Home / Buug / Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 13- DHAMMAAD

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 13- DHAMMAAD

GEERIDII CAWRALA IYO BAROORDIIQII IYO U DUCAYNTII CALIMAAX

Markii Calimaax dhiigkafuqay oo uu ku bogsaday gurigii Warsame Warfaa uuna damacsan yahay inuu aado Cawrala iyo magaalada Xiis oo ay deganayd, ayaa nasiibdarri loogu soo warramay in Cawrala la aroostay muddo yar horteed. Aad iyo aad buu Calimaax warkaas uga murugoodey oo uu fallaar ugu noqday. Wuxuuna goostay inuu is illaawsiiyo oo iskaga samro Cawrala mar haddii la guursadey oo ay soddohowday.

Waxaa jirta oo caadooyinka iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo qotada dheer ka mid ah, in mar haddii gabar la guursado, oo ay soddohowdo inaan ninna xumaan iyo samaan soo hadal qaadi karin, haddiise innaba nin ku kaco oo uu gabar la guursaday yiraahdo waa jeclahay, ama waa jeclaa, waxaa la saaraa xaal.

Haddaba, Calimaax isagoo Cawrala jecaylkeedii aad ugu dheer yahay, ayuu isagoo daryeelaaya dhaqanka iyo caadooyinka Soomaaliyeed iskaga samray Cawrala oo iska dhaafay soo hadal qaadkeedii, si aan berry ka maalin loogu ceebayn ruux murwa ah, oo la qabo hadan haynteeda.

Iyadoo ay haddaba, sidaas tahay oo uusan Calimaax weli Xarun iyo Taleex iyo reerkiisii dib ugu noqon ayaa goor aroorya ah nin xaggaas Xiis iyo Maydh ka yimid ugu warramay in Cawrali sakaraad noqotay mar alla markay guri gashay, dabadeedna ninkii aroostay laga furay oo ay madax bannaan tahay. Markuu Calimaax saas maqlay ayuu farriin ah in Cawrala la siiyo u diray cidaheedii, waana loo soo oggolaaday inuu guursado in kastoo ay weli jirranayd.

Haddaba waxaa nasiibdarri ahayd in Cawrali ka soo toosi weydey nabarkii lagu dhiftay maalintay aroos gashay, oo siday sidii bukaan ugu ahayd ku geeriyootey magaalada Xiis maalin maalmaha ka mid ah iyadoo aanay weli Calimaax hanan, in kastoo lala socodsiiyey in loo oggolaaday inay ooridiisa noqoto. Waxaana hadal ugu dambeeyey intaanay naftu dhaafin tixdan gabayga ah oo ay u sheegtay geeladeed Saluugla oo dhanta ku haysey. Waxay tiri:

Naftu waa macaan tahay intay, mala awaalayso,

Wa maqaama weyn tahay intay, maasha talinayso,

Ha yeeshee, masuubada heshaa, magaceed waw hooge,

 

Jacayl waa macaan yahay intaad hayso midhihiise,

Waa muusiiqa raaxa leh intaad, milaygii dhawraysid,

Ha yeeshee, haddii uu ku miro, mililkii waa hooge,

 

Cali way macaanaa markuu, midigta ii laadshey,

Waa mahadshay araggiisi hore, mayey la moodkiiye,

Ha yeeshee, markaan muuqii gabay, maqalkii wey hooge,

 

Mar haddaan waxaan mohanayiyo, mudanihii waayey,

Micne maleh adduuyadu haddaanan, maahad ku waarayne,

Mootkoo i dilaa ka roon, miiska aan ahaye,

 

Waxaa haddaba dhacday, in Calimaax loo sheegay geeridii Cawrala goor fiid hore ah, isagoo ceelka la yiraahdo Badhan oo ay weli Daraawiishi degganayd jooga, warkaasi Calimaax wuxuu ku noqday fallaar oo kale oo muddo saacada ah, ayuu aamusnaa oo eray qudhi ka soo bixi waayey urugo daraadeed.

Habeenkaas Calimaax wuxuu u ahaa habeen baas oo uu tiiraanyo iyo telel la ledi waayey, oo waagiina ugu beryey isagoo sidii u soo jeeda. Markii waagii beryey oo ay weli barqo gaaban tahay ayuu fardihii ka soo dhex qabsaday faras xamar ah oo jilba madow. Waxaa dhacday haddaba, in niman jaallayaashiis ahaa ay weydiiyeen meeshuu faraska u heensaystay, halkaasoo uu u sheegay inuu aadaayo naxariistii jaana alla sidii qabrigeedii oo uu u soo ducaynaayo una soo qoraannaqaayo mar hadday jacaylkiisa dartiis Cawrali u geeriyootay oo u god gashay.

Markuu saas u sheegay jaallayaashiis ayaa afar iyagii ka mid ahi yiraahdeen “waa ku raacaynaa Caliyow oo kuu wehelyeelaynaa ilaa meeshaad ku simeysid oo gacaladaa taal.” Halkaasaa Calimaax oo ku jeeni qaaran haraggii shabeelkii uu dilay iyo afartii nin oo kale fardihii loo koray. Isagaana ugu horraystii faraskii uu ku joogey nadagii ugu hor dhiftay oo booddadii faraskii boodeyba geeraarkan ku qaaday. Wuxuu yiri:

Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go’dee

Xamarow xakama diidow, xanfar duulay la moodyow,

Xawaaree orodkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo,

Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,

 

Warka xeel laga keenay, waa xabiibtay go’dee,

Xamarow xakama diidow, xanfar duulay la moodyow,

Xawaaree orodkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo,

Xaq laygu lahaa, iyo xus baan dhigayaaye,

Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,

 

Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go’dee,

Xamarow xakama diidow, xanfar duulay la moodyow,

Xawaaree orodkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo,

Qalbigay xanafoonoo, xummad bey derdertee,

Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,

 

Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go’dee,

Xamarow xakama diidow, xanfar duulay la moodyow,

Xawaaree orodkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo,

Xabadkaa i dakaamoo, waan xabeebsanahee,

Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,

 

In kastoo la xiddeeyo, aroos loo xaradheeyey,

In kastoo xoola badnaa, iyo xiriir loogu hagoogey,

Xirribtii indhahaygiyo, xubnahaygay ahayde,

War xiskii i dhinnaayo, Xadeed weyn ku habaabee,

Xamarow xakama diidow, xanfar duulay la moodyow,

Xawaaree orodkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo,

Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa  i gee,

Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,

Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,

 

Halkaasay Calimaax iyo afartii nin oo u weheliyeelaysey oo fardihii ku wada joogay ka dhexeen hal habeen meeshay ka tageen oo ahayd meesha la yiraahdo Badhan ilaa Xiis.

Waxay Calimaax iyo jaallayaashii la socdey galeen magaaladii Xiis, gooray tahay maalin Khamiiseed makhribkeed. Mar alla markii la ogaadey nimanka magaalada soo galay oo fardaha watay in Calimaax ku jiro, ayey Saluugli amminkiiba u tagtay Calimaax oo ugu warrantay siday Cawrali u jeclayd una sheegtay heesahay iyo gabayaday u tirisay oo dhan, isla markaas waxay u sheegtay sidii laysugu tegey Cawrala oo nin loogu guuriyey aanay raalli ka ahayn, dabadeedna isagoo aan ninkii lo dhisay weli hanan, ay jacaylkaaga iyo kalgacaylkaaga Calimaax u geeriyootey.

Halkaasaa Calimaax habeenkii diyaariyey wanan iyo geel uu ugu Quraan naqo iyo wadaaddo u duceeya oo Quraanka tirsigiisoo dhan ku dejiya aroortii. Habeenkaas Calimaax waxay u ahayd habeen baas oo laba indhood haba yaraatee isuma keenin ilaa waagii ugu beryey siduu u soo jeedey.

Aroortii oo Jimca ahayd ayuu markaas ugu Quraan naqay laba tuldood iyo wanan badan. Saladdii Jimcena waxaa lagu dul tukadey qabrigeedii. Hadaba, markii salaaddii la tukedey oo la salaamadaysanaayo, ayuu Calimaax ka dhex kacay raggii oo intuu qabrigeedii xagga madaxa ka fariistay gacantiisa bidix ka soo furay qardhaastii ugu xirnayd. Qardhaastaasoo ahayd xaashideedii jacaylka oo ay ugu diray Cawrali markuu Taleex joogey dabadeedna uu murtidii ku qorrayd macaankeedii u quuri waayey inuu tuuro dabadeedna uu sidii qardhaaseed u dahaartay oo gacanta bidix ku xirtay.

Halkaasuu intuu warqaaddii sida qardhaasta u duuduubnayd kala bixiyey, qalinna la soo baxay oo dhinaceedii kale kaga qoray jawaabtuu Cawrala xaashideedii uga jawaabayey. Wuxuuna ku qoray laba gabay oo uu midna ugu baroordiiqaayey midna ugu ducaynaayey. Wuxuu yiri:

Cawralaay gacalo,

Cawralaay johorod baad ahayd, jamatay laabtaydu,

Waxaad ahayd jannadaan rabo, jawda uu lahaaye,

Hayeeshee, jacayl waxaa ka adag, calafka jaangoyne,

Cawralaay, naxariistii janna Alla siiyey, hoygii jannada Alla geeyey. Ilaahay raxmaddiisa ugu roonaayey, waxaad iga guddoontaa anoo uurka iyo laabta kaaga ooyaaya salaan kalgacal oo kasha iyo laabta ka soo go’day.

Midda kale waxaan kaa baryayaa oo kaa codsanayaa inaad i saamaxdaa oo haddaan naftaada [sababay…] raalli ahaataa, waayo maalintaan badda kaa […] saacaagaan ahaa maantana geeridaadaan sabab [u] ahay.

Cawralaay dabayshaday dorraade, deri ma geeriyootay,

Daartii aakhiro la hubiyo, degelkii mow fooftay,

Oo ma dardaarankii aad tiara, dacar i leefsiiyey,

Mar haddaad Cawralaay geeriyootay oo aakhirow hoyatay anaad igu dhaaftay jacaylka dhiifihiisii iyo doogihiisii.

Ogoobey jacayl dihashadiis waa dab iyo naare,

Ogoobey waa soo duxanayaan, daqaradiisiiye,

Ogoobey waa doog aan lahayn, daawo iyo baane,

Waxaan ahay Cawralaay, nin ogsoon ama dareen ka qaba inuu sababay naf uu daawadeeda hayey, oo markaas damiirkiisa dab iyo shiil lagu hayo oo ka qoomamoonaaya sagleelihii iyo saymihii dhacay oo uu masuulka ka ahaa.

 Ogoobey damiirkiyo qalbigu, way damqanayaane,

Ogoobey dam baan ahay indhaha, daalaadhacaynaaya,

Ogoobey anigaa dulmiyoo, dilay xabiibtaye,

 

Ogoobey anigaa deldeloo, dembi i haystaaye,

Ogoobey deyn baan qabaa la iga deynayne,

Oo waxa deyradaa dhigayba, waa dib u dhacaygiiye,

 

Cawralaay haddaan axadho xaajada anoo dembiga iska leh oo aanan cudurdaaranayn, misana waxaa u masuul ahaa saymihii dhacay waxaadan ogayn intaad ifka joogtay oo kaa dahsoonaa. Waxaasoo ahaa wax la yiraahdo aqoondarri oo aniga buro ii ahayd, oo aan ogaa […] xaasnidaada helay. Waxaan maalintaas […] inaanay doqonniimo iyo dullimimo kale jirin […] aqoondarri ahayn.

Cawralaay ninkaan deelka, iyo daalka kala soocin,

In kastuu dircoon yahay, haddana doqonnimow dhowe,

Ogoobey aqoondarridu, waa dulliyo leellele,

 

Waa darxumo iyo xoog ninkay, dacalka saartaaye,

Waa danqaare waaweyne, haddaan laga digtoonaanin,

Ogoobey daacuunkiyo ka daran, dabargo’iisiiye, 

Sidaad ogsoon tahay, waxaad Taleex iigu soo dirtay xaashi jacayloo qaaya leh, oo aanay murtidii ku qorrayd macaankeedii iyo miraheedii innaba wax la quuro ahayn. Xaashidaasi waxay igu taftaaftay jacayl iyo muxibbo iyo kalgacal aanan hore kuugu hayn. Waxse nasiibdarri ahayd Cawralaay, aqoondarridayda aawadeed inaan akhrisan waayey xaashidii oo aan markaas u dhiibey niman aanu deris cusub ahayn oo aan keen isla doonayn. Waxayna xogtaydii la ogaadey i geyeysiisey in bari guntiis la iga tuuryeeyo meeshaan Xiis iyo meeshaad degganayd ka soo beegi lahaa.

Bari markaan tegeyna duullimaadkii Darawiishtu Ingiriiska ku kicinaysey baan qayb weyn ka qaatay, hase ahaatee intaanan xeeb iyo doonyihii wax ka qabsan ayaa lay dhaawacay oo mayd ahaan la iiga tegey. Muddo dheerna oo aan ka soo geyoon waayey waxaan ku noolaa cidla ciirsila, oo calafkaygu iyo cuntadaydu ahaayeen caleenta iyo miraha Caleed. Waxaana wheel ii ahaa habar dugaag oo dhan, habaar qabaha shabeelna habeen buu i miroo haaro iga jeexay anoo tii Ilaah jooga oo bawda ka jaban. Si kastaba ha ahaatee, wax kastana aan la kulmee Ilaah iga soo badbaadi dhibahaas i helay, laakiinse waxaan uga jeedaa oo ay sabab u yihiin Cawralaay dib u dhicii aan dib kaaga dhacay oo ku soo g[…] taan aroos aadan raalli ka ahayn laguu hoyn […]

Cawralaay wey qoommamiyo ciil aanan ka […] rayn inaad jacaylkayga dartiis u geeriyooto.

Warqaaddii daboollayd, markii daaha laga qaaday,

Oo dareenku galay uumiyaha, duq iyo waayeelka,

Ogoobey dul iyo laga tuur, deliya dhaadheere,

 

Daraawiishta heegani, markay bari duleeydaysey,

Hadaan dayr la ii dhigin, ama dabin la ii qoolin,

Ogoobey daryeel iyo aroos, iyo dereg ma weydeene,

 

In kastaan dagaal iyo ku jirey, dullan iyo weerar,

In kastay i dershayn, kuwaan deris wadaageyney,

Ogoobey anigaa dayacay, dahab la mooddiiye,

 

Wixiise daayinkay qoray ayaan, abid ku deyneyne,

Nin Darwiisha waa lagu yaqaan, dirirta gaalaade,

U daryeel dalkaagii hadday, daano iga gaartey,

 

Duur waxaan ku noolaa beryoo, debedda meeraayey,

Wixii aan caleen daaqayeyoo, doogga guranaayey,

Bowdada waxaan duubayayoo, keli is daaweeyey,

 

Dabaysha iyo fooraha waxaan, degel madoobaadey,

Wixii aan atoor dilanayoo, dabin u tuuryeeyey,

Wixii aan dab waayayoo la baxay, madag intaan doontay,

 

Wixii aan biyaha doonayoo, oon i dili gaarey,

Derbi dhagax waxaan xaartayoo, keli is duubaayey,

Dabaxiir shabeel ahi wuxuu igu dul meeraayey,

Denbi kuma lahayn Cawralaay, dib u dhacaygiiye,

Ogoobey Cawralaay, in kastoo hadda adiga iilka laguu hooyey, inaanu jacaylkii ku helay madi ahaaneynin […] eebayo diifihiisi iyo hiirtaanyooyinkiisii […] gaba yaabin inaan muddo dheer ifka kaaga […]

Ogoobey haddii diririku dhaco, dayaxu gaadowye,

Ogoobey haddaan daaqu bixin, duunyo la cayrowye,

Ogoobey waxaan ka danbayn, laba diraacoode,

 

Afartaasi waa iga dubnixid, dharigu hayn waayey,

Oo aan deegaye gacaladay, ugu baroordiiqay,

Afar kalena waa iga duce, balaan daliileeyo, 

*** 

Cawralaay, samadoo onkodaysiyo salaanbeyda hilaaciyo sibbaakhayli la moodyey, Soodhowaadka waagiyo qoraxdoo soo bixi doonta sagaalkeeda lahayday, Suuge iyo Manaayoo sarmeweydo ku hoortay iyo saxaansaxada uduggeeda lahayday, Sanqaroorka qoraa iyo suunniya biciida lahayday, Siijeedkii dhisnaa iyo soojeedkii qummanaa iyo shabeelka socodkiisa lahayday, Sinnaanta Maraagiyo dhererka Siiqa lahaydey Soogaanta darmaanoo gu’sooraha daaqday sideeda guudku saynax ahaayey, Gudguduudka, Sagaaro soohdintaa sararteeda midabkeedu sansaanyey Sida Weylasubkana subaxdii wirwiraaya Soomaali hablaheedu qurux baey ka sinmaane sedbursiiyo lahayday, Quruxdeedu sugnayday, siraadkii indhahaygow, Si wanaagsan u seexo, oo malaa’igtii safsafnayd iyo sallallahu rasuulkii ku sagootiye hee dheh.

Cawralaay marna saacaaga ahaa, marna sababtaada ahaa, marna saacaaga ahaayoo markii aad saxariirtay oo aan sacabbada kugu qaaday, markaas saacaaga ahaa, marna sababtaada ahaayoo, godkanaad silic jiiftid anigaa sababtiisa ahaa, oo waa sed Eebbe qoree iga saamax ahow, oo ducadayduna waaye.

***


HALKAASAY SHEEKADII CAWRALA IYO CALIMAAX KU DHAMMAATAY.

Bogagga dambe meelo ayaa ka go’an, waxaanuna ku buuxinnay […]. Haddii Alle idmo, markaanu qoraal israacsan helno ayaanu dhammaystiraynaa.


Qaybtii 12d

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 16: Shallayto iyo Dardaaran

Qaybtii Hore Shallayto Waaberigii ayaa Amiirka ka dul dhashay isaga oo weli talo wax-ku-ool ah ...

Mamuu iyo Seyn 15: Kacdoon iyo Dhagar

Qaybtii Hore Kacdoon Hal sano oo dhammaystiran ayuu immika xabsiga ku jiraa Mamuu. Saaxiibaddiisii guuldarrada, ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *