Home / Abwaan / Bilaha Xurmada Leh

Bilaha Xurmada Leh

إِنَّ عِدَّةَ الشُّهُورِ عِندَ اللَّهِ اثْنَا عَشَرَ شَهْرًا فِي كِتَابِ اللَّهِ يَوْمَ خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ مِنْهَا أَرْبَعَةٌ حُرُمٌ ۚ ذَٰلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ ۚ فَلَا تَظْلِمُوا فِيهِنَّ أَنفُسَكُمْ ۚ وَقَاتِلُوا الْمُشْرِكِينَ كَافَّةً كَمَا يُقَاتِلُونَكُمْ كَافَّةً ۚ وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ مَعَ الْمُتَّقِينَ. إِنَّمَا النَّسِيءُ زِيَادَةٌ فِي الْكُفْرِ ۖ يُضَلُّ بِهِ الَّذِينَ كَفَرُوا يُحِلُّونَهُ عَامًا وَيُحَرِّمُونَهُ عَامًا لِّيُوَاطِئُوا عِدَّةَ مَا حَرَّمَ اللَّهُ فَيُحِلُّوا مَا حَرَّمَ اللَّهُ ۚ زُيِّنَ لَهُمْ سُوءُ أَعْمَالِهِمْ ۗ وَاللَّهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الْكَافِرِينَ.

(التوبة ٣٦-٣٧)

Markii Alle- subxaanahuu wa tacaalaa- abuuray dhulka iyo samooyinka ayuu bilaha u qaybiyey laba iyo toban bilood. Afar ka mid ah ayaa Alle siiyey xurmo iyo sharaf ugaar ah oo dheeraad ah oo aan siddeedda kale la wadaagin. Saddex way isku xigaan oo waa Dul-Qacdah, Dul-Xijjah iyo Muxarram, iyo Rajab oo ah bisha toddobaad ee sannadka. In kasta oo dulmiga iyo xadgudubku aysan marnaba bannaanayn, wuxuu Alle- subxaanahuu wa tacaalaa- si gaar ah innoo sii faray inaan bilahan gudahooda ka dheeraanno dulminta nafteenna. Sida ay uga sharaf iyo xurmo badan yihiin bilaha kale, ayaa falka qofku sameeyo bilahan gudahooduna uga fadli badan yahay falka bilaha kale. Sidaas oo kale, xadgudubka iyo dembiga qofku ku dhaco bilahan wuu ka daran yahay bilaha kale. Mad-habka Shaaficiyada iyo culumo kale ba waxay qabaan in qofkii dil geysta lagu kordhiyo magta, si loo adkeeyo xurmada bilahan. Taasna waxaa la mid ah dhulka Xaramka ah ee Makkah iyo Madiinah.

Islaamka ka hor, Carabtii jaahiliyadu waxay ahaayeen dad aad isu dila, xoolahana isaga dhaca. Dad badan baa ku noolaa dhaca iyo boobka. Laakiin xurmada afarta biloodi way ku weynayd aadna way u sharfi jireen, oo dagaalka iyo boobka way joojin jireen. Waxaa la sheegaa in ninku haddii uu bilahan iyada oo lagu jiro arko ciddii dishay walaalkii ama aabbihii uusan taaban jirin. Dhaqankani wuxuu ka mid ahaa waxyaalihii ay ka dhaxleen Nebi Ismaaciil- calayhis salaam-. Muddo dheer oo dadkii isbedelay kaddib, way ku dheeraatay in ay saddex bilood oo isku xiga fadhiistaan iyaga oo aan wax xadgudub ah ku kicin, illeen qaarkood dhaqaalahoodu wuxuu ku xidhnaa xoolaha ay dadka kale ka soo dhacaan’e.

Waxay bilaabeen in ay bedelaan nidaamkii oo hadba sida u cuntanta u leexiyaan. Waxay isu sheegeen in muhiimaddu tahay in tiradu afar bilood ahaato, laakiin ay doortaan xilliga afartaasi noqonayaan. In kasta oo Dul-Qacdah iyo Dul-Xijjah oo xilligii xajka la gudanayey ahaa ay ilaalin jireen, waxay keeneen in Muxarram sannadna la xurmeeyo sannadna la jebiyo xurmadeedii oo ay booskeedii safar xurmeeyaan! Muxarram oo xaaraam ka ahayd way xalaashadeen, safar oo xalaal ahaydna way xaaraantimeeyeen. Waa halka aynu nidhaahdo la jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan.

Nin Abuu Sumaamah (ث) la dhihi jirey ayaa qaabilsanaa oo xilliga xajka intuu yimaaddo, isaga oo dameerkiisa saaran, ayuu dhihi jirey: sannadkan muxarram waanu xaaraantimaynay safarna dib ayaanu u dhignay. Sannadka ku xigana wuxuu odhan jirey: sannadkan safar waanu xaaraantimaynay, muxarramna dib ayaanu u dhignay! Taasina waxay keentay in ay bilihii isku qasmaan oo ay isdabamaraan.

Sidaa iyaga oo wax isugu walaaqaya ayaa Islaamku yimid, xurmadii bilahaasna sii adkeeyey. Geeridiisii waxyar ka hor, markii uu xajinayey Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- (Xajkii Sagootiga, حجة الوداع) ayuu bixiyey khudbad uu ku sheegay in xilligii (samaankii) wareegay oo uu ku noqday qaabkii Alle u sameeyey markuu abuuray dulka iyo samooyinka, sannadkuna yahay laba iyo toban bilood oo afar xaaraan tahay (caagan tahay). Sidaas ayuuna ku joogsaday dib-u-dhiggii muxarram.

Afarta bilood ee caaggan (xurmada leh) waxaa ku jira maalmo badan oo aad u barakaysan. Waxaana ka mid ah tobanka hore ee Dul-Xijjah oo aad u fadli badan.

وَالْفَجْرِ . وَلَيَالٍ عَشْرٍ

[الفجر:1-2]

Ibnu Kasiir wuxuu sheegay in tobankan habeen ee Alle ku dhaartay ay yihiin tobanka u horreeya Dul-Xijjah. Alle-na marka uu wax ku dhaaranayo waxay tusinaysaa ahmiyadda ay leedahay.

عَنِ ابْنِ عَبَّاسٍ رضي الله عنهما عَنِ النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم أَنَّهُ قَالَ: مَا الْعَمَلُ فِي أَيَّامٍ أَفْضَلَ مِنْهَا فِي هَذِهِ. قَالُوا: وََلا الْجِهَادُ، قَالَ: وََلا الْجِهَادُ، إَِلا رَجُلٌ خَرَجَ يُخَاطِرُ بِنَفْسِهِ وَمَالِهِ فَلَمْ يَرْجِعْ بِشَيْءٍ.

[ صحيح البخاري، (969) ].

Xadiiskanina wuxuu tilmaamayaa in aysan jirin maalmo uu falka wanaagsani ka fadli badan yahay tobanka maalmood ee ugu horreeya Dul-Xijjah. Tobankan maalmood waxaa ku jirta maalinta ugu fadliga badan sannadka; maalinta ciidda carafo (عيد الأضحى), ahna Maalinta Xajka Weyn (يوم الحج الأكبر), waana maalinka tobnaad ee Dul-Xijjah. Waa maalinta dadka xajinayaa qalaan xoolohooda, inta aan xajka jooginna ay qalaan udxiyada. Sagaalka Dul-Xijjana waa maalinta Carafo (يوم عرفة) oo ah maalinta xajku ku xidhan yahay, sida Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- sheegay

الحج عرفة

Xajku waa Carafo

Qofkii aan xaj aadaynin waxaa loo jideeyey inuu soomo maalinta carafo, waxaana uu sheegay Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- in lagu dhaafo dembiga sannadkii tagey iyo kan soo socda.

” صِيَامُ يَوْمِ عَرَفَةَ أَحْتَسِبُ عَلَى اللَّهِ أَنْ يُكَفِّرَ السَّنَةَ الَّتِي قَبْلَهُ وَالسَّنَةَ الَّتِي بَعْدَهُ وَصِيَامُ يَوْمِ عَاشُورَاءَ أَحْتَسِبُ عَلَى اللَّهِ أَنْ يُكَفِّرَ السَّنَةَ الَّتِي قَبْلَهُ “

رواه مسلم 1162

Bisha Muxarram maalinteeda tobnaad waa maalinka Caashuuraa’ oo aad u fadli badan. Markii uu Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallama- tagey Madiina ayaa wuxuu arkay Yuhuuddii oo soomaysa maalinkaas. Markii uu waraystayna waxay u sheegeen inuu yahay maalintii Alle uu Nebi Muuse- calayhis salaam- iyo dadkiisii ka badbaadiyey Fircoon. Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi anigaa Muuse idiin ka xaq leh oo idiinka dhow, wuuna soomay, Muslimiintiina wuxuu faray in ay soomaan. Waxaa sunne ah in lagu daro maalinta ka horaysa ama ta ka dambaysa. Sida xadiisku sheegayana, waxaa lagu dhaafaa dembigii sannadkii la soo dhaafay. Waa maalin weyn oo ay tahay in la weyneeyo. Alle- subxaanahuu wa tacaalaa- waxa uu weyneeyo oo la weyneeyaana waxay tusinaysaa taqwada qofka qalbigiisa ku jirta.

Bilahan sharafta leh aynu kaga faa’iidaysanno falka wanaagsan oo aynu badsanno, iyo xumaanta oo aynu iska yarayno kana fogaanno. Aynu ku dedaalno xuska iyo dikriga Alle, tawbadda, salaadda, soonka, iyo camalka ugu weyn ee xajka oo ah tiirka shanaad ee Islaamka, ciddii awoodda,

Xigasho

Tafsiirul Qur’aanil Cadiim- Ibnu Kasiir

Fatxul Baarii- Ibnu Xajar

http://www.saaid.net/Doat/hasn/92.htm

Print Friendly

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *