Ka bilow siday u soo kala horreeyaan: 1. Inj. Axmed Xuseen, 2. Aqoonyahan Cali Cumar, 3. Qoraa Faarax Maxamed Jaamac Cawl (Faarax Cadde), Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Xigasho: Cabdiqani Xasan, Sakariye Faysal.

Faarax Maxamed Jaamac Cawl

Faarax Maxamed Jaamac “Cawl” waa qoraa Soomaaliyeed oo caan ah, kuna dhashay degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag, taariikhdu markii ay ahayd 1937 kii.

Waxbarashada dugsiyada hoose waxa uu kusoo qaatay magaalada Cadan ee dalka Yaman. Sannadkii 1952 kii ayaa uu Hargeysa ku soo noqday, halkaas oo uu ka galay dugsiga farsamada gacanta ee ‘Hargeysa Trade School’. Kaddib waxa uu waxbarasho sare u aadey dalka Ingiriiska, halkaas oo uu magaalada London (Landhan) ka galay ‘Chelsea School College of Aeronautical and Automobile Engineering’ (1959-62). Ingiriiska waxa uu ku tagey deeq waxbarasho oo gumeytihii siiyey. Waxaa la sheegay in deeqdaas hal sano dib looga dhigay ganaax ahaan, kaddib markii uu ka qaybqaatay riwaayad gumeysiga lagaga soo horjeeday.

Sida uu sheegay qoraa Ismaaciil Cali Ismaaciil (Geeldoon) mar uu ka faalloonayey, Faarax markii uu London tagey cuntadii baa dhib badani ka qabsatay. Waxa uu ahaa nin dhaqankiisa aad ugu adag, oo aan waxyaalo badan afkiisa u quudhin. Ukuntii iyo digaaggii meesha uu deggan yahay laga cunayey waa lagu kari waayey! Dhaqankii Soomaaliyeed ee degaanka uu ka yimid waxa uu ahaa in kelyaha iyo wadnuhu ay yihiin cunto dumar, sidaas awgeed, mar quraac kelyo ah loo keenayna waa uu diiday! Faarax iyo haweenaydii meeshaas cuntada ka karinaysay waa ay isku dhibtoodeen. Markii ay aragtay in uusan waxba cunaynin ayaa ay is tidhi cunto gaar ah u samee, oo ay kalluun iyo qudaar u diyaarisay. Faarax taasna ma cunin, in kasta oo uu buuggiisa ugu horreeya ku ammaanayo cunidda kalluunka oo uu si fiican u tilmaamayo faa’iidada uu leeyahay. Waxaa laga yaabaa in isbeddelkaasi mar dambe ku yimid.

Markii uu ka soo laabtay waxbarashadii dibadda, waxaa uu noqday bare farsamada dhiga (technical instructor). Sannadkii 1964 kii ayaa uu ku biiray Xoogga Nabadsugidda Soomaaliyeed (Somali Police Force), waxa uuna ka gaadhay darajada Kornaylka. Faarax waxaa masuul looga dhigay laanta gaadiidka. Halkaa waxa uu uga sii gudbey Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Gaadiidka Qaranka o loo dhiibay sannadkii 1979 kii.

Faarax waxa uu 1974 kii qoray buugga ‘Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl, kaas oo ahaa sheeko-faneedkii ugu horraysay ee far Soomaali lagu qoro, maxaa yeelay qoraalka waxaa la hirgeliyey 1973 kii. Buuggu waxa uu ku salaysan yahay sheeko jacayl oo dhab ah, taas oo dhex martay nin la dhihi jirey Calimaax iyo gabadha Cawrala. Labadaba waxa ay isku degaan ahaayeen qoraaga.

Waxaa kale oo uu qoray Garbaduubkii Gumeysiga oo Muqdisho lagu daabacay 1978 kii. Sannadkii 1989 kiina waxa uu soo saaray buugga Dhibbanaha aan Dhalan.

Markii uu dagaalkii sokeeye qarxay 1991 kii ayaa Faarax iyo dhawr qof oo ehelkiisi ka tirsanaa la dilay.


CODSI: Fadlan haddii aad qoraaga sawirkiisa meel ku ogtahay nala wadaag.

Xigasho

Dhibbanaha Aan Dhalan, 1989, Faarax M J Cawl.

Ignorance is the Enemy of Love Paperback – October, 2012,Faarax M J Cawl (Author), Robert Shoolcraft (Illustrator), B. W. Andrzejewski (Translator).

Ignorance is the Enemy of Love: A Book Review, March 2013,Ismail Ali ismail (Geeldoon),

http://www.wardheernews.com/ignorance-is-the-enemy-of-love-a-book-review/

 

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 11

WELWELKII IYO WALBAHAARKII CAWRALA Waxaa welwel, walbahaar iyo walaac Cawrala geliyey heestii cirsan-ka-yeerka, khaas ahaan …

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 10

Haddaba, in kastoo gabartii ka carartay Calimaax aragtidiisii horee, waxay ahayd qof waracad ah oo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *