon fiican u lahayn diinta. Fahanka ay dadku diinta ka haysteen iyo kan Sayyidkuna way kala duwanaayeen, oo in badan ayaa la yaabbanayd wadaadkan leh aan dadka u taliyo! Halka mabda’ ee dadkeenna aadka ugu weynaa ee aan marnaba la loodin karini wuxuu ahaa qabiilka, oo xafiiltanka beelaha ayaa wax kasta kala weynaa. Wixii intaa ka soo hadhayna waxay u la dhaqmayeen si “la jiifiyaana bannaan” ah. Sidaa awgeed, dad badani dhib uma arkaynin in ay gumeystaha la shaqeeyaan ama u shaqeeyaan. Laakiin, beel kale oo Soomaaliyeed la ma tusi karaynin! Waana meesha aan weli joogno.

Haddaba, waxaa habboonayd in Sayyidku xoogga saaro sidii uu caqiidadan iyo fekerkan beesha ku dhisan ugu beddeli lahaa caqiidadii Islaamka oo dadkan walaalayn lahayd kana dhigi lahayd hal ummad. Taasina waxay ka bilaabmaysay la dagaallanka qabyaaladda si meesha looga saaro booskeediina loo dhigo caqiidada “cusub”. Dedaalkii Sayyidka ee arrintan ku aaddanaa waxaa dhaawacaysay sidii qallafsanayd ee uu ula hadlayey beelihii ka soo horjeeday. In kasta oo halyeygeennu uu hanweyni iyo himilo fog ku dhaafay ficiis, haddana habdhaqankiisu kii dadkiisuu ahaa, marar badanna kumana uusan guulaysanin inuu kor isaga qaado wixii ay dhabqinayeen. Taasina waxyeello ayey u keentay hoggaankiisii iyo muuqaalkii dadku ka qaadanayeen.

Maadaama uusan jirin mabda’ qumman iyo aragti guud oo dadka ka dhexaysay, aysanna lahayn himilo fog oo ay tiigsanayeen, ee noloshoodu ahayd maanta iyo berridan dhow waxa taagan, waxaa habboonayd in Sayyidku wakhti dheer iyo dedaal xooggan ku bixiyo dejinta iyo faafinta mabda’ iyo aragti dadka ka dhexaysa. ‘Diinta iyo dadka iyo dalkaan difaacaynaa’ waa qorshe wanaagsan haddii lagula fahmayo waxay xambaarsan yihiin, lagu lana wadaago. Dadkan iyo dalkan la difaacayaa waa kuwee? “dad” la difaaco waxaa loo yaqaannay beesha, “dalkuna” wuxuu ahaa inta beeshu degto, waa tii Garaad Cali Sayyidka ku yidhi: dhulkayaga gaalo ma joogto, tan xeebaha iyo magaalooyinka lagu sheegayana dagaal ku doonan mayno!

Dareenkii Dadka ee Khatarta Gumeystaha

Intee in le’eg ayey dadku dareensanaayeen khatarta gumeystahu ku leeyahay diinta, dadka iyo dalka? Dadkan gaalo la safashada lagu eedeeynayeyna ma isu qabeen inay gaalo la safteen? Mise danba kama aysan lahayn? Sidii aan hore u soo sheegay, dadka aqoontooda iyo dareenkooda diimmeed ma sarraynin, diinta iyo wixii ku saabsanna waxaa loo dabafadhiyey dariiqooyinkii Suufiyada, sida Qaadiriyada iyo Axmadiyada, oo dadku yaqaanneen, in badan oo ka mid ahina shib ayey ka dhaheen khatartii gumeystaha ama wayba la shaqaynayeen, oo shilimaad ayaa loo qoray. Xagga hogaanka dhaqankana, waa tii odayaal badan oo beelaha madax u ahaa ay shilimaad gumeystaha ka qaadanayeen oo ay kafiil u ahaayeen, wuxuu rabana u fulinayeen. Waa midda saddexaad’e, dadka waxaa hoosaasisay siyaasaddii gumeysiga Ingiriiska ee ahayd inaan dadka noloshooda aad loo faragelinin, asal ahaanna dadku 90% in ka badan reer baadiye xoolo-dhaqato ah ayuu ahaa. Sidaa awgeed, xidhiidh badan lama lahayn gumeystaha ma na  dareensanayn, ma na lahayn aqoon ay ku fahmaan khatartii uu ku lahaa diinta, dadka iyo dalkaba. Intaas oo israacday ayaa dadkii ka jeedisay khatartii gumeystaha. Dhanka kale, dadku aad ayey ugu baraarugsanaayeen duullannadii Daraawiishtu ku haysay iyo geelii laga qaadayey, taas oo keentay inay gumeysigii miciin bidaan, oo hoosta intay ka galaan ay la soo saftaan.

Haddaba, waxay ahayd in Sayyidka iyo Daraawiishtu ay kala dhexgalaan shacabkii iyo odayaashii/wadaaddadii gumeysiga gacansaarka la lahaa, oo ay shacabka soo jiitaan, gumeysigana ka fogeeyaan. Laakiin qofka Soomaali ah uma sahlanayn in uu keligii beeshiisa ka dhex baxo oo uu Daraawiish ku biiro. Maxaa yeelay, dadku beel-beel ayuu u kala deganaa, beelaha intooda badanna cadaawad ayaa dhextaallay, oo inta badan ma suuroobaynin in qofku inta uu beeshiisa ka dhexbaxo uu mid kale ammaan ku dhex dego. Waxay ahayd in Daraawiishtu dadkaas beel u noqoto oo halkaa qaran mabda’ diin iyo Soomaalinimo ku dhisani ka samaysmo, hab-nololeedkii hore ee odayaashaasi madaxda ka ahaayeen, dadkana marba saylad gumeysi ku iibinayeenna lagu baabi’iyo. Sayyidku sidii uu ugu diriray Xaaji Cali Faahiye Geeddi markii gumeystihii Talyaanigu qabtay ayaa la rabey inuu beelihii kalena si le’eg ugu diriro, khasabna ma ahayn in xoog lagu muquuniyo ama col lagu bixiyo ee dadkoodii Xarunta joogay ayaa wacdi iyo waano loogu diri lahaa si ay Daraawiish ugu soo biiraan, markay yimaaddaanna cadaalad iyo maamuus iyo tixgelin ayaa lagu dhaqi lahaa waxaana la dareensiin lahaa in halgankani uu yahay halgankoodii oo laga rabo inay difaacaan diintoodii, dadkoodii iyo dalkoodiiba. Halkaasaa qaran Soomaaliyeed oo aan qabiil ku dhisnayni ka dhalan lahaa.

“Wuu Xujoobay!”

Qodob kale oo saamayn ku yeeshay sumcaddii Sayyidka iyo xidhiidhkii uu dadka la lahaa waa: in uusan ku wanaagsanayn dulqaadka iyo cafiskatoona. Darwiishka iyo raggiisii waxay ku kaceen dil foolxun oo loo geystay shisheeye iyo sokeeyeba, iyo hanti dad oo xaqdarro lagu qaato. Arrimahan oo aad mooddo inay ka dhasheen mabda’ii adkaa ee ay ka qaateen dadkii ka soo horjeeday, iyo ka carar ay ka cararayeen in laga dareemo jilayc iyo habacsanaan, ayna rabeen in lagu yaqaanno adayg iyo jixinjix la’aan, si ay cadowgooda baqdin u geliyaan.

Labo sano gudahood ayuu Sayyidku ku diyaariyey ilaa 5000 oo nin, waxayna qaadeen duullaan dhoollatus ah, waxaana la gubey dariiqadii Axmadiyada ee degmada Sheekh taallay, geel badanna waa la soo qaaday. Falkani dadkii wuxuu ku abuuray dhiillo iyo kalsoonidarro. Wadaaddo leh diin baan u dagaallamaynaa oo haddana geel qaadaya wax lala yaabo ayey noqotay, ninkii ka geeraarayna waa kii lahaa:

Col Shariifi waceysiyo, Caalin reero dhacaaya,

Cilmi geel lagu qaadi, Sayyidkii calmanayow

Cimri yuu ku simaayoo, ciribteeda ogaada!

In kasta oo Sayyidku gadaal ka qoomamooday falkan, taasi wax weyn uma tarin dhaawacii soo gaadhay sumcaddii Daraawiish, kalsoonidii luntayna ma soo celinin. Tan waxaa ka horraysay xujayntii iyo dilkii Garaad Cali oo aad looga xumaaday ilaa qaar ka mid ah madaxdii Daraawiishta, waxaana lagu dhowaaday in kala yaaco, waana tii sababtay inuu u guuro carro Ogaadeen. Waxaa isna xujoobay Shide Dhabarjilic oo madaxda Daraawiishta ka mid ahaa, oo inta xabbad lagu dilay, dabadeedna meydkiisii fardo ku tunteen oo hilibkiisii qoobka ku googooyeen! Denbiga uu ku xujoobayna wuxuu ahaa inuu diiday in uu beeshiisi u soo raro Xarunta. Dhacdo kalena, Sayyidka seeddigii iyo 31 nin oo caqli iyo codkarnimo lagu soo xulay oo ergo loogu soo dirayba waa tii Gondagooye lagu laayey. Seedigii wuxuu ka mid ahaa dadkii aadka u soo dhoweeyey ee hadal iyo hooba ku taageeray, laakiin taas abaalkeedii looma xisaabinin.

Odayaashan meel sare Daraawiishta iyo bulshada guudba kaga jirey dilkoodu wuxuu beeray kalsooni la’aan iyo kala-did. “Khiyaano” kasta oo ay galeen, maslaxadu kuma jirin in la laayo, dilka ergaduna dhaqan wanaagsan ma ahayn, waxyeello weynna waxay u geysatay Daraawiish iyo sumcaddoodii. Natiijadu waxay noqotay in rag Sayyidka ku dhowaa ay ka goostaan oo la saftaan cadowgii, waxaana jirtey in beeshii 32da oday laga laayey ay miciin bideen Xabashi oo ay qaylo dirsadeen! Dadku haddii aysan kalsooni qabin way didaan, daacadna ma noqdaan. Ruux ka welwelaya “goormaad xujoobaysaa” oo aan amaan dareemaynini waa khatar.

Dhibaatooyinka soo wajahay Sayyidka iyo Daraawiish, waxay hore u soo wajaheen Nebiga (SCW) iyo saxaabadiisii. Haddii Shide Dhabarjilic amardiiddo ku kacay, Garaad Cali iyo raggii maleegay shirqoolkii Gurdimina ay falal “khiyaano” lagu tilmaami karo ku kaceen, waxay ahayd arrin soo martay Nebiga (SCW), laakiin wuxuu afjaray “Dadku ku sheekaysan maayo in Maxamed laayo asxaabtiisa”! Waana tii u suuragelisay in dadku ku kalsoonaadaan kuna soo hirtaan, una huraan naf iyo maalba.

Fiqi tolkii kama janna tago

Sayyidku ma ahayn malag la soo diray ee waxa uu ahaa nin Soomaaliyeed, dhinacyo badanna kala mid ahaa raggii Soomaaliyeed ee xilligiisa joogay, ee aysan qallafsanaanta xad-dhaafka ah, aflagaadada, dilka iyo dhacuba wax la ahayn. Waxaase u dheerayd cadow shisheeye iyo mid sokeeye uu isugu tegay, hadh iyo habeenna ula taagnaa cay, dil, dhac iyo waxa aan jirin oo laga faafiyo. Waa tii Soomaali hore u tidhi: Rabbi ka cabso iyo rag iska dhici meel ma wada galaan! Sayyidkuna wuu u miisay intii karaankiisa ahayd! Laakiin waa laga wanaagsanaa in uu la qasto. Oo masuuliyadda hogaamintu waxa ay keenaysay in uu Sayyidku dulqaad intaas ka badan muujiyo, cadowgiisu waxa ay dhabqinayaanna inta uu faraha uga qaado oo uu ku canbaareeyo isaga oo ka shidaal qaadanaya kana duulaya diintii uu difaaceeda isu taagey.

Waxay ahayd in uu tusaale iyo ku dayasho ka dhigto Suubbanihii (SCW) oo aan laga haynin eray gurracan oo uu yidhi in kasta oo tan Sayyidka la mariyey mid ka daran uu la kulmay. Waxay ahayd in uu ku dhaqmo talada Alle ee ahayd in ciddii xumaan kugu la dhaqanta aad adigu wanaajiso, taas oo midhaheedu noqonayaan in cadowgaagi isu bedelo gacal diirran (Fussilat: 33-36). Arrintani ma fududa oo sida aayadahani sheegeen waxaa awooda in yar oo ku sabirta kuna dhabar adaygta, aadna u nasiib badan. Sababtuna waxay tahay shaydaan ayaa kuu qurxinaya aargoosiga iyo rag iska dhicinta, waxayna u baahan tahay in laga digtoonaado, ninka ragga ahina ma aha ka legdinta ku dheereeya’e, waa ka naftiisa celin kara marka uu cadhoodo. Waxay qaadeen masuuliyad, waxayna isu taageen baraarujinta iyo hogaaminta shacabkoodii. Waxa ay dab-ushidayeen dadkoodii dayeysnaa. Waxayna ahayd in ay kor uga kacaan dhaqammadii xumaa ee dadku dhex-dabbaalanayeen, oo ay ahayd in ay noqdaan tusaale “nadiif” ah oo lagu daydo laguna soo hirto.

Nebigu (SCW) markii uu u tagey reer Daa’if ee ay dhagxiyeen, isaga oo dhaawac ah oo rafaadsan ayaa Jibriil oo malaggii buuraha wadaa u yimid, waxayna u sheegeen in haddii uu dalbado reer Daa’if oo dhan buur dusha laga saarayo. Suubbanuhu (SCW) wuxuu ugu jawaabay waxaan rajaynayaa in ay dhalaan ilmo ashahaadanaya. Waa dhacdo ka turjumaysa aragtida fog iyo istaraatiijiyadda qumman ee hogaamiyaha laga rabo. Waa in dareenkiisu dhaafsiisan yahay xilligan taagan iyo waxa ku hareeraysan. Dariiwiishi ma muujinin dulqaadkaas iyo wax u dhow toona, oo qiiradii iyo dareenkii xamaasadaysnaa ayaa ka ilduufiyey, siday ila tahay.

“Wadaad waa Nin!”

Intaa waxaa u sii dheerayd, Sayyidku wuxuu qaadayey jid aan wadaad looga baranin. Waxaa la yaqaannay wadaad aan siyaasad iyo talo waxba ku lahayn ee xoolaha barakeeya, meyd iyo meher loola tago, siyaarana qaata. Waana tii Garaad Cali diiday ee Sayyidka ku yidhi wixii diinta ah adigu ka tali, wixii kale se faraha iiga qaad!. Sidaa awgeed waxay ahayd in uu si dheeraad ah isu dhawro, cafis dheeraad ah muujiyo, iskana ilaaliyo wax kasta oo dhibaato u keeni kara halgankii uu ku jiray, sida qabyaaladda, erayada la dhibsan karo, qaadashada hantida dadka iyo dilka. “Dabkaan shidayaa dawadiina weeyee, dariiqii Rasuulkiyo dawga ha ka baydhina” waa hadal sax ah, laakiin wanaagga aad wado khasab ma aha in dadku kula fahmaan. Si kale haddii aan u dhigo, hogaamintu ma aha saynis ee waa fan (art), aan cid kastaa ku guulaysan karin, tijaabo iyo kacaakuf badanna u baahan iyada oo la tixgelinayo duruufaha dadka la hogaaminayo. Degdeg iyo madax-adayg toona kuma hagaagto, hal marna guul lagama wada gaadho. Degdegaasina waa qodobka ku xiga ee aan rabo inaan wax ka taabto.

“Walaakinnakum Tastacjiluun- Waad Degdegaysaan”

Laba sano gudahood ayuu Sayyidku qaaday duullaankii ugu horreeyey! Waxaan dareemi karnaa in dad aan weligood dawlad iyo kala dambayn soo marin, aysan laba sano gudahood ku noqon karin diyaar, uguna babacdhigi karin dawlad boqolaal sano soo jirtay oo adduunka badh u talisa. Nebiga (SCW) iyo saxaabadu saddex iyo toban sano ayey u dulqaadanayeen silicii iyo rafaadkii Makkah lagu hayey, laakiin waxay ka soo baxeen iyaga oo tarbiyad iyo tababar heer sare ah qaatay. Saddex iyo toban sano ayaa wixii hore laga tirtirayey oo hab-nololeed cusub lagu ababinayey. Soomaali oo beel-beel u noolayd, dilka iyo dhaca iyo dirirtu aysan waxba la ahayn, maamul iyo kala-dambaynna aan aqoonin, aqoontooda diinta iyo adduunkuna aad u hoosayso, in ay laba sano gudahood ku noqdaan dad qumman oo diinta u dirira dawladna dhisa, waa waxaan caqliga gelaynin. Degdeggan iyo diyaargarow la’aantani waxay ka mid tahay waxyaalihii Daraawiish dharbarjabka ku keenay.

Gebagebo

Qadarinta, jacaylka iyo amaanta aan Sayyid Maxamed (AUN) u haynaa ma aha inuu awliyo ahaa, ama dhaqammadii suubanaa ee Islaamka oo ku wada sifoobay’e, wuxuu ahaa nin Soomaaliyeed oo iyada oo intii kale huruddo baraarugay oo dareemay khatartii gumeysiga, intaana aan ku joogin’e, si geesinimo iyo karti leh ugu istaagay difaacidda diintiisii, dadkiisii iyo dalkiisiiba. Dabka Soomaalinimo ee aynu maanta kulaalayno ayuu darwiishku shiday, wuxuuna beeray iniinyihii gobanimada iyo qarannimadeennii aynu wakhti yar adduunka kula jaanqaadnay ee kaga yaabisay. Laakiin, nasiibdarroo gefafkii dhacay ee halgankaas naafeeyey waxba kama aynaan baranin, oo qabweyni, qabyaalad, qoorgoyn iyo qabqableyn baynu wixiiba ku burburinnay.

Waxaan hubaa in qoraalkani dadka qaar dhiigga ku karin doono! Laakiin waa wixii dhacay, xaqiiqadana in la garabmaro ma aha ee run iyo dhoolaba waa la caddeeyaa. Qodobadani waa kuwo aan Sayyidka ku gaar ahayn ee laga helayo kooxo kale oo Soomaaliyeed: halgannadii kale ee gumeysi la dirirka, maamulladii Kacaanka ka horeeyey, maamulkii Kacaanka, maamullada hadda jooga- heer gobol iyo mid qaranba- Alshabaab, waana sida ay ku socoto ilaa iyo hadda. Waxaad mooddaa inay tahay astaan Soomaaliga talada qabtaa uu leeyahay, oo haddii taladu gacantiisa ku jirtana waddani halgamaya isu arka, laakiin keligii-taliye ah, markay talo gacantiisa ka baxdana u xuubsiibta fallaagonimo iyo jabhadayn. Waxaynu nahay dad naftooda u jecel xorriyadda, islamarkaana jecel inay dadka kale madaxa kaga taagnaadaan oo aan hadal lagu soo celinin.

Waa ta la yidhaahdo, aqoonsiga cudurka waa tallaabada ugu horraysa dawaynta.

Haddii aynu doonayno horumar, waa inaynu beddelnaa habdhaqankeennan oo aan ahayn mid u suubbada qaran iyo dawladnimo, haddii kale tan aynu ku jirno ayuun baynu midhaheeda dullinumo guranaynaa.

***

Aftahan

Jaamac Kediye Cilmi

Nin haddii aftahan loo yaqaan amuu abwaan sheegto

Ilaahay haddii uu yaqaan iyo awooddiisa

….

Waa inay odhaahdiisu tahay eex midaan kicinin e

Sidii Nebi Ayyuub waa inuu Samir adkaadaaye

Awliyo sideed waa inuu aragti yeeshaaye

Sidii ugub haween waa inuu u asturraadaaye

Xaqqa waa inuu ku addimaa oo arrimiyaaye

Afhayeenka dhaqankiisa waa inuu ahaadaaye

Ajarka iyo dembiga waa inuu kala aqoodaaye

Arxanlaawe waa inuusan noqon uur-khabiisi ahe

In kastaan kolley aadanaha iimo laga waayin

Insaaninimo waa inuu ku ismanaadaaye.

iimo: ceeb

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Lafagurka Suugaanta

Hordhac Weligaa beer ma carrageddisay, ma qodday, ma baaqbaaqday, ma abuurtay, ma fashay, ma limadday, …

Silsiladdii Xaydha: 6 (Dhammaad)

Sidii aan qormadii koowaad kusoo xusay, far Soomaalida iyo af Soomaaliga oo in badan kala …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *