Home / Abwaan / Beder (بدر الكبرى)

Beder (بدر الكبرى)

Dagaalkii Beder waxa uu dhacay 17 kii Ramadaan, sannadkii labaad ee hijrada. Waxa uu dhex maray Muslimiintii oo uu hoggaaminayey Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- iyo mushrikiintii Quraysheed oo uu hoggaaminayey Abuu Jahal. Waa dagaalkii ugu horreeyey ee ay si toos ah Muslimiintu u la galeen gaalada.

Goobta dagaalku ka dhacay ayaa lagu magacaabaa Beder, waxa ayna ku taallaa meel Madiinah u jirta ilaa 155 km. Waxa ay Makkah ka fog tahay 310 km.

Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- iyo saxaabadu markii ay Makkah ka hijroonayeen waxa ay ku baxeen qarsoodi. Qaar badanna hantidoodi waxaa kala wareegay mushrikiintii Quraysheed. Haddaba, Muslimiintu markii ay dawladdoodi Madiinah ka dhiseen, jihaadkiina loo ogolaaday, waxa ay bilaabeen in ay hantidii Quraysh ee Shaam ka imanaysay, Madiina meelo aan ka fogaynna mari jirtey, in ay qabsashadeeda isku dayaan. Dhawr mar ayaa ciidan tiradiisu kooban tahay loo diray in ay weeraraan, laakiin wax badan laga ma helin.

Sannadkii labaad ee hijrada kaddib, ayaa sirdoonkii Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- soo ogaadeen in ay jidka ku soo jirto hanti aad u badan oo ay Qurayshi leedahay; ilaa kun rati oo ganacsi nooc kasta leh ku raran oo Shaam ka yimid. Halkii baa lagu baxay si hantidii saxaabada ee Quraysh ku maqnayd magdhowgeedi loo helo. Saxaabadii baxday waxay ahaayeen ilaa 313 nin, dagaal weynna la isuma diyaarin oo afartan (40) nin ayaa xoolahaas waardiyeynayey.

Abuu Sufyaan (intii uusan islaamin) ayaa safarkaas madax ka ahaa, markii uu ka war helay in lagu soo socdo ayaa uu Makkah qaylodhaan u dirsaday. Intaa kuma uusan joogin e, jidkiisina waa uu beddelay oo meel aan laga filaynin ayaa uu ka baxay. Waxa uu ahaa nin aad u caqli badan.

Warkii markii uu Makkah gaadhay ayaa ay Quraysh is uruursatay iyada oo u arkaysay in ay tahay fursad ay Muslimiinta ku baabi’iyaan. Abuu Jahal oo nacaybka uu Muslimiinta u qabey aan la tilmaami karin ayaa soo kiciyey, hoggaanna u ahaa. Ilaa kun (1000) nin oo wata 200 oo faras ayaa soo dagaal tagtay. Halka ay Muslimiintu ka ahaayeen 313/314 nin, laba faras iyo 70 geel ah.

Qorshihii saxaabadu ku soo baxday ma ahayn dagaal weyn, iskaba daa mid ay la galaan ciidan ku saddex laabmaya e! Nebiguna- sallal Laahu calayhi wasallam- heshiiskii uu Ansaar la galay kuma aysan jirin in ay dagaal noocan ah galaan. Sidii Suubbanaha- sallal Laahu calayhi wasallam- caadada u ahayd, saxaabadii ayaa uu talo weydiiyey, waxaana la isku raacay in la dagaallamo. Halkii baa dagaal weyn la isu diyaariyey, oo ay labadii ciidan is hor fadhiisteen.

Habeenkii ka horreeyey roob lagu qaboowsadey ayaa da’ay, saxaabadiina hurdo ay ku nasteen baa lagu soo dejiyey sida ay xustay aayadda 11d ee suuradda al-Anfaal. Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- aad iyo aad ayaa uu Alle u baryey, guulna u weydiistay. Sida isla suuraddan ku xusanna waa laga aqbalay oo waxaa lagu kabay kun (1000) malag oo ka garab dagaallama.

Subixii ayaa labadii ciidan foodda isdareen. Dagaal culus ayaa meeshii ka dhacay. Intaana Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- duco iyo Alle bari ayaa uu ku jirey “Alloow haddii kooxdan yar la baa’biyo dhulka lagugu caabudi maayo…”, ilaa malaa’igtii oo uu Jibriil- calayhis salaam- hoggaaminayo ay yimaaddeen.

Dagaalkii waxa uu ku dhammaado guushii Muslimiintii tirada yarayd. Mushrikiintii 70 ayaa laga diley 70 kale na waa laga qafaashay. Odayaashii Quraysheed ee Muslimiinta nafta ku dhibay maalintaana la diley waxaa ka mid ahaa Abuu Jahal, Umayyah ibnu Khalaf iyo Cutbah ibnu Rabiicah. Dhanka Muslimiinta waxaa halkaa ku shahiiday 14 saxaabi. Waa maalinta xaqqii ka dulmaray baadilkii adduunka haystay. Waa maalinta Alle ku tilmaamay Yawmal Furqaan. Waa maalintii Muslimiintii la gumeysan jirey ay gacanta sare yeesheen, madaxdii Quraysheed ee silica badayna ay dhegta dhiigga u dareen. Waa maalintii Bilaal nafta ka jaray Ummayyah ibnu Khalaf. Saxaabadii tirada yaraa ee meelahaa lagu ciqaabi jirey, cidina aysan waxba iskaga tirin jirey, waxa ay noqdeen dawlad jirta oo laga haybaysto.

Saxaabadii dagaalkan ka qaybgalay waxa ay leeyihiin darajo iyo qaddarin gaar ah, oo ay dheer yihiin saxaabada intooda kale. Xadiis laga soo weriyey Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- waxaa ku jirtey in Alle ku yidhi

اعْمَلُوا مَا شِئْتُمْ فَقَدْ غَفَرْتُ لَكُمْ

Waxa aad doontaan sameeya, waa aan idiin dembi dhaafay e.

Alle ha ka raalli ahaado dhammaantood.


 

Dheeraad

Dagaalkii Beder: Sh. Mustafe X. Ismaaciil 1

Dagaalkii Beder: Sh. Mustafe X. Ismaaciil 2

Tafsiirka Suuradda al-Anfaal: Sh. Cumar Faaruuq 1

Tafsiirka Suuradda al-Anfaal: Sh. Cumar Faaruuq 2

Tafsiirka Suuradda al-Anfaal: Sh. Cumar Faaruuq 3

Tafsiirka Suuradda al-Anfaal: Sh. Cumar Faaruuq 4


Maxaa aad ku dari lahayd…?


 

Print Friendly

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *