Home / Buug / Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 6

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 6

CAWRALA IYO DUXASHADII JACAYLKA

Iyadoo Cawrali isha gelisey Calimaax doornimadiisii ugu horraystii uu doonnida cagta soo saaray markay marsada Cadmeed ka soo fuulayeen, haasaawihiisiina dhegta ka maashay habeenkii iyo maalintii u horreysey, isla markaasna ay u raacdey mahaddiyo abaalkay u haysey badbaadadii uu ka soo badbaadiyey baddii markay doonnidii la degtay isagoo qiyaastii dusha ku sidey toddoba iyo toban saacaddood, ayaa jacayl ku abuurmay Cawrala oo mar alla markuu ka dhaqaaqay oo uu nabadgeliyey la arkay iyadoo isla habeenkiiba hawsaysa oo ku selelaysa Calimaaxoow, Calimaaxoow intay sariirtii ka soo dhacday!

Waxaa dhacday in markii waagii beryey la waydiiyey waxay ugu hadaaqaysay Calimaax. Waxay tiri “waxba kama ogayn, waayo ruuxna ma ogaan karo wuxuu isagoo hurda oo sardho ku jira ku hadaaqaayo, waxaase laga yaabaa inuu afku iga xaday riyadaan ku riyoonaayey Cali oo isagoona igu riyoonayaa oo aanu markaa riyadii ku haasaaweyno.

Markay ahayd barqa gaaban ayaa waxaa u soo wareegtay Saluugla, iyadoo ay u saarageli weydey inay hore ugu timaaddo, sababtoo ahayd daalkay soo daashey, ayey gataati dhacday oo soo toosi weydey.

Haddii in yar la wada fadhiyey aqalka ardaagiisa oo ay Cawrali ku milicsanaysey ayaa Saluugli hadashay oo tiri “Cawralaay waxaan ka xumahay gabartii doonnida in kula jirtey oon soo nabadgelyo bixin.” Cawralaa jawaabtoo tiri “amba aad baan uga xumahay, waxaanse hubaa hadday saddexdaydii talo yeesho oo intay dharkay sidatey iska yaryarayso oo sidaan soo jeediyey raggii doonnida ina kula jirey mid iska lusho ama qori cuskato waxaa laga yaabi lahaa inay badbaadi lahayd, sinase ma yeelinoo waxaan xusuusanahay markay doonnidu sii degaysey, iyadoo sanduuqeedii dhabta ku haysata, markaas waxaaba laga yaabaa lexejeclo aawadeed inay sanduuqii u quuri weydey inay iska sii deyso oo lafaheed u dadaasho.”

Saluuglaa markaas tiri “mar hadday saas yeeshay suuncaaqiibo malahayn oo waxba kuma wanaagsanayn, dardaarankeedina waxaan u sheegay hooyadeed inay deynkii ka bixiso. Midda kale waxaan kuu sheegayaa ruuxii haddiisu gasho talada waa ka hanfafaa oo ma haleelo tan habboon sida ninkii gabyey yiri:

Hadday sababi geli maanka waa, la iska suurshaaye,

Sarbeeb malag ah ayaa laga dhigaa, saacaddad dhimane

Oo solimaysid taladii Ilaah, seeg ku leeyahaye[1]

Midda kale Cawralaay waxa jirta inaan taladii Ilaah gooyo aan laga gudbi karin, oo anba haddaan Ilaahay gacanta ii gelin sadxaddii doonnida oo aanu i soo saarin odaygii reer miyiga ahaa, cidina aanay ka filayn inuu ka soo baxo ugu horreystii doonnidii layma arkeen.” Goortay hadhimadii in yar ka hartay ayey kala tageen iyagoo ballamay inay isu soo noqdaan fiidkii si ay u wada caweeyaan. Mase suuragelin inay habeenkaas isu yimaaddaan iyadoo Saluugla qaraaba badani soo booqdeen oo ay markaas ka soo bixi weydey.

Habeenkaasoo ahaa habeenkii u saddex ahayd intay badda ka soo maqnaayeen, Cawrali ma ledin, waxaana hadba la hor keenayey doonnidii iyo darbaddii heshay oo roobka, onkodka iyo hillaac lahaa iyo doonnidii degtay oo ay ka soo dabbaasheen iyadiyo Calimaax. Waxaana habeenkii oo dhan riya ahaan la hor keenaayey aragtidii markay soo dabbaalanayeen iyadiyo Calimaax oo uu dhabarka ku sidey. Sidaas aawadeed bay habeenkaas oo dhan u laba legdoonaysey oo hadba u dhinacyeynaysey ilaa waagii ku galalac yiri, iyadoo aan laba indhood isu keenin.

Habeenkii dambe gooray fiidkii tahay ayaa waxaa u timid Saluugla sidii ballanku ahaa. Haddaba markii lays bariidiyey ayey Cawrali soo jeedisey inay israacaan oo xeebta ku soo dabayshadaan, Saluuglina waa yeeshay oo markaas xeebtii baa laysu raacay, oo xagga xeebta bogox magaaladii looga baxay. Cabbaar markii la wada socdey oo dhawr jeerna badda cagaha la geliyey, ayey Cawrali burciid tuuran oo tamuux nadiif raaxale ah fariisatay, oo in yar dabadeed intay bari u jeensatay beerdhigaalaysay oo ku tiri Saluugla “Saluuglay abbaaye waxaan helay meel macaane kaalay barbarkayga fariiso.” Saluuglaa intay barbar fariisatay Cawrala bey dhiidhiibsatay oo ku tiri “Cawralaay maxaad baddan inoo ag fariisisay waayo waxaan soo xusuusanayaa dhibaatadii inaka soo gaartay.” Cawralaa jawaabtoo tiri “ adiguna Saluuglaay waxaa laga yaabaa inaad badda araggeeda ka baqaysid anna waxaan u imi inaan dhibaatadaan ka soo maray dib u soo xusuusto, sababtoo ah waxay sidii biladayaha ii muujinaysaa ninkii Calimaax ahaa oo mawjadahaad hirkooda arkaysid intay le’eg yihiin ila soo dul maaxay oo i nabad keenay.”

Saluuglaa markaas tiri “naa bal kaalaye! Heedhe ma jacaylkaad ka sheekaynaysey habeenkaynu badda marayney ayaa ku haya, waxaanu waa yaabe.” Waxay kolkaas ku jawaabtay Cawrali, naa waxba garan maayee, balse i maqal.

Baxanay habeennada             indha baal ma saarinoo,

Duni baadi weeyoo                 bilisina illowshaha,

Waa u beer nugeyloo             ba’a iyo baraaraha,

Baraarahay xuseeyaan           anse baal ka marayoo,

Biimahaad ogayd iyo              cirkoo biriq hillaaciyo,

Bartii roobka duufaan             biyihii shubmaayiyo,

Dakhalkii bacramay baan       baayey ku selelaa,

 

Bisin Alla bir weeyaan           sow bilow ma taabinoo,

Eebbe ima ballaysiin              anoo baaxa degayoo

Bes ah oo hafanayoo              bixi layd naftaydii,

Baaqaan hayey iri                   sow Cali-baxmaaxoo,

Berrigii imuu gayn                  baari iima qabanoo,

Ogoow wey badbaaddaa        naftaan Qaaddir bixinayn,

 

Waa baab jacayloo                 baarax uma ledaayoo

Baddaasaad arkaysoo             buuraha la moodoo,

Badraankii libaax iyo              hambabarada booddiyo,

Bahaluhu ka buuxaan             way bilaha dayaxoo

Buruudkii Badmaaxiyo            nuur layga biliyaa,

Waa boog jacayloo                 bukaankii la yaab ma leh,

Beerkiyo wadnaha iyo            bogguu hoy ku leeyahay,

 

Waa baab jacayloo                 billaawihii afaystoo,

Bedekayga degayoo                igu beeray boholyow,

 

Waa baab jacayloo                 waxa ii bogsiina ah,

Ama ii bushaara ah                oo ii baraara ah,

Ama ii barwaaqa ah               baanashada haweenoo,

Badmaaxaan hantayoo           beri aanu kulanoo,

Beryasamo ku waarraa.”

Markay Cawrali dhammaysay heestaad ayaa Saluugli intay labada dhafoor gacmaha saartay aamustay oo waxay ku hadasho garan weydey. Haddaba, cabbaar hadday aamusnayd ayey ku tiri Cawrala, “alleylehe waxaa sheegaysey baa Cawralaay ku hayee maxaa talo ah oo aan kula qabtaa?”

Cawralaa markaas jawaabtay oo tiri “waxaan u malaynayaa inaadan waxaan i haleelay waxba igala qaban karayn, laakiinse waxaan kaa codsanayaa haddaad geeladay tahay inaanu xaalkaasi ina dhaafin oo cidday gaarin. Sababtoo ah, sidaad ogtahay dadka Soomaaliyeed ceeb iyo wax xun bay u yaqaaniin jacaylka, dabadeedna hadday i maqlaan waalidkay way i dayrinayaan. Midda kale sidaad ogtahay waan doonanahay markaas doonimaayo inuu arrinku iga dhicisoobo ilaa aan Calimaax arko oo wax meel isla dhigno, iyadoo sida muuqata ay dhib leedahay sidaannu isu heli doonno. Waxaanna isku hayaa inaan ka daba tago ilaa Xaruntii Taleex iyo inaan waraaq u diro. Saluuglaa hadalkii qaadatoo tiri “horta sidaad sheegtay weeye Cawralaay dadkeennu jacaylka wax xun bay u yaqaanniin, waliba xagga dumarka iyada waaba dhimasho haddii lagu maqlo, markaas ha iga biqin inaan kaa xog warramo. Midda kale haddaad ka dhabaysid inaad Taleex iyo halkuu joogay aaddid waan kuu wheel yeelayaaye ogow, anoo tala ahaan kuu soo jeedinaaya inaad horta waraaq u dirtid, oo hadduu markaas soo jawaabona waa saan rabnay hadduu soo jawaabi waayana aadno.

Hadday habeenkii gelinkiisii dambe noqotay, oo dayaxii baalka dhigay oo ay soo mugdiyawdey ayey labadoodii ka soo kaceen xeebtii oo soo aadeen magaaladii. Markay Cawrala gurigoodii gelaysay ayey ku tiri Saluugla “waxaan xaalkaa ka yeelayno waan ka wada tashanaynaaye tu san.” Saluuglaa tiri “ waa tahaye nooli kulantee, adaanna kaa war sugayaa.”

Haddaba iyagaan muddo dhawr maalmood ah kala war qaadan ayey Saluugli maalintii dambe u timid Cawrala, waxayna u sheegtay goor barqo ah inay niman xaggaa iyo Xaruntii aadayaa joogaan magaalada. Halkaasaa Cawrali degdeg intay qalinkii iyo waraaqdii isu qaadday iyadoo ku qoraysa af Carbeed hadalka intiisa kale, laakiinse ay gabayadu yihiin af Soomaali ay xuruuf af Carbeed ah ku qortay.

Waxay tiri oo ka bilawday warqaddeedii:

 

Gacaliye Calimaax,

Calimaax sidii johoradeed, yaanan kuu jamane,

Jannadii sidaad tahay, yaanan jawda kugu hayne,

Dabadeed aan kala jiidanne’e, mar ila soo joogso.

Calimaax, waxaad iga guddoontaa salaam kalgacal oo kasha iyo laabta ka soo go’day. Waxaad kaloo iga guddoontaa mahad weyn iyo salaam uurka ka soo baxday. Intaas waxaa ii raaca inaan warqaddan qoriddeeda bilaabay saddex jeer oo haddana saddexdiiba jeexjeexay, ilaa ay ugu dambaystii iga soo go’day inaan illawba ilaa kuu soo diro taboo ah tii afraad oo jeexjeexiddii ka nabad gashay.

Ka maaggiddaas aan ka maagmaagay warqaddanna waxaa iigu wacan welwel iyo walaac iyo waxaan garanwaayey oo ila soo dersey ilaa maalintii aragtideennu kow isu ahayd, ee ishaydu kugu dhacaday laabtayduna ku raacday, oo ay isla mar ahaantii nafsaddaydu ku doontay.

Haddaba, ugu horraystii waxaan jeclahay inaan kaa is xusuusiyo waa intaasoo aad i illawsantahaye inaan ahay gabartaad huuriga ka soo wada raacdeen dekedda Cadmeed oo markii doonnida la soo koraayey aad gacanteed midig ku taageertay taada midig, dabadeedna doonnida soo wada raacdeen.

Magaalada Cadmeed maalintaan, casar ka soo dhoofnay,

Waxaan ahay middaad caawintood, cudud taageertay,

Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye,

 Waxaan ahay mid habeenkii koowaad oo ay doonnidu guuraha ahayd dhegaysanaysay haasaawahaagii iyo gabayadaadii macaanaa murtidana lahaa, ee adiga iyo odaygii Nuur Ciise la lahaa idin dhex maray, khaas ahaanna dheg u lahayd xifaalayntaadii ku saabsanayd habkiyo hannaankay reer miyigu kula dhaqmaan hablahay guursadaan iyo murwooyinkey qabaan.

War cilmigiyo haasaawihii, lagu caweynaayey,

Waxaan ahayd codkaad tiri miduu, cudur geyeysiiyey,

Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye,

Habeenkii labaad ee baddu kacday oo roobkii mahiigaanka ahaa ee onkodka, hillaaca, iyo hanqarka badnaa da’ay doonnidiina degtey, waxaan ahay tii kuu baaqday oo aad gacan qabatay iyadoo baaxaadegaysa dhawr jeerna hafatay.

Baddoo cartay mayeygaad ogayd, calool xumaantiisa,

Waxaan ahay cadraddaad siddoo, calaf u laabnaaye,

Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye,

Waxaan ahay mid abaal iyo mahad weyn oo aan la koobi karayn uurka iyo laabta kuugu haysa, biimahaad ka badbaadisay adoo dusha ku sidey muddo aan toddoba iyo toban saacadood ka yaran, aadanna ka daalin sidneedkeedii ilaa aad berriga nabadgeliyo keentay inkastoo hambabarooyinkii iyo libaaxii badeed ina seegeen dhowr jeer.

Waxaan ahay cirkoo hooray, iyo caadka oo kale’e,

Waxaan ahay casaan raaca iyo, midab casaawiira’e,

Waxaan ahay canabkii ka baxay, Calihii doognaaye,

Waxaan ahay carfoon iyo udgoon, iyo cadarkii Baariye,

Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye.

Waxaan ahayd haddii runtii lagu arooro, Cawrala Barre oo ah middaan sheegay oo isheedu iyo laabteedu ku raaceen aragtideedii u horraysay, oo aad shaki la’aan nafteeda iyo ruuxeeda leedahay, aadanse adigu ogeyn, iyaduse had iyo jeer, habeen iyo dharaar, hurdiyo soojeed kugu hammiyeysa oo jacaylkaaga iyo kalgacalkaaga oo jiidhka iyo lafaha galay aawadood, oon iyo anfaco diiddey.

Waxaan ahay midaan cunin cuntada, calafka sooreede,

Waxaan ahay mid cadanyootayoo, cidihii dayrsheene,

Waxaan ahayd mid caynkaaga iyo, caaqil mehershaaye,

 Ugu dambaystii waxaan ku soo gabagabaynayaa warqaddaydan oo intaas ii weheliya Calimaaxoow, dayax buuxa nuurkiisa lahaayow, man galool uduggiisa lahaayow, waqayga Caleed iyo waadhida Hawdow, waagoo beryaaya wajigiisa lahaayow, mayey hooray hanqarkiisa iyo hillaaciisa sansaanshow, balanbalkoo dildillaaciyo midabka balanbaalista lahaayow, markii aan saxariiray saacii i qabtow, Soomaaliyi quruxdeeda sinji bay ula lahayde sunnaari la moodyow, sed bursiimo lahaayow, in aadan marnaba arrinkan aan kuu soo qoran yaraysan, ee aad si degdeg ah war iigu soo celisaa ama aad i soo gaartaa aan aniguna raaxada adduun maqsuudee adiguna aad muudsatee macaankii iyo roonaantii ay murwo u roonaan jirtey mudanaheeda.

Casarkii haddaan weel la culay, caano kugu siiyo,

Cishihii haddaan sarar cusbaale, kugu cashaysiiyo,

Oo waa caafimaad rage haddaan, cagaha kuu duugo,

Asaadan caloosha igu hayn, Caliyow yeelkaada.

Waxaa iga dardaaran ah, haddaanan war buuxa ciyeen kaa helin inaad adigu wixii kalgacalkaagu i gaarsiiyo masuul ka tahaye bal ogow.

Ogoobey haddan dayuxu jirin, dirir ma nuureene,

Ogoobey haddaan daaqu bixin, duunyo ma foofteene,

Ogoobey haddaad diiddo, waan degel baxaayaaye,

Oo hal iga dardaarana Calow, debinta maan saaro,

War diifta aan qabo hadday, digasho ii raacdo,

Waynoo daartii aakhiro, iyadaan cidina deyneyde.

Waa Gacaladaa Cawrala Barre,

ee deggan magaalada Xiis Xarrago.

***

Halkaasay warqaddii u dhiibtay nin la yiraahdo Shirwac oo raggii Xarunta qabanaayey ka mid ah, iyadoo kula ballamaysa inaanu cid kale u dhiibine farta ka saaro Calimaax, waxayna raggii sii dhexeen afar habeen ilaa Taleex.

Haddaba, maalintay tageen Taleex maalintii ku xigey markay abbaara tobankii aroornimo ahayd oo ay Jimce tahay ayaa ninkii warqadda sidey raadiyey Calimaax. Wuxuu doondoonaba wuxuu ka helay isagoo madan lagu shiraayo dhex fadhiya oo shirka wax kaga jira. Shirwac wax kale ma yeeline shirkii buu dhex maaxay ilaa uu Calimaax warqaddii fart aka saaray sidii ballankii ay Cawrala isku ogaayeen ahaa.

Darxumo, waxay ahayd Calimaax sida wax loo akhriyo ama loo qoro midna ma aqoon, haddaba waxaa jirtey warqaddii inuu u dhiibey si uu ugu akhriyo ninkii barbarkiisa midig fadhiyey, oo nasiib darri ahaa soddoggiisii cusbaa oo uu mudda yar horteed gabarta ka guursadey, lana oran jirey Sugulle.

[1] Waxaa gabaygaas tiriyey gabayaagii caanka ahaa Qamaan Bulxan.


La Soco Qaybta 7d


Qaybtii 5d

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 16: Shallayto iyo Dardaaran

Qaybtii Hore Shallayto Waaberigii ayaa Amiirka ka dul dhashay isaga oo weli talo wax-ku-ool ah ...

Mamuu iyo Seyn 15: Kacdoon iyo Dhagar

Qaybtii Hore Kacdoon Hal sano oo dhammaystiran ayuu immika xabsiga ku jiraa Mamuu. Saaxiibaddiisii guuldarrada, ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *