Godob Jaceyl iyo Gallad Eebbe

Waxaa wejigii Odayga ka muuqatay murugo. Waa kooyto ku cusub dalka Mareykanka. Wuxuu dul taagnaa gabadhiisa Suleeqo oo cisbitaal jiiftay. Qalab ka caawiyo neefsashada ayaa ku rakibnaa. Waxay dhakhaatiirtu yiraahdeen Suleeqo ma noolaaneyso haddii aan laga beddelin kelyaha. Qalliinka waxaa ku baxayo baa lagu yiri labo boqol oo kun oo doollar. Waxay sidoo kale u sheegeen in si ku-meel-gaar ah loo sifeyn doono kilyaheeda todobaadkiiba saddex jeer intay ka helayso kelyo cusub. Odaygii wuxuu eegay wiil dhallinyaro ahaa oo garab taagnaa.

“Anwarow waa inaan u soo qaaraamo,” ayuu yiri Odaygii. “Talo kale ma hayo.”

“Adeer yaa qaaraan ka gaaro hee?” ayuu yiri Anwar. “Anaa Suleeqo u bixinaayo hal kelli.”

Isjiidjiid yar ka dib, Odaygii wuu ku qancay taladii wiilkuu adeer labaadka u ahaa. Waraaqihii heshiiska ayuu Anwar u saxiixay cisbitaalka.  Saa Ikraan oo iyana qolka joogtay ayaa u timid Anwar.

“Ma illoowi doono asxaanka aad u sameysay abbaayadeey,” ayay tiri Ikraan. Waxay Ikraan aheyd ardayad dhigato sannadkii u dambeeyay ee jaamacadda.

“Suleeqo kulligeenay nala dhalatay,” ayuu yiri Anwar. “Laa shukran calal waajib.”

#     #      #

Waxaa ka soo wareegatay labo sano markuu Anwar galay qalliinkii kellida. Suleeqo way buksootay. Naaxday. Oo soo kabatay. Ikraanna way ka qalin-jebisay jaamacaddii.

Waxaa Anwar iyo Suleeqo ka dhex abuurmay jaceyl xididdaystay. Maalinkii boqol farriimood ayay taleefanka isugu diri jireen. Markuu shaqada helo fasax yar, wuxuu iyada ka wici jiray Viber. Wayna isugu bixi jirtay dhan walba. Sheeko. Kaftan. Haasaawe. Sir-isku-qarsasho. Hilowga iyo xiisaha ay isku qabeen waxaa ka maseeray facooda. Markii ay Sabtida suuqa soo aaddo, waxay Suleeqo soo mari jirtay kawaankii hilib xalaalka ee uu ka shaqeyn jiray — isaguna wuxuu u sii diyaarin jiray hilib dheylo ah iyo weliba kuus kulul oo xalwo-loos ahaa. Iyaduna waxay darmuus ugu soo qaadi jirtay shaah ay si qaas ah ugu karisay oo uu jeclaa. Hadduusan midba midka kale indhaha saarin, meel baa haawan jirtay.

Habeen habeennada ka mid ah ayuu isagoo shaqo ka soo baxay wacay Suleeqo.

“Atoore, warka keen!” ayay tiri gacalasadiisa.

“Naf ku soo jamataan ahee xaggee joogtaa?” ayuu yiri.

“Haddaanan joogin qalbigaaga dhexdiisa xaggee kaloon joogi lahaa?” ayay la soo boodday.

“Laakiin waxaa hadda kuu soo xiisay waa xubnahaygoo dhan: qalbi lagu daray indho lagu daray dhego,” ayuu yiri. “Abuu Jaceyl haddaad noqotid Abuu Maharsade lee noqonee!”

“Hahaha, gurigaan joogaa,” ayay tiri. “Horta caawo waxaan caawinaa xafiiska jaalliyadda. Hadda waan sii baxaayay. Laakiin iska imow guriga gurigaaga waaye. Ikraan iyo Aabbaa joogo.”

“Baraf xunaa da’aayee!” ayuu yiri Anwar. “Ha bixin anaa ku qaadaayo. Toban daqiiqo lee i sug.”

“Meel fog ma u socdi,” ayay tiri. “Wallaahi waa iga naxee. Allaha ku daayo.”

“Haye hee waa inoo mar kale,” ayuu yiri. “Horta beri waa Sabti ee suuqa soo ma imaaneysid?”

“Alla ma kuu sheegin miyaa?!” ayay tiri. “Dhaqtarkii aabbe wuxuu dhahay hilibka guduudan yaree. Aabbana ma jeclo mallaayga iyo doorada. Miskiin wallaahi. Mareykanka cunaqabateyn badanaa!”

Anwar qosol ayaa ka soo fakaday. Sidoo kalena jawaabahaan ay Suleeqo bixisay waxay qalbigiisa ku noqdeen sidii bisbaas lagu bilbilay boog dhiigayso.

“Dhib ma leh,” ayuu ku yiri cod aan farxad laheyn.

“Haye aboowe,” ayay tiri. “Noolow.”

#     #     #

Dhowr habeen oo isku xigay ayuu Anwar soo wacay Suleeqo. Wayse ka cudurdaaratay la kulankiisa. Farriimo taxane ah markuu u diro wuxuu jawaab heli jiray labo ama saddex cisho ka dib. Viber markuu ka waco waxay yareysay inay ka qabato. Shaki billaaw ah ayaa galay Anwar. Wuxuu soo gocday aqalkii arooska ee uu si qarsoodi ah u sii ijaartay bil ka hor. Alaab badan oo dookheeda ah ayuuna tartiib tartiib u soo dhigayay. Daahyo. Fadhi. Maacuun. Waxaa u dhinneyd sariirtii — iyadana wuxuu u ururinayay lacag. Waxaa Anwar u qorsheysnayd inuu gacaladiisa kaga faraxsado maalinka uu guursanayo. Beryahankse wuu joojiyay inuu alaab cusub soo gado markuu arkay cago-jiidka Suleeqo.

Suleeqo aabbaheed dusha kore wuu ka ogaa xiriirkooda, balse si hoose ugama uusan warqabin heerka uu marayo xiriirka Suleeqo iyo Anwar — iyo inay xitaa si dhab ah isu rabeen. Ikraanse si hoose ayay ula socotay sheekadooda. Misana wax fikrad iyo faaqidaad ah toona kuma aysan darsan jirin xiriirka Anwar iyo walaasheed. Hayeeshee beryahakan Ikraan qudheeda dareen ayaa galay. Waxayna u timid Suleeqo oo maqribkii dhex joogtay qolkii fadhiga. Waxaa derbiga qolka surnaa sawirro kala duwan. Sawirkii ugu dambeeyay ee la suray wuxuu ahaa sawir laga qaaday Ikraan oo farxad la dhoollacaddeynayso maalinkii ay jaamacadda ka qalin-jebisay.

“Abbaayo ma jecli inaan afaarahaaga galo,” ayay tiri Ikraan. “Laakiin hal su’aal ma ku weydiin karaa?”

Suleeqo way muusootay, oo tiri: “Abbaayadeey iga yar. Waa ogtahay wax ma kala qarsannee i weyddii su’aasha. Maxaa waayena?”

Ikraan waxay tiri, “Abbaayooy waxaad mooddaa inaad maalmahaan liifadda u gaabisay Anwar.”

Suleeqo way qososhay. “Maxaad ku keentay hadalkaas?” ayay tiri.

“Mayee sharqantiisaa yaraatay,” ayay tiri Ikraan. “Maalin dhexdaasna anigoo suuqa ka soo adeegaayuu igu dhahay Suleeqo salaan iga gaarsii. Waxaan isdhahay ani maaba labadiinna salaan idiin kala qaadaayo.”

Suleeqo waxay iska raadisay qosol — oo tiri: “Wallaahi dareenleey aad tahay Ikraan—bilaash jaamiciyadda reerka laguuma dhihin.”

“Hee taas ma iyadaa jaamacad u baahan waaba iska caddahee?” ayay tiri Ikraan.

“Fiiri abbaayo,” ayay tiri Suleeqo, “Anwar waa wiil fiican, laakiin xoogaa waa old school camal nooh…dhoorroos calaashaan.”

Ikraan inta indhaha isku yuruuricisay ayay tiri, “Sidee camal? Ii jilciba.”

“Hee adigaba waa aragtaayee,” ayay tiri Suleeqo. “Xoogaa wuxuu ka dhacsan yahay nolosha casriga ah. Hal Ingiriis ah ma kasaayo; kawaan iyo hilib ayuu ka shaqeeyaa; labbiskiisa ma jiro; quruxdiisaba ma muuqato. Isaga dhan ma nuuraayo.”

Ikraan intay afka maroojisay bay tiri: “Aaway hee ballankiinna? Saddex bilood ka hor adi lee ma igu dhihinoo Anwar waxaan ku heshiinnay meher?”

“Horta ani ma xumeenaayi Anwar,” ayay tiri Suleeqo. “Laakiin dookhayga ma ahan. Taasna ceeb ma ahan.”

“Hadalkaas waa wedka axdigiinna,” ayay tiri Ikraan. “Waana godob jaceyl.”

“Ikraaneey adi gabar yar lee tahee jaceyl iyo afaarihiisa goormaa baratay?” ayay la soo boodday Suleeqo. “Dadku waa isbartaan, waana kala tagaan. Kolleeba adi waan ku ogahoo jaamiciyad baa tahay — mana ku qanceesid qof aan jaamici aheenba. Hahaha.”

“Waa jaamici qof ma loo jeclaado,” ayay tiri Ikraan “—ee waxaa dheef leh qof bin’aadnimo yaqaano. Ma hilmaantay soo adi dhihi jiray Anwar waa wiil waxgarad ah? Waa wiil baahidaada garanaayo? Teeda kale, meeqo jeer uu hiil iyo hoo kula garabtaagnaa? Meeqa jeer uu waqti kuu huray?”

Suleeqo waxay fiirisay taleefankeeda iyo farriin u soo dhacday. Waxaa u soo qormay magaca Fanax. Iyadoo qosleyso ayay Fanax u boobsiisay jawaab, una raacisay sawir guduudan oo wadne ahaa. Saa iyadoo weli ku sii foorarta taleefankeeda ayay tiri, “Ikraaneey ma xasuusataa qisadii Nebi Yuusuf iyo haweentii haweenka ku dhahday ha igu eedaynina inaan jeclaado Yuusuf? Anna maanta waxay iga tahay, ha igu eedaynin dookhayga.”

Ikraan labo fiilo ayaa istaabatay. “Aaway hee axdigii Anwar? Bal ii sheeg goormay ku kasaayeen nimankaan?” ayay cod dheer ku tiri. “Adoo qabri u sii socdo soo Anwar ma kuu soo gurman? Marka abbaayadiis caqli aan kugu ogaa ee ha noqon indho-ku-garaadle.”

Suleeqo way carootay. Oo si buuxda ugu soo jeesatay dhankii Ikraan.

“Abbaayooy xaasidnimo may kaa tahay?” ayay tiri Suleeqo. “Adi xitaa wiilal jaamiciyiin oo shaxshax ah baad isku rabtaaye maxaa ani hoos iigu dhigee? Anwar weligiis xitaa fiyoore ma ii keenin. Haddaad run sheegeysid waa kaasee adigaba guurso nin casriga ka danbeeyo sidii Anwar.”

Ikraan way dhoolla-caddeysay.  Afkeedana xiratay. Waxay u kacday dhankii jikada.  

Suleeqo waxaa u soo dhacday farriin kale. Way eegtay. Waxaa soo diray Fanax.

Ikraan waxay jikadii kala soo noqotay labo koob oo cabitaan qasan ahaa. Mid bay u dhiibtay Suleeqo. Da’ ahaan waxaa labadooda u dhaxeysay lix sano.

“Ikraaneey weli kow-iyo-labaatan jirlee tahay,” ayay tiri Suleeqo. “Arrinkaan ma fahmi kartid.  Bal Aabbo casho sii hadhow. Ani waxaa layga sugaa xaflad. Waxaa isku imaanaayo waaweynka ay magaaladaan u shidan tahay. Fanax aabbihiisaana kow ka ah.”

#      #      #

Anwar wuxuu in muddo ah magan u noqday xiriir ku saleysan marmarsiinyo iyo meermeerin. In muddo ah indho ma’uusan saarin Suleeqo. Dhowr jeer ayuu damcay inuu wareysto oo kala xisaabtamo qaabka ay u dhaqmeysay. Hayeeshee mashquul ayay sheegatay. Isagana wuu haleeli waayay inuu ka kor yimaado iyadoo guriga joogto. Oo shaqadiisa ayaa waxaa loogu kordhiyay saacadihii shaqaale kale oo safar aaday.

Anwar waxaa lagaa waayay nashaadkii iyo bashaashnimadii looga bartay. Markii la weydiiyo waxa ku dhacayna wuxuu ku marmarsiyoonayay in uu ku daalay shaqada. Iyadoo xaalku sidaa yahay ayay Suleeqo soo wacday habeen isagoo shaqada ku jiro. Waxay u sheegtay inay u heyso farriin muhiim ah—gurigana ugu yimaado. Anwar oo farxad la dhoollacaddeynayaa talefoonkii dhigay. Makiinaddii uu hilibka ku jarjarayay inta durbadiiba demiyay, oo nadiifiyay—isagana is nadiifiyay—ayuu shaqadii ka soo baxsaday xilli hore. Wuxuu u degdegay halkuu qalbigiisu jiray.

Saacad gudaheedna wuxuu la joogay Suleeqo. Fadhiga ayay fadhisay. Waxay gacanta ku heysatay teleefan i-Phone oo uu haddiyad ahaan ugu soo gaday. Intay kacday ayay u soo shubtay shaahii uu jeclaa oo ay horay ugu sii karisay.

“Anwarow beryahan waa la kala mashquulay,” ayay tiri. “Aboowgeey ani wanaag badan ayaan kuu hayaa. Xiriir fiican ayaana naga dhex dhashtay.”

Anwar oo hadalkeeda xiiseynayaa la soo booday: “Maya runtaa waaye. Xiriirkaaga waa xididkii nolosheyda. La’aantaa waxaa noqonaa sidii mallaay bannaanka loo soo gamay.”

Suleeqo il naxariis leh ayay ku eegtay Anwar. Isagiina wuxuu kabbaday shaahii dhirta iyo sokorta lahaa.

“Aboowihiis,” ayay tiri, “horta ha nixin. Waan hubaa inaad tahay wiil sharaf iyo karti leh.  Laakiin….een ani…ani…aniga wiil kalaan is fahannay.”

Anwar calooshaa ismajiirtay. Afkiina kala tegay. Shaahii macaanaa wuxuu ugu dhadhamay qaraar; hadalkeedana wuxuu ka siibay farxaddii. Koobkii ayuu miiska si aayar ah u dul saaray.

“Ani ma jecli in xaalku sidaan noqdo,” ayay tiri Suleeqo oo hoos fiirinayso. “Laakiin dookh maa la xukumi karaa?”

Anwar hadalkii baa ku dhegay. Waxaa ka tan badiyay oo hal mar dhuunta u soo istaagay xiriir iyo jaceyl labo sano jirsaday — wuuna awoodi waayay inuu labo daqiiqo ku garnaqsado.

“Neynaastisa Fanax waaye,” ayay tiri. “Wuxuu iga soo doonaa Aabbe. Marka Anwarow qalbiga ii fur. Walaalkeey ii noqo.”

Anwar inta wejiga kaduudiyay ayuu jawaab la’aan illinkii xawli uga baxay.

“Dhoorroos,” ayay cod hoose ku tiri iyadoo weli hoos eegayso. Saa intay muusootay ayay tiri, “Xitaa muu hambalyo lee iska dhaho!”

Anwar gurigiisii ayuu tegay. Iskuna dul tuuray sariirtiisa. Sidii qof ceegi lagu dhegay ayay neefsashadu ku adkaatay. Illin kulul ayaa ka soo hoobatay. Ma nuuxsan. Sidii loox meel lagu tiiriyay ayuu sariirta dul warnaa. Reerkiisa keligiisa ayaa Mareykanka ka yimid. Waalidkiisa iyo walaalihiisa waxay ku jireen xero qaxooti oo ku taallay Yemen.  

Isagoo isciilkaambinaya ayuu saacad ka dib mar qura wuxuu soo xasuustay ducadii ay akhrisatay saxaabiyaddii Ummu Salama ka dib markuu ka geeriyooday saygii ay jeclayd. Anwar inta kor u soo hinqaday ayuu soo weyso qaatay — labo rakcana tukaday. Ducadii ayuu isagoo ay ilmadu ka dareerayso akhristay.

#      #     #

Bil ayaa ka soo wareegtay kala taggii Anwar iyo Suleeqo. Shaqadiisii ayuu iska sii watay. Cagta wuu ka yareeyay gurigii Suleeqo. Odaygii adeerkiis ahaana waxay aalaaba ku kala warqaadan jireen masjidka. Saa maalin ay isla tukadeen salaaddii maqrib ayuu Odaygii la faqay Anwar. Wuxuu u sheegay in la soo doonayo Suleeqo — kana codsaday in Anwar uu ka soo qeyb-galo kulanka lagu bixinayo Suleeqo. Anwar hadal kuma uusan soo celin adeerkiisa. Kulankii wuxuu dhacay todobaad ka dib. Waxaana laysku afgartay in Suleeqo lagu meheriyo Fanax. Intii lagu jiray kulanka, Anwar wuxuu laabta ka dareemayay ciriiri. Markii ragga loo keenay macmacaan yar iyo cabitaan ayuu Anwar u soo dhuuntay bannaanka. Sidii qof bahal soo ceyrsaday ayuu hinraagayay. Jilbuhuu qabsaday, afkana ka neefsanayay.

Ikraan oo kor kala socotay ayaa soo garab istaagtay Anwar.

“Anwarow samir,” ayay tiri. “Samir.”

Indhihiisu way guduuteen—calyadana liqi waayay. Il-biriqsiyo ayaa hadalka ka soo bixi waayay. Faruuryahana ka dubaaxaynayay.

“Anwarow,” ayay tiri Ikraan, “hal su’aal iiga jawaab.”

“Oo ah?” ayuu yiri isagoo iyada ku eegayo indho qoyan.

“Hadduu meherkaan ahaan lahaa midkaaga, meeqaa Suleeqo meher uga dhigi laheyd?”

Inta ka jeestay Ikraan ayuu iska aamusay.

“Fadlan ii jawaab,” ayay tiri.

“Lacag maa qiimo leh?” ayuu cod nuxuus leh ku yiri. “Jaceyl dartiis waxaan u baxshay qeyb jirkayga ka mid ah. Haddiise aad i dhaheysid wax lee iska sheeg, wixii afkeeda soo maro aan meher uga dhigi lahaa.”

“Samir, Anwarow, samir,” ayay tiri Ikraan. “Kheyr lee cuslaado.”

#     #     #

Waxay aheyd duhur. Baraf faro badanna wuu da’ayay. Hoolka meherkii Suleeqo wuu cammirnaa. Waxaa wada fadhiyay odayaal ka kala socday Fanax iyo Suleeqo. Sidoo kalena Ehel. Qaraabo. Deris. Saaxiibbo. Iyo ummad kale oo wada labbisan. Waa loo dhammaa. Waxaa billaabatay xafladdii meherka.  

Wadaadkii waxa uu gacanta gacanta u geliyay wiilkii soo doonay Suleeqo. Anwar indhaha ayuu hoos u rogtay. Wuu daawan waayay. Meel uu u baxsan karayna uma muuqan. Waxaa dhegihiisa ku soo dhacay wadaadkii oo leh, “Qabbiltu dheh.” Markaasuu Fanax oo faraxsan yiri, “Qabbiltu.” Dumarkii ayaa alalaaso ku dhuftay. Anwarna nabar ayaa wadnaha ku dhuftay. Waxa uu wadaadkii damcay inuu khudbeeyo, oo duceeyo. Hayeeshee Odaygii dhalay Suleeqo ayaa dafay cod-baahiyihii.

“Een sheekhow ducada way inoo danbeynaysaa,” ayuu yiri isagoo muusoonayo. “Laakiin waxaan rabaa in aan maanta farxadda badsado.”

Anwar waxa uu kor u soo qaaday madaxa. Indhihiisu way qoyanaayeen. Wadaadkii, Fanax, odayaashii, iyo martidii kaleba waxa ay ku dhaygageen Odayga—dhowrayeenna warka uu soo wado.

“Waa ii farxad maanta inaan Suleeqo guri la yaqaan ku hubsaday,” ayuu yiri Odaygii. “Sidoo kalena ducada ka hor waxaan rabaa inaan ka faa’iideysto markhaatiga Muslimiinta ah ee maanta nala joogo.  Oo aan farxadda is raacsado—labo jeerna ciido.”

Markuu Odaygii intaa yiri ayaa waxaa hoolkii weynaa ee meherka soo galay rag toboneeyo ahaa oo gacmaha ku siday cunno iyo hilib karsan iyo cabitaan iyo faro-tirtir.  Waxa ay cunnadii dul saareen miis bannaanaa.

“Raggaan aad arkaysaan ee cunnada sida,” ayuu yiri Odaygii oo faraxsan, “waxay ka socdaan wiilka aan adeerka u ahay ee Anwar. Waa kaas geeska fadhiyo. Anwarow, adeer istaag ha lagu arkee.”

Anwar wuu yaabay. Meel laga soo galayna garan waayay. Isagoo cago-jiid ah ayuu kor u istaagay.  Dhankiisa ayay dadkii soo wada eegeen.

Odaygii wuxuu gacanta ku soo dhegay Anwar. “Wadaad,” ayuu yiri Odaygii oo soo jiidanaya Anwar, “wiilkan aniga ayaa adeer u ah.  Oo booskii aabbihiisa u joogo. Waxaan siiyay gabadheyda Ikraan. Meherkeeduna waa shan kun.  Ku mehri.” 

Anwar indho-taag ayaa ka soo haray.  Filan-waa.  Oo isyiri tolow waad riyooneysaa. Nashaad iyo farxad ayuu hal mar la ifay. Meeshii ayaa isagana looga yeersiiyay “Qabbiltu.” Alalaase labaad ayay dumarkii ku dhufteen. Anwarna nabar ayaa ka fuqay. Fanax inta soo booday ayuu hab siiyay Anwar, una tahniyadeeyay. Wadaadkii wuu duceeyay. Qadadii ka dibna waa la kala dareeray.

#     #     #

Fiidnamadii habeennimo ayay Anwar iyo Ikraan fursad isku heleen. Waxay dhex joogeen gurigii uu Anwar u gogladay arooskii Suleeqo. Sariir ma oollin. Isaga iyo Ikraan waxay ku dul sheekeysanayeen kuraastii fadhiga. Qorshahooda wuxuu ahaa inay u soo guuraan gurigan markii la soo dhigo alaabta intii harsaneyd. Tallaagadda waxaa ku jirtay cunno fudud oo uu dhowr cisho ka hor soo gaday Anwar.

“Ikraaneey see sameysay?” ayuu yiri Anwar oo yaabban. “Filinkee ku akhrisay aabbahaa? See ku ogaatay inaan oggolaanaayo meherkaaga? Maxaase igu dooratay anoo toban sano kaa weyn—oo cilmi iyo maalna eber ka ah?!”

Ikraan way muusootay. Doolsho saxan u saarnaa ayay cad afka u gelisay Anwar.

“Horta midda ah filinkee aabbahaa ku akhrisay,” ayay tiri Ikraan, “taas sir waaye. Gabar iyo aabbaheed wixii dhexmaray iyagay ku ekaanee. Midda ah see ku ogaatay inaad aqbali laheyd meherka, Anwarow indhahaaga lee ka akhristay. Galab adoo qolka fadhiga joogo oo Suleeqo sugaayo aan ku arkay adoo cabbaar ku sii jeedo sawirkayga qalin-jebinta ee surnaa derbiga. Sidoo kale habeen aan kuu dirsaday kaniini madax xanuun baa dukaamadii lagaa hor xiray. Ka bacdina waxaad aadday dukaan fog iyadoo baraf xun uu da’aayay. Waxaas oo dhanba iska dhaaf. Weligey ma illoowaayi hadal ay Suleeqo ii sheegtay. Waxaana ku dhahday ninkii Ikraan soo doono waxaa taariikhdiisa u soo baaree sidii qof Mareykanka fiiso ka codsaday si aan Ikraan been loogu sheegin. Hee wiil farahaas laga haayo maya ma dhahaana?”

Anwar wuu qoslay. “Cajiib!” ayuu yiri. “Fahan fogidaa!”

“Ka socee,” ayay tiri Ikraan oo muusooneysa. “Midda ah maxaa ani igu dooratay, bal saddex qodob iga dhageyso.”

“Oo ah?” ayuu yiri Anwar oo qajilay.

“Kooweey kow, nafteyda aan kula jeclaystay,” ayay tiri Ikraan. “Waxaa tahay wiil leh bin’aadnimo. Intii aan jaamacadda dhiganaayay waxaan akhriyay buugaag ay qoreen falsafadlayaal iyo khuburrada cilmi-nafsiga. Waxay ka doodaayeen su’aasha ah yaa bin’aadnimo leh. Adi Anwar ah waxaad leedahay sifooyin badan oo ay buugaagtaas dhaheen waa dhaqamada fiican ee qarnigan dadka laga waayay. Waxaana ka mid ah in qofku iskiisa isku diro oo aan la dirsan. Nimanka Soomaaliyeed — jaamicigooda iyo geel-jirahoodaba — waxay u bateen kuwo la diro, balse aan iyagu isdirin. Mid qabiil lee diraayo. Mid koox-diimeedaa dirayso. Mid siyaasi-xume lee ku adeeganaayo. Way yar yihiin rag iyo dumar iskooda isku diro, oo si madaxbannaani ah u noolaado — umadda Ilaahayna u adeego. Markii ay Suleeqo kellida u baahatay, Aabbe qaaraanuu xal ka doonay. Adina meel ka dhowaad xal ka keentay — iyadoon weliba nafarna ku dirsanin.”

Anwar wuxuu Ikraan ku eegayay indho xubbi iyo xiiso la kaahayay.

“Warba adaa hayo,” ayuu yiri. “Haye, jaamiciyadda: qodobka labaadna bal i taabsii.”

“Xisaab ma kaa lumeyso miyaa adi?” ayay tiri. “Midda labaad waa abaal aan kaaga hayo asxaankii aad u sameysay Suleeqo markii ay cisbitaalka ku jirtay. Nolosheeda inay badbaaddo aduu Ilaah sabab kaaga dhigay.”

“Waxaas wax weyn ma ahee,” ayuu la soo booday Anwar. “Suleeqo waa walaasheey.”

“Tan saddexaad,” ayay tiri Ikraan, “ma ogtahay aabbaheey wuxuu kuu jecel yahay sidii wiil uu dhalay oo kale? Waana ku kalsoonahay garashada aabbaheey — oo qof aan ii qalmin ma ii quuri laheyn.”

Anwar hadalkii ayaa ku xirmay. Farxad. Reyreyn. Maqsuud. Ikraan inta kacday ayay u dhaqaaqday dhankii jikada. Waxay celisay alaabtii ay ku cuneen macmacaankii. Waxay la soo noqotay labo koob oo caano qabow ku jireen. Mid bay isaga u dhiibtay.

“Anwarow midda ah da’da iyo cilmiga,” ayay tiri Ikraan, “horta ogow toban sano ceeb ma ahan. Aabbaheey waa dhali karay hooyadeey Alle yaa raxmah.”

Waxaa soo dhacay taleefankii Anwar ee gacanta. Isagoon eegin ayuu codkii aamusiyay.

“Tan cilmigaa kuu soo hartay,” ayay tiri Ikraan, “hadda ka bacdi anaa reerka u soo shaqeynaayo. Lacag fiican aan ka sameeyaa shaqada cisbitaalka. Adi horta mindiyaha dhig. Qalinka qaad. Waxbarasho billaaw. Ballanteena waa shan sano ka bacdi iyo adoo shahaado wato. Maxay kula tahay?”

Anwar oo aan jawaabin ayaa koobkii caanaha ahaa miiska dul saaray. Wuu kacay. Inta soo weyso-qaatay ayuu salli fidsaday, qibladana u jeestay.  Salaatul shukri ayuu xirtay. Markuu salaama naqsaday ayuu xaaskiisa Ikraan ku eegay indho jaceyl. Wuu u muusooday.

“Tanoo kale,” ayuu yiri, “gallad Eebbe waaye.”

~Dhammaad~

Qore: Cabdullaahi Janno

Facebook.com/Cabdullaahijanno

Email: Claahijanno@gmail.com

 

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Silsiladdii Xaydha: 6 (Dhammaad)

Sidii aan qormadii koowaad kusoo xusay, far Soomaalida iyo af Soomaaliga oo in badan kala …

Silsiladda Xaydha 5

Halqabsi ayaa hadal meceeya e, waxa la yidhi beri hore ayaa islaan baa inanteedii curad …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *