Home / Tartan / Tartan-Curiseedka Aw Jaamac ee Taariikhda

Tartan-Curiseedka Aw Jaamac ee Taariikhda

tartanka-awjaamac

Waa Maxay?

OGEYSIIS: tartankii 2017ku waa uu xidhmay. Waa innoo 2018 oo la soo dhejin doono dhammaadka sannadkan (2017), haddii Alle idmo. 

Tartankan waxaa loogu magacdaray taariikhyahankii weynaa ee Aw Jaamac Cumar Ciise- Alle ha u naxariisto e-, oo geeriyooday 6dii Janaayo 2014. Waa tartan sannadle ah, waxaana lagu tartamayaa curis taariikhda Soomaalida ku saabsan. Ka qaybqaadashadu waxa ay u furan tahay dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed (<40) meel kasta oo ay joogaan.

Taariikh-nololeedka Aw Jamaac Cumar Ciise halkan ka akhriso.

Ujeeddooyinka

  1. Maamuusidda haldoorkeenna.
  2. Dhiirrigelinta barashada taariikhdeenna.
  3. Dhiirrigelinta adeegsiga afkeenna.
  4. Dhiirrigelinta in la qoro qoraallo tayo fiican leh.

Hagid iyo Hannaanka Soogudbinta

  1. Kasoo-qaybgale kastaa hal curis oo uu qoray ayaa uu soo gudbinayaa.
  2. Laba qof waa ay iska kaashan karaan qoritaanka hal curis.
  3. Curisku waa in uu u dhexeeyo 2000 ilaa 4000 oo erey oo ku saabsan mawduuca guud ee sannadka (eeg qodobka 5d).
  4. Curisku waa in uu gudbinayaa farriin waayo-aragnimo iyo aqoon laga qaadan karo oo ku saabsan mawduuca sannadka, sidii iyo intii ay doonto farriintaasi ha le’ekaato e.
  5. Qoraalku waa in uu dheellitiran yahay oo uusan hal dhinac oo keli ah wax ka eegin, qaab anshax wanaagsanna u qoran yahay.
  6. Mawduuca Sannadka 2017: Sayid Maxamed iyo Daraawiishtiisi.
  7. Curiska waa in la soo gudbiyo ugu dambayn Talaada, 31 ka Jannaayo 2017.
  8. Curiska waa in lagu soo diro: tartan@garanuug.com.
  9. Fadlan soo raaci: magacaaga oo saddexan, da’daada, magaalada iyo dalka aad ku sugan tahay, iyo telefoonkaaga.
  10. Kala-shaandhaynta hore ka dib, waxa aanu soo dhejinaynaa liiska gaaban (shortlist) 15 ka Febraayo 2017.
  11. Curisyada guuleysta kaalinta 1aad-3aad waxaa lagu dhawaaqayaa 28 ka Febraayo 2017.

Abaalmarin

  1. Curiska kaalinta koowaad gala waxaa lagu abaalmarinayaa $200.
  2. Kaalinta labaad waa $100.
  3. Kaalinta saddexaad waa $50.
  4. Curisyada kaalmaha koowaad ilaa shanaad waxaa mid-mid loogu faafinayaa bogga www.garanuug.com. Sidaas oo kale, iyaga oo wada socdana qaab “pdf” ah ayaa loo faafinayaa.

Xidhiidh

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh tartan@garanuug.com.

FG: curisyada naloo soo gudbiyo dhammaantood waa aanu kaydinayaa, waxaana suuragal ah in aanu u adeegsanno dano waxbarasho. Ka qaybqaadashada tartanku waxa ay ka dhigan tahay ogolaansho aad noo siisay adeegsiga curiska.


Liiska Gaaban (17 Feb 2017)

Tartan-curiskeedkii Aw Jaamac ee Taariikhda waxaa ka qayb qaatay 14 curis.

Kala-shaandhayntii hore ka dib, waxa aanu soo gudbinaynaa Liiska Gaaban (shortlist):

Waxa ay u kala horreeyaan sida xarfaha Alifba’da magaca qoraaga.

Cabdikariin Xuseen Cabdillaahi
Cabdullaahi Cabdi Muuse (Yamyam)
Cabdullaahi Cabdulkariim Saleebaan
Cumar Shaafi Yuusuf Axmed
Fadli Bashiir Diiriye
Maxamed Cabdicasiis Maxamed (Bootaan)
Maxamed Cabdullaahi Cartan


Guuleystayaashii 2017 (2 Maarso 2017)

Curisyada ku guuleystay saddexda kaalmood ee ugu horreeyaa waa:

Cabdikariin Xuseen Cabdillaahi (1aad)
Maxamed Cabdicasiis Maxamed (Bootaan) (2aad)
Maxamed Cabdullahi Cartan (3aad)

Waxaa shanta hore buuxiyey:
Cumar Shaafi Yuusuf Axmed (4aad)
Cabdullaahi Cabdi Muuse (Yamyam) (5aad)

Dhammaan waxa aan leennahay hambalyo. Guuleysta, dedaalkana sii wada.

Waxa aan aad ugu mahadnaqaynaa garsooreyaasha dedaalka badan ku bixiyey in ay kala saaraan qoraallada, oo kala ah:
Qoraa Axmed Ibraahim Cawaale
Sheekh Maxamed Idiris
Qoraa Maxamed Xirsi Cabdibashiir
Qoraa Idiris Maxamed Cali
Qoraa Maxamed Gaanni

Waxaa isna garsooreyaasha ka mid ahaa Qoraa Axmed Faarax Cali Idaajaa, oo isaga oo hawshii ku jira xanuusaday. Alle ha caafiyo. Aamiin. Waxaa isna mahadsan oo diyaarintii Liiska Gaaban ka qaybqaatay Cabduwahaab Cabduqaadir Saqa.

FG: Tartanka sannadka soo socdaa waxa uu qabsoomi doonaa bisha Janaayo, 2018, haddii Alle idmo. Mawduucuna waxa uu noqon doonaa dhammaan wixii la xidhiidha taariikhda Ummadda Soomaaliyeed iyo degaankooda. Hala sii diyaargaroobo.


Wax ka beddelid

6 Jan 2017: Laba qof waa ay iska kaashan karaan qoritaanka hal curis.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Kaalinta 2: Garta dhaqanka iyo garsoorka Soomaalida

Curiskii ku guuleystay kaalinta labaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Umadda Soomaaliyeed ...

Kaalinta 3: Hal ka mida hawlkarnimadii haweenkeenna

Curiskii ku guuleystay kaalinta saddexaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Hordhac Sinji aw ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *