Home / Aragti / Xalku Waa Isbeddel Shacab

Xalku Waa Isbeddel Shacab

Soomaali baynu nahay. Doorashada 2016 baynu hadal heynaa. Sannadku wuu isbeddelay. Fikirkaayaguse isma uusan beddelin. Saas ay tahayna waxaynu u ololeynaa in isbeddel lagu sameeyo Madaxtooyada. Misana hankaayagu ma dhaafsiisana inaynu ku il doogsanno un qof nagu qabiil ahoo ku fariisto kursiga Madaxtooyada. Sabir iyo bisayl siyaasadeed waynu ka arradan nahay. Illaa iyo xornimadii caadooyin xun xun ayaynu ku cirreysannay – caalamka intiisa kalena naga reebay.

Badankeen waxaynu dawladnimada jecel nahay keliya markii la yiraahdo waxaa kursiga ku fadhiyo nin tolka ah – waxaynuna u sii jecel nahay inaynu difaacno ninkaas, oo aynu muddacno cid walba oo ka dhiidhisa inuusan hoggaamiyuhu dalka iyo dadka u horseedin isbeddel dhab ah. Waddaniyadda Soomaaliga waa uun inta uu xukunka hayo qof qabiilkiisa ah; mucaaradnimada Soomaaligana waa uun inta uu xilku hayo qof aan qabiilkiisa aheyn.

Su’aasha aynaan jawaab u heli doonin shacab ahaanse waxay tahay: haddii 2016 la doonayo in la beddelo hoggaanka haatan dalka hayo, yaynu diyaarsannay? Mabda’ qabiil waxaan ahaynse ma ku diyaarsannay? Afar sano waxaynu sugeynay maalinka doorashada ee 2016 – misana afartaas sano ma aynaan doorin hab-fekerkeenna iyo fiiro-gurracnaanteen. Weli waxaynaan beddelin saddex dhaqan oo toban sano ka hor lagu xusay buugga Dal Dad Waayey iyo Duni Damiir Beeshay ee Maxamed Daahir Afrax: “Qabiil-ku-burur, Qori-caabud, iyo Kursi-u-qooq.”

Saddexdaas caado ayaa aakhirkii noqday irridaha ay ka soo galeen al-Shabaab, AMISOM, iyo NATO. Saddexdaas caado ayaa naga dhigay shacab lagu daneysto – lagana daneysto. Saddexdaas caado ayaa sahlay in aakhirkii muran la geliyo xudduudda badda Soomaaliya. Saddexdaas caado ayaa naga dhigay dantii-moogayaal tiih ku jiro rubuc qarni ka badan.

Cillad afaraad oo uusan buuggu xusin baa jirto, waana Xarako-u-dabranaanta. Qof Soomaaliyeed oo waxaad arkaysaa diidistiisa iyo oggolaanshihiisa xalka ku saleynayo aragtida xarakada uu ka tirsan yahay. Runtu waxay tahay intii ay kooxaha diimaha loollan ugu jireen inay kasbadaan taageerada shacabka, waxay nasiib-darro bulshada u horseedeen kala fogaansho iyo jahwareer. Markii xarakada si gurracan loo isticmaalayna waxay taasi qeyb ka noqotay naafeynta dalka iyo dadka.

Afartaas dhaqan ee kor ku xusan ayaynu caado ka dhigannay. Uma aragno ceeb. Uma aragno dib-u-dhac. Nin walbana qumanihiisaa qoorta ugu jiree waxay kurbada keliya ee na gubto ay noqotay un doorashada 2016 iyo qabiilka ninka kursiga ku fariisan doono. Yeelkadii dalkii Soomaaliya. Yeelkadood maatada diifeysan. Yeelkadood dulmiga iyo tacaddiga loo geysto qabiillada aan hubaysneen. Yeelkadood dhallinta tahriibayso. Yeelkadood barakacayaasha dayacan. Yeelkadii deegaanka la xaallufiyay. Yeelkadeed badda la sumeeyay. Yeelkadood shisheeyaha sharci-darrada ku deggan Soomaaliya. Yeelkadii mustaqbalka. Kursi innoo sheeg. Kursi uun. Kursi. Bes. Waa inna kaa. Kurbadeennu ka ma ballaarna ballaca kursiga.

Kaaga sii daran e, waxaynu meelaha la taagannahay su’aasha ah sidee loo helaa hoggaamiye dalka iyo dadka samatabixiyo. Ogaada hoggaamiye caaddil ah waxaa helo shacab meelo badan ka dhisan. Innaguse maadaama aynu nahay shacab ka soo kabanaya qaran-jab, in la helo xal dhow waxaa shardi u ah shacab leh labo tilmaamood. Shardiga koowaad waa in la helo shacab daacad ah – haa, oran mayno keliya waa in la helo madax daacad ah. Shardiga koowaad waa shacab ku tilmaaman daacadnimo, oo si daacad ah u rabo nabad, nolol, caddaalad, nidaam, tanaasul, iyo midnimo.

Shacab daacad ah inay taasi shardi tahay bal aynu isla eegno tusaalahan. Cali bin Abii Daalib ayaa la weydiiyay: “Khaliif Caliyow markii uu Cumar ahaa Amiirka, ma aysan jirin dhibaato dhex taallay Muslimiinta. Hayeeshee markii aad adigu noqotay Khaliif, maxaa keenay dhibaatooyinkaan?”

Cali – radiyallaahu canhu – wuu xikmad badnaayee wuxuu u jawaabay ninkii, oo yiri hadal nuxurkiisu ahaa, “Cumar anigoo kale ayaa shacab u ahaa. Damac iyo dan kama aynaan laheyn kursiga uu ku fadhiyay Amiirku. Haatanse markii uu igu soo wareegay xilkii Muslimiintu, adigoo kale ayaa shacab ii noqday oo damac iyo duris badan.”

Dhan kale aynu u rogno, dersiga uu Khaliif Cali ina barayo waxay tahay in madax daacad ah keligood aysan dhalin karin xal iyo baraare. Oo waxaa sidoo kale muhiim ah in la helo shacab daacad ah. Shacab toosan. Shacab fiyow. Shacab damac yar. Shacab fiiro qumman. Shacab mabda’ leh. Sabir badan. Hiraal sare leh. Iyo shacab leh tilmaamo wanaagsan.

Bal aynu isdul taagno shardiga labaad ee xal dhow keeni kara. Waana shardi ah in la helo shacab duco badan. Nin baa yiri, “War colka waraf ma lagu dayay?” Soomaali ahaan markaynu noqon weynay shacab dhego nugul ayaynu misana la yaabnaa sababta loo waayay madax dhego nugul – madax danqato heer gobol iyo heer qaranba. Soomaaliyeey waa annaga habaar iyo af-lagaaddo hawada iyo Facebook u marinno madaxda ee horta ducada marna ma lagu dayay madaxda? Marna ma niri, “Allow Xaqa iyo danta guud waafaji madaxda?”

Haddii taas loo arko ceeb, loo arko jileec, loo arko liidasho, loo arko isdhiibid, loo arko nacasnimo, bal aynu isdul taagno abshirtan. Fudayl ibn Ciyaad oo ka tirsanaa salafkii baa yiri, “Haddii la i siin lahaa hal duco oo aqbal ah, waxaan ducadaasi u sameyn lahaa madaxda.” Imaam Daxaawi wuxuu isaguna yiri, “Waxaynu madaxda ugu duceynaa hanuun iyo cafis Alle.”

Soomaaliyeey su’aashu waxay tahay, salafka ma ka fiiro dheer nahay? Ma ka maslaxo jecel nahay? Ma ka xikmad badan nahay? Ma ka daacadsan nahay?

Laga yaabee in qaarkeen uu tashwiish yar ka galo labadan shardi, kuna doodaan: “Salafku xilli bay noolaayeen – maantana waa xilligeenna. Duco iyo daacadnimo waa sifooyin duugoobay ee waa inaynu baahideenna ku jaan-gooynaa casrigan la joogo.”

Bal taa aynu labo qodob ka niraahno – si yaqiin leh weliba.

Qodobka koowaad, Imaam Maalik wuxuu yiri: “Ummaddan kuweeda dambe waxaa sixi karo oo hagi karo keliya un wixii saxay oo hagay kuweedii hore.”

Macnaha? Wuxuu Imaamku ina leeyahay Quraanka iyo Sunnada ayaa saxay Muslimiintii hore – sidaa awgeedna isla Quraanka iyo Sunnada ayaa sixi karo aafooyinka ku habsaday Muslimiinteenaan nool casrigan. Hadalkii Daxaawi iyo Fudayl ibn Ciyaad ee ahaa in ducada loo kaashado helidda xal iyo hoggaan toosan waxaa xoojinayo xikmaddaan Imaam Maalik. Ducadu waa marinkii gargaarka.

Qodobka labaad, qarnigii 19-aad qoraa Hindi ah oo la oran jiray Bankim Chatterjee ayaa ku dooday in baahida iyo waaya-aragnimada aadanuhu ay isu eg yihiin — jaceyl, quuriwaa, farxad, qabyaalad, liibaan, abaal-dhac. Hayeeshee keliya un waxaa kala duwan dhulalka iyo waqtiyada ay dadku ku kala nool yihiin ayuu yiri. Tusaale koowaad, Soomaalidu waxay tiraahdaa Qoolleey qoor qabasho biyo kuma cabto, maahmaah Ingiriis ahina waxay tiraah Faraska waad u kaxeyn kartaa warta, laakiinse kuma qasbi kartid inuu cabbo biyaha (You can lead a horse to the water, but you can’t make it drink). Tan waxay ku tusin in qowmiyado kala duwan ay misana meel uun isaga ekaan karaan xagga fekerka iyo noloshaba. Tusaale labaad, haddii ay Soomaali maanta qabyaalad ka soo kaban la’ dahay, waxaa jiray labo qabiil oo Aws iyo Khasraj la oran jirey oo ka mid ahaa Ansaartii Madiina. Sideenna oo kale ayay iyaguna colaad iyo qabyaalad warmaha isugu siteen. Hayeeshee waxay xal waara ka dhex heleen Quraanka iyo Sunnada.

Labadaan tusaale ee quseeyo isu ekaanshaha fekerka ama waaqaca nololeed ee bin’aadanka waxay marqaati u yihiin in dadku uu yahay abuur Alle – xitaa haddii ay kala fog yihiin xilliyada ay noolaayeen iyo dhulalka ay ku kala noolaayeenba. Sidaa awgeedna xal casri walba ku habboon ayuu Alle inoo soo dejiyay. Waana qodobka uu soo bandhigay Imaam Maalik – sida uu isla qodobkaasuba xal ugu noqday wixii shar iyo shiddo ah ee soo wajahay salafkii.

Haddii qaar hor leh oo innaga mid ahi ay ku doodaan in dhibtu ay tahay madaxda keliya, oo ka dibna aynu sideennii caytan iyo habaar iyo duris hawada u soo marinno madaxda—isla markaana aynu duco iyo bogaadin la sugno keliya un maalinka uu kursiga fariisto nin nagu qabiil ah—ogow xalka iyo isbeddelkaba innaga shacabka ah ayaa sii fogeeynay. Xasuuso marxuum Maxamed Siyaad Barre waxaa ka hoos kacay shacab iyo jabhado keliya uun rabay in isaga la beddelo, hayeeshee ka arradanaa mabda’ iyo qorshe qaran oo dalka iyo dadka lagu samatabixinayo. Labaatan iyo lix sano ka dib weli waxaynu shacab ahaan baadi goob ugu jirnaa xal iyo isbeddel.

Haddaba jawaabta il-furyada u ah dhaqanka kuweenna u bareeray durista iyo dacaayadaynta madaxda waxaa loogu tegayaa mar kale buugga Dal Dad Waayey iyo Duni Damiir Beeshay. Wuxuu buuggu xusay aragti la xiriirta cilmi-nafsiga bulshada oo oraneysa tolow bulsho si wadar ah ma u wada waalan kartaa? Buugga Dal Dad Waayey wuxuu yiri arrinkaasi waa macquul – oo bulsho si wadar ah waxay u qaadi kartaa cudurro caado u noqdo. Wuxuuna buuggu soo xigtay Erich Fromm iyo buuggiisa The Sane Society. Aqoonyahan Erich wuxuu ku doodayaa in haddii ay bulsho caado sameysato, caadadaasi sax kuma noqon karto keliya un in qiil looga dhigo bulshada ayaa ku dhaqanto. Mararka qaarkoodna caado ay bulshadu sax u aragto ayaaba ah qalad iyo waalli.

Xasuuso waa meesha Nebi walba lagu jikaari jiray: “Wax cusub ayaad la timid oo ka duwan caadadii aabbayaasheen.” Caadada aabbahood goormay sax noqotay? Innaga Soomaali ahaan caadooyinka waallida ah ee aynu aqbalnay waxaa ka mid ah durista madaxda, dacaayadaynta madaxda, musuqmaasuqa, waddan-jaceyl yari, iyo kuwo kaloo badan oo ay u horreeyaan afartii caado ee aynu kor ku xusnay. Waxaa inna halakeeyay hal-ku-dhegyo aynu isugu gooddinno markii aynu u bururno kursiga: “Looma dhamma”! Iyo “Cadyahow ku cunay ama ku ciideeyay”! Waxaa la caadeystay in madaxda la iska maago, la tuhmo, la xaqiro, la eedeeyo, la ceebeeyo, la habaaro, la aflagaaddeeyo, sinjigoodana la duro. Dhaqanka noocaan ahina waa jirro. Bulsho jirrooyinka noocan ah qabtana kama danqato haddii waddankeeda uu u gacan galo shisheeye iyagoo isleh ku xumee ninka dalka hayo iyo qabiilkiisa. Madaxweyne walba ee kursiga ku fariistana dhaqan-xumadaas ayaa lagula kacaa. Nasiib-darro, bulsho ahaan waxaynu qabatinnay caadooyinkaas, oo uma aragno qalad iyo waalli.

Su’aashu waxay tahay, maxaa daawo u noqon karo dhaqankaan ah in madaxda la iska maago, qaasatan markii ay bulshadu si wadar ah u aqbasho caadadaas xun ee ah in hadba ninkii kursiga fariisto lagu kaco? Oo si wadar ah loo caadaysato xumaha iyo sharta? Oo si wadar ah loo garab maro caqliga saliimka ah? Oo si wadar ah ay bulshadu u doorsoonto? Waa maxay daawadu?

Runtii qodobka Erich ee ah in bulshadu ay si wadar ah u qaadi karto cudurro xagga fekerka ka curyaamiyo waxa uu daliil u yahay in Quraanku uu yahay daawo. Sidee? Aynu ku bishaareysanno Hadalkii Alle: “Waxaana soo dajinaynaa Quraanka isagoo caafimaad iyo naxariis u ah Mu’miniinta,” Suuradda al-Israa, Aayadda 82. Waa kaas caafimaadka. Daawada. Shifada. Qolyahan u bareeray eedeynta madaxda iyaguna waxaa sidoo kale nasteexo ugu filan xikmaddii Imaam Maalik: “Ummaddan kuweeda dambe waxaa sixi karo oo hagi karo keliya un wixii saxay oo hagay kuweedii hore.” Haddii aynu si kale u niraahno, fikirka qaran-dumiska ah iyo af-xumada hawada loo mariyo madaxda waa cudurro caqligeenna naafeeyay shacab ahaan – Quraanka ayaana dawo u ah.

Gunaanadka haddii aynu u gudubno, waa sannad cusub iyo 2016. Rajada bulshadu waa isbeddel. Ficilka bulshaduse isma doorin. Weli sidii ayaynu wax isu daba marinnaa. Isu xasadnaa. Isugu duulnaa. Caadooyinkaas xun xun waynu aragnaa in ay naga reebeen faceenna – iyo sidoo kale in ay na hoos geeyeen daneystayaal isugu jiro sokeeye iyo shisheeyaba. Sax, waa mudnaan in la helo hoggaamiye daacad ah – waase haddii sidoo kalena la helo shacab daacad ah. Xitaa haddii uu yimaado hoggaamiye daacad ah oo dalka iyo dadka u danqanayo, isla innaga shacabka ah ayaa fogeeyo oo waxaynu kala bakheylnaa wixii hiil iyo hoo ee uu naga mudnaa.

Haddaba sidee lagu helaa isbeddel? Si loo helo isbeddel waaro waxay qaadataa waqti. Hayeeshee shacab ahaan waxaynu dhallin karnaa isbeddel dhow – oo labo tallaabo ayaynu maanta qaadi karnaa: kow, inaynu daacad noqonno, oo isa saxno, oo isbeddelno, oo nafteenna ka hufno af-xumada iyo dacaayaddda, oo aynu noqonno shacab dhego-nugul oo madaxda xushmeeyo; iyo labo, inaynu ducada la kaashanno helitaanka hoggaan samatabixiyo dalka iyo dadka. Waa labo tallaabo oo billow u noqon karo isbeddel waara.

Aynu garowsanno isbeddel lagu sameeyo keliya hoggaanka Madaxtooyada ma ahan xalku – xalku waa innaga oo beddelna hab-dhaqankeenna iyo qaab-fekerkeenna, sida uu Quraankuba inoogu caqli-celiyay. Bal Soomaaliyeey aynu Aayaddaan is xasuusinno, ku dul fekerno, kuna waano qaadanno intii karaankeen ah. Waa dhiirro-gelin. Waa yididdiilo. Waa furaha xalka: “Alle ma beddelo xaalad ay qowm ku sugan yihiin inta ay ka beddelayaan waxa ay naftoodu ku sugan tahay,” Suuradda al-Racad, Aayadda 11.

ان الله لا يغير2

Sidoo kale Maalik ibn Diinaar ayaa laga soo xigtay oraah ku jirtay kutubtii loo soo dejiyay ummadihii hore. Waa oraah waafaqayso Aayadda kore: “Waxaan ahay Alle, Allihii lahaa Boqortooyada. Quluubta boqorrada [Anigaa maamulo]. Waxaan [madaxda] u wanaajiyaa bulshadii Aniga i addeecdo; waxaanna [madaxda] ku sallidaa kuwa Aniga i caasiyo. Bin’aadanow ha ka welwelina madaxda. Toobad keena, Anigana waxaan madaxda idinkaga dhigi doonnaa kuwo raxmad leh oo idiin danqado.”

Qore: Cabdullaahi Janno

Email: Claahijanno@gmail.com

Facebook.com/Cabdullaahijanno

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Sooyaalka Shiicada

Ma habboon tahay in la oggolaado in aragtida Shiicada lagu fidiyo Soomaalida dhexdooda? Kala duwanaanshaha ...

Halbeeg

“War kaas aniga laxna kuma aamineen,” ayuu lahaa Oday dhex fadhiyay makhaayad laga shaaheeyo. “Tolku ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *