Maxaa ay dawladuhu u dhintaan, xaddaaraduhu u burburaan ama ummaduhu u baaba’aan?
Waa su’aal da’ weyn oo aqoonyahano badani, waqtiyo kala duwan doodo ka dhiibteen. Aqoonyahannada ka hadlay arrintan ee wax ka taabtay waxaa ka mid ahaa caalimkii taariikhyahanka ahaa ee Cabdiraxmaan Ibnu Khalduun (1332 –1406M). Ibnu Khalduun waxa uu ku tilmaamay kitaabkiisa caanka ah ee ‘al Muqaddimah’ in dawladuhu ay leeyihiin cimri sida dadka oo kale, marka waqtigoodu dhammaadana ay dumaan ama baaba’aan. Isla markaana ay mid kale (ummad kale) u hadho oo dhaxasho. Ibnu Khalduun isaga oo kaashanaya khibraddiisa iyo waaya-aragnimadiisa waxa uu tilmaamay in dawladda cimrigeedu yahay celcelis ahaan ilaa saddex fac oo uu ku qiyaasay 120 sano, fac kasta waxa uu siiyey tilmaamo gaar ah. Waxa kale oo uu tilmaamay; ‘ in ay dawladnimadu marto heerar iyo marxalado kala duwan ilaa uu ku gebagebeeyey faca u danbeeyaa in uu yahay; mid is dhigta, isla markaana ku talaxtaga daba orodka dhaldhalaalka adduunyada, si weynna aan isaga xilsaarin ilaalinta mulkigii iyo magicii awooweyaashood, isla markaana facani sabab u noqdo suulidda dawladnimadooda.
Haddaba, waxa aynu qormadan si kooban ugu eegi doonnaa sababaha keena in ay dawladi baaba’do, innaga oo ka duulayna fahamka dawladnimo ee casriga ah.
Macnaha dawladnimo waxa aynu u qaadanaynaa: “Ummad ama dad ay ka dhexayso ama uu mideeyo dhul, af, dhaqan, sharci (dastuur) iyo dareen is ahaansho oo ka sooca dadyowga kale”
Sababaha baaba’a waxa ka mid ah:
1. Diktaatooriyad/amar-ku-taaglayn: talada iyo maamulka oo koox keli ahi la gaar noqotaa waxa uu sababaa cabudhin iyo cadaadis marba marka ka danbeeya sii kordha, madaxa dawladdana waxa uu siiyaa islaweyni iyo kibir xad-dhaaf ah. Waxa uu u qaataa in uu isagu leeyahay dalka iyo waxa dul saaranba. Waxa uu ku kedsoomaa awooddiisa, ilaa uu ka gaadho ama sheegto meel halis ah, sida fircawnkii Banuu Israa’iil oo kale. Waxaa kale oo uu abuuraa cidhiidhi fikir, waxa uu xakameeyaa xorriyada, shakhsiga ah iyo ta bulshadaba, aakhirkana waxa laga dhaxlaa in ay soo baxdo bulsho tayo xun, taas oo ay ku qaadato waqti dheer in ay samayso isbeddel togan (wanaagsan). Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa burburkii dawladihii shuuciga ahaa ee kala daatay horraantii 90naadkii. Kacdoonaddii saameeyey waddamo badan oo Carbeed ayaa iyagana loo soo qaadan karaa natiijada ka dhalata marka talada qof ama koox keli ahi ku amar-ku-taaglayso muddo dheer.
2. Lataliyeyaal xun- doorashada hoggaamiyuhu uu doorto lataliyeyaal xun-xun waxa ay abuurtaa xaalad kelitalisnimo; waayo hoggaamiyuhu waxa uu jeclaadaa in dhegehiisu maqlaan wax uu ka raali yahay oo keli ah. Waxaa la weriyaa sheeko la allifay oo odhanaysa “hoggaamiye Carbeed ayaa booqday beerta xayawaanka waxa uuna la kulmay dameer markaas ayaa uu weydiiyey ‘maxaa meeshan ku keenay?’ waxa uu ku jawaabay ‘aniga waxaa la i faray in aan halkan fadhiisto.’ Waxa uu yidhi ‘maxaad cuntaa?’ ‘waxa la i siiyo.’ ‘maxaad cabtaa?’ ‘wixii la ii keeno.’ ‘goormaad baxaysaa?’ ‘marka albaabka la iga furo.’ Wax kasta oo uu weyddiiyo waxa uu u sheegay in uu mudeec yahay oo aanu amarka diidayn! Hoggaamiyihii ayaa ku yidhi kuwii la socday kani waxa uu ku fiicnaan lahaa in uu xubin ka noqdo golaha shacabka (baarlamanka)!
Taasi waxa ay ku tusaysaa dadka uu jecelyahay hoggaamiyahaasi in ay hareerihiisa joogaan ama wasiirradiisa noqdaan, kuwaas oo inta badan aan runta u sheegin, xaqiiqdana daah weyn ka saara. Haddii uu maqlo wax ka duwan waxa dhegihiisu jecel yihiin waa uu bururaa, ka runta ku dhiirradana waa uu u cadhoodaa marka danbena ciqaabaa. Diktaatoorku waxa uu iska fogeeyaa inta samaha farta ee runta u sheegta. Marar badanna waxaa talada iyo mansabka loogu xishaa inta ay daacadnimada indhaha li’i le’egtahay, halkii ay ahaan lahayd in lagu xusho kartida iyo awoodda waxqabad.
“Waxaa u khayr badan cid la ijaarto mid xoog badan oo aamin ah”
Al-Qasas: 26
Haddii miisaankaasu lumo oo qofka lagu soo dhoweysto, saaxiibtinimo, xigtanimo iyo maslaxado kale isaga oo ka arradan aqoon iyo hawlkarnimo kale waxa ay soo dedejisaa in ay dawladdaasi daciifto marka danbena burburto.
3. Dulmiga: gaboodfalka iyo caddaalad-darradu waxa ay soo dedejiyaan baaba’a dawladnimo. Dhaca iyo boobka hantida guud iyo ta gaarka ah oo aan loo aabbo yeelin, inta xoogga badan oo ku tumata inta tabarta yar, sharciga iyo garsoorka oo la baalmaro, dhammaantood waa noocyada dulmiga haddii ay baahaanna soo dedejiya burbur.
“Dawladda dulmigu ma raagto Muslinba ha ahaatee, ta cadliguna waa ay waartaa kaafirba ha ahaatee.”
Ibnu Taymiyah.
4. Dabagal la’aan: marka uu jiro nidaam dabagal oo xisaabtan ku samaynaya qof kasta wixii lagu ogaa, ama loo diray, waxaa la arkaa in dawladaa cududdeedu sii jirto, jiilashe danbena uu gaadho. Haddiise aanay jirin ama ay liitaan la-xisaabtanka madaxda iyo mas’uuliyiinta dawladda xilka haya, oo dabarka loo sii daayo waxa ay noqdaan kuwo kibra oo ku xadgudba ummadda ay talada u hayaan, aakhirkana sabab u noqda dumista dawladnimo.
5. Musuq Dhaqaale: hantidu waa waxa ugu mudan ee ummadi leedahay; waa awoodda ugu muhiimsan ee fududaysa isla markaana kala socodsiisa hawlaha maamul ee qaranka. Hantida ummadda haddii aan laga dhawrin musuqmaasuq iyo xatooyo waxa ay keentaa in dawladdaasi faqiirto dadkeeduna dib u dhac iyo baaba’a ay ku danbeeyaan. Dhaqaaluhu waa himilada ummadda. Waxa uu u baahan yahay in lagu kobciyo waxsoosaar iyo shaqo badan. Haddii aan si fiican loo maarayn waxa uu dhaxalsiiyaa ummaddaa in ay noqdaan kuwo isdhigta oo calooshooda oo keli ah ka fekera.
6. Dhaqan xumo iyo Fasaad akhlaaqeed: Ummadi waxa ay ummad ku tahay oo isu haya marka ay jiraan qiyam iyo mabaadi’ dhinaca akhlaaqda ah oo ay wada ilaashato. Marka ay ummadi xumaanta meel uga soo wada jeesato, samahana isku dhiirigeliso waxa ay yeelataa xidid dheer oo baaqi ahaada. Dawladda ay dadkeeda la tagtay dhaldhalaalka adduun ee is dhigtay ee ka badin waaya wax ay cunaan ama cabbaan iyo raaxo adduun oo keli ah, waxa ay ku danbeeyaan in la dhaxal wareejiyo oo ay si fudud u suulaan sidii Andalustii Muslimiinta ee luntay.
7. Khilaaf iyo talada oo aan lagu heshiin: isqabqabsiga iyo talada oo aan lagu heshiin waxa ay sababtaa in ay dawladdaasi daciifto. Taariikhda waxaa ka buuxa dawlado badan oo markii taladoodii guduhu wiiqantay cadowgii dibaddu ka faa’iidaystay.
8. Dhagarta dibadda: gadgaddoonka dunida waxaa dabiici ah in dawladiba ta ay ka awood roontahay ay u itaal sheegato, ama si uun u soo fara geliso iyada oo uu riixayo damac dhaqaale ama siyaasadeed. Si looga nabad galo dhagarta shisheeyaha waxa loo baahan yahay in la xoojiyo midnimimada safka gudaha, feejignaan iyo dhiifoonaanna lagaga war hayo dhagarta dibadda laga maleegayo iyo saamaynta ay ku leedahay gudaha.
9. Cadowga iyo Saaxiibka oo aan la kala garan: waa in ay kala caddahay cidda kalsoonida la siinayo ee sirta loo sheegayo iyo cidda kale. Waxaa loo baahan yahay in la kala garto oo aanay isku qasmin saaxiibka iyo cadowgu, maslaxadaha lagu wada socdaana qeexan yihiin.
Waxa ay taariikhdu tilmaantaa in waxyaabihii burburiyey dawladdii Andalus ee Muslimiinta iyo khilaafadii Cusmaaniyiinta ay ka mid ahaayeen iyada oo aan la kala soocin cadow iyo saaxiib. Waxaa dhacday mararka qaar in ay manaasib sarsare ka hayeen labada dawladoodba niman Yuhuud ah oo hoosta xidhiidh kala lahaa cadowgii markaa la is hayey ee Nasaarada.
10. Asaaskii hore ee dawladda oo jilicsanaa: Ibnu Khalduun waxa uu tilmaamay in ay dawlad waliba leedahay is-ahaansho ‘Casabiyad’ ay ku dhaadato oo ay ilaashato kana difaacdo wax walba; ha ahaato mid nasab, mid diineed ama mid qowmiyadeed. Waxa uu yidhi: ‘haddii asaaskii hore ee dawladaasi ahaa mid taag daran, dawladdaas waxaa u soo degdega in ay burburto’.
Gebagebo
Dawladnimadu waa dan guud oo ummadda ka dhaxaysa, inkasta oo uu xil weyni ka saran yahay cidda hadba talada haysa, haddana waxa ay u baahan tahay in la wada ilaashado.
Faarax. X. Maxamed
Aragtiyaha ku sheeggan qoraalkan waxaa iska leh qoraha oo daruuri ma aha in ay ka afceliyaan siyaaso-tifaftireedda Garanuug.