“Maxaad kula talin lahayd qofka raba in uu qoraalka bilaabo?”
“Akhris, akhris, akhris,”
Waa weydiin iyo warcelinteed ay badanaa isweydaarsadaan qof qoraa ah iyo mid raba in uu qoraa noqdo.
Ceel nin galay baa laga waraystaaye, inta wax qaayo leh qortaa waxa ay ka siman yihiin wax akhris badan.
Qofku haddii uusan waxba akhriyin sidee ayaa uu ku kala baranayaa qoraalka wanaagsan iyo midka liita? Boqollaal buug oo ka hadlaya sida wax loo qoro in aad akhrido waxaa ka dheef badan in aad akhrido buugaag caadi ah. Akhri buugaagta aadka loo ammaano. Akhri buugaagta qoreyaashoodu qaddarinta badan helaan. Raadi sababta ay ammaanta ku muteen. Sidaas oo kale, akhri kuwa la dhaliilo, oo isku day in aad ogaato sababta. Labadaa dhexdooda aqoon badan baa kaaga kordhaysa. Qalin iyo buug qaado oo qoraal kala dhig-dhig adiga oo u fiirsanaya ereyada qoraagu adeegsaday, qaabka uu isu raaciyey, meesha uu ku hakaday, meesha uu ku joosaday, qaabka uu wax u tilmaamayo iyo dareenka ay ku gelinayso. Isweydii waxa ku kallifay in uu qaabkaa u qoro, sababta uu erey u doortay, ma heli karey mid kaga habboon? Adigu sidee ayaa aad u qori lahayd? Ma isleedahay mid ka fiican baa aad qori kartaa?… Kiichiro Toyoda markii uu damcay in uu sameeyo gaadhigii Toyota ee ugu horreeyey, waxa uu kala furfuray gaadhi Maraykan sameeyey (Chevrolet). Qayb kasta oo ka mid ahna sida ay u shaqayso, cabbirkeeda, waxa ay ka samaysan tahay… ayaa uu qortay. Ka dibna isaga iyo kooxdii la shaqaynaysay waxa ay la yimaaddeen naqshad cusub oo ay iyagu leeyihiin. Maantana Toyota waa shirkadda iibisa baabuur ugu badan. Laga bareyba laga badi.
Ilmuhu hadalka waxa uu ka bartaa bulshada uu ku dhex nool yahay. Si dabiici ah oo hawl yar ayaa uu u nuugaa iyada oo uusan buug iyo qalin qaadannin. Ka warran haddii saddex jirku baran lahaa magac, magacuyaal, meeleeye, fal, falkaab, diiradeeye, xiriiriye, …. weligiiba ma hadleen. Waa sida wadaad Soomaaliyeed oo naxwaha macallin weyn ku ah laakiin aan Carabida ku hadli karin oo kale!
Qoraalkan aad hadda akhrinayso ayaa tusaale u ah dheefta akhrisku u leeyahay qoraaga. Waxaa ii suurageliyey buugaag aan akhriyey dhowaan iyo kuwo aan hadda qoraalkan diyaarintiisa u akhrinayo. In badan baa aan maqli jirey Kitaabul Xayawaan oo uu qoray al Jaaxid (163-255H), laakiin iskuma deyin in aan akhriyo. Waxaase igu kallifay baadhitaanka aan qoraalladan taxanaha ah u samaynayo. Wax badan oo iga maqnaa baa aan ka helay. In kasta oo aan af Ingiriisi iyo buugaag dhowaan la qoray ka akhriyey, haddana waxa aan xiisaynayey in aan ogaado wixii ay culamada Muslimiintu ka yidhaahdeen, waana ta ii geysay in aan baadho, natiijadeeduna noqotay in aan helay kutub qiimo badan.
Al-Jaaxid waxa uu ka mid yahay culamada tusaalaha loo soo qaato marka laga hadlayo qoraalka wanaagsan, iyo qoraal badnidaba. Waxaa lagu tilmaamaa in uu buugaagta aad u jeclaa, oo buuggii uu arkaba uusan dhigi jirin ilaa uu wada akhriyo, wixii uu doonaba ha ku saabsanaado e. Buug jacayl waxa uu ka gaadhey heer uu dukaammada buugaagta kireysan jirey si habeenkii marka laga maqan yahay uu u dhex joogo oo uu buugaagta taalla u akhristo.
Culamada Muslimiinta kuwa ugu qoraalka badan waxaa ka mid ah Ibnul Jawzii (508-597H). Mar uu taariikhdiisa wax ka qoray waxa uu tilmaamay in uu akhriyey in ka badan labaatan kun (20, 000) oo buug, welina uu aqoon kororsi ku jiro. Waxaa sidaas oo kale isna u akhris badnaa Ibnu Xajar al-Casqalaanii oo ciddii maanta rabta in ay cilmiga xadiiska barataa aysan kutubtiisa ka maarmin. Waxa uu qoray in ka badan 150 kitaab oo intooda badan aan mawduucooda looga dabahadlin. Tusaale kale waxaa innoo noqon karaa Imaamul Xaramayn, al-Juwayni (419-478H), caalimkii weynaa ee gadaashii kutubta Shaaficiyada ee la qoray ay intooda badani kutubtiisa ku dhisan yihiin, ilaa iyo haddana kutubtiisa masaajidda, dugsiyada Qur’aanka iyo jaamacadahaba lagu dhigto, waxa uu yidhi “Waxba kama odhanin cilmul Kalaamka ilaa aan hadalkii Qaaddii Abuu Bakar ka xifdiyey 12,000 oo warqadood.” Hal sheekh oo keli ah aqoontiisi baa uu laba iyo toban kun oo warqadood ka xifdiyey, maxaa aad ka filaysaa culamadiisii kalena?
Wax akhrintu ma aha in qoraagu wada liqo wax kasta oo uu akhriyo. Aqoonta ka sokoow, akhrinta badan waxa ay qoraaga u suuragelinaysaa in uu barto qoraalka wanaagsan, iyo in uu kala saaro qaabka habboon iyo midka aan habboonayayn ee wax loo qoro. Imaam Awzaacii (88-157H), oo mad-habkiisa fiqhiga ah muddo dheer lagaga dhaqmayey Suuriya iyo nawaaxigeeda, ayaa waxa uu leeyahay “waxa aan la qaadanaynin u baro si la mid ah sida aad u baranaysid waxa la qaadanayo.” Waxa xun sidee ayaa aad uga leexan kartaa haddii aadan garashadiisaba aqoon u lahayn? Imaam Sufyaan ath-Thawrii (97-161H) oo ka mid ahaa taabiciintii yaryaraa ayna wax ka barteen Abuu Xaniifah, Awzaacii, Maalik, iyo imaamyo kale, ayaa markii uu qoraalka xadiiska ka hadlayey waxa uu sheegay in uu saddex siyaabood u qorto: mid waxa uu u qortaa in uu ku dhaqmo, midna in uu ogaado jiritaankiisa; haystana laakiin uusan ku dhaqmin, iyo mid uu ogaansho uun uga dan leeyahay ee uusan wax tixgelin ah u haynnin. Qoraagana sidaas oo kale ayaa la gudboon; wax badan oo kala duwan akhri, adiga oo ujeeddadaadu tahay in aad mid wax aad adeegsato ka heshid oo uu kuu noqdo meel aad ka dabqaadatid, midna aad jiritaankiisa ka war haysid uun, waa intaas oo aad mar u baahataa e, midka saddexaadna aad u akhridid in uu noqdo sidii bahal aad naftaada ku xuuxisid si aadan isaga oo kale u qorin!
Ma jiro hal buug ama dhawr buug oo koobaya aqoonta, xirfadda iyo hal-abuurka uu qoraagu u baahan yahay. Weligeedna ma jiri doono! Waa xaqiiqo aan lahayn meel lagaga dhuunto. Waa in aad dhex qaaddaa wax badan oo aan dheef lahayn si aad u gaadho hal waxtar kuu leh. Khaliil ibnu Axmad (100-170H) oo ahaa caalimkii qoray qaamuuskii ugu horreeyey ee af Carabi ah, ahaana macallinkii Siibawayhi naxwaha baray, ayaa yidhi “Qofna cilmiga naxwaha kama gaadho inta uu rabo ilaa uu barto wax uusan rabin.”
Qoraalka qiimaha leh ee waxtarkiisu waaro waxa uu ka soo duxaa garaad iyo maan akhris ku koray. Waxa uu ka soo burqadaa maskax akhris biyo dhigay. Haddii aadan akhriska waqti u haynnin, qoraal ha isku daalin, akhristahana luggooyada ka daa.
Nin qaaddi ah oo kutubta aad u iibsan jirey, haddii uusan markaa lacag haysanna amaah ku sii qaadan jirey baa lagu canaantay… Heerkan aan joogaba kutub baa i gaadhsiiyey, ayaa uu ugu jawaabay. Markii ay yidhaahdeen waad ka badbadinaysaaye kitaabbo iibsiga yareena, waxa uu yidhi
“على قدر الصناعة تكون الآلة.”
“Hal-abuurku waxa uu ku xidhan yahay agabka.”
“Marka aad sunuud hayso
Waxa suuq mug weyn yaalla
Ha la simin kitaab weeye.”
Sirta Nolosha, Hadraawi.
Inta aadan wax qorin, wax badan oo badan oo misana badan akhri. Weligaana ha joojinnin akhriska. “Ninba intuu cunuu ciidamiyaa,” waxa aad ku beddelataa “ninba intuu akhriyuu qoraa”
Steven King, qoraa Maraykan ah oo caan ah, waxa uu qoraaga kula talinayaa in uu maalin kasta wax akhris ku qaato 4-6 saacadood!
Tixraac
Al-Mushawwiq ilal Qiraa’ah, Cali al-Cimraan.
Dabaqaat ash-Shaaficiyah, Taajuddiin as-Subkii.
Hal Ka Haleel, Maxamed Baashe.
Jaamicu Bayaanil Cilmi wa Fadlihii, Ibnu Cabdilbarr.
Kitaabul Xayawaan, al-Jaaxid.
On Writing, Steven King.
Siyar Aclaam an-Nubalaa’, Dahabii.
Taqyiidul Cilm, Khadiib al-Baqdaadii.
“Nin lagu seexdoow ha seexan.”