Guudmar iyo Gorfayn Buug: Kitaabul Akhlaaqi Wassiyar fii Mudaawaatin Nufuus

mudaawaatun nufuus

Magaca: Kitaabul Akhlaaqi Wassiyar fii Mudaawaatin Nufuus (الأخلاق والسير في مداواة النفوس)

Qoraaga: Ibnu Xasm ad Daahirii.

Tifaftir: Muxammad al Kacbii, Daarul Qalam.


Akhlaaqada wanaagsani meel sare ayaa ay kaga jirtaa diinta Islaamka, Ilaahayna markii uu ammaanayey Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu ku tilmaamay in uu ku sugan yahay akhlaaq heerkeedu sarreeyo. Nebiguna- sallal Laahu calayhi wasallam– waa kii innoo tilmaamay in loo soo diray si uu u dhammaystiro akhlaaqda wanaagsan.

Kitaabul Akhlaaqi Wassiyar fii Mudaawaatin Nufuus (الأخلاق والسير في مداواة النفوس) waa buug uu qoray caalimkii weynaa ee reer Andalus, Ibnu Xasm ad Daahirii (384H-456H/ 994-1064M) (ابن حزم), oo ku keydiyey tijaabooyinkiisi, afkaartiisi, iyo aragtiyihiisi ku aaddanaa akhlaaqda wanaagsan iyo laylinta nafta. Ibnu Xasm waxa uu ahaa caalim Alle isugu daray garaad sare iyo aqoon ballaadhan. Waxaase isaga iyo dadkii uu la noolaa, gaar ahaan culamadii, isku diray hadal qallafsanaan xad-dhaaf ah oo uusan cidna dhaafi jirin. Waxaa la yidhi “carrabkii Ibnu Xasm iyo seeftii Xajaaj ayaa walaalo ahaa”. Taas oo lagu muujinayey sida uu u hadal qallafsanaa. Nacaybkii dad badani u hayeen waxa uu gaadhey heer aad u xun oo xitaa kutubtiisi la gubey magaaladiisi Qurdubana laga masaafuriyey. Sidaas awgeed, waxa aad mooddaa in maduuca akhlaaqda iyo laylinta nafta marka laga hadlayo, uusan Ibnu Xasm ahayn qofka ugu horreeya ee maanka kusoo dhaca. Si kastaba ha ahaatee, waa buug faa’iido badan leh, wax badanna innooga iftiiminaya caqligii, aragtiyihii, iyo taariikhdii caalimkan dunida raadka ballaadhan ku reebay, ilaa iyo haddana aragtiyihiisi laga doodo. Innagu waxa aynu magiciisa maqalnaa oo keli ah marka qof rabo in uu yidhaahdo muusikadu waa xalaal.

Buugaagta baabkan ka hadashaa badanaa waxa ay ku salaysan yihiin aragtiyo lasoo xigtay e, tijaabo shakhsiyeed oo qoraagu maray kama aysan dhalanin. Buuggani waa uu ka duwan yahay, waana mid ku salaysan noloshii qoraaga iyo waxyaalihii uu la kulmay. Ibnu Xasm waxa uu innoo iftiiminayaa wixii uu soo maray, iyo wixii nolosha ka qabsaday, duruustii uu ka qaatayna buuggan ayaa uu innagu la wadaagay. Meelaha qaar waxa uu toos u tilmaamayaa akhlaaqdiisii iyo jidkii uu u maray hagaajinteeda, ceebihiisi uu iska daweeyey iyo dhibtii uu kala kulmay.

Qoraagu waxa uu noolaa xilli barwaaqadii iyo nimcadii bateen oo la kibray, isla weynidii, iscajabintii, wax-is-moodkii iyo faankiina meel xun gaadheen, ayna garab socdeen xan, xin, xasad, khiyaano, iyo munaafaqadi. Barwaaqaas ayaa uu ku dhashay kuna koray dhibteedii iyo dheefteediina wax badan ka haleelay. Aabbihii waxa uu ahaa wasiir, isaguna xil wasiirnimo waa uu qabtay, waxaana dhib badani kasoo gaadhey loollankii siyaasadeed ee madaxda Andalus u dhexeeyey. Xilligaas iyo dadkaas ayaa uu la hadlayaa buuggu, innagana in badan ayaa uu innaga anfacayaa, tilmaamihii xilligaasna qudheenna innaguma yara.

Buuggu waxa uu ka kooban yahay qorraallo gaagaaban oo si goos-goos ah u yaalla, aadna mooddid in loo diyaariyey xilligan warbaahinta bulshadu, sida Facebook iyo Twitter, ay faaftay. Ujeeddadiisu ma aha in uu taxo akhlaaqda wanaagsan ee qofka laga rabo, iyo midda aan wanaagsanayn ee ay tahay in laga dheeraado. Waxa uu xoogga saarayaa kuna dedaalayaa oo uu tilmaamayaa arrimo asaas iyo gundhig u noqonaya dawaynta (laylinta) nafta iyo hufidda akhlaaqda. Islamar-ahaantaana akhlaaq toosan iyo mid qalloocanba waa uu taabanayaa. Meelaha qaar waa xusuusqor oo qoraagu waxa uu innoo sheegayaa dabeecado aan wanaagsanayn oo uu lahaa, iyo sidii uu uga guuleystay, iyo weliba kuwo uusan dawayntooda ku wada guuleysanin e, weli raadkooda muuqdo.

Inta uusan sifaynta cudurka gudagelin, dawana u qorin, bilowgaba waxa uu ku dedaalayaa in uu nafta yool iyo hadaf u yeelo, oo uu jihada u saxo. Insaanku waa hammaam, intaana wax badani ka dhex guuxayaan, qof kastaana hammigaasuu ka cararayaaye, waxaana uu raadinayaa xasilooni. Haddaba, waa maxay jidka ugu wanaagsan ee lagaga baxsan karaa? Waxqabadkaaga oo aad Alle dartii ka dhigtid, ayaa uu Ibnu Xasm ku talinayaa. Maxaa yeelay, baa uu leeyahay, qofka fiirada dheeri waa uu ogsoon yahay in naftiisu aysan lahayn qiime jannada ka hooseeya. Markaa taa u shaqayso, wax kalena ha ka welwelin, aadna ha isuga dhibin hadalka dadka, illeen “canaan-ka-yaab reer ma doojo e”. Adiga oo istusnimo ka cararayana, iska ilaali in aad wax wanaag ah samayntiisa ka tagtid, oo aad isugu sheekaysid “yaan istusnimo lagugu eedaynin.” Taasi waxa ay ka mid tahay tabaha Shaydaanku dadka wanaagga kaga hor istaago.

Qoraagu waxa uu ku talinayaa in aynu doorbidno maagitaanka dadku inna maagaan halkii aynu ka jeclaan lahayn ammaantooda. Sababta oo ah, baa uu ku dacwoonayaa, haddii waxa ay sheegayaan uu jiro ceeb aynu leennahay baa ay inna tusanayaan oo waxaa innoo fududaanaysa in aynu iska daynno. Haddii kalena, ajar baa aynu ka helaynaa oo waa ay innoo shaqaynayaan. Markaa in lagu dhaleeceeyaa ama isdaweynta ayaa ay kuu fududaynaysaa, ama ajar baa aad ka helaysaa, ammaantuse in ay ku kibriso ayaa laga yaabaa! Ku farax wanaaggaaga ammaanta mudan, adiga oo aan dan ka lahayn in lagugu ammaanay iyo in kale. Kana murugood haddii aad leedahay wax dhaliil mudan, dadku ha kugu dhaliilaan ama yeysan kugu dhaliilin e. Arrintan ah in uusan qofku aad isugu dhibin aragtida dadku ka qabaan, waa mid buugga ku badan lana xidhiidha talada uu ku bixiyey buugga bilowgiisa ee ah in uu qofku Alle dartii oo keli ah wax u qabto, aakhiradiisana u shaqaysto. Waxa uu leeyahay miisaankaaga aakhiro wax kasta oo cuslaynaya ha ka daalin in aad samaysid.

In aadan dadku aragtida ay kaa qabaan isku hawlini ma aha talo madhan oo uu Ibnu Xasm inna siinayo e, waa mid uu aad ugu dhaqmi jirey, dhibaato badanna uu kala kulmay. Waxa uu ka mid ahaa dabaqadda sare ee Andalus taladeeda gacanta ku haysey, barwaaqo xad-dhaaf ahna ku noolayd. Waxa ay ahaayeen dad hanti badan Alle gacantooda geliyey, kuna tartama oo isugu faana anigaa kaa hoy iyo hu’ quruxsan. Markii lagu eedeeyey in uusan danaynin qaabka dadkiisu u labbistaan, waxa uu leeyahay labbis bilaa macne ay u caadaysteen, oo marba nooc inta sabab la’aan loo bixiyo mid kale sabab la’aan loo xidhanayo, ayaa ay rabaan in ay xidhasho la’aantiisa igu maagaan, aniguna in aanan ku raacin waxa aan u arkaaba mid ka mid ah wanaagyadayda waaweyn! Show waxaa la tusay dad maalintii dhawr jeer dharka beddesha; kan hurdadaa loo xidhaa, kan cuntadaa loo xidhaa, kan subixii baa la xidhaa, kan casarkii baa la xidhaa, kan xafladahaa lagu aadaa…Qofkii sidan oo kale ku dhacdo waxa uu kula talinayaa sidaa uu yeelay oo kale, oo waxa uu leeyahay sidan oo kale ha yeelaan ciddii warkaygu gaadho ee aysan u cuntamin in ay dadka ku raacaan baadilka iyo waxyaalaha bilaa dheefta ah ee weliba Rabbi ka cadhaysiinaya, caqligiisa liidaya, naftiisa ama jidhkiisana xanuujinaya, culays aan dheef lahaynna isku kallifaya (bal maxaa ku khasbay qoor xidhasho iyo kabo labaatan santimitir dhulka ka kacsan). Ibnu Xasm ma oggola xarrago xanuun ma leh!

Qoraagu waxa uu ku doodayaa in gundhigga akhlaaqda wanaagsani yahay afar arrimood: caddaalad, garasho, hiil (taageero), iyo hoo (deeqsinimo). Oo ammaanada waxaa gundhig u ah caddaalad iyo deeqsinimo. Halka dhaqanka xuni ku tiirsan yahay afartaa lidkooda oo ah: caddaaladdarro, jaahilnimo, fulaynimo, iyo bakhaylnimo. Tusaale ahaanna, beentu waxa ay ka dhalataa caddaaladdarro iyo, fulaynimo, iyo jaahilnimo isbiirsaday.

Wax kastaa labo dacal baa ay leeyihiin e, waxa uu tilmaamayaa in wanaaggu u dhexeeyo labo dacal oo aan wanaagsanayn: shayga oo lagu fogaado oo xadkiisi la dhaafiyo (ifraad) iyo in laga gaabiyo gudashadiisi (tafriid/ taqsiir). Nafta oo la layliyaana ma aha arrin fudud. Ibnu Xasm waxa uu taagan yahayba in ay ka adag tahay laylinta libaaxa, waxaana ay u baahan tahay feejignaan badan iyo dhabar adayg aan kalago’ lahayn. Adiga oo nafta kula dedaalaya sidii aad uga tirtiri lahayd dabeecad xun oo waqti dheer ku hawlanaa, guulna ka gaadhey, ayaa laga yaabaa saacad aad isdhigatay in ay wixiiba kaaga kala daataan. Wixii aad sannad dhisaysay, saacad ha ku duminnin.

Ogsoonowna qof ceeb ka madhani ma jiro, waxaase liibaaney kii ceebtiisu yaraato. Qoraagu waxa uu innoo tilmaamayaa in uu lahaa ceebo uu aad ugu dedaalay wax ka qabashadooda ilaa Alle ugu kaalmeeyey. Waxa uu leeyahay waxa aan daalacday hadalladii Anbiyada- calayhimus salaam– iyo dadkii murtida badnaa ee xilli hore iyo mid dambeba joogey wixii ay ka yidhaahdeen akhlaaqda iyo aadaabta nafta. Natiijada uu ka helayna waa in qofku qirto ceebtiisa si dadka kale ugu waano qaataan. Ceebihiisa uu tilmaamay waxaa ka mid ah isku taxallujinta in uu dadka raalligeliyo, xanaaq xad-dhaaf ah- oo uu sheegay in uu iska dawaynayey ilaa uu joojiyey muujintiisii, hadal iyo falba, uuna ka joogsaday aargudashadii aan bannaanayn, dedaalkaas oo sida uu tilmaamayo uu kala kulmay dhibaato badan oo uu u xanuusadayba! Xanaaqqa iyo dabeecad xumada qayb ka mid ah waxa uu sheegayaa in ay uga timid xanuun beeryarada kaga dhacay oo dulqaadkiisi wax weyn u dhimay. Dhacdadaas oo uu ka qaatay in beeryaradu ay jidhka u qaabilsan tahay farxadda iyo xanaaqyarida!

Waxa uu sheegayaa in uu kaftan badnaa oo uu ku dedaalay yarayntiisa, gaar ahaan nooca dadku dhibsadaan, isaga oo isla markaana ka cararaya in uu isqafilo oo uusan dadka la qoslin. Dadka uu dhaqan xumada ku maagayo waxaa ka mid ah kuwo uu ku sheegayo in kibir iyo santaag dartood aysan dadka la qoslin e, isu arka in ay ka sarreeyaan la qoslidda dadka. Waxa uu innoo sheegayaa in uu hinnaase badnaa, ilaa ay ku adkaatay uguurinta haweenkii uu weliga u ahaa! Waxa uu leeyahay ceebaha qaarkood sidii aan ula dagaallamayey marka ay soo baxa is dhahaanba xididdadaan jaraa si aysan u muuqan, tusaale ahaan, dadka uu uurxumo iyo xiqdi u hayo, oo sida uu sheegayo uusan ku guuleysanin in uu gunta ka rujiyo si buuxdana uga dawoobo. Waana dedaalka qof kasta laga rabo in uu la yimaaddo.

Xasadka, beenta, iyo khiyaanada weligay ma aqoonnin, ka tagiddoodana ammaan kuma mudni oo abuurtayda ayaaba ka didda, baa uu leeyahay. Ibnu Xasm beenta waxa uu ku tilmaamayaa in aysan jirin wax ka xuni, oo isaga oo akhristaha su’aal weydiinaya waxa uu leeyahay maxaa aad u malaynaysaa ceeb laamaheeda mid ka mid ah ay gaalnimadu tahay!

Ceebaha uu xusay waxaa ka mid ah iscajabin xun oo lagu salliday. Waxa uu leeyahay caqligaygii ayaa naftaydii dood kala galay ceebaheeda uu ku og yahay, ilaa ay iscajabintii ka baxday, waxaana uu isbaray tawaaduca. Iscajabinta, islaweynida, iyo faanku waxa ay ka mid yihiin waxyaalaha ugu badan ee buuggu ka hadlayo, waxaana la odhan karaa ujeeddada buugguba waa la dirirka iscajabinta. Qofkii lagu imtixaano ceebtaasna waxa uu usoo jeedinayaa dawadii uu isagu adeegsaday oo waxa uu leeyahay naftaada la dood oo ceebaheeda u tiri, kuna mashquuli sidii ay wax uga qaban lahayd. Qofka taas yeela ayaa ah mid caqligiisu buuxo, sida Ibnu Xasm aaminsan yahay. Dadka iscajabiya waxa uu ku tilmaamayaa garaad yari oo waxa uu leeyahay “qofka marka caqligiisu sii yaraadaba waxa uu isu qaataa in uu dadka ugu caqli badan yahay.”

Dood dheer ayaa uu la gelayaa dadka iscajabiyey. Waxa uu leeyahay geesinnimadu in lagu faano ma mudna oo libaaxa ayaa kaa geesisan. Awoodda jidhkuna waa sidaas oo kale oo maroodigaa kaa awood badan. Haddii aad adkaysi ku faanaysidna dameerkaa ka adkaysi badan. Haddii aad dheerayn isku aragtayna eyga iyo bakaylahaa kaa dheereeya. Haddii codkaaga macaani kuu been sheegayna shimbirahaa kaa cod macaan. Haddaba, wax bahaa’imtani kaaga fiican yihiin maxaa aad kaga farxaysaa oo aad ugu faanaysaa?! Qofka caaqilka ahi waxa uu dadka kaga soocan yahay aqoontiisa iyo garaadkiisa. Waxaa lagu farxaa caqli badan, cilmi ballaadhan iyo camal suubban. Maxaa yeelay, baa uu leeyahay, ma jirto cid kaaga sarrayn karta oo aan ka ahayn malaa’igta iyo dadka akhyaarta ah.

Wanaag oo dhani waxa uu ku jiraa nafta oo laga horjoogsado hawadeeda (doonisteeda) aan dheefta lahayn. Waana waxa aynu ka qaadanayno xadiiskii Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– ee dardaaranka ahaa: “ha cadhoonin”, kaas oo xakamaynaya doonista nafta, iyo xadiiskii walaalkaa la jecloow waxa aad naftaada la jeceshahay, oo nafta ka hor istaagaya dulmiga. Faan waxba sheegi maayo, oo marka qofku uu seexdo dunida waa uu ka baxaa, farxad kasta iyo murugo kasta waa uu illaawaa. Haddii uu soojeedkiisa isla sidaa u nidaamin lahaana, liibaan buuxda ayaa uu heli lahaa.

***

Aqoonta markii uu ka hadlayey waxa uu yidhi: dheefteeda kale ee adduun iyo aakhiraba marka aad dhinac iska dhigto, waxa aad ka helaysaa in jaahilkiina ku weyneeyo oo kaa haybaysto, caalimkiina ku jeclaado oo ku sharfo. Aqoonta qiimaha lihina waa tii wanaagga ku barta kuguna boorrisa, xumahana ku tusta oo kaa ilaalisa. Aqoonna waxaa ugu qiimo iyo qaddar badan tii Alle kuu dhoweysa, kuguna kaalmaysa sidii aad raalli-ahaanshihiisa ku gaadhi lahayd.

Aqoontu kala dheef badan e, mid awooddaada ka hoosaysa haddii aad ku mashquushid waxa aad ka dhigan tahay qof meel uu timir iyo saytuun ka goosan kari lahaa ku beertay geed bilaa midho ah. Si fiican u dooro waxa aad baranaysid ee aad xoogga saaraysid. Maxaan bartaa? Ibnu Xasm waxa uu ku talinayaa in aad isku hawshid wixii ay naftaadu usoo jeeddo ee aad jeceshahay- haba ka hooseeyo cilmiyada kale e-, hana isku wareerinnin wax kale oo ha noqonnin qof Hindiya saytuun ka beeraya, ama raba in Sucuudiga bariis uga baxo. Labadan talo marka la israaciyo waxa ay noqonaysaa adiga oo timir beeran karey haddii ay naftu jeclaato wax ka hooseeya, naftaada raac.

Qofku marka uu aqoon helo waa in uu faafiyaa. Ibnu Xasm aad ayaa uu u dhaleeceeyey dadka aqoonta la bakhayla. Waxa uu leeyahay aqoonta oo lala bakhaylaa waa ay ka liidataa hantida kale oo lala bakhaylo. Maxaa yeelay, aqoontu kuma dhammaato bixinta, farahaagana kagama baxdo. Soomaali haddii aynu nahayna, inteenna wax qorta aad ayaa ay ugu badan tahay bakhaylnimadani. Qof buug uu qoray meel ku xaraysanaya oo in bus ka buuxsamo ka doorbidaya in uu dadka usii daayo oo laga faa’iidaysto, wax ka bakhaylsani ma jiraan! Faafinta aqoontu sida ay maanta u fududdahay iyo sida aynu ugu gacan adag nahay isma laha, iyada oo aynu si fiican u ogsoon nahay baahida ballaadhan ee dadkeennu u qabaan aqoontaas.

Doodda Ibnu Xasm ma aha in aqoon kasta dadka si siman loogu dhex faafiyo. Waxa uu leeyahay qof aan mudnayn ama heerkeedi gaadhin in aad hor dhigtaa dhibteeda ayaa ay leedahay. Isaga oo taas tusaalaynaya waxa uu tilmaamayaa in ay ka dhigan tahay adiga oo qof hargab sanku la xidhmay cambar iyo miski sanka u saaray! “Daanyeer indhakuul muxuu ka kasaa”, sow Soomaali ma aysan dhihin. Maxaa yeelay, aqoonta dahsoon ee fahankoodu adag yahay waxa ay ka dhigan tahay dawada awoodda badan. Jidhka xammili kara waa ay daweysaa, ka taagta daranna waa ay dishaa. Sidaas oo kale, aqoonta dahsooni garaadka sarreeya waa ay tayeysaa oo soofaysaa, garaadka liitana waa ay turunturraysaa, meel daran in ay ka tuurtaana waa suuragal. Haddaba, naftaada iyo ta dadka kale toona ha ku dhibin in aad ka dhigto shaybaadh lagu tijaabiyo aragtiyaha faasidka ee silloon. Hadallada aad maqlaysid ama qoraallada aad akhrinaysid ha ka didin, duuduubna ha ku liqin, adiga oo aan dabagal iyo baadhitaan ku samaynin xaqiiqadoodana ogaannin. Ku qaabil laab furan oo aan la safnayn kana safnayn. Ujeedkaagu ha ahaado in aad fahanto waxa aad maqashay ee aad aragtay, naftaadana aad uga faa’iidaysid aqoon, haddii uu wanaagsan yahayna aad qaadatid, haddii kalena aad ka tagtid. Sidaa haddii aad yeeshid, waxa aad helaysaa ajar weyn, mahadin badan, fadli ballaadhan, inta badanna xaqiiqadu ku seegi mayso.

***

Aadanuhu waa bulshaawi, sidii jasiiradna keligii ma taagnaan karo. Wanaag haddii aad rabtid, la saaxiib dadkiisa, ayaa uu ku talinayaa Ibnu Xasm. In badanna jahliga iyo dhaqanka wanaagsani isma raacaan e, ka ag dhowoow dad aqoon leh. Qoraagu halkan ugama jeedo in qof kasta oo aqoon lihi uu qof wanaagsan yahay, waana uu qirayaa in ay badan yihiin kuwo aqoontoodu sarrayso oo shayaadiinal insi ahi, iyo kuwo aan aqoon badan lahayn akhyaarse ah, wallow ay dhif yihiin. Xukunkana laguma dhiso wax dhif iyo naadir ah.

Ibnu Xasm aragtida uu dadka ka qabaa ma wanaagsana, waxaana laga yaabaa in ay ka dhalatay dhibaatooyinkii badnaa ee uu dadka kala kulmay. Sidaa oo kale, waxaa ka muuqata in dad ku dhowaa ay xumeeyeen ama khiyaameen. Waxa uu innoo sheegayaa in asxaab ay aad isugu dhowaayeen oo ay sannado badan saaxiibtinimo saafi ahi ka dhexaysay ay isbeddeleen. Sababta ma uusan caddaynin, laakiin waxa uu ku tilmaamay in ay ahayd wax yar oo uusan weligii is odhanin qof dhibsanayaa jira, intaas oo uu ku daray in ay aad u murugo gelisay. Hase yeeshee, waxa uu leeyahay qofkaas oo kale si xun adigu ha ula dhaqmin.

Kalsooni la’aan badan ayaa ereyadiisa ka muuqata. Marka aad u fiirsato waxa aad dareemaysa in uu “buufis” ka qabo dadka oo uu aad uga didsan yahay. Waxa uu kusoo celcelinayaa dadka iska jir oo digtoonoow. Waxa uu ku gelinayaa feejignaan xad-dhaaf ah. Waxa uu leeyahay dadka dhaqankoodu nifaaq ayaa uu u badan yahay, ciddaan nifaaqaas kula dhaqminna kuma sii dhex jiri karto. Qudhiisu sannadihii dambe ee noloshiisa tuulo yar ayaa uu ku dhammaystay, waana halka uu ku geeriyooday.

Aragtidan uu dadka iyo habdhaqankooda ka qabaa waxa ay saamayn ku yeelatay muuqaalka uu jacaylka ka bixiyey, oo waxa uu leeyahay jacaylku waa hal mid e, danta laga leeyahay ayaa noocyo u kala yeeshay, dantaas oo ay si cad u saameeyaan dhaqanka dadka iyo ictiqaadka diiniga ahi. Laakiin waxaa isweydiin mudan, maxaa ay tahay danta iyo baahida uu waalidku ka leeyahay jacaylka ilmihiisa? Jacaylka suurayntiisa iyo tilmaamidda quruxdiisa cid suugaanleyda ku dhaanta anigu waayey. Faylasuuf iyo saynisyahan waxba ha ka weydiinnin. Ibnu Xasm aragtidiisu waa dareenka aad ka qabtid wax aad neceb tahay oo kaa ag dhow, iyo midka wax aad jeceshahay oo kaa fogi waa isku mid, farqina uma dhexeeyo. Bal adigu isu miisaan oo sawiro dareenka aad ka qabtid qof aad caashaqsan tahay iyo mid aad neceb tahay in ay hal dareen yihiin.

***

Qoraagu waxa uu ku doodayaa in qofka dhib badani soo marto, laakiin dhibta noociisa insiga ah uga timaaddaa ay ugu daran tahay. Bahal iyo belo kaleba waa aad iska dhawri kartaa, laakiin suuragal ma aha in aad insiga iska dhawrid! Iyada oo ay taasi jirto, haddana xadgudub iyo dulmi ma ogola in dadka lagula kaco. Haddaba, sidee xidhiidh loola samayn karaa dadka?

Xidhiidhka aad dadka la samaynaysid markii uu ka talo bixinayey waxa uu leeyahay ula dhaqan sida dabka oo kale; ku diirso laakiin dhexdooda dalaq ha dhihin. Halkaas ayaa ay sharaf, raaxo, farxad, iyo nabadgelyaba ku jiraan e. Araggaaga oo dadka ku bataa waa uu ku qiimo tiraa, ka maqnaantooduna waa ay ku sharaftaa. Haddii aad ka fursan weydo in aad dadka dhex gasho, qofka aad la saaxiibayso wax kasta ha u sheegin e, u arag cadow kugu soo haliilaya, subax kasta oo waagu kuu beryana ka feejignoow dhagarta walaalahaa (asxaabta) iyo in ay si xun kuula dhaqmaan, sida aad isaga dhawrtid cadowga caddaystay colaaddaada. Haddii aad dhibtooda iyo dhagartooda ka badbaaddid, alxamdulillaah, haddii kalena diyaar ayaa aad u tahay! Waxa aad mooddaa in uu si buuxda u dhaqan geliyey hadalkii Soomaalida ee “Wiilkaaga walaal u lahaw, walaalkaana wiilal u lahaw”.

“Cid wax ku siisa wax badan baad aragtaa, cid kula talisase wax yar” e, saaxiibkii ceebtaada kugu canaantaa wanaag baa uu kula rabaa, kii kaa aamusaana dan kaama laha. Qof aan ku danaynayn ha isku daalin, mid ku rabana ha ka cararin oo ha dulmiyin. Waxaa adduunyadiisa ku liibaaney qofkii aysan maalmuhu ku khasbin in uu kala barto asxaabtiisa.

Saaxiibtinimadu dhibkeeday wadataaye, si aad uga badbaaddo cidna sirtaada ha u sheegin, qofka dadka kuugu dhowna ha ahaado e. Wixii aad u baqaysid cidna ha ku aaminin. Laakiin, adigu dadka sirtooda u qari, ammaanadooda gudo, hiil iyo hoona ha laguugu yimaaddo. Laakiinse, marna ha illaawin in kuwa aad wanaajisay ay ugu horreeyaan inta ku dhibta.  “Ciirtaa dhamaa, ceebtaada yaqaan”. Farriinta Ibnu Xasm waa digtoonoow dadkase wanaaji.

***

In kasta oo uu akhristaha ku boorrinayo in nasiixada iyo waanadu ay yihiin waajib ay tahay in la guto, ayna u baahan yihiin weji furnaan, dhoollacaddayn, debecsanaan, sarbeeb iyo hadal dadban, iyo in jidkii Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– loo maro, haddana marar badan buugga dhexdiisa qoraagu in uu taladiisa illaaway baa aad mooddaa. Bal u fiirso halkan. Waxa uu leeyahay, qofkii lagu imtixaanay islaweyni iyo iscajabini ha u fiirsado ceebihiisa. Haddii iscajabintu ay ka dhalatay wanaaggiisa, ha baadho dhaqammada xun-xun ee uu leeyahay. Haddii ceebtiisa oo dhani ay ka qarsoonto gebi ahaanba oo uu ismoodo in uusan ceeb lahayn, ha ogaado in ay tahay musiibo weyn, uuna yahay ka dadka ugu naqsi badan, ugu ceeb weyn, ugu garasho yar, taasna waxaa ka horraysa in uu garaadkiisu liito oo uu jaahil yahay, labadaa ceeb ka xumina ma jirto! Maxaa yeelay, qofka garaadka lihi waa kii ceebtiisa garta, ka awood badiya, kuna dedaala tirtiriddeeda. Doqonkuna waa kii ceebtiisa garan waaya, taas oo ay sababi karto aqoon yari, garaad gaabni, aragti liidata, ama in uuba ceebtiisa u arko wanaag! Taasina waa ceebta adduunka ugu daran, baa uu yidhi qoraagu. Meel kale waxa uu leeyahay “…waa qof waalan, oo waallidiisu dhammaystiran tahay, wax caqli ahna, haba yaraatee, aan lahayn.” “…wax aad garanaysid in aad weydiisaa waa maangaabnimo iyo caqli yari.” “…haddii aadan lahayn cadow, wax khayr ah ma lihid, qofka aan cadowga lahayni heerka uu joogo wax ka hooseeyaana ma jiraan…”

Tani waxa ay ka mid tahay dabeecadihii uu dawayntooda ku guuldarraystay qoraagu. Waxaana lagu tilmaami karaa in ay tahay dhaliisha ugu weyn ee buuggani leeyahay. Kuma uusan guuleysanin in uu buuggiisan ku saabsan daweynta nafta iyo hagaajinta akhlaaqda ka ilaaliyo hadallo silloon iyo kuwa runtii aad u gurracan! Waa tii Soomaalidu horeba u tidhi “Abuur iyo waano, abuur baa horreysay”, taas oo aad mooddid in ay ku rumowday qoraaga.

Hadraawina waa kii lahaa:

“Nin sitaba bar baa saaran,

Nin ka sii sitaa jooga,

Ragannimada sooceeda,

Adigoo sagaal buuxshay,

Hal ku seegay baa yaalla!”

Si kastaba ha ahaato e, dheeftiisa ayaa aad uga badan dhaliishiisa. Waa buug mudan in la akhriyo oo murtidiisa la dhuuxo. Walow, aad mooddo meelaha qaarkood in ay aad ula shaqaynayaan dareenka qof dhowaan la xumeeyey ama khiyaano weyn loo geystay. Talada dahabiga ah ee buuggani xambaarsan yahay Ibnu Xasm waxa uu ku koobayaa hadalkan:

“Qofkii doonaya khayrka aakhiro, xikmadda adduunka, habdhaqan toosan, helitaanka akhlaaqda wanaagsan idaylkeed, mudashada fadaa’isha gebi ahaantood, ha ku daydo Muxammad, Rasuulkii Alle- sallal Laahu calayhi wasallam-, hana adeegsado akhlaaqdiisi iyo siiradiisi intii u suuragasha. Ilaahayna- galladdiise– ha nagu kaalmeeyo ku dayashadiisa. Aamiin.”


Aragtiyaha ku sheeggan qoraalkan waxaa iska leh qoraha oo daruuri ma aha in ay ka afceliyaan siyaaso-tifaftireedda Garanuug.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 11

WELWELKII IYO WALBAHAARKII CAWRALA Waxaa welwel, walbahaar iyo walaac Cawrala geliyey heestii cirsan-ka-yeerka, khaas ahaan …

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 10

Haddaba, in kastoo gabartii ka carartay Calimaax aragtidiisii horee, waxay ahayd qof waracad ah oo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *