Home / Buug / Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 10

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 10

Haddaba, in kastoo gabartii ka carartay Calimaax aragtidiisii horee, waxay ahayd qof waracad ah oo way qayla roor tagtay, ilaa rag iyo haween loo soo gurmadey oo halkii rabrab lagaga qaaday oo guryihii beesha la geeyey.

Wax rag ah oo muqdar ama xilkas ah waxaa beelaha joogey nin la oran jirey Warsame Warfaa. Warsame ayaa habeenkiiba u loogey Calimaax, aroortiina waxaa loo keenay nin bowdadii ka kaba oo aqoon fiican u lahaa sida wax loo kabo.

Markay hadhimadii ahayd oo Calimaax dhibaatooyinkii qabsaday warkoodii dhammeeyey, ayaa Warfaa wuxuu Calimaax uga sheekeeyey sheekooyin badan oo waaya aragnima ah, isagoo uga jeedey inuu illawsiiyo Calimaax dhibaatooyinkii uu la soo kulmay.

Wuxuu yiri Warfaa “Calimaaxow waxaa la yiri dumarna badhaadhahooday ka sheekeeyaan ragguna ba’iisuu ka sheekeeyaa. Anigaynga kula hadlaaya haddaan kaaga sheekeeyo waxa beri i qabsaday, taadani biyey noqon lahayd.” Cali baa markaas yiri “u malayn maayo inay taydanoo kale ku heshee, balse aan isu eegnee bilow sheekadaad sheegaysid Warfaayow.”

Warfaa baa markaas bilaabay sheekadii oo yiri “beri baa geel naga hallaabay, markaasaan aniga iyo laba nin oo aanu isku bulsho ahayn baadiddoon tagnay intaanu geela raadkiisii qaadnay. Haddaba, gooraan saddex caanamaal baadigoob ku jirney, oo intaas soolka la yiraahdo Cambuulane iyo agagaarkiisa geelii ka goobeyno, ayaa wax gaajo iyo harraad la yiraahdo na heleen in kastoo aanu cambuulaysanaynay Galoolka. Maalintii dambe gooray naftii na hayso ayaa waxaanu kob ka hellay dhal yar oo biciid, halkaasaanu amminkiiba biraynay oo dabka saarnoo ku cunnay.

Haddaba goor ay tahay casarliiqii ayaanu xagga galbeed ka maqallay reen iyo gurdan xoog leh. In yar ka dibna waxaa na soo galay waxaanu u malaynay libaax ordaaya. Araggii aanu aragnay oo isha la hellay waxa soo ordayaa inuu libaax yahay, ayaanu saddexdayadiiba geedkii aanu hoos fadhinay isku rarnay. Waxaa nasiibdarro ahayd in saddexdayadii nin, nin naga mid ahaa geedkii soo kori waayey, oo uu halkaas amiinkiiba annagoo u jeedna libaaxii ku qabsaday, in yar dabadeedna laf ma’ahee aanu cad ka reebin.

Waxaa naxdintii aanu ka naxnay ninkii noo weheliyey nagagana darnaaday waxyaalihii uu libaaxii habeenkii nagu sameeynaayey, ani iyo ninkii kale, waayo hadba intuu geedka kor ugu soo boodo ayuu gurxan iyo reer isku daraayey. Mararka qaarkoodna waxaad moodaysey inuu isku dayaayey inuu geedka rujiyo si aanu uga soo dhacno. Siduu habeenkii oo dhan noogu taagnaa ayaa waagii ku beryey, markaasuu naga tegey goortay ahayd qiyaastii barqo gaaban.

Aniga iyo ninkii aanu geedka ku wada joognay ee la oran jirey Mirre ayaa haddaba is waraysannay markuu naga tegey libaaxii, waxaana noo muuqatay inuu bahalku libaax lab ahayne, laakiinse ahayd baranbaarqo dhashay oo irmaan, taasoo aan ku rumeeyey markaan Mirre weydiiyey su’aashan oo ku iri “war Mirre maxaa baranbarqada ina ku ibtileeyey?” Wuxuu iigu jawaabay, Ilaahow nimaan wax ogayn ha cadaabin, war miyaadan ogayn ilmahaynu shalay qalannay oo aynu dhasha biciid moodney inuu ahaa cagabaruur ay dhashay baranbarqadu.” Waxaan ku iri side baad ku ogaatay, markaasuu iigu jawaabay “Warsamaw waxaan ku ogaaday waad xusuusantahayoo ilmihii anaa gawracay oo qalay haddaba markaan haragga ka bixinaayey ayaa waxaa ii muuqday inuu caga bahal leeyahay, waayo biciidku sida ugaarta kale laba ciddiyood buu leeyahay, kanise shan farood ayuu afarta addin ku lahaa, markaa arkayna waan iska qariyey bacdamaa aynu gaajoonayney. Waxaanna ogaaday maalintaas iyadoo aad iyo aad loogu fiirsado ma’ahee inaan la kala sooci karin dhasha biciidka iyo dhasha libaaxa markay aad u yaryar yihiin. Waxa kaliyoo inta badan lagu kala garan karaana ay yihiin addimada farahooda oo aan isku tiro ahayn.

Haddaba, markaan saas ogaaday baan waxaan xusuustay jeeniqaar cagabaruurkii ah, oo aan geedka degdeg ula soo koray nadxintii, halkaasaanu isagii kala goosannay, maalintii oo dhanna geedkii baanu sidii ugu joognay.

Goortay casar dheer ahayd, ayey sidii si le’eg gooshii iyadoo ay la socdaan laba aar soo ciyeen oo geedkii hoos yimaaddeen. Habeenkaas labaad waa habeenkay noogu darrayd oo libaaxyadii oo dhan ayaa xooggoodii isugu geeyey geedkii inay lulaan. Haddaba goortay ahayd habeenkii gelinkiisii dambe, ayaa lulooyaa iyo baqayaa mooyee ninkii labaad geedkii ka dhacay oo ku dul dhacay libaaxyadii. Wuxuu la kulmayna waad malaynaysaa. Haddaan keligey raggii ka haray oo waagii saas iigu beryey maalintii labaadna geedkii dushiisii sidii u saarrahay oo aan naf iyo nolol ka quustay, waxa keliya aan filayeyna ay ahayd gabbalkoo ii dhaca oo libaaxyadiina sidoodii isaga yimaaddaan, Ayaan intaan bisinkii Ilaahay cuskaday Yaasiinka Qoraankana oo aan kor ka hayo akhristay il Ilaaahay iga badbaadiyo dhibaatadii i haysatay. Calimaaxaw waxaa la yiraahdaa, bisin Allan in bilaabay belaayo uma timaaddo.

Waxay kaloo Soomaalidu tiraahdaa, naftii Ilaahay bixinaayo ninna ma joojin karo tii aanu dilaynna libaax labadiisa daan ayuu ku badbaadiyaa. Haddaba, gooray hargalkii ahayd ayaa beelo hayaan ahi ku soo beegmeen geedkaan saarraa. Markii aan arkay awrtii geeddiga ahayd iyo xoolihii ayaan damcay inaan u qayliyo dadkii, hase ahaatee waan kari waayey inaan labada debnood kala furo. Iyadoo haddaba aan waxaan sameeyo garan waayey ayaa xagga Ilaahay gabar gashaantiya geedkii soo ag martay oo raqdii meesha tiillay dareen ka galay. Markaasaan intaan laan qallalan jebiyey ku tuuray oo madaxa kala helay. Markii qorigii gabartii madaxa kaga dhacay ayey tiri “hayaay tolow ma samadaa layga dilayaa.” Markaasaan mar labaad ku tuuray mid kale oo uu horteeda ku dhacay, kolkaasay dareentay in geedka cidi ku joogto oo i soo eegtay, amminkiibana jalleeciddii u horaysey ayaa isheedi igu dhacday inaan geedka saarrahay. Halkaasay intay dadkii u qaylisay geedkii la iga dejiyey oo si fiican la ii dhuunyey. Muddo dabadeedna waxaan guursaday gabartii geedka iga heshay si aan ugu abaal gudo. Gabartii shalayto ku heshayna waa gabadheedii curad oo aan anigu aabbeheed ahay.

Haddaba, Calimaaxaw in kastoo ay dhibaato weyni ku heshay laba hal oo aniga ila kulmay kumay helin. Waayo taan u horraysa meeshaad sagaarada ka cuntay waxaan anigu ka cunay dhal libaax gaajo daraaddeed, oo weliba baranbarqadii dhashay igu soo dul joogsatay anoo wax ka dubanaaya. Tan labaadna in kastoo aad sheegtay inay bahaluhu hareeragaaga gurxamaayeen oy maydadkii kale ku cunaayeen agtaada, hase ahaatee weli maad arag libaax intuu labada jeeni kala rogay saaxiibadaa oo hortaada hadba intuu miciyaha daro cantuugo rudho, oo aad calaliskiisa iyo curduqda leqiddiisa sax iyo maan u maqlaysid.”

Cali baa markaas hadalkii qaatoo yiri “horta Warfaayow waa runtaa oo anigu dhal libaax gaajo daraaddeed uma cunin, rag jaallayaashay ahna hortayda libaax kuma ruugin, laakiinse waxaan kuu sheegayaa inuu shabeelku ka belaysan yahay libaaxa, waayo waxaa la yiri, shabeel baa beri libaax ku yiri, libaaxow bal ama boqon nin la xoog noqo, ama boqol nin la xirrib noqo. Markaasuu libaaxii wuxuu doortay inuu boqol nink la xoog noqdo, halkaasaa shabeelkiina la xirrib noqday boqol nin.

Sidaas awgeed baan shabeelka meella loogga baxsan karin, oo geed haddaad fuushid waa kuugu soo korayaa, haddaad kal ama meel biya ah ka gashidna dabbaal buu kuugu imanaayaa. Markaas waxaa cad inuu shabeelku ka khatarsan yahay, oo ka khayaano badan yahay, oo ka xirrib dheer yahay libaaxa xoogga iyo lixaadka ku faana.


La Soco Qaybta 11d


Qaybtii 9d

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 16: Shallayto iyo Dardaaran

Qaybtii Hore Shallayto Waaberigii ayaa Amiirka ka dul dhashay isaga oo weli talo wax-ku-ool ah ...

Mamuu iyo Seyn 15: Kacdoon iyo Dhagar

Qaybtii Hore Kacdoon Hal sano oo dhammaystiran ayuu immika xabsiga ku jiraa Mamuu. Saaxiibaddiisii guuldarrada, ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *