Home / Af Soomaali / Maansayahankii Koowaad

Maansayahankii Koowaad

Haddii aad hadda ka hor is weydiisey su’aasha ah: waxa maanso la yiraahdo hor iyo horraan yaa bilaabay, sidee se ku bilaabatay? Waxaan kuu qiraayaa in aad martay waddo raadku ku yar yahay, welibana aad tahay qof arrimaha aan dul roorin ee hoos ugu dhaadhaca.

Sidoo kale waxa laga yaabaa in aad is weydiisey: waxa maanso la yiraahdaa maxay tahay, maxayse hadalka caadiga ah kaga duwan tahay?

Haddii aan isku dayo in aan ka jawaabo su’aasha dambe, maanso waxaa lagu qeexi karaa: waa soo noqnoqoshada hirar codeed oo is laa-le’eg.

Tusaale ahaan, haddii qof yiraahdo:

“Damalkaa tukaa fuushan” waa hadal ama tiraab. In ay maanso (tix) noqoto iyo inay hadalka ama tiraabnimada ku joogto waxay ku xiran tahay wixii lagu daro, oo haddii la yiraahdo:

Damalkaa tukaa fuushan – tukihii damalkii waa ka duulay. Waa hadal ee maanso ma aha. Waayo hirar-codeedkii koowaad la lama sii raacin ee bad hor leh ayaa la furay. Haddiise la yiraahdo sidatan:

Damalkaa tukaa fuushan – tukihiina waa duulay – mid kalaa ka daba ‘taw’ leh – damac baa ku yiri ‘tiigso’. Waxay noqonaysaa maanso. Waxaana yeelay, waxaa la la sii raacay hirar-codeedkii koowaad.

Waxaa jira arrimo kale oo maansada muhiim u ah oo uu ugu horreeyo xarafraacu (Qaafiyaddu). Hase ahaatee, la’aantood ayey maanso jiri kartaa, tusaalena waxa u ah jacburka.

Maansada waxaa loo baahan yahay marka ay qofka la soo gudboonaato arrin dareen kicis leh, oo maskaxdiisa kicin iyo xiismid gelisa. Arrintaas ayaa u baahata in si hadalka caadiga ah ka dareen taabasho weyn, kana qurux iyo xarrago badan loo sheego. Kaalintaas uu maansayahanku dareen sheegadkiisa kor ugu qaadayo ayey buuxisaa maansadu.

Maansadu – sida hadalka caadiga ah – waa miro maskaxeed. Laakiin, farqiga u dhexeeya labada ayaa ah in marka maskaxdu hadalka samaynayso aysan wax xakamaynayaa jirin. Meesha marka ay maansoonayso ay tahay in ay raacdo tubo qaydan.

Maansayahanka dabeecad ahaan is beddel baa ku dhaca marka uu maansoonayo, oo waxaa laga yaabaa in marka caadiga ah uu ahaa qof af gaaban oo dhawrsada, laakiin marka uu maansoodo uu la soo baxo dhiirranaan uu ama wax ku aflagaaddeeyo ama ba waxyaabo lagu la yaabi lahaa haddii uu hadal ahaan u yiraahdo uu maansada ku sheego, welibana aan dadku kula yaabin. Waxaana keenaya in ay dadku maansada ka aqbalaan wax aysan hadalka ka aqbaleen, iyaga laftigoodii ayaa maansayahanku duufsanayaa oo waxay gelayaan xaaladdii isagaba dhaqankiisa beddeshey.

Haddaan ku noqdo su’aashii ahayd qofkii ugu horreeyey oo maansooda, dabcan lama yaqaan, laakiin, waxaa dhab ah in uu jirey qof maansada bilaabay oo aan looga horrayn ama dad meelo kala duwan ka bilaabay iyagoo aan looga horrayn. Waxaa kaloo su’aashaani keeni kartaa midda ah: Yuu ahaa qofkii ugu horreeyey oo hadlay?. Kolleyba hadallada Aadanuhu waa laamo ka farcamay isku jirrid dabadeedna kala leexday, af walbaa na uu maansadiisa iyo qaabka ay yeelanayso ku keliyaystey. Marka aynu ka hadlayno bilaabashada maansada’na, laga ma wado in ay jirtey muddo dheer oo ay dadku hadal keliya yiqiinneen oo aysan maansoon jirin. Waxay tilmaantu ku mudan tahay oo aynnu farta ku fiiqeynaa waxa weeye: soohdinta u dhexeysa tix iyo tiraab iyo markii ugu horreysey oo laga tilaabay iyo qofkeedii.

Jiiftada tan hoose waxay isku deyeysaa in ay mala awaasho sababtii uu u maansooday qofkii ugu horreeyey ee aan cid uga horreysey kaga dayan. Sidoo kale, waxaa loogu tala galay in ay dadka ku baraarujiso in uu jirey qof maansada bilaabay, isla markaa na ay maamuus u noqoto dhaliyihii iyo dhalashadii maansadaba. Ogowna haddii ay jiiftadaan ka dhadhanto in maansadii koowaad nin tiriyey, taasi waa meesha hadalku maray ee waxaa dhici karta in qofkii ugu horreeyey ee maansoodaa uu ahaa qof dumar ah!

Falkin weeye maansadu
Iyo maan farsamadii
Maskax faarumayskeed
Marka ibaha foorora
Furihii ka siibtaan
Far-ku-doonka ereyada
Fulin kara ujeedkiyo
Fongoruhu is buuxshaan
Togag soo faruurmaan
Qarar soo fullaacaan
Fedda baxo khayaaligu
Furin aan xudduud jirin
Feker goostay dabarkii
Filashona cir weyn tahay
Dhul an lagu firshoon oon
Arag faylo raad dhiga
Dhirta faygu dheer yahay
Figta ugu sarraysiyo
Waa miro ku yaal fiin

Waxse iigu filan yaab
Ina faarshey madaxii
Maansaba ninkii furay
Falay dawga loo maro
Wuu iga fajiciyee
Fureheeda saw helay?
Ma cirkuu u foofoo
Malaa’iig faqaysoo
Sirta fayl ku sidatuu
Fareheeda kala baxay?

Felegyada wareegiyo
Xiddigaha fogaadee
Firirkoodu yaacee
Faahsada ilayskee
Fiidkii markey tahay
Ina fiirsanaayiyo
Cirirkiyo farraarraha
Ma farriin ka timiyoo
Fooruhu ku taabtaa?

Ma fad hoorrimaadiyo
Hanqar dhega-furaysiyo
Feegaarka biriqdee
Fanka loo saxiixiyo
Fikashada hillaaciyo
Faahfaaha waagiyo
Marka daahu feydmiyo
Qorrax foodda keentaa
Ugu laabtay faraqoo
Tiri “Hoo farshaxankoow”?

Mise fiinta heestiyo
Firimbiga gobyahankiyo
Shimbiraha fannaanka ah
Codadkooda fayllama
Fiiq-fiiqda kaymaha
Isu faanka laxammada
Xalladaha furdaanshaa
Fara saaray maankoo
La falgalay dareenkii ?
Mise wuxu ka fiirsaday
Ciyow fuushanaa laan ?

Mise farow didaayiyo
Faras gaahi rooriyo
Goray baalka fidiyiyo
Fadal rays la boodiyo
Fiitada ruxmaysiyo
Finfiniinka uduggee
Ubaxyada ka faaxiyo
Foorida cambuushaa
Tiri “yaabka fooshiyo
Xiisaha ka faallood” ?

Ma fallaar kagacal iyo
Firi laab ku dhalatiyo
Gabar liilan fiicnayd
Garbohoo fitaaxiyo
Dhexda weydey faayaal
Kala tahay fan iyo qaar
Qalbigeeda furan uu
Qarin waayey foolkii
Nin jacayl ku falayoo
Wadanaha fariistoo
Furka caashaq tuuraa ?!

Kolley fiirin-wacashiyo
Maansada fudayd iyo
Kaga dayo fulaan iyo
Hebel kale facaysiyo
Uma geynnin faanfaan
Arrin fara ka haaddiyo
Fal dareenka kiciyoo
Sida firo xagaayeed
Cirka lagu faruur xiray
Fanashada awaalkiyo
Fahmaduu ku sahan tegey
Iyo faas u daabnaa
Bal malee fariidoow!

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Kaalinta 2: Garta dhaqanka iyo garsoorka Soomaalida

Curiskii ku guuleystay kaalinta labaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Umadda Soomaaliyeed ...

Kaalinta 3: Hal ka mida hawlkarnimadii haweenkeenna

Curiskii ku guuleystay kaalinta saddexaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Hordhac Sinji aw ...

3 comments

  1. Siciid M. "Beegsi"

    Maxamed Aadan Ciiraale, runtii waxa yaab iyo amakaag leh weyddiimaha aad ka soo aroorisay (Hypotheses) ee aad is ka weyddiisay waxyaabihii keenay in maanso la curiyo iyo siyaalihii loo curiyey -Jiiftada dhexdeeda. Waa maanso fikir dheeraad ah iyo farshaxan halabuur oo heer sarreeya ku qotonta. Wax badan baad ii iftiimisay. Mahadsanid.

    • Siciid M. "Beegsi"

      Maxamed Aadan Ciiraale, runtii waxa yaab iyo amakaag leh weyddiimaha aad ka soo aroorisay (Hypotheses) ee aad is ka weyddiisay waxyaabihii keenay in maanso la curiyo iyo siyaalihii loo curiyey -Jiiftada dhexdeeda. Waa maanso fikir dheeraad ah iyo farshaxan halabuur oo heer sarreeya ku qotonta. Wax badan baad ii iftiimisay. Mahadsanid.

  2. Siciid M. "Beegsi"

    Maxamed Aadan Ciiraale, runtii waxa yaab iyo amakaag leh weyddiimaha aad ka soo aroorisay (Hypotheses) ee aad is ka weyddiisay waxyaabihii keenay in maanso la curiyo iyo siyaalihii loo curiyey -Jiiftada dhexdeeda. Waa maanso fikir dheeraad ah iyo farshaxan halabuur oo heer sarreeya ku qotonta. Wax badan baad ii iftiimisay. Mahadsanid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *