Home / Buug / Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 12

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 12

AROOSKII CAWRALA LOO AROOSAY GEELLE

Markii lagu heshiiyey wixii ka dhacayaa ha ka dhaceene, in Cawrala garbaduub loogu dhiso Geelle Geelbadane, ayaa isla mar ahaantiiba waxaa degdeg loo bilaabay qabanqaabintii arooska, iyadiina waxaa loo qaybshey oo la dul dhigay dad ilaaliya si aanay u baxsan.

Waxaa kaloo dhacday in ninkii Geelle oo aan magaalada joogin loo cid diray inuu muddo yar ugu soo tabaabulshaysto arooskii Cawrala, oo uu muddo dheer sugaayey, marna ayba dhacday inuu ka quustay, oo ka samray guurkeeda.

Afar caanamaal kaddib, ayaa Geelle soo galay magaaladii Xiisxarrago, isagoo hangool ku garba rogan, oo boqol geela iyo baarqabkoodii yarad u wada. Geelana waxaa ku jirtay sidigtii uu ugu ballan qaaday Cawrala adeerkeed.

Intii arooskii la qabanqaabinayey Cawrala aad bay uga murugaysneyd garbaduubkaas loo garbaduubay Geelle, isla markaas jacaylkii hayey sidii iyo si ka daran ayuu ugu kordhay.

Haddaba markay u caddaatay inaanay innaba sina uga fikan karayn xaalkaas, ayey midab doorsoontay oo waxay qurux iyo dhalaal u dhalatay maaley iyo catir u ekaatay.

Waxaa dhacday haddaba, habeenkii la meherin doono habeenkii ka horreeyey, ayey Cawrali ku riyootay oo manaan lagu tusay, iyadoo Calimaax aroos ugu ah meesha la yiraahdo Mashacaleed, oo dhalinyaro iyo waayeelba loo dabbaaldegayo, cayaarta shirbaha la yiraahdo oo barigaas caanka ku ahna loo cayaaraayo.

Mashacaleed waxay ku taallaa jarcaleedka hoostiisa oo ah meel ku dhow Gurifaras oo ah meeshii Calimaax lagu dhaawacay, markuu duullaankii Darawiishta ku jiray, waana meel il biya qabow ka soo baxayaan leh, oo darayo harac macaani oo da’ weyni ku yaalliin.

Cawrala arooskaas buuxa oo ay riyada ku aragtay, looguna dabbaal degey, oo waxay Calimaax jacayl iyo kalgacal u qabtey oo dhan la mahiibsiiyey, karkiisiina ka dhacay, waxaa ugu war dambeysey markay soo baraarugtay oo haahaabatey hareereheeda mise waa waxba kama jiraan iyo meel cidla ah. Cawrali habeenkii intii ka hartay laba indhood isuma keenin, oo siday u soo jeeday ayaa waagii ugu galalac yiri. Cawrali intii ay ilgalaclaynaysey oo soo jeeddey habeenkaas dhawr jeer bay ku soo dhacday inay fikato oo guura gasho ilaa bari guntiis, misna way walwalaacday oo la ahaan weydey inay saas yeesho.

Aroortii gooray tahay xigsintii, ayey Saluugloo u soo wareegtey ku tiri “Saluuglaay, haddaan kuu sheego arooskaan xalay riyada ku galay oo lagu dabbaaldegey waxaad oran doontaa waa waxaagii oo iga rumaysanmaysid.” Markaasaa Saluugli ku tiri “anigu waaba yaabbanahay sidaad u xusuusan doontid riyadii xalay, waayo riyada amminkiiba waa la illaawaa, balse wax iiga sheeg ku oran maayo waa waxaagiiye.” Cawralaa markaa hadalkii ku noqotoo tiri “Saluuglaay tani midaan ilaabi karaayo ma ahee, bal dhegeyso tixdaydan gaaban oo magaceedu yahay, muxibbada riyada uun ahay muhashadeedayba, oo aan ku tusaalaynaayo waxaan la kulmay iyo waxaan ku arkay oo dhan, waxay tiri:

Matakhayey marsada Laasqoraan, muujey daaraha’e,

Oo miridhaan ku maray Maydh, iyo marinkii dheeraaye,

Dabadeed Mashacaleed u kacay, madanti weynayde,

 

Muslin haddii aynu nahay, magaydu waa ceebe,

Muftigiyo mashaayiikhda diin, mariye qiilkiiye,

Oo masalooyin waajiba halkaas, Cali maqbuuleeye,

 

Oo min aroosa lay geli, anoo lay mashxaradaayo,

Murwo iyo wixii madad lahaa, lay marxabadeeye,

I maaweeshe dhallintii shirbaha, muraansey qaadeysey,

 

Oo wiilkii Muraysiga ahaa, midigta lay saarye,

Oo Masar xariir iyo milmilah, i maraanmariye,

Mahad Eebbe weeye hurdadii, dhab u macaantey,

 

Oo maaxaan u jiidh go’ay jannada, miraha yaad quudnay,

Majarogadka mawijada gabliyo, maayadaha raacay,

Marmarna daruuraha cirkiyo, samada meehaabay,

 

Anigoo wixii iga maqnaa, la i mahiibsiiyey,

Oo maansha Allaahiye fadhiya, meelaan garanaayo,

Oo mafsuuday raaxada adduun, miridho weeyaane,

 

Ku mir kacay anoo meel cidla’a miyir la’aan jiifa,

Oo muusareenka iyo deedda dhici, maansha dhaxamaysan,

Muxibbada riyada uun ahay, muhashadeeday ba,

 

Malahayn manaamkii xalay baa, malihii beenaane,

Malahayn mayeygii da’ay baad, oon ku maalliyey,

Muxibbada riyada uun ahay, muhashadeeday ba,

 

Milay guurka xiddigaan tirsaday, ururkii ii muuqday,

Malahayn mareeg baad u geli, micile aarow’e,

Muxibbada riyada uun ahay, muhashadeeday ba,

 

Wixii aan mardaaddiyo ladnaan, miyir dekeynaayey,

Malahayn malabkaad heshaa, maaleey u doorsoomi,

Muxibbada riyada uun ahay, muhashadeeday ba,

 

Waa mugaal jacayl laga arkaa muraayad kuu dhowe,

Waa mangaade dhalanteed sidiisoo, lagu minhaadaaye,

Muxibbada riyada uun ahay, muhashadeeday ba,

 

Waa macaan iyo qaraar haddana, meel ku wada yaalle

Waa wax maahi kaa dhiga, markii lagugu maageero,

Ninkuu miray ayaa male yaqaane, mur iyo deebaaq dheh,

Markay Cawrali dhammaysay gabaygaas ayaa Saluugli ku tiri “Cawralaay waa riyo la yaab leh riyadaad ku riyootay xalay, laakiinse waxaa ku xusuusinayaa ama riyood ama ha riyoon caawa waa lagu aroosayaaye ogow.” Halkaasay Cawrali ku quusatay markay haba yaraatee calaacalna ka weydey Saluugla oo ay dad oo dhan isugu kalsooni dhowaayeen.

Siday Saluugli Cawrala ugu dardaarwerisey inta maalintii oo dhan arooskii la qabanqaabiyey, iyadoo Cawrala hadhimadii la siiyey luqmadi ka degi weydey, ayaa goortii gabbalkii dhacay la aqal geliyey iyadoo cagaha jiidaysa oo in kastoo duunkeedu joogay aan naf iyo nolol toonina ku jirin oo hammi iyo qammi la madoobaatey.

Waxaa kaloo jirtey in xummad iyo darbad xoogle lagu qabtay maalintaas ay aroos gelaysey, hase ahaatee aan looga jixinjixin ee lagu guri geeyey iyadoo si daran u darbadaysan.

In kastoo Cawrala arooskeedii loo dabbaal degey oo cayaaro, iyo wacdaro xoog leh loo sameeyey si loogu raalli geliyo, misana waxaa nasiibdarri ahayd waxaan murugo iyo urug ahayni ugama kordhin, jirradii ay la aqal gashayna waa ku sii korodhay ilaa ay ugu dambaystii ku kalliftay ninkii loo aroosay inuu isaga celiyo reerkoodii markay baanashadeedii iyo xannaanaynteedii dhibaatooyin ku noqdeen.

Markay sidaasi dhacday oo Cawrala loo celiyey cidaheedii iyadoo weli sidii u jirran, ayaa ahaladeed wixii wax garad ahaa is tuseen in Cawrala nolosheedu halis ku jirto haddaan wax laga qaban. Sidaas aawadeed baa markaas Cawrala laga furay isagaan weli hanan ninkii lagu khasbay oo aanay jeclaan, kalgacal, niyad, iyo nafsadtoonna u hayn in loo arooso oo ay oori u noqoto. Waxaana loogu ballan qaaday in meesheedii laga siin doono gabar Cawrala ka yarayd oo walaasheed ahayd.

Geelle waxaa ku khasbay inuu si hawl yar Cawrala ku sii daayo oo ay madax bannaanaato kaddib markay bukaan iyo jirro ka bixi weydey, werwerkuu ka qabay dhegxumadii hore uga raacday walaasheedii ka weynayd oo wax laga saaraayey inuu isagu sababay oo ay u geeriyootay nabar uu ku dhiftay doogtiisii, oo ay markaas dheg xumo labaad iyo geeri ku noqonayso hadday Cawralina ku geeriyooto iyadoo weli gurigiisa joogta.

Markaas sidaas aawadeed ayuu u yeelay inuu iska sii daayo Cawrala, halkeediina laga siiyo gabar kaloo ka yarayd.


La Soco Qaybta 13d


Qaybtii 11d

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 16: Shallayto iyo Dardaaran

Qaybtii Hore Shallayto Waaberigii ayaa Amiirka ka dul dhashay isaga oo weli talo wax-ku-ool ah ...

Mamuu iyo Seyn 15: Kacdoon iyo Dhagar

Qaybtii Hore Kacdoon Hal sano oo dhammaystiran ayuu immika xabsiga ku jiraa Mamuu. Saaxiibaddiisii guuldarrada, ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *