Home / Abwaan / Abuu Xaniifah
via Wikipedia

Abuu Xaniifah

Abuu Xaniifah (80H-150H, Kuufah-Baqdaad, 70 jir), Nucmaan ibnu Saabit/ ث. Asalkiisu wuxuu ka soo jeeday Kaabul, Afqaanistaan. Waa imaamkii aasaasay mad-habka Xanafiyada oo ku badan dalalka Aasiya iyo Turkiga. Imaam Abuu Xaniifah aad ayaa uu u caqli iyo cilmi badnaa, waxaana lagu tiriyaa dadkii adduunka ugu caqliga badnaa. Waxa uu xoogga saaray fiqiga iyo soo-dhiraandhirinta axkaamta oo uu hormuud ku ahaa, oo waxa uu ahaa faqiih aan cid la barbar dhigo lahayn.

Imaamku waxa uu xoogga saari jirey adeegsiga qiyaaska iyo ray’yiga si uu ula soo baxo axkaamta fiqhiga ah, maxaa yeelay, xilligiisii Ciraaq waxaa ku badnaa axaadiista beenta ah, aadna looguma kalsoonayn waxa ay weriyaan. Tusaale ahaan, reer Madiinah (sida: Imaam Maalik) inta badan ma aysan xujaysan jirin xadiiska ay weriyeen reer Ciraaq! Abuu Xaniifah iyo ardaydiisu waxa ay matalayeen Madrasada ahlur-Ra’yiga. Ardaydiisa waxaa ugu caansan Qaadii Abuu Yuusuf iyo Muxammad ibnu Xasan ash-Shaybaanii. Ardaydiisi ayaa aqoontiisi diiwaangelisay oo innoo soo gudbisay.

Xalaqadiisu waxa ay lahayd nidaam cajiib ah. Hadba mas’alo ayaa uu ardayda soo dhex dhigi jirey, taas oo arday kastaa aragtidiisa ka dhiibto isaga oo caddaymihiisa keenaya. Mararka qaarkood ayaamo badan ayaa hal mas’alo la lafaguri jirey ilaa marka dambe go’aan laga soo saaro, kaas oo la diiwaan gelin jirey. Waa nidaamka jaamacadaha heerkoodu sarreeyo (sida Oxford iyo Cambridge) ay maanta adeegsadaan ee loo yaqaanno “Tutorials”.

Imaamkan cidina kugula ma tartami jirin hoggaanka fiqiga, imaam Shaaficina waa kii lahaa “Dadku fiqiga waxa ay u daba fadhiyaan Abuu Xaniifah”

“الناس عيال على أبي حنيفة في الفقه”

Yaraantiisi waxa uu soo gaadhey qaar saxaabada ka mid ah, sida Anas ibnu Maalik- Alle ha ka raalli ahaado e-. Markii uu hanaqaaday waxa uu dhaxlay ganacsigii aabbihii oo iibin jirey dharka xariirta ah.

Waxa uu ahaa qof aad u cibaado badan oo xalaal-miirad ah. Khaliifkii Cabbaasiga ahaa ee al-Mansuur ayaa ku amray in uu madax u noqdo garsoorka (Qaadil Qudaah), laakiin waa uu ka diidey, isaga oo ku dacwoonaya in uusan u suubbanin qabashada jagadaas, ee cid kale kaga habboon tahay! Ilaa markii dambe khaliifkii ku xanaaqay oo yidhi “been baad sheegaysaa!”. Isaguna waxa uu ugu jawaabay, haddii aan been sheegayo adigaaba ii qiray in aanan jagadan ku habboonayn! “Sidee ayaa aad beenaale uga dhigi kartaa madaxa garsooreyaasha?”

Amar-diiddadaas ayaa lagu xidhay, halkaas oo lagu jidh-diley, markii dambena xabsigii ayaana uu ku geeriyooday sannadkii 150H, oo ahaa xilligii uu dhashay imaam Shaafici. Waxa uu ku aasan yahay Baqdaad, halkaas oo uu ku yaallo masjid weyn oo magiciisa wata.

Alle ha u naxariisto imaamka, wanaaggii uu umadda u sameeyeyna ha ka abaalmariyo. Aamiin.

Xigasho

سير أعلام النبلاء، الذهبي

أبو حنيفة النعمان إمام الأئمة الفقهاء، وهبي سليمان، دار القلم

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Hubinta Sugnaanta Xadiiska

Waxyiga Ilaahay noo soo dhiibay waa quraanka iyo xadiiska oo ah hadalkii iyo dhaqankii Rasuulka ...

Diinta iyo Sayniska

Alle- kor ahaaye– markii uu uunkan sameeyey waxa ku dhex abuuray noole aynu ka mid nahay. ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *