Home / Taariikh / Guulihii Kacaankii 21 kii Oktoobar 1969

Guulihii Kacaankii 21 kii Oktoobar 1969

Saraakiishii afgembiga ka dambeeyey waxay ahaayeen 25 nin oo 20 ka tirsanaayeen Ciidamada Qalabka Sida (CQS), 5 ta kalena ahaayeen Ciidamada Bilayska. Waxaa la sameeyey gole ka kooban 25 kan oo loogu magac daray Golaha Sare ee Kacaanka. In kasta oo Maxamed Siyaad Barre watay qorshaha afgembiga, haddana waxay qabteen doorasho dhexdooda ah oo ay ku doortaan hoggaankii Golaha, waxaana madaxweyne loo doortay Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre oo ahaa taliyihii Ciidamada Qalabka Sida. Waxaa kale oo la doortay laba madaxweyne ku xige; Sarreeye Gaas Jaamac Cali Qorsheel oo ahaa taliyihii Ciidamada Bilayska, iyo Sarreeye Guuto Maxamed Caynaanshe oo ahaa taliye ku-xigeenka CQS.

Go’aankii ugu horreeyey ee Goluhu soo saaro waxaa lagu ka la direy baarlamaankii, dawladdii rayyidka ahayd iyo golihii garsoorka, waxaana lagu joojiyey ku dhaqankii dastuurkii jirey. Dhammaan hay’adahaasi awooddihii ay lahaayeen waxay gacanta u galeen Golihii Sare ee Kacaanka oo uu hogaaminayey Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre. Isaga ayaa noqday Madaxweyne, Raiisul Wasaare iyo Taliyihii Ciidamada Qalabka Sida. Waa tii la yidhi bidaari sibiq bay kugu gashaa e halkanay ka murgi doontaa.

Iyaga oo beddelaya siyaasaddii xukuumaddii Cigaal, maamulka cusubi waxay caddeeyeen in ay taageeri doonaan kooxaha xornimo u dagaallanka ah ee qaaradda Afrika, iyo in ay taageeri doonaan xoraynta dhulkii ka maqnaa Soomaalida. Magicii dalka waxaa loo bedelay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Soomaaliya.

Siyaasadihii kale ee ay ku muujinayeen in ay nidaamkii hore ka duwan yihiin, Golihii Sare ee Kacaanku waxay sameeyeen Gole Wasiirro ah oo rayid ah, oo lagu xulay aqoon iyo karti, kuwaas oo watey shahaadooyin jaamacadeed. Askariga keli ah ee ka tirsanaa wuxuu ahaa Qorsheel oo laga dhigay wasiirka arrimaha gudaha. Waxaana lagu dhawaaqay in shaqaalaha dawladda lagu dooran doono “maxaad taqaannaa?” ee aan lagu salayn doonin “yaad taqaannaa”. Sidaana lagu ka la hormaro aqoon ee aan eex iyo qabiil iyo laaluush jago lagu helin.  In badan oo ka mid ah maamulkii hore ee ‘rayidka’ ahaa waxaa loo direy dhaqan celin iyo tababar ciidan (Xalane).

Saddex bilood kaddib afgembigii waxaa la aas-aasay Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed (National Security Service) oo uu madax u ahaa xubin ka tirsan Golaha Sare ee Kacaanka, Axmed Saleebaan Cabdilaahi (Ina Dafle; waxaa soddog u ahaa Maxamed Siyaad Barre). Sidaas oo kale, waxaa la sameeyey Maxkamadda Sare ee Qaranka (National Security Court). Maxkamaddan waxaa loogu talogalay in la soo taago cid allaale iyo ciddii lagu eedeeyo in ay halis ku tahay midnimada, nabadda iyo madaxbannaanida dalka, waxaana garsooreyaal ka ahaa xubno ka tirsan Golihii Sare ee Kacaanka (askar aan aqoon u lahayn hawshan).

Waxyaalihii ugu horreeyey ee Kacaanku qabtay waxaa ka mid ahaa in la la xisaabtamo shaqaalihii dalwadda heer kasta oo ay lahaayeen. Hawlaha xisaabinta waxaa masuul ka ahaa Gaashaanle Dhexe Maxamud Mire, oo ka mid ahaa saraakiishii bilayska ee Golihii Sare ee Kacaanka. Waa barnaamijkii ku caan baxay “xisaabi xil ma leh”. Dad badan oo lagu eedeeyey in ay lunsadeen hantidii waddanka ayaa la ciqaabay. Golaha Sare ee Kacaanku taageero badan ayuu shacabka kaga helay arrintan.

Kacaanka hortiis waxaa waddanka wax lagu qori jirey oo xafiisyada dawladda ka shaqayn jirey, waxna lagu baran jirey afaf ka la geddisan (Carabi, Talyaani, Ingiriisi). In badan waxaa lagu heshiin waayey fartii Af-Soomaaliga lagu qori lahaa, oo xisbiyada qaar waxay rabeen in Laatiin lagu qoro, qaar kale waxay taageerayeen Carabiga, halka qaybo kale rabeen in far Soomaali qortay la adeegsado. Farihii Soomaalidu qortay waxaa ka mid ahaa Cusmaaniyada oo uu qoray Yaasiin Cismaan Keenadiid, iyo fartii Kaddariya oo uu qoray Xuseen Sheekh Axmed Kaddare.

Maamulkii Kacaanku wuxuu magacaabay Guddigii Af-Soomaaliga oo ka koobnaa 21 xubnood, oo isugu jirey aqoonyahanno, maansoyahanno iyo khubaro afeed. Waxaa ka mid ahaa Yaasiin Cismaan Keenadiid, Xuseen Sheekh Axmed Kaddare, Xirsi Magan Ciise, Ibraahiim Xaashi Maxamuud, Muuse Galaal, Shire Jaamac Axmad iyo kuwo kale. Hawlaha loo diray guddiga waxaa ka mid ahaa in ay qoraan buugaag dugsiyeed, in ay qoraan naxwaha Soomaaliga, iyo qaamuus ka kooban 10, 000 oo eray.

ololihii horumarinta reer miyiga

Maamulkii kacaanku murankii farta wuu soo afjaray wuxuuna xoog ku meel mariyey in farta Af-Soomaaliga lagu qoro Laatiin, saddex bilood gudahoodna waxaa shaqaalihii dawladda la amray in ay galaan imtixaan farta Soomaaliga ah. Qofkii imtixaanka geli waaya ama isdabajoog ugu dhacana shaqadaa laga joojinayey. Jannaayo 1972 ayaa si rasmi loo dhaqan geliyey farta Soomaaliga. Si dadka oo aan badanaa waxna qorin waxna akhriyin si farta cusub loo baro waxaa la bilaabay ololihii hirgelinta far Soomaaliga iyo horumarinta reer miyiga. Macallimiin iyo arday badan ayaa meel kasta oo dad deganaa loo diray si ay u baraan farta. Waxaa halhays u ahaa “haddaad taqaan bar… haddaadan aqoonna baro”.

Ololuhu wuxuu bilowday 27 kii Maarso 1974, wuxuu ka socday 732 xarumood iyo 7105 laamood. Si loo helo awooddii shaqaale ee hawsha qaban lahayd, dugsiyadii ayaa la fasaxay hal sano. Sidaas awgeed, 15,225 arday iyo 1,155 macallin ayaa u firaaqoobay hawshii. 485 dakhtar iyo farsamoyaqaan, 509 ku takhasusay xannaanada xoolaha, 698 shaqaale bulsho, 1,443 taageereyaal ah oo ka socda ciidanka, iyo 211 shaqaale gaadiid ayaa la socday ardayda iyo macallimiinta. Ardaydii ka qabyqaatay waxay gaadhayeen 1,257,779. Waxaana daryeel caafimaad la siiyey 3,033,039 qof iyo xoolo gaadhaya 13,361,846.

Afkii iyo suugaantii ayaa kor loo qaaday, waxaana la sameeyey eraybixin dhan kasta ah oo lagaga maarmi karo afafka qalaad, waxaana meesha ka baxay afafkii shisheeye ee lagu faanayey. Buugaagtii xilligaa la soo saaray ilaa hadda waa la adeegsadaa.

Waddanka waxbarashadiisu waxay ku koobnayd in yar oo u badnayd dadka talada haya iyo inta ku xidhan. Sidaas oo kale, dugsiyada dalka ka dhisnaa aad ayey u koobnaayeen, ma na aysan jirin aqoon heer jaamacadeed. Si baahidan loo daboolo, waxaa la dhisay Jamaacaddii Umadda Soomaaliyeed oo 15 kulliyadood ka koobnayd. Aqoonyahankii jaamacaddaas wax ka bartay ilaa hadda meel hormuud ah ayey ka ga jiraan bulshada Soomaaliyeed dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba. Waxbarashadii waxaa laga dhigay lacag la’aan. Waxaana la dhisay dugsiyo badan oo u furan dhammaan qaybaha bulshada iyada oo aan eex iyo laaluush jirin.

Dhanka caafimaadka, waxaa la bilaabay wacyigelin caafimaad, waxaa la sameeyey tallaal, iyada oo isla markaana la dhisay cusbitaallo iyo rugo caafimaad daboola baahida caafimaad ee bulshada. Qabyaaladdii dadka iyo dalka Soomaaliyeed naafaysay ayaa uu Kacaanku dagaal ku qaaday. Waxaa la bilaabay olole lagu cidhibtirayo qabyaaladda, waxaana la sameeyey wacyigelin badan. Qabiilkii waa la mamnuucay waxaana la gaadhay heer qofku ka cabsado in uu qabiil sheegto. “Ina Adeer” tii la isku salaami jirey waxaa lagu beddelay “Jaalle” oo ahayd eray laga keennay hannaankii hantiwadaagga.

Ilaa xilligii gumeysiga waddanku wuxuu u qaybsanaa labo; Koonfur oo Talyaanigu u talinayey, iyo Waqooyi oo Ingiriisku ka talinayey. Markii xornimada la qaatay labada dhinac ee waddanka waxaa ka shaqaynayey laba nidaam oo gumeysteyaashii ka tageen. Hannaanka garsoorka, cashuuraha, dhinaca baabuurtu waddada kaga socoto, cabbirka la adeegsado, qaabka shaqaalaha dawladdu u hawlgalaan iyo lacagaha la siiyo iyo waxyaalo kale oo badan ayey labada dhinac ku kala geddisnaayeen. Maamulkii kacaanku wuxuu bilaabay in uu mideeyo labada dhinac ee dalka. Waxaa la sameeyey isdhexgal Koonfur-Waqooyi oo shaqaalihii iyo ciidamadii la ka la wareejiyey; kuwii Koonfur waxaa loo diray Waqooyi, kuwii Waqooyina waxaa loo wareejiyey Koonfur.

Waddanka dhaqaalihiisu aad ayuu u liitay, in badan oo ka mid ahina waxay gacanta ugu jirtay shisheeye. Dawladdii Kacaanku waxay samaysay qaramayn (nationalisation) ay gacanta dalka ku soo celisay bangiyo, warshaddii sonkorta ee Jawhar, warshaddii korontada ee Xamar, shirkadihii shidaalka, shirkadihii caymiska, iyo wakaaladdii mooska.

Waxaa la abuuray shaqooyin badan oo ku dhisan “maxaad taqaannaa” ee aan lagu helaynin “yaad taqaanna”. Dhisme-hoosaadkii ayaa la xoojiyey oo waxa la dhisay waddooyin, dekedo, garoommo (gegi) diyaaradeed, kuwii hore u dhisnaana waa la ballaadhiyey. Waxsoosaarkii beeraha ayaa la kordhiyey oo la casriyeeyey. Warshadihii la dhisay waxaa ka mid ahaa warshadda sonkorta Mareerey, warshadda burka iyo baastada, warshadda daawada, warshadda sifeynta batroolka, warshadda sibidhka/shamiitada, warshadda tarraqa iyo sigaarka, warshadda dharka, iyo kuwo kale.

Wax badan oo la qabtay waxaa lagu fuliyey mashuurcii “Iskaa Wax-u-Qabso”, oo ay ka qabqaadanayeen qaybaha bulshadu iyaga oo dhisayey dugsiyo, xarumo caafimaad, waddooyin, iwm. Wax qabadkoodu ha ba iska tayo yaraadee (dhismeyaal aan si wanaagsan u dhisnayn, iwm), dadkii waxay dareemeen in ay wax qabsan karaan oo ay leeyihiin awood iyo karti ay waddankooda iyo noloshoodaba ku horumarin karaan, halkii ay cid kale kaga tiirsanaan lahaayeen.

Cabdulqaadir Aroma oo ah qoraa aad u dhaleeceeya taliskii Kacaanka, ayaa yidhi “Marka la qiimeeyo horumarkii dalku ku tallaabsaday 7 dii sano ee maamulka Kacaanka u horraysay waxaas oo ammaan ah iyo ka sii badanba MSBarre waa mudnaay, runtii waxaa la oran karaa Soomaaliya weligeedba 7daas sano kali ah ayey dowlad dhab ah oo tiirar adag ku taagan ka yeelatay. 21/10/1969 kii ilaa 1/7/1976 kii awoodda maamulka dalku waxay ku jirtay gacmaha GSK oo uu hormood u ahaa MSBarre. Todobadaas sano waxaa jirtay yididiilo wacan iyo himilo Soomaalinimo waxaa bulshadu ka nasatay kana reysatay marxaladdii masiibada iyo dhibka badnayd, taasoo laga dhaxlay maamul ku-sheegii dowladdii musuqmaasuqa, waxaa la helay hannaan maamul ku socda asluub, ka la dambeyn iyo wadatashi, waxaa waddanku ku tallaabsaday horumar tayo leh oo degdeg ah.”

Dhib kasta oo aynu ka sheeganayno, waxaan la dafiri karin in wax badan oo aynu maanta u aynay uu yahay dhaxalkii maamulkii kacaanka. Ka biloow qoraalkan aad akhrinayso farta uu ku qoran yahay. Waddooyinka waaweyn ee maanta waddankeenna isku xidha, dekadaha iyo garoomada diyaaradaha ee la adeegsado, aqoonyahannada Soomaaliyeed ee adduunka daafihiisa ka la jooga, qarannimada aynu ku taamayno ee magac-u-yaalka ahayd Kacaanka ka hor, iyo waxyaalo kale oo badan.

Fal kasta oo aadane ku kaco xumaan iyo samaanba waa laga helayaa, laakiin waa in aan isu miisaanno kooda badan. Sannadihii ugu horreeyey, kacaanka wanaaggiisa ayaa badnaa, in kasta oo uu qaaday tallaabooyin aan wanaagsanayn.   Sida aan ku arki doonno qaybta soo socota, tallaabooyinkan aan wanaagsanayni waxay noqon doonaan kuwo dhabarjab ku ah kacaankii iyo qarankii Soomaaliyeed, waxayna horseedi doonaan guuldarro ilaa hadda laga soo kaban la’yahay.

 

Waxaa Diyaariyey Maxamed Yuusuf iyo Maxamed Cabdullaahi Cartan.

Xigasho

Andisalam M. Issa-Salwe, The Collapse of the Somali State, Haan Publishing, 1996.

Cabdulqaadir Aroma, Sababihii Burburka Soomaaliya, Aroma Publications, 2005.

Maxamed Baashe X. Xassan, Hal Aan Tebayey: X.A. Af-Qallooc, Baal-Taariikheedkii iyo Gabayadiisii (1871-1986),Eurosom Bokförlag, 2015.

Hussain A. Bulhan, Politics of Cain, Tayoson International Publishing , 2008.

Ismail Ali Ismail, Governance: The Scourge and Hope of Somalia, Trafford Publishing, 2010.

Mohamed Trunji, Somalia: The Untold History 1941-1969, Looh Press, 2015.

Mohammed Ibrahim Shire, Somali President Mohammed Siad Barre, Cirfe Publications, 2011. Satya Pal Ruhela, Mohammed Farah Aidid and His Vision for Somalia, Vikas Publishing House, 1994.

 

 

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Rejada Ummadda Soomaaliyeed

Laga soo bilaabo burburkii dawladnimo ee 1991dii, dadka Soomaaliyeed markasta oo la yiraahdo doorasho ayaa ...

Waxbarasho xer-u-dhalad ah ma loo baahan yahay?!

Waxbarashada casriga ahi waxa ay la kowsatey soo gelitaankii gumaystayaasha reer Yurub ee arlada soomaalida, ...

One comment

  1. Aad baan uga heley runtii maqaalka lagu soo koobay taariikhdii kacaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *