Waa Maxay Curisku?
Curisku waa qoraal habaysan oo ku saabsan hal mawduuc. Curisku waa uu ka geddisan yahay maqaalka, inkasta oo ay aad isugu macno dhowyihiin, mararka qaarna isku si loo adeegsado. Sida maqaalka oo kale, curisku waxa uu yeeshaa gundhig (thesis), taas oo lagu soo bandhigo, si toos ah ama si dadban, ujeeddadiisa. Badanaana, curisku waa uu ka dheeryahay maqaalka, oo ujeeddadiisu waa ay ka gundheertahay tan maqaalka. Sidaas awgeed, curisku waa uu ka cilmiyaysan yahay maqaalka.
Ujeeddooyin kala duwan ayaa curiska loo qoraa: waxaa lagu falanqeeyaa arrimo cilmi ah, oo ka baaraandegis iyo xaqiijin u baahan; waxaa la isku barbardhigaa labo arrimoood iyada oo sida ay u kala duwan yihiin ama isugu mid yihiin la sharxayo; waxaa lagu qeexaa fikrad; waxaa lagu soo gudbiyaa dood, taas oo la isku qalqaalinayo qaadashada/xoorista aragti, samaynta/joojinta fal iwm; waxaa lagaga sheekeeyee waayaha/wacdaraha/sooyaalka qof, dal iwm; waxaana lagu qaadaadhigaa tilmaamaha walax (shay), noole iwm.
Sida qeexdiisa ku cad, curisku waa uu noocyo badan yahay, mawduucyada uu ku saabsanaan karona waa ay tiro badanyihiin. Haddii aanu wadan xogo si gaar ah loo soo xiganayo, kuma qasbana in uu curisku yeesho tixraac. Haddii aanu si qotodheer u gorfaynin mawduuc baaxad leh, kuma qasbana in uu curisku dheeraado. Si kastaba ha ahaatee, curisku waxa uu curis yahay marka ujeeddadii laga lahaa sida ugu habboon loo gaadho.
Marxaladaha Curis Qorista
Afarta marxaladood ee loo maro qorista curis waxa ay kala yihiin:
- Diyaarin (xog ururin)
- Qoris (Feygaar/Feegaar)
- Hufid iyo Haadin
- Ebyid
Inta aadan waxba qorin, baadhitaan ku samee mawduuca aad rabtid in aad wax ka qortid. Wax badan akhri, kuna dedaal in aad meel ku qoratid qodobbada muhiimka ah ee aad isleedahay xidhiidh ayaa ay la leeyihiin mawduucaaga. Xigasho kasta ku ag qor tixraaceeda si aadan u illaawin meeshii/boggii aad ka heshay.
Marka aad urursato xogtii aad u baahnayd, waa in aad ka fekertaa qaabkii aad xogtaa qaydhiinka (cayriinka) ah u bislayn lahayd, ee aad uga soo saari lahayd curis macaan oo meeshii loogu talogalay taabta. Haddaba, curisku waa in uu leeyahay dun xogihiisa isku xidha oo isu haysa, iyo meel uu isugu biyo shubto (biyodhac).
Qodobbo kala socda oo midba ujeeddo gaar ah bixinayo, oo ereyo xidhiidhiyeyaal ah loo dhexaysiis, ma noqdaan curis wanaagsan. Waa in qodobba qodobka uu ka dambeeyo xidhiidh toos ah la leeyahay gundhigga curiska, oo sidii tallaabooyinka jaranjarrada uu midba midka kale kuu gudbiyaa.
Qaybaha Curiska
Waa in uu curisku leeyahay: Hordhac, Dhex iyo Gunaanad.
Hordhac
Bilowga qoraalku waa in uu lahaadaa hordhac akhristaha u gogoldhiga oo soo jiita, xiiso geliya, dulucda iyo ujeeddada qoraalkana dhadhansiiya oo dareensiiya meesha loo socdo. Qoritaanka hordhacu dadka uma wada fududa, waxaana jira qoreyaal badan oo marka ay qoraalka intiisa kale dhammeeyaan hordhaca raaciya.
Dhex
Intaa marka aad ku guuleysatid, ee akhristuhu maanka iyo maskaxda kuu furo, dhegtana kuu raariciyo, waa in aad miiddii qoraalka u miistaa. Waa in aad dooddaada mucdeedii oo miisaaman si isdabajoog ah miiska ugu saartaa ilaa uu ka dhergo. Adiguba cusbo iyo sonkor cuniddooda iskuma aadan xejiseene, iska ilaali in aad akhristaha marna Bari la aaddo, marna aad Bogox ka tuurto.
Gunaanad
Hadal badani haan ma buuxshee, inta aan lagaa daalin soo af xidh, kuna dedaal in aad akhristaha afkiisa dhadhan macaan oo lagugu xusuusto ku reebto.
Taasi waa feygaarkii (feegaarkii) koowaad!
Qoraalku kama maarmo dib ugu noqosho iyo naashnaashid badan. Wax badan oo aad ka ilduuftay markii hore ayaa aad ku saxaysaa dib-u-qorista labaad. Aragti ama erey markii hore kula qummanaa ayaa laga yaabaa in aad tuurto marka saddexaad. Waa halka quruxda iyo bilicda qoraalku ka dhismaan. Haddii uusan wakhtigu kugu yarayn, qoraalkii meel iska dhig oo dhawr maalmood ka dib ku noqo. Laga yaabee in aad isweydiiso meelaha qaar ciddii qortay!
Qoreyaasha adduunka ugu caansan baa arrinkaas kula wadaaga e, ha yaabin. Haddii aad u aragto lamahuraan, dib u qor meelaha qaarkood. Laakiin fal aadane weligii ma dhammaystirmo e, iska ilaali in ay dibuqoristu ku curyaamiso oo aad weligaaba waxba soo saari weydo.
Fiirooyin Gaar ah
- Tixgeli heerka aqooneed ee akhristaha qoraalkaaga.
- Ku dedaal adeegsiga af dadku wada garan karaan, oo ka fogoow afguriga.
- Ku dedaal higgaadinta saxda ah, gaar ahaan xarfaha labanlaabma.
- Astaamaha qoraalka (joogsi, hakad, iwm) si qumman u adeegso.
- Qoraagu kama maarmo aqoonta naxwaha ee si fiican u baro.
Waa sidee habqoraalka ardayda fasallada dugsiga sare, marka ay qorayaan curiska.
Waa dhowr arday oo kamida ardayda fasallada koowaad ilaa afaraad.
Nala wadaag habka iyo hannaanka habqoraalkaaaga.
Adkaysiga
Waa xilli lagu jiro bishii Ramaadaan, isaguna waa socoto oo waxa uu ku jiraa baadi doon, xoolo ayaana ka baxsaday ama waxa uu geel u arooriyey ceel dheer oo shubaal ah, isla markaana buuq ah/ waa sahan oo waxa uu u sahan tagey meel roob ka da’ay, oo waxa uu subixii ka dhaqaajiyey/ ka boqoolay so’dii ooshiisu taalley, oo waxa uu foodda saaray halkaa iyo qorrax-kasoo-baxa. Waa barqo kulul oo fallaadhaha qorraxda ayaa si toos ah wajiga ugaga dhacaya.
Ammintu waa gu’/ waa dayr abaar darani ka horraysay, oo markaas uun la sugayo in ay curato, meelaha qaarna waaba ku shuuxday. Sii socoy, oo arla dhexe oo meel ka shisheysa roob ka da’ay oo ku soo neefsaday awgeed; aad kulaylka iyo omoska aad yaabayso sii mar. Wuxu sii socdaba goor ay hadh-galmadii tahay, aaggii roobbanaa soo gaadh. Durba rays-rays iyo neecaw yar oo ciid qabowsatay kaso kacday dareen. Kolba guri-madhan iyo jeexyada uu daadku mulacyeeyey iyo taagooyinka uu roobku maaruqay iskaga gudub.
Socoy oo hadba meel u baydh baydh, waxa uu sii adolobtamoba waxa uu soo dul joog saday haro biyo ay ku jiraan oo rahu dhaadaa kahayo. Harraadka haya awgii; biyaha isaga oo aan kabban oo dibaha iyo carrabka midna saarin ayey u dhadhamayaan, ur cajiib ahna waa ay u samaynayaan. Harraadka uu la taqajirmay dartii; waxa uu hoos u leeyahay, “Hadhow caawa, waa in aad laasataa dix dhan oo biyo ah oo soconaysa”.
Inta uu biyihii madaxa ku yare maydh maydhay caagad afar-qaada oo uu sitayna ka hishay, ayuu hore uga socday oo deegaankii indha indhayn ku sameeyey. Meesha waa la degeyaa ool baana ku soo guurtay, hayaankuna waa uu qulqulayaa, sahan-tagguna waa isdhaafayaa. Hal cabbaara markii uu il bogosho iyo laab-raac ba ku sameeyey taxa roobka waxa uu ku soo baxay reer degay oo ay raggii xerada oodayaan, dumarkuna ay aqallada gangaamayaan. Is nabdayn kaddib; layidhi, “Waar soo fadhiiso oo nala hadhimay bariis baa dabka saarane, shaahanna ku dhufo, biyahanna cab! isagiina inaadeer buuri mahaysaa? Loogu hal celi…” ogobey ninkaa harraadka iyo gaajada haysa iyo sida looga hunguraysiiyey, iyo jawiga cuntaysan ee uu galay, waxa uu dareemayaa wax aanu suuraysan karin qof kale, qof xaaladdaa soo maray mooyiye.
Hase ahaatee harraadka iyo daalka hayaa maaha mid uu udhiman karo, oo waxa laga yaabaa in uu hadhow galabta sidan yare dhaami doono. Waa haddii uu helo geed hareeriya/ qudhaca/ gob / higlo/ maygaagba ah oo hoosta rays ku leh. Laakiin waa xanuun kululyahay harraadka ninka hayaaa, Waxaabad moodaa halkaa qorraxdu in aanay ka dhaqaaqayn, maalintu waxa ay u dhigantay dhawr maalmood. Waabatii ay carruurta adhiga iyo maqasha raacdaa ay odhan jirtey, marka ay qorroxda iyo maalinta farabadnaanteeda ka yaabaan, “Qorraxda maallina nin baa kexeeya maallinna gabadh” oo maalinka ay gabadhu waddo ayey gaabisaa, ee tolow maanta ma naagbaa wadda, iyaga oo jecel inay qorraxdu markiiba dhacdo/ iilato si ay xoolaha u carraabiyaan…llleen waa ay harraadeene.
Waxa uu yaqiinsaday in qorraxda gabadhi waddo maanta!!! Dheg la qabto maleh, socodku waa ku dhib suudiga dhulka ka soo baxayaa dhaayaha waa mid kala dhantaalaya, laakiin waxa uu ogyahay fadhi in aanu fuud kala maqnayn. Wax uu marba reer degay oo dheriga mallayoominaya oo bariiska iyo shaaha halaloominaya oo aan oday oday iyo islaan/ wiil aabbihii wadaad ahaa/ mar tabliiq raacay mooyaane cidiba ka af-xidhnayn/ ka soomanayn ku soo bax, mararka qaar koodna geel-jirayaal aanay kaba qasnayn, mararka qaarkood reer wadada yaalla soo mar, oo islaantii Cutiyi ku tidhi, “Aan shaah kuu kariyee miyaad soomantahay?” Isna in uu soomanyahay u sheeg waase waran ku mudan!!!
Guriga uu reerka ku soo rari doono markuu sii sahamiyey kaddib, iska noqoy. Gurigii, gaadhyaa iyo meel kale ku afuryaaba; isaga oo soonkiisii dhammaystay afur, oo labadan midna dareen midna rajay.
“لِلصَّائِمِ فَرْحَتَانِ : فَرْحَةٌ عِنْدَ إِفْطَارِهِ ، وَ فَرْحَةٌ عِنْدَ لِقَاءِ رَبِّهِ ”
Sida fiican ee uu ku noqday qof qaatay wajibaadkii Alle, Bisha Ramadaanna ka faa’iidaystay cabsi iyo sabir, marka hawsha lagula wadaago way fududaataa, lasoco oo xilli uu asaaggii raashiinka raanbuusayo duruufaha iyo waaqica meesha ka jira awgood weeye dulucda sheekadu!!! Haddaba waxa jira nin weligii iyo allihii aan miyi tegi, oo waxba ka arag hawsha adag ee reer guuraageenna miyigu utafa xaydanyihiin, iyagoo aan marnaba uga tegin cibaadada Alle iyo waajibka saaran. halka reer magaalkii cabayey ee cunayey ay ka tageen waa jibkii Alle cayaayir dartii.
Waxa aan ku soo gunaanudayaa qoraalkan gabanka ah, shayga la adkaaysiga/ sabirku waa tiir dhexaadka nolosha aadamaha oo dhan ha ahaato cibaadada Alle (swt) / la macaamilka dadka, midkastaa waxa uu kaaga bahanyahay adkaasi iyo go’aan mid ah aan labo ahayn.
DHirta
Dhirtu waa noole udub iyo tiirba u ah nolosha. Dhirta waddankeennu aad baa ay u noocyo badan yihiin waxaa ka mid ah: qudhac,quwaax,qansax, galool, gob, yicib, hohob, dhafaruur iyo noocyo fara badan oo kale.
Faa’idada dhirta laga helaa waliba dhanka soomaali weynta lama koobi karo waxa ka mida: Inay u tahay dab shidkooda, in ay ka samaystaan duunyadood xaggay ku xarayn lahaayen, duntay xidhan yihiin, daartay deggan yihiin, xaggay quudka ku cuni lahaayenba iyo waliba meeshay ardaaga u ah.
Dhirtu waa noola kaliya ee cuntadiisa isagu samaysata, kaas oo dhammaan noolaha kale ku dul nool yahay. Waxaa ay taasi ku timid xayawaannada qaar waxa ay ugaadhsadan noole kale oo isagu dhirta cuna ugu danabayntii dhir uun baa ay wada cuneen, saas ayaa ay isagu dul nool yihiin oo dhirtu u tahay adhaxda, udub, hal-bowlaha iyo kama kacdada.
Waa ay kala duwan tahay dhirtu iyo meelaha ay ka baxdaaba meelaha qaar dhirtu waa ay ku badan tay sida ( Kaymaha ama sudka ) . Halka meelaha qaarkood dhirtu ay tahay mid aan laga helin ama ba se ay ku yartay sida ( Saxaraha ama lama degaanka ).
Gebogebadii dhirtu dadka, duunyada, iyo deegaankaba qurux, iyo faa’iido ayaa ay u leedahay. Geeduhu waxtarkooda ugu muhiimsan waxaa ka mida in aynu ka helno midho cusub oo aynnu quudanno sido kalena ka helno hawo loo yaqaan Oksajiin(Oxygen) oo la’aanteed aynaan noolaaneen.
Waxtarka kalluunka
kalluunku waa il mihiim inoo ah marka la eego nolosheenna, wuxuu waxtar u leeyahay nolosheenna, waxaynnu ka helnaa,borotiin iyo wixii lamida ,sidoo kàle soo saaridda kalluunku waxa ay kor u qaaaddaa ilaha dhaqaale ee waddan leeyahay.Berigii hore soomaalidu may aqoon waxtarka u leeyahay kalluunku waabey ka xanaaqi jireen ilamaa ay hadda barteen manficiisa.
Haddii aan dhinaca kale ka eegno manfaciisa marka la eego carruurta wax barata cunista ay cunaan kalluunka waxa ay ka helaan firfircooni iyo fahamka oo u fududaada taasina waa mid kamida faa’ idadiisa ,sidoo kale maraqiisuna waxa uu daweeya xannuunno kala ah, madax xanuunka IWM.
Ugu danbayn kalluunku wuxuu i nooleeyey faa’ idooyin ballaadhan ee ka faa’ idaysta oo joogteeya cunnidiisa.