Home / Taariikh / Sababihii Kacaankii 1969

Sababihii Kacaankii 1969

 

Dawladihii Rayidka ahaa

Ilaa Xornimadii lixdankii waxaa talada u kala dambeeyey afar xukuumadood oo aan wax weyn oo la taaban karo qabanin, mid musuqmaasuq lagu doorto, mid kalsooni laga la noqdo, mid la bedelo, wasaarado saami beeleed lagu qaybsado, iyo wax aan dhaamin bay wakhtigii ku dhammeeyeen.

Dawladihii rayidka ahaa waxaa astaan u noqotay qabyaalad qayaxan, eex aan la qarinanayn, maamul xumo aan wax hor usocod ah lahayn, musuqmaasuq aan waxba laga xishoonaynin oo wax kasta lacagi goyso, dulmi iyo boob iyo xafiiltan siyaasadeed oo waddankii curyaamiyey. Shacabkii niyadjab baa ku dhacay waxayna mar uun sugayeen in Alle faraj u furo. Waa na tii, Alle ha u naxariistee, Axmed Ismaaciil Diiriye ‘Qaasim’ lahaa:

Dambi ku hadli maayee ma arag dawladaan rabaye,

Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye,

Dusha midabka Soomaali baad dugulka moodaaye,

Misna laguma diirsadee qalbigu waa dirkii Karal’e

Meeshaan dad aan ururshiyo dirir, ka eegaayay,

Iyaba waa darxumo ii hadhaye dacaro miyaan leefay,

Ma darraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay,

Sidii aan dayaysnahay miyaan dawgii ka habaabay…

Sidan oo kale, Xaaji Aadan Af-Qallooc ayaa maansooyin badan ka tiriyey xaaladdii dalku ku sugnaa. Tuducyadan hoose oo maansooyin kala duwan ku jira ayuu ku tilmaamay wixii socday.

[Tabaalaha wakhtiga (1966)]

..

Dhibta timi jamhuuriyadda oo tahan la boobaayo

Iska wax u tabciyo khaayinnimo laysku taageerye

Qawaaniin u taal iyo nidaam taxan ma yeelaane

Sida Reer Tafare amar ma jiro laysku taaboco’e

Warqad jananku teeb kuugu qoray kaabul kaa tuurye

Waashmaan kolay tahay ninkii taabay meel dheregye

Taaj madaxa awr loo geshaa waa tusmo habowe

Tuug daalliniyo caasi baad tamar u yeeshaane

Tembi baad u dhiibten nimaan tuna ka sheegayne

Toorrey af badan baw xidheen taarig xoogsadaye

Wax badan oo aqoon lagu tuhmuu tuuray shilinkiiye

Tartanka iyo is-garab yaacu waa tu aan bannaanayne

….

Qoolaaban (1967)

Qabiil iyo dil baynoo kordhiyo qoys anaa badane

Qorrax noolba boqollaal dhintay qayladood timiye

Qudh kaliyoon xil lagu aaminoo qiimo laan jirine

Haddii aanu Alle qaaddirree qiil inoo bixinin

Oo aanu Qaliifyo u sakharin qaata amarkeenna

Nin walbaw xabaashaada qodo nololi waa quuse!

Dad wax ma garato ah ayaa taladii gacanta loo geliyey, iyada oo waxa la qiimaynayaa aysan ahayn aqoon iyo karti, ee eex qabiil iyo musuqmaasuq wax lagu hagayey. Hantidii dalka ayaa si badheedho ah loo guranayey oo lagu takrifalayey iyada oo dadkii ka gaajaysan yihiin, wax horumar ah oo la gaadhsiiyeyna uusan jirin ama uu aad u yaraa, waxaana la dayacay dhaqaalihii dalka iyo kobcintiisii. Waxaa jirtey caddaaladdarro baahday oo shilinka iyo awooddu wax kasta ka weynaayeen. Doorashooyinka la qabtay magac uun bay ka ahaayeene codka sidii alaab suuqa taalla ayaa la ka la iibsanayey.

Waxaa maamulkii wiiqay isgarabyaac iyo ka la dambayn la’aan aan la is ixtiraamaynin, oo qof walbaa dhan wax u wado, uusanna fadhiisanaynin ilaa tiisa la yeelo. Afgembigii ciidamadu ku kaceen, ee ku caan baxay Kacaankii 21 kii Oktoobar, arrimahan ayaa u gogol xaadhay oo suurageliyey in uu hirgalo. Hoos waxaa ku xusan dhacdooyinkii waaweynaa ee la xidhiidhay curashadii Kacaanka.

Curashadii Kacaanka

Bishii Juun ee 1965 tii ayaa Jeneraal Daawuud oo ahaa madaxa Xoogga Dalka Soomaaliya uu ku geeriyooday Talyaaniga oo daaweyn loo geeyey. Waxaa booskiisi galay ku-xigeenkiisii, Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Doorashadii sannadkii 1967 waxaa ku guuleystay Cabdirashiid Cali Sharmarke, madaxweynihii talada hayey lixdii sano ee la soo dhaafay- Aadan Cabdalle Cusmaan- si sharaf leh ayuu u wareejiyey xilkii. Waxaa xusuus mudan in saddex sano ka hor (1964), Cabdirashiid uu Raiisul Wasaare u ahaa Aadan Cabdulle Cusmaan, oo shaqada ka casilay ku na bedelay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Madaxweyne Cabdirashiid wuxuu jagada Raiisul Wasaaraha u magacaabay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Dawladdii Soomaaliya la ma aysan lahayn dawladaha deriska ah xidhiidh wanaagsan, oo dhul Soomaaliyeed bay haysteen. Laakiin Mudane Cigaal wuxuu bilaabay inuu ka shaqeeyo sidii uu u wanaajin lahaa xidhiidhka dawladaha deriska ah iyo kuwa Reer Galbeedkaba, oo ay isku dhaceen xukuumaddii hore. Shirkii dawladaha Afrika ee Caruusha ka dhacay 1967 dii ayuu kula kulmay madaxda Kenya iyo Itoobiya. Sidaas oo kale wuxuu xidhiidh diblomaasiyayeed dib u la bilaabay Britain iyo France. Wuxuuna ku adkaystay in xornimada Jabuuti ay ku iman karto oo keli ah iyaga oo wadahadal la sameeya gumeystaha (Fransiiska). Si xidhiidhyadani u suurogalaan, mudane Cigaal wuxuu joojiyey taageeradii xukuumadihii hore siinayeen dedaalkii iyo halgankii lagu raadinayey soo celinta dhulka Itoobiya iyo Kenya haystaan, iyo xoraynta Jabuuti.

Tallaabooyinkii kale ee uu Cigaal ku dhaqaaqay waxaa ka mid ahayd in uu yareeyey miisaaniyaddii ciidanka Soomaaliyeed oo xilligaa gaadhaysay 20% miisaaniyadda dawladda, wuxuuna hoggaankii ciidanka u sheegay in aysan ku xisaabtamin tiro ciidan oo ka badan sagaal kun (9000) oo nin. Qorshihiisu wuxuu ahaa in ciidanka Soomaaliyeed qayb weyn ka qaato horumarinta dhaqaale ee dalka oo ay hawlo bulsheed ku mashquulaan. Ciidanka Soomaaliyeed oo ka mid ahaa kuwa Afrika ugu awoodda badani waxay tallaabooyinkan u arkeen kuwo lagu wiiqayo oo lagu yaraynayo awooddooda.

Tallaabooyinkani waxay waxyeello weyn gaadhsiiyeen sumcaddii Raiisul Wasaare Cigaal ee dalka gudihiisa, waxaana lagu eedeeyey in uu u shaqaynayo oo uu isu dhiibay dawlado shisheeye oo uu danahooda fulinayo.

Doorashadii saddexaad, uguna dambaysay ee dalka ka dhacdaa waxay ahayd sannadkii 1969, waxaana ka qayb galay lixdan iyo afar (64) ilaa 88 xisbi (cidba tiro ayey sheegtaa) oo metalayey qabiillada iyo beelaha Soomaaliyeed ee ka la duwan. 123 dii boos ee baarlamaanka waxaa isu soo taagay 1002 – 2,214 oo musharrax. Xisbiyadan intooda badani waxay ahaayeen kooxo beeleedyo is urursaday doorashada ka hor, oo aan wadanin mashruuc siyaasadeed, ujeeddadooduna ahayd in baarlamaanka lagu galo.

Xisbigii SYL ee talada hayey Cigaalna madaxa u ahaa ayaa ku guuleystay doorashadii oo helay 73 jago (73/123). Sidaas ayuuna Raiisul Wasaare ku noqday mar labaad. Xisbigii SYL ee waddanka ka talinayey marna ma ogolayn in doorashada laga qaado, taasna geed sare iyo mid hoose ba way u koreen, waxayna lahaayeen awood aad u badan iyo lacag ay codka ku iibsadaan. 50 kii Mudane Baarlamaan ee aan SYL ku jirin, 49 ayaa doorashadii kaddib ku biiray SYL! Mucaaradkii wuxuu noqday hal Mudane Baarlamaan, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmarke oo socdaal ku marayey gobollada waqooyiga dalka ayaa 15 kii Oktoobar 1969 soo gaadhay Laascaanood. Isaga oo sii gelaya gurigii qadada loogu diyaariyey ayaa askartii ilaaladiisa ahayd mid ka mid ahi rasaas ku furay oo halkii ku dilay. Maydkii madaxweynaha waxaa loo qaaday caasimadda Muqdisho. Raiisul Wasaare Cigaal wuxuu socdaal ugu maqnaa Maraykanka, laakiin si degdeg ah ayuu waddanka ugu soo noqday si uu u magacaabo ciddii bedeli lahayd madaxwaynaha, maadaama Cigaal ahaa guddoomiyihii Xisbiga talada haya ee SYL.

Taliyihii ciidanka- Siyaad Barre- ayaa Caydiid u magacaabay inuu masuul ka noqdo hawsha aasitaanka madaxweynaha oo la fuliyey 20 kii Oktoobar. Aaskii ka hor, waxaa dhacday in la diiday in madaxweynihii lagu aaso Muqdisho, beel ayaana diidday in “dhulkooda” lagu aaso, oo maadaama uu Qardho “u dhashay” ay tahay in halkaa maydkiisa lagu aaso, haddii kale lacag la siiyo ama ay soo qufi doonaan  maydkiisa! Dawladdu intii ay tallaabo ka qaadi lahayd dadka falkaas ku kacay, waxay siisay lacag badan (waxaa dadka qaar sheegaan in ay ahayd Sh.So. 30,000) si ay u laaluushto madaxweynahana loo aaso.

Diyaarinta aaska madaxweynaha waxaa garab socday loollan loogu jirey ciddii bedeli lahayd. Raiisul Wasaare Cigaal wuxuu taageersanaa Mudane Baarlamaan la odhan jirey Muuse Boqor, ayna isku reer ahaayeen madaxweynihii la dilay. Lacag aad u badan ayaa lagu bixiyey cod iibsi (markaa u dhigantey ilaa £4000 codkiiba).

Madaxweyne Cabdirashiid waxaa la socday Taliyihii Boliiska-  Sarreeye Gaas Jaamac Cali Qorsheel-, ninka dilka geystayna wuxuu ka mid ahaa askartiisii, oo Qorsheel meesha taagan madaxweynaha rasaas ku furay. Markii uu Muqdisho ku laabtay ayaa Raiisul Wasaarihii, Cigaal, iyo ku-xigeenkiisii, Yaasiin, aad u canaanteen oo u hanjabeen Qorsheel. Taasi waxay dareen xun ku reebtay Qorsheel oo u arkay in la bahdilay si xunna loo la dhaqmay.

Cigaal wuxuu hore uga shaki qabey Siyaad oo uu isku dayey in uu iska fogeeyo Ruushkana tababar ugu diro. Siyaad Barre oo arrintan dareensanaa ayaa Qorsheel soo dhoweystay qorshihii afgembigana la wadaagay. Dhiillo ayaa la kala qabey, kalsoonina meesha ma oollin.

Labada Sarreeye (Janaraal) waxay ka mid ahaayeen dadkii guryaha ku booqanayey Cigaal iyo Yaasiin si ay u muujiyaan daacadnimadooda uguna tacsiyeeyaan. Sidaas oo kale, habeenkii 20-21 ka Oktoobar waxay daawanayeen sida codka loo kala iibsanayey si Muuse Boqor madaxweyne looga dhigo.

Saddexdii habeennimo, 21 kii Oktoobar 1969 ayaa gaadiidkii ciidanku Muqdisho galay. Raaiisul Wasaare Cigaal, Ku-Xigeenkiisii Yaasiin, iyo madaxweynihii hore, Aadan Cabdulle, Wasiirradii, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo kuwo kaleba waa la qabtay waxaana la geliyey xabsi. Qaar kalena waxaa lagu hayey xabsi guri. Sidaana waxaa ku dhacay afgembigii dawladdii rayidka ahayd, waxaana bilaabmay xilligii talada ciidanka ee ku caan baxay Kacaankii 21 ka Oktoobar. Hay’adihii dawladda oo dhan awooddoodii waxaa la wareegay saraakiishii ciidanka. Waxay kala direen baarlamaankii, ku dhaqankii dastuurka way joojiyeen, xisbiyadii siyaasadeedna way mamnuuceen.

Uma eka in sababta keli ah ee ay talada u la wareegeen ay ahayd in ay waddanka ka ‘badbaaniyaan’ jaahwareerkii uu ku jirey, ee waxaan shaki ku jirin in qorshe hore iyo damac jireen. 1967 dii ayaa ciidanka lagu tuhmay in ay qorshaynayaan afgembi. Taliyihii ciidanka- Jeneraal Siyaad- oo markaa jagada ku cusbaa ayaa diyaariyey warbixin arrintaa ku saabsan wuxuuna farta ku fiiqay saddex sarkaal oo kala ahaa Gaashaanle Dhexe Maxamed Faarax Caydiid, Gaashaanle Dhexe Maxamed Nuur iyo Gaashaanle Cali Mataan, wuxuuna warbixintaas u gudbiyey raiisul wasaarihii xilligaas, Cabdirashiid Cali Sharmarke. Sidaas oo kale, waxaa jirtey baqdin in ciidanku ka falceliyaan markii Cigaal dhimay tiradii, miisaaniyaddii iyo awooddii ciidanka. ‘Badbaadin qaran’ ama ‘damac kursi’ ama labadaa oo isla socda kay ahaataba, in uu sabab loogu soo gabbado yeesho, dadku ogolaadaan, uuna hirgalo waxaa keenay habdhaqankii xukuumadihii rayidka ahaa, oo dadku ka daaleen.

Waxaa kale oo ay u egtahay in ay dhiirranaan ka heleen rabitaan ama dalab shacabka ka imanayey oo raadinayey in Xoogga Dalku tallaabo ka qaado waxa dhacaya. Jaahwareerka jirey iyo niyadjabkii shacabku ku sugnaa waxaa muujiyey Maansoyahan Xirsi Cali Qonof:

Habbis baa ku dhacay dowladdii lagu han weynaaye,

How-howlayaal soo geliyo heeraan baa dilaye,

Dastuur lagu hagaagiyo la waa hilin la qaadaaye,

Kolna haddaan dujaalada hurriyo hoosta dhuganayne,

Ama aan hilaal noo dhashiyo haadi imanaynin

Kala maqan hawada Leegadiyo himiladoodiye,

Inqilaab hurdada uu ku jiro la hubsandoonee.

Soomaaliya jidkii ay saarnayd- wuxuu ahaaba- maalinkaas ayey ka leexatay. Xaaji Aadan Af-Qallooc oo muujinayey dareenkiisii ku aaddanaa afgembiga ayaa mariyey maansada Aqalkeeda Leegada (Oktoober, 1969).

Markii aqalka Leegada shirkii lays afgaran waayey

Oo ay anaaniyo dhacdoo ab iyo laan gaadhey

Oo xarab ahaliyi inuu dhaco iniq yar loo gaadhey

Oo uu ajnebi iyo cadowna noo itibinaayey

Oo uu afmiishaar danaystii ugu adeegaayey

Oon axad xil lagu aaminiyo waajib la arkaynin

Intaan horeba oofihii na jabay arami noo raacin

Oo aan tollaayeey la odhan la is unuun gooyo

Oo aan uluuf kale u dhiman aanadii tacasub

Oo aan adduunkii la dhacay meel fog la la aadin

Arrimaheenna iyo maamulkii ururin doonaayey

Way inoo ekayd talo cid uun lagu ogaadaaye

“Baguu noo amniyey Xooggu nabadi waa arage”

Isim baa jiraye dawladnimo kuma asaasnayne

In yar baa ku noolaan jirtaye way indho la’ayde

….

Marna haddaan awood baarlamaan cidina eegaynin

Ay doorashadu iib tihiyo yaa ilma adeer ah

Si uu elegshan kale uga dhacaa aaminkeed dhimaye

Inuu geeshku na ilaaliyiyo aarmigaa wacane

Inqilaabku wuu dhici jiraye kani kaa aay roone

Axadna laguma dilin Tawradday noo iftiimiyeene

….

Qaybta soo socota waxaan ku eegaynaa bilowgii Kacaanka iyo wixii qabsoomay.

Waxaa Diyaariyey Maxamed Yuusuf iyo Maxamed Cabdullaahi Cartan.

Xigasho

Andisalam M. Issa-Salwe, The Collapse of the Somali State, Haan Publishing, 1996.

Cabdulqaadir Aroma, Sababihii Burburka Soomaaliya, Aroma Publications, 2005.

Maxamed Baashe X. Xassan, Hal Aan Tebayey: X.A. Af-Qallooc, Baal-Taariikheedkii iyo Gabayadiisii (1871-1986),Eurosom Bokförlag, 2015.

Hussain A. Bulhan, Politics of Cain, Tayoson International Publishing , 2008.

Ismail Ali Ismail, Governance: The Scourge and Hope of Somalia, Trafford Publishing, 2010.

Mohamed Trunji, Somalia: The Untold History 1941-1969, Looh Press, 2015.

Mohammed Ibrahim Shire, Somali President Mohammed Siad Barre, Cirfe Publications, 2011. Satya Pal Ruhela, Mohammed Farah Aidid and His Vision for Somalia, Vikas Publishing House, 1994.

 

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Waxbarasho xer-u-dhalad ah ma loo baahan yahay?!

Waxbarashada casriga ahi waxa ay la kowsatey soo gelitaankii gumaystayaasha reer Yurub ee arlada soomaalida, ...

Qaybaha Buugga

Guud ahaan buugaagta waxaa loo qaybin karaa kuwo ka hadlaya wax jira (Jiraal: Non-fiction) iyo ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *