Haddii uu qof yidhaahdo: Waxaad keentaa war ay ku caddahay (nas) ama tusinaya oo laga dheehan karo (dilaalah), ama ijmaac la isku raacay, oo xujo u ah halka qofka ee keligii ah waxa uu soo wariyo in la aqbalayo oo uu yahay arrin sugan oo jira.
Read More »[Cutubka Warka Hal Qof] 2
Wuxuu yidhi: Maxaad xujo u haysataa inaad aqbashid hal qof warkiisa adiga oo aan oggolayn markhaatiga hal qof keligiis? Sidaa oo kale, maxaad xujo u haysataa inaad xadiiska arrimihiisa intooda badan uga qiyaas qaadatay markhaatiyada, inta kalana aad ku kala soocday xadiiska iyo markhaatiyada?
Read More »[Cutubka Warka Hal Qof]
Qof baa igu yidhi: Ii tilmaan waxa ugu yar ee ay xujadu ugu oogmayso ahlul cilmiga si warku taabbagal ugu noqdo. Waxaan idhi: Waa warka hal qof ka soo tebiyo hal qof oo kale ilaa sidaa lagu gaadhayo Nebiga ama ciddii kale ee uu warku ku arooro.
Read More »Kaltirsi Suugaaneedka Soomaalida 2017
January January 31: Maalinta ugu dambaysa soogudbinta qoraallada Tartan-curiseedka Aw Jaamac (Taariikh) ee ay qabanayso Garanuug. February February 15: Ku-dhawaaqidda liiska gaaban ee Tartan-curiseedka Aw Jaamac (Taariikh) oo ay qabanayso Garanuug. February 19: Xuska Maalinta Afka Hooyo oo qabanayso Akaademiye Goboleedka Afsoomaaliga (AGA). February 21-23: Kismaayo Book Fair oo ay qabanayso Scansom Publishers. February 24: Somali Poetry Night oo …
Read More »Qoritaanka Curiska- Guudmar
Waa Maxay Curisku? Curisku waa qoraal habaysan oo ku saabsan hal mawduuc. Curisku waa uu ka geddisan yahay maqaalka, inkasta oo ay aad isugu macno dhowyihiin, mararka qaarna isku si loo adeegsado. Sida maqaalka oo kale, curisku waxa uu yeeshaa gundhig (thesis), taas oo lagu soo bandhigo, si toos ah ama …
Read More »Buugga Sannadka 2016
Abaalmarintii Buugga Sannadka ee ay u codeeyeen akhristeyaasha bogga Garanuug ee Facebook, waxaa ku guuleystay buugga “Baalkii Madoobaa ee Noloshayda” oo uu qoray Warsame Shiidley. Halkan ka akhriso faallo kooban oo ku saabsan buugga. Buugaag badan ayaa loo codeeyey. Waxaanuna rajaynayaa in la akhrin doono oo laga faa’iideysan doono. Shanta …
Read More »Qaybaha Buugga
Guud ahaan buugaagta waxaa loo qaybin karaa kuwo ka hadlaya wax jira (Jiraal: Non-fiction) iyo kuwo male-awaal iyo sheeko-faneed ah (fiction). Qaybahan hoos ku xusan intooda badan lagama helo buugaagta male-awaalka/ sheeko-faneedka ah (fiction). Marka aad buug qoraysid, ku dedaal qaybahan in aad qoristooda ku bilowdid bogga midigta xiga, xitaa …
Read More »Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 6
CAWRALA IYO DUXASHADII JACAYLKA Iyadoo Cawrali isha gelisey Calimaax doornimadiisii ugu horraystii uu doonnida cagta soo saaray markay marsada Cadmeed ka soo fuulayeen, haasaawihiisiina dhegta ka maashay habeenkii iyo maalintii u horreysey, isla markaasna ay u raacdey mahaddiyo abaalkay u haysey badbaadadii uu ka soo badbaadiyey baddii markay doonnidii la …
Read More »Beder (بدر الكبرى)
Dagaalkii Beder waxa uu dhacay 17 kii Ramadaan, sannadkii labaad ee hijrada. Waxa uu dhex maray Muslimiintii oo uu hoggaaminayey Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- iyo mushrikiintii Quraysheed oo uu hoggaaminayey Abuu Jahal. Waa dagaalkii ugu horreeyey ee ay si toos ah Muslimiintu u la galeen gaalada. Goobta dagaalku ka …
Read More »“Inay samadu naga oodantaa waa abaalmarin e”
Nimanyohow abaaraha dhacay iyo beliyo aafaadka Dabka ololi uumiga ka karay aradka guudkiisa Raxmaddii ilaahay waxay innoogu iman weyday Ee ariyo geelii marshay ee eberka noosaaray Arradka iyo gaajada waxa innagu alluugmeeyay Geeduhu waxay u angageen ubaxna loo waayey Ee ay ugaadhu u bakhtidad ayda miranaysay Eelkaa wixii dhigay haddaan …
Read More »