Guud ahaan buugaagta waxaa loo qaybin karaa kuwo ka hadlaya wax jira (Jiraal: Non-fiction) iyo kuwo male-awaal iyo sheeko-faneed ah (fiction). Qaybahan hoos ku xusan intooda badan lagama helo buugaagta male-awaalka/ sheeko-faneedka ah (fiction).
Marka aad buug qoraysid, ku dedaal qaybahan in aad qoristooda ku bilowdid bogga midigta xiga, xitaa haddii bidixda aysan waxba ku qornayn.
Cinwaan-dhiman: Half-title page
Bogga ugu horreeyaa waa cinwaanka buugga oo keli ah. Haddii cinwaanku dheer yahay, qaybta ugu muhimsan baa halkan lagu qoraa. Haddii uu cinwaan-yare la socdo, lama qoro. Magaca qoraaga halkan laguma qoro.
Bogga bidix badanaa waxba laguma qoro.
Cinwaan-dhan: Title page
Boggan waa in lagu qoraa cinwaanka buugga oo dhammaystiran. Magaca qoraaga, magaca tifaftiraha (haddii uu jiro), magaca turjumaha (haddii uu jiro), magaca madbacadda/ faafiyaha. Haddii uu buugga qayb ka yahay taxane, waa in lagu daraa. Waxaa kale oo la raaciyaa meeshii lagu daabacay iyo sannadka la daabacay.
Bogga bidix ee xiga waa bogga xuquuq-dhowrka (copyright page). Waxaa lagu qoraa cidda xuquuqda iska leh iyada oo la raacinayo astaanta ©. Sidaas oo kale waxaa la tilmaamaa sannadkii la daabacay, waxyaalaha akhristaha loo oggol yahay ama aan loo oggolayn (xuquuq ahaan), madbacadda, meeshii lagu daabacay, tirada caalamiga ah ee buugaagta lagu sunto (ISBN), tirada dabaacaadda waa in la muujiyaa (1aad, 2aad,…), iwm.
Hibeyn: Dedication
Waxaa dhacda in qoraagu buugga u hibeeyo cid uu aad u tixgelinayo oo naftiisa ku weyn. Waxa ay noqon karaan waalid, ehel, qaraabo, macallin, iwm.
Tusmo: Contents
Tusmada buuggu waxa ay muujisaa qaybaha iyo cutubyada uu buuggu ka kooban yahay. Haddii uusan buuggu ahayn ACADEMIC waa laga habboon yahay in aad loo faahfaahiyo tusmada. Inta badan akhristuhu xog ku filan waxa uu ka heli karaa cinwaanka cutubkta, oo ay tahay in aan la maldihin balse si cad loo qoro.
Ereyo la isku gaabiyey: Abbreviations
Haddii buugga ay ku badan yihiin ereyo la isku gaabiyey, waa in dhammaan ereyadaas bilowga buugga lagu ururiyaa oo mid walba la raaciyaa waxa uu u taagan yahay. Tusaale ahaan, buugaagta taariikhda Soomaaliya laga qoray qaarkood waxa aad ku arkaysaa CQS, XDS, GSK, iyo kuwo kale oo badan oo aan waxa ay u taagan yihiin la raacinnin. CQS: Ciidamada Qalabka Sida. XDS: Xoogga Dalka Soomaaliyeed. GSK: Golaha Sare ee Kacaanka.
Ereyada qeexitaanka u baahan ka eeg Erey-furka (Glossary).
Gogoldhig: Forward
Gogoldhigga waxaa qora qof aan qoraaga buugga ahayn, waxa ayna taageero iyo ammaan u tahay qoraalka. Inta badan waxaa qora qof caan ah oo la qadariyo, gaar ahaan mid mawduuca buuggu ka hadlayo khibrad iyo aqoon badan u leh.
Khasab ma aha in buugga la raaciyo Gogoldhig, marar badanna, run ahaantii looma baahna.
Arar/ Afeef: Preface
“Ama afeef hore yeelo ama adkaysi dambe.” Qoraagu halkan ayaa uu muujiyaa danta iyo ujeeddada iyo baaxadda qoraalka.
Mahadnaq/ Mahadcelin: Acknowledgements
Qof keligii buug soo saaraa ma jiro. Qoraa kastaa waxa uu taageero toos ah iyo mid dadbanba ka helaa dad badan. Waa lamahuraan in qoraagu tixgeliyo una mahadceliyo dadkii ku kaalmeeyey qoraalka. Haddii ay aad u kooban yihiin, waxaa gadaal lagaga dari karaa Ararta/ Afeefta.
Beryahan dambe waxaa dhacda in mahadnaqa gadaal lagu qoro. Laakiin xagga hore in lagu qoro ayaa maamuus ahaan ku habboon.
Hordhac: Introduction
Waa qaybta qoraalku ka bilowda ee buugga ugu horraysa. Bogga koowaad (1) ee buuggu waxa uu ka bilowdaa hordhaca.
Hordheh: Prologue
Qaybtan waxaa laga helaa buugaagta sheekooyinka, riwaayadaha, ama gabayada ah, waxa ayna ka dhigan tahay hordhac waxaana lagaga tilmaamayo dhacdo ka horraysa xogta buuggu xambaarsan yahay. Waxa ay gogolxaadh u tahay waxa ka dambeeya.
Mucda Buugga: Main Body
Qoraalka buugga qaybta ugu baaxadda weyn weeyaan, waxaana loo qaybiyaa cutubyo ama xubno. Haddii ay cutubyadaasi koox-koox isu raaci karaanna, koox walba waxaa laga dhigaa qayb isla socota. Ku dedaal in aad cutub kasta ku bilowdo bogga midigta ah.
Qoraal-hoosaad: Footnote
Haddii la rabo in faahfaahin dheeraad ah, oo aan badnayn, la raaciyo qayb ka mid ah qoraalka, amaba tixraac loo samaynayo waxaa la adeegsan karaa Qoraal-hoosaad (footnote) bogga qaybtiisa hoose lagu qoro oo wata tiro (1,2,3…) ama xaraf (b,t,j,x,…), ama summad (*, **, ***,…).
Gabaggabo/ Gebaggebo, Gunaanad: Conclusion
Waa soo-ururinta dulucda iyo biyodhaca xogtii buuggu xambaarsanaa. Qaybtan lagama helo buugaagta sheeko-faneedka ah.
Dibdheh: Epilogue
Qaybtani waxa ay la mid tahay gabaggabada, laakiin waxa ay raacdaa qoraal wata hordheh (prologue). Waxaana lagu soo qaataa xogo dheeraad ah oo intii hawsha buuggu dhammaatay, oo daabacaddu hadhsan tahay, soo kordhay.
Ladh: Appendix
Xog dheeraad ah, sida sawirro, shaxo, warbixinno, iyo wixii la mid ah, kuwaas oo taageeraya doodda qoraaga, ama xog dheeraad ah siinaya akhristaha, laakiin ay adkaatay in qoraalka toos loogu daro. Ladhka waxaa gadaal laga raaciyaa qoraalka. Sheeko-faneeddu ma yeelato ladh.
Qoraal-danbeed: Endnotes
Qoraal danbeedku (endnote) waa qoraal hoosaadkii oo kale, waa na ka baaxad weyn yahay, oo qoraalka ayuu gadaal ka raacsan yahay. Labo siyaaboodba waa loo raacin karaa: (1) in cutubka dhammaadkiisa la raaciyo, ama (2) in buugga dhammaadkiisa la raaciyo, oo ay cutubka u dambeeya ama Gabaggabada ku xigaan.
Tixraac: References
Ilo-xogeed uu qoraagu toos u soo xigtey, oo si hannaansan loo qoray–iyada oo la raacayo hababka APA, MLA, iwm.
Haddii buuggu leeyahay qoraal-danbeed (endnotes), halkaas ayaa la raacin karaa tixraaca, in gaar loo qorana looma baahna.
Raadraac: Bibliography
Ilo-xogeed uu qoraagu kaashaday laakiin uusan toos u soo xiganin, rabana inuu akhtistuhu ka sii kororsado aqoon dheeraad ah.
Haddii buuggu leeyahay qoraal-danbeed (endnotes), halkaas ayaa la raacin karaa raadraaca, in gaar loo qorana looma baahna.
Erey-fur: Glossary
Haddii ay buugga ku jiraan ereyo badan oo qeexitaan u baahan, ayna adag tahay in qoraalka dhexdiisa lagu wada qeexo, waxaa habboon in Erey-fur (Glossary) loo sameeyo oo gadaal laga raaciyo buugga.
Tuse: Index
Waa qaybta buugga ugu dambaysa waxa ayna ka kooban tahay ereyada muhiimka ah ee qoraalka ku jira iyo bogagga laga heli karo. Waxa ay akhristaha u fududaysaa helitaanka waxa uu u baahan yahay. Sheeko-faneeddu uma baahna tuse.
FG:
Waxa aan diyaarinayaa laba tusaale oo midna loogu talogalay qoraal jiraal ah, midna qoraal male-awaal/ sheeko-faneed ah. La socosho wacan.