Home / Abwaan / Muxarram

Muxarram

Muxarram waa bisha koowaad ee sannadka hijriga ah. Waxa ayna ka mid tahay afarta bilood ee xurmada leh (الأشهر الحرم). Xilligii Cumar ibnul Khaddaab- Alle ha ka raalli noqdo e- markii taariikh-tirsiga hijriga ah la dejinayey ayaa ay Muslimiintu ku heshiiyeen in ay Muxarram noqoto bisha sannadku ka bilowdo, maadaama bisha ka horraysa ee Dul-Xijjah uu xajku dhammaado.

Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- mar la weydiiyey bisha ugu fadliga badan waxa uu magacaabay bisha Muxarram, taas oo muujinaysa in ay ka fadli badan tahay saddexda kale. Iyada oo afarta bilood ay xurmo wada leeyihiin, ayaa Muxarram fadli dheeraad ah sii leedahay.

Suubbanahu- sallal Laahu calayhi wasallam- waxa uu sheegay in soonka Ramadaan ka dib, ka Muxarram la soomaa inta kale ka fadli badan yahay.

 أفضل الصيام بعد رمضان شهر الله المحرم

رواه مسلم 1163

Maalmaha soonkooda iyo fadligooda sida gaarka ah loo xusay waxaa ka mid ah maalinta tobnaad ee bisha Muxarram; waa maalinta Caashuuraa’ (عاشوراء) oo aad u fadli badan. Markii uu Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallama- tagey Madiina ayaa waxa uu arkay Yuhuuddii oo soomaysa maalinkaas (Yom Kippur). Markii uu waraystayna waxa ay u sheegeen in uu yahay maalintii Alle uu Nebi Muuse- calayhis salaam- iyo dadkiisii ka badbaadiyey Fircoon.

Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- waxa uu yidhi anigaa Muuse idiin ka xaq leh oo idiin ka dhow, waana soomay, Muslimiintiina waxa uu faray in ay soomaan. Waxaa sunne ah in lagu daro maalinta ka horaysa ama ta ka dambaysa. Sida xadiisku sheegayana, waxaa lagu dhaafaa dembigii sannadkii la soo dhaafay.

وَصِيَامُ يَوْمِ عَاشُورَاءَ أَحْتَسِبُ عَلَى اللَّهِ أَنْ يُكَفِّرَ السَّنَةَ الَّتِي قَبْلَهُ

 1162 رواه مسلم

“Soonka maalinta caashuuraa waxa aan Alle kaga rajaynayaa in uu ku dhaafo sannadkii ka horreeyey.”

Waxaa weriyey Muslim: 1162

Waa maalin weyn oo ay tahay in la weyneeyo. Alle- subxaanahuu wa tacaalaa- waxa uu weyneeyo oo la weyneeyaana waxay tusinaysaa taqwada qofka qalbigiisa ku jirta.

Bishii Muxarram markii ay taariikhda hijrigu ahayd 61, maalintii Caashuuraa ayaa magaalada Karbalaa lagu diley Xuseen ibnu Cali- Alle ha ka raalli noqdo e-. Waana dhacdada ay Shiicadu murugada ku xusaan maalinta Caashuuraa iyaga oo jidh-dil isku samaynaya. Dhanka kale, dad ayaa dabbaaldeg iyo ciid ka dhigtay. Laakiin sunnada Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- midna ma jidaynin’e waa in la soomo oo Alle loo cibaadeysto, iyada oo dembi dhaaf laga rajaynayo.

Print Friendly

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *