Home / Buug / Mamuu iyo Seyn 14: Naf Saafi ah iyo Quus

Mamuu iyo Seyn 14: Naf Saafi ah iyo Quus

Qaybtii Hore

 Naf saafi ah

Dhacdooyinka falagga iyo koonku waa kuwo horreeyay oo asal ah. Ad-adeygga sebanku, isaguna, waa qaddar aan ka noqosho lahayn, amarka Ilaahayna waa mid jaango’an oo cid fulitaankiisa hor istaagi kartaa aanay jirin.

Mar haddii ay sadarrada maqaadiirtu kugu xukumaan guuldarro, xabsi iyo hoog; umalka iyo taaha aad la hiinraagtaayi maxay kuu tarayaan? Xanuunka iyo danqashada aad la jiifsataayi maxaad ka dheefaysaa? Awoodda iyo kacdoonka aad iska baadhbaadhaayi maxay ka beddali karaan qorshaha maqaadiirta?

Xabsiga Mamuu loo taxaabay la ma uu mid ahayn xabsiyada  la yaqaanno. Waxa uu ahaa god hoos loo qoday oo afka u dhuuban, salkana u ballaaran. Mugdi ayuu wax walba kaga daray oo qorrax iyo iftiin kale toona ma ay soo gali jirin. Duleelka yar ee godka laga soo galo ayaa marmar cunto la siinayo uun laga furi jiray. Duleelkaa yari waxa uu u buuxin jiray kaalmihii albaabka, daaqadda, foomallayrka iyo macno kasta oo guri darbigii loo daloolin jiray ama loo dalooliyo. Isla kaalintaas uu daloolka yari u buuxin jiray, waxaa u raacday isla ujeeddooyinka guri darbigii loo dalooliyo in uu duleelkaa yari u qaban jiray sida layr, iyo iftiin uu daqiiqado kooban ka heli jiray.

Mamuu, godkaa loo taxaabay waxaa durbadiiba ku soo dhaweeyay mugdi iyo cidlo. Iftiin yarna wiilasha indhihiisu way qaban waayeen. Muuqaallo madow wax aan ka ahayn hareerihiisa wuu ka waayay. Inyar ayuu godka dhexdiisii is liqdaaray. Isaga oo is dhaqdhaqaajinayn ayuu cabbaar sidaa ahaa. Waxa uu bilaabay in uu quryar dhaqaaqo oo darbi uu isku tiiryo raadsado. Sidii uu indhoole yahay ayuu labada gacmood iska horraysiiyay. Darbigii godka ayuu gacmihii la gaaray. Si tartiib ah ayuu sidaa sacabbada ugu salaaxay, si uu u hubiyo in la isku tiirin karo iyo in kale. Dhabarka ayuu dabadeedna saaray oo hoos isugu taraarixiyay. Ilbiriqsigii uu sidaa salka dhulka ula helay ayay mowjado xusuus iyo murugo leh oo ilaha quusta iyo rejobeelka ka soo butaacay ku furmeen.

Barigii ay dhallinyaranimadiisu qoyanayd ayuu xusuustay. Awooddiisii noolayd ayuu milicsaday. Kartidii iyo raggannimadii aan la haweysan jirin ee uu lahaa ayuu dib ula sheekaystay. Xusuus farxad badan ayuu ka helay maalmihii ay isaga iyo Taajuddiin ahaayeen kuwa dadka ugu farxadda badan. Waa intii aysan xanuunka iyo murugada saacaddan beerkiisa gubayna qalbiyadooda sida wadajir ah u daarin. Waayo badan oo xusuuseed ayuu isaga gudbay. Maalintii ciidda guga loo dabaadegayay ee ay faraxsanaayeen ayaa ku soo dhacday. Sidii ay u miyirbeeleen iyo wixii ay ku miyir beeleen ayaa hor yimid.

Himilooyinkii iyo xanuunnadii ay naftiisu u dhaxaysay maalihii uu arooska Taajuddiin iyo Sitti socday ayaa, iyaguna, markooda xusuusta Mamuu la wareegay. Cabbaar ayuu waayihii maalmahaa ka fekerayay. Sidii uu naftiisa ugu sheekayn jiray marna ugu ballanqaadi jiray in ay u farxi doono sida Taajuddiin, ayuu dul joogsaday.

Arooskaa gadaashii murugadii haleeshay iyo sidii uu qalbigiisu u dhaawacmay ayuu soo gocday. Illaa iyo hadda cid qalbigiisaa u arxanta ama cidda uu jeclaaday siisa midkoodna ma uu helin. Sidii uu kaligii jiinka webiga Dajlah ugu ooyi jiray oo maskaxdiisa danqaabo ku ahayd ayaa ku soo duxday. Illintii ka quban jirtay ee dhabannadiisa waddooyinka dhuudhuuban kala bixi jirtay ayaa u sawirantay. Hiiraaggii laabtiisa ka hugmi jirtay ee aanay cidna maqli jirin ayuu dib u dhagaystay. Saacadihii koobnaa ee uu Seyn kula haasaawayay bartamaha ubaxyada iyo geedaha waaweyn ee beerta qasriga ayaa, [waa nasiibkiiye] qulub ku soo tiri. Xasuustii ugu xiisaha badnayd ayay saacadahaasi maskaxda Mamuu xisaabsanaayeen. Waayo, tan iyo intii uu Amiirad Seyn calmaday saacadahaa kuwo uu ka farxad iyo deggenaan badnaa ma ay jirin. Maalintaa uu farxadda iyo deggenaanta kootada ku xirtay dabadeed sidii uu mugdiga u galay ee uu mowjadaha murugada iyo ciilka u dhex maquurtay ayuu soo xasuustay. Sababta ay dadku u dulminayaan, waliba isaga oo aan gef iyo danbi toona cid ka gelin, ayuu is weyddiiyay. Maxaa laguugu been abuuranayaa ee aad gaysatay? Jirradaada iyo cishqigaaga maxaa loo xaqirayaa ee loo liidayaa? Su’aalo badan ayuu kaligii rogrogey. 

Sida dabinnada iyo shirqoollada loogu sayriyay waddadii uu guusha u qaadayay ayuu ka yaabay. Macnaha ay carada Amiirku leedahay ee uu naftiisan sidaa u dhibban kala dul dhacay ayuu fahmi waayay; Amiirka u quuri waayay nafta Mamuu oo silic iyo hoog u dhan yihiin in ay bilicda dabiicadda iyo shanqarteeda isku maaweeliso. Halkaa shay oo qura ayuu dadka ka la mid ahaa; si buuxda ayuu isugu daaweyn jiray daawashada ashqaraarka dabiicadda. Daawadaa bilaashka ah ee ay dadkoo dhami adeegsadaan sababta uu Amiirku ugu quudhi waayay ee uu dalluunta madow ugu riday ayuu isweyddiiyay. Waxa uu ku taliyay Amiirku in uu Mamuu mugdi gacalgooye ah ku jiro, walibana ku waaro iyada oo cid ku wehelisaana aysan jirin. Qalbigiisa ayuu jidgooyo weyn dhigtay. Arrimahaa oo dhan iyo cidda ka danbaysa waa aqoon u laaban Mamuu.

Waxaas oo xasuus ah muddo gaaban ayuu isaga dhex kuday Mamuu. Wali darbigii uu gacanta la haleelay ayuu ku dhacdiidsan yahay. Qalbigiisa ayaa u turay. Illin ayaa ka soo burqatay. Cimrigiisa hoogga jooga, himiladiisa habowday iyo qalbigii huraya ayuu ka ilmeeyay oo ka xumaaday.

Godka hareerihiisa ayuu ku wareegay oo taataabtay, mise darbi bir ah oo daah ka sokeyn weeye. Sagxadda godka ayuu cabbaar lugaha ku jiidjiiday, mise waa wada dibir inyar mooyee. Meel gees ah waxaa ku daadsan camuud yar, dusheedana waxaa saaran xasiig luufluufay. Waa halkaas meesha qura ee uu dhinaca dhigi karo sagxadda godka.

Weli madaxa ayuu warwareejinayaa. Waxa aad mooddaa cid u arxanta in uu raadinayo; cid uu ugu yaraan u sheego dhibka ku habsaday oo ka dhagaysata. Balse godkan yari waa mid dhaga la’; cidna ma ay maqasho, oohinna ma dhagaysato. In ay meeshu cidlo tahay ayuu yaqiinsaday. In uu ka go’ay dunidii la isku weheshan jiray iyo uumiyihii ku noolaa ayuu garwaaqsaday. Meesha kali ah ee maciin ugu haray waa samada; samada ay ku aroorto cid walba oo kurbo iyo dhibaato kale haleesho. Waa meesha ay u ciirsadaan dadka ka sheeganaya dulmi laga la xishoon waayay, dabadeedna loo joogteeyay.

Madaxa ayuu kor u soo qaaday. Indhihiisa oo aad mooddid in ay ergo u yihiin xanuunka jirka intiisa kale haya iyo himilada qalbgiisa, ayuu kor u taagay. Samada ayuu eegay.

“Alloow soo iima jeeddid? Alloow soo iima jeeddid -aniga oo addoonkaagii tabarta yaraa ah – sida aan ugu dhex dhalaalay xanuunnadaan faraha badan ee aanan xammili karin?!

Alloow, addoommadaada dhulka jooga ma aysan daweyn guuldarrada iyo dhibaha I haysta e, waxa ay xoqeen dhaawacyadii aan qabay. Sida aad ujeeddidba, waxa ay ku xoqeen oo ku shiideen ciidda. Waxa ay iga qadiyeen oo iga hunguri qabteen sahaydii aan ku gaari lahaa bankii ay farxadda noloshu ii taallay. Eebboow ii naxariiso. Xaqaaga ayaan ku dhaartay e, maanta ka dib ma baryi doono cid aan adiga ahayn; maanta ka dib illintaydu ku quban mayso meel aan hortaada ahayn; maanta ka dib na isu ma liidi doono awood aan taada ahayn.”

Ducadaas gaaban iyo ballanqaadkaas adag markii uu akhriyay ka dib ayuu indhaha hoos u soo dhigay. Sagxaddii godka ee madoobayd ee misana dibirta ahayd ayuu ku soo celiyay. Wuu isku qabsaday. Darbigii uu ku tiirsanaa ayuu dhabarka ka soo qaatay. Qalbiga guntiisa ayuu neecow meel fog ka soo dhacaysa ka dareemay. Ruuxdii hore ee ku jirtay ee caddibnayd ayaa is doorrisay. Sidii ay ahayd si caksigeeda ah ayay isu beddeshay. Sida uu iftiinku u dhex jibaaxo hirarka mugdiyada si la mid ah ayay waaxyaha jirkiisa u dhex qaadday. Qalbigiisa ayaa qaboobay. Deggenaan ayuu dareemay. Cidladii uu welwelka ka qabay ayuu si tartartiib ah u illoobay. Ruuxda cusub ee gashayi wehel la’aan loo welwelo ma ay aqoon. 

Naftiisa iyo hareerihiisaba is beddel weyn ayuu ka dareemay. Darbigii ayuu marka kale isku tiiriyay. Qadaadka ayuu ku nabay oo indhaha kor iyo samadii mar labaad u dallacay. Alle weyne [casa wa jalle] ayuu la hadlay.

“Allahayoow, markii aan dunida oo dhan ka waayey himilo iyo sabab farxadeed, ayaan garwaaqsaday [adeeciddaada] oo ku hanuunay turiddaada. Xaqaaga ayaan ku dhaartay e, maanta ka dib ka leexan maayo albaabkaaga, xitaa adduunyada iyo wax ku sugan oo dhammi haddii ay ii soo noqdaan oo ay iga farxiyaan. Daalimiintu ha i dulmiyaan; dhagar badanayaashu ha i dhagraan; waxii ay doonaan oo holac ah naftayda ha ku shidaan; haddii ay doonaan meel mugdi ah ama beeraha bahallada lagu xannaaneeyo ha igu xiraan; Rabbinimadaada ayaan ku dhaartay e, sujuudda aan kuu sujuudsanahay dartood uga soo fariisan mahayo. Intaas oo dhammi waxba ima yeeli karaan, himilada qalbigayga na waxyar kama jari karayaan!

Inta aan ifsanayo hanuunka aad ileyskiisa ii bixisay, sabirka ayaa naftayda malab u ah. Inta aan feerahayga dhexdooda ka helayo nuurkaaga wehelka ii noqday, mugdigu wax macno ah ii samayn mahayo. Inta naxariistaada iyo turriimadaada dahsooni ay ila jiraan, qalbigaygu wuu ku qaboobi cadaabka aadanahu ku rideen ee hareeyay!

Quusta miyaa? Adduunka oo dhamiba awood uma lahan in heer ay i gaarsiiyaan. Waxaan ku dhaaranayaa surkii aan toosnidiisa u qafaalmay; waxaan ku dhaaranayaa milicsigii aan dartiis la miyirbeelay; waxaan ku dhaaranayaa iftiinkii holaca igu noqday; waxaan ku dhaaranayaa wanaaggii [aan filayay ee] aanan xinjiro iyo milil ma ahee wax kale ka kabban; waxaan ku dhaaranayaa in uusan himilada xiriirka iga jari doonin. Si kasta oo wakhtiga cadaabku [kan addoommada weeyee] iila dheeraado oo degganaanta iyo xasilloonidaba iiga qaado, iga ma uu guulaysan doono; xitaa haddii uu nagu kala dahaaro daahyada geerida. Ma wax ka macaan baa jira in ay naftaydu himiladeeda hanato iyada oo hoos joogta harka waaraya ee carshigaaga, isla markaana ku daanshoonaysa naxariistaada iyo turriimadaada aakhiro?

Maxay baysan labadayada nafood ee is jeclaadayi farxad u helayn? Xaqaaga ayaan Alloow ku dhaaranayaa e, sida aad og tahay, waa laba naf oo daahir ah. Sahayda ay labadaan nafoodi adduunkaan ka qaateenna waa kulayl iyo hoog kali ah. Naxariista aad ii fidisay ayaan ka dheehanayaa sida aad nooga farxin doonto kolka banka aakharo na la soo taago; banka aysan cidna ka dahaarnayn mulkigaaga, ogaantaada iyo turidaaddaba. Waa isla bankaas meesha ay naxariistaada ballaaran iyo caddaaladdaaduba ku kulmaan.

Alloow, aad ayaan maalintaas ugu hilowsanahay! Naxariistaada ayaa maalintaas naga tiri doonta illintii ay sababteeda lahaayeen daallimiintii na dhibay. Iyada ayaa hab ina siin doonta oo kasheeda inagu soori doonta. Si fiican ayaan maalinkaa ugu daanshadaanshoondaa nabadgelyayntaada iyo casuumaddaada.”

Wehel xagga Rabbi ka yimid ayaa ku soo degay qalbiga Mamuu. Isaga oo weli u hoyda godkii cidlada iyo mugdiga ayuu qaboobay oo degey. Murugadii ayaa si doqon-ma-garato ah qalbigiisa looga siibay. Wuu ku diirsaday wehelkan oo u yimid kolkii uu go’ay xiriirkii u dhexeeyay isaga iyo aadanaha –aadanihii uu ka quustay in ay u naxariistaan oo gacan taageero u fidiyaan. Daqiiqadba ta ka danbaysa aadanaha wuu ka sii xarig furanayay, xiriirka uu Alleha weyn la leeyahayna wuu sii xoogaysanayay. Gurmadka uu Alle ka filanayay ayaa isaguna, sii xoogaysanayay. Godkii yaraa ee xabbiska ahaa ayaa u noqday mawlac uu si  joogto ah Alle ugu baryo, habeen iyo maalinna ku dhex caabudo. Badanaa, waardiyuhu waxa uu u soo gali jiray isaga oo salaad la taagan ama la sujuudsan oo Alle baryaya.

Jirkiisii iyo ruuxdiisii ayaa is weydaartay. Jirkiisu waxa uu bilaabay in uu jilco oo uu shiilmo, isla markaa ayay ruuxdiisuna bilowday in ay korto oo ay xoog iyo karti yeelato. Mar kasta oo uu jirkiisu sii baaba’o oo dhalaalo, waxaa awood iyo nafaqo hor leh helaysay ruuxdiisa. Naftiisu waxa ay ka go’i jirtay ku mammanaanta adduunkan yar, beddelkiisana waxa ay ku xirmi jirtay samada iyo cidda ku sugan. Sidaa ayuu u noolaa Mamuu illaa uu ka noqday warqad oo kale fudayd dartii. Qalfooftiisii ayaa qombobabtay. Dhanka kale, hiinraaggii, taahii, murugadii iyo dhibaatooyinkii kale ee ruuxiga ahaa ee uu qabay ayuu ka bogsaday. Xiisihii iyo boholyowgii uu kulanka Seyn u qabi jiray ayaa beerkiisa kulkii iyo kulaylkii ka daayay.

Naftiisii ayaa hal shay in ay dhowrto bilowday; hal shay oo caashaqday tan iyo intii ay godka soo gashay. In ay dunidan ka faarumaysato ayay jeclaatay oo sugtay. Bankii aakharo ee ballaarnaa ayay tegitaankiisa naawishay oo u hilowday.

Quus

Amiirad Seyn, ka hor intii aan Mamuu la xirin, walow ay dhibaato weyn ku qabtay jacaylkeeda la cunaqabateeyay, haddana quus kama ay joogin in ay maalin uun farxi doonto. Rejo weyn ayay ka qabtay in ay Mamuu farxad iyo nolol la qaybsan doonto, si la mid ah sida ay u qaybsadaan Taajuddiin iyo Sitti. Balse kolkii uu walaalkeed, Amiir Seyn Al-diin, xabsiga adag ku xukumay ee uu dilka uga baajiyay ayay si walba isu beddeshay. Laabteedii ayaa holac la gorortay. Si xoog ah ayay u oyday illaa gadaalkii ay ceejismatay. Ilmo badan ayaa dhabannadeeda qulqushay oo qaarkeeda sare oo dhan qoysay. Dunida oo dhan ayaa ciriiri ula muuqatay ama ku noqotay. Barwaaqadii qasriga iyo macaankii nolosha oo dhan ayaa laga indho saabay. Sidii in xabsi yar oo kan Mamuu la mid ah la galiyay ayay u niyadjabtay. Wax aanay aqoon ayaa siririyay. Sanbabadeedii ayaa neefsiga loo diiday. Xanuunno kala duduwan iyo diiqad ayay la wareertay; xanuunno nafsaddeedii ayaa itaalka yaraa sii wiiqay.

Aayihii Mamuu halka ay ku danbeeyeen ayay la bukootay. Ceelka cidlada ah ee lagu dhex riday ayay ka murugootay. In uu iyada khalad ka fahmo ayay aad uga walwashay. Mamuu oo u qaata in ay Seyn barxadaha qasriga ku daanshadaanshooto oo xorriyad iyo furfurnaan ku dhex wareegto ayaa wax walba iyada uga daran. Sida rajadii nolosheeda uu gabbalka baasi ugu dumay ayay ka ciishootay. Nasiibxumada halka ay kala socoto ayay garanweyday. Abdada ay ka qabto in cimrigeeda inta ka hartay ay Mamuu la kulmi doonto ayaa yaraatay oo yaraatay oo waxba noqotay. Kolka ay sidan u fekerto xaalad adag ayay gali jirtay. Taah iyo hiinraag dhinbilo oo kale ah ayay xiiqdooda ku xabeebi jirtay. Hilowga iyo kacdoonka xiisaha ee nafteeda ayaa hurin jiray oo bogga ka shiili jiray.

Sidani caado ayay u noqotay Amiirad Seyn. Marar badan iyada oo xaalkeedu caynkan yahay ayay su’aalo isweyddiin jirtay. Macnaha iyo ujeeddada uu nasiibkeedu u xumaaday oo u madoobaadey ayay isa soo hor dhigtaa, sidii oo ay hayso awood ay sirtaa qarsoon ku daalacato. Su’aalo ayay nafteeda ku harqin jirtay oo isweyddiin jirtay.

“Xikmad noocee ah ayaad Alloow uga dan leedahay roobkan mahiigaanka ah ee guuldarrada iyo ayaanxumada ka samaysan ee aad maalmaha noloshayda ku di’isay?

Hal maalin! hal maalin oo qura falaggu dushayda kuma uu wareegin isaga oo ii sida farxad iyo wanaag qalbigayga doojisa oo aad [adigu] iigu soo dhiibtay; hal maalin oo qura dunidaan indhahayga uma aadan iftiimin!

Markii ugu horraysay maskiinkaas ayaad sakhraamisay oo caashaqayga iftiin uu ka helay dartiis u legedday, haddana iftiinkii ayaad aniga dib iigu soo celisay. Dabadeedna ayaad qalbigayga uga dhex tagtay, [iftiinkii] isaga oo la rafanaya kulaylkiisii. Mar kale ayaad aniga iyo isaga naga dhex shidday iftiin kale oo yar. Mar aan is aragnay ayay ahayd. Si fiican ayaan aragga isaga bogannay. Midkaayaba kan kale ayuu u hanqaltaagay. Dabadeedna si degdeg ah ayaad iftiinkii inooga damisay. Mugdi weyn ayaan labadayaduba dhex gallay. Mid walba in uu gaarkiisa wehel la’aanta iyo xiisaha ugu gubto ayaad xukuntay. Mar ayaad hareerahayaga ka oogtay farxad iyo aroos, markaana laabahayaga waxaa ka oognaa murugo iyo hilow xanuun badan oo nagu kaliyaystay. 

Alloow maxaan galabsaday oo geystay? Muxuu miskiinkaas aad soo dirtayi geystay ee aad ugu xukuntay in uu godkaas mugdiga ah ee dhulka hoostiisa ku yaalla ka dhex baaro himiladiisii iyo hankiisii?

Balse! Balse maxaan u eed sheeganayaa? Maxaan erayadaan ugu hadlayaa? Waan ogahay oo intaani waa qeybtii aan ku lahaa qaddarka uu Alle waa hore ii dhigay. Maanta [iyo xaaladaydan] wixii ka horreeyay raalli ayaan ka ahaa; sidaa darteeda waa gar in aan maanta na raalli ku noqdo aniga oo waliba sabir iyo mahadnaq is ku daraya.

Alloow dambi dhaaf ayaan ku wayddiisanayaa. Wax walba oo aad ii qaddartay raalli ayaan ku ahay oo waa aqbalayaa.”

Mararka qaarkood ayaa humaaggii Mamuu la hor keenaa. Waa isaga oo godkii lagu xiray ka soo jeedaalinaya. Indhihiisu way madoobaadeen, wajigiisana murugo badan iyo xanuun uu qabo ayaa ka muuqda. Waxa uu u eg yahay mid aamminsan Seyn in ay xorriyad ku dhex joogto qasriga. Sidii ruux sasay ayay kor u booddaa oo qaylisaa.

“Mamuu, ma waxaad u malaynaysaa in gurigani iiga ballaaran yahay xabsiga ciriiriga ah ee aad dhex jiifto? Ma waxaad u qabtaa in iftiinka adduunyadu uusan iiga mugdi badnayn xabsiga madow ee aad dhex fadhido? Ha u moodin nimcooyinka igu gadaamani in ay iga qarinayaan nasiibkayga xun.

Nimcada aan haystaayi waa hinraag laabtayda jeexa. Raashinka aan quutaayi waa holac mindhicirradayda guba oo gamaariya. Cabbitaan aan fuuqsadaayi waa illin beerkayga shiisha. Gogosha aan ku seexdaayi waa xanan qalbigayga guntiisa ka dhiijiya dhiig. Ma lihi indho ay illintu ka gudho oo hurdo hela. Dareekaygu ma xasilo oo naftaydu kacdoonku kama damo.

Mamuu, aniga xaalkaygu waa sidaa. Tabtaas ayaan ahay aniga oo [waliba] qasriga ku jira. Bal ii sheeg sida ay naftaadu tahay adiga xabsiga bartamihiisa fadhiya.

Ii sheeg kan mugdiyada dhexdooda kuu wehelyeela? Kuma ayaa kula fariista oo aad xanuunka isla qeybsataan? Habeenku sidee kuugu dhammaadaa, illeen cirkii xiddigaha lahaa ee aad weheshan lahayd ma aragtide? Sideed maalinta ku dhammaysataa adiga oo aan arag hal qof oo aad sheekaysataan, neecaaw ku qaboojisa ama, shimbir ama laan babbanaysa oo aad isku maaweelisid?

Aaa… Aaa! Wacnaan lahaydaa in ay ruuxdaani sanbabadeeda ka kuddo oo ay tagto godka uu maskiinkaasi ku jiro, dabadeedna ay warbixin buuxda ka hesho caafimaadkiisa iyo xaaladdiisa! Waxa aan ka baqayaa in ay argagaxa iyo murugadu isu gu tagaan oo dhinac u ridaan, dabadeedna uu [gabigiisuba] halkaa ku soo afjarmo.

Alla wacnaan lahaydaa Amiirka caradiisu in ay aniga I haleesho oo uu silsilado iyo luqunxir igu katiinadeeyo, dabadeedna godka uu Mamuu ku riday mid la mid ah oo u dhow igu tuuro. Alle ayaan ku dhaartay e, haddii ay sidaasi dhici lahayd waxa aan ka bixi lahaa xabsigii adduunka [oo aan hadda ku jiro], isla jeerkaas na jannadii adduunka ayay halkaasi ii noqon lahayd. Waxaa iga furfurmi lahaa dabarka ay nimcadani igu seetaysay. Waxa aan tagi lahaa meel aan ka arki karo farxaddayda. Qalbigaygu waxa uu heli lahaa daawo uu ka quustay. [Horta] sideedaba haddii aad weydo nimcada jirta tan kuugu muhiimsan wixii kale oo nimco ah ee aad haysato kuu dhadhami mayaan.

Ma waxaa jira wax ka daran mugdiga ay leedahay quusashadu oo indhahayga saaran? Waxa ugu weyn ee aan ka cabsi qabaayi waa sebanka oo diida kulan danbe oo in dhex mara aniga iyo axadkii qalbigayga jiitay. Walwal ayaan ka qabaa in uu sebanku talo ku gaaray in aanan [Mamuu] arkin oo xaalkiisa ogaan.”

Xaaladahaa ayay Seyn ku tabar beeshay. Awooddii iyo itaalkii oo kolkii hore ba si tartar-tartiib ah uga sii socday ayaa gebi ahaan ba ka dhammaaday. Cunto iyo cabbitaan ayay ka dheeraatay. Waxaa guriyay, nuugay oo weyd ka dhigay xanuun ay ka qaadday quusta iyo rejobeelka waayaha soo socda. Sidaa ayuu xaalkeedu ahaa.

Amiir Seyn Al-diin kama ay qarsoonayn xaaladdani. Si fiican ayuu uga war hayay silica iyo rafaadka ay ka qaadday Seyn caashaqa la cunaqabateeyay ee ay Mamuu u haysay. Waxa uu goostay in uu iska indho iyo dhego tiro. Sakhradda ay islaweynida iyo qiiradu lee yihiin ayaa garashadiisa ka malaastay in uu labadaa mucaashaq u diirnaxo. Waa sakhraddii isaga oo hore ba u lahaa uu ku sii kaa kiciyay waardiyihii wasakha ahaa [ee Bakar la oran. Tuhun aan jirin ayuu labadoodaba u ga sheegay. Mar haddii Mamuu loo diiday Seyn, in uu damacsan yahay qorshe xun oo uu sumcadda madaxtooyada Amiirka ku xumaynayo ayuu tibaaxay. Erayda jacaylka iyo lubbi caashaqa sayrinaya in uu qorshahaa u adeegsanayo ayuu ugu soo gabagabeeyay.

Amiir Seyn Al-diin waxa uu faraha ka qaaday in uu xaalka walaashii wax ka ogaado. Mar qurana nolosheeda ka ma uu warsan jirin. Eegmo naxariis leh in uu ku fiiryo ayuu, xitaa, iska daayay. Dhinicii ay qasriga ka deggenayd in uu soo kormeero ayuu iska diiday. Sidaas ayuu caadaystay oo bulshadii qasriga kula noolaydina ka ogaatay.


Waa inoo moogga xiga iyo “Kacdoonkii” iyo “Dhagar” oo wada socda.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 15: Kacdoon iyo Dhagar

Qaybtii Hore Kacdoon Hal sano oo dhammaystiran ayuu immika xabsiga ku jiraa Mamuu. Saaxiibaddiisii guuldarrada, ...

Mamuu iyo Seyn 13: Laba-kacleyntii Fitnada

Qaybtii Hore Laba-kacleyntii Fitnada Awoodda xoogga badan ee jaceylku waligeed ma ay noqon mid carshi ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *