Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 1

ARAR

In kastoo sheekadanu tahay mid la qurxiyey lana xariiriyey qaarkeed, hase ahaatee waa mid run ah oo ka dhacday dalka Soomaaliyeed, magaalada Xiis oo bad yarada Cadmeed ku taalla gobolka Sanaagna ka tirsan markay qiyaastii taariikhdu ahayd 1913kii ilaa 1922kii waxayna ku saabsan tahay jacayl ay gabar la dhihi jirey Cawrala Barre jeclaatay ninka la oran jirey Calimaax.

Calimaax wuxuu ahaa markaas afartan jir xaas leh, wuxuuna ahaa nin garaad fiican leh gabayaana ah, waxse nasiib darro ahayd inaanu sida wax loo akhriyo ama loo qoro aqoon, taasoo ay ka dhasheen dhibaatooyin waaweyn oo ka gaaray xaashadihii gabayada jecaylka sirta ahaa oo ay u dirtay Cawrali.

Haddaba, in kastoo sheekadani salkeedu yahay jacaylkaas dhex maray Cawrala iyo Calimaax, ula jeedooyinka ku jiraa loogana dan leeyahay, oo ay wax ka tusaalaynaysaa  waa waxyaalaha hoos ku qoran.

  • b) Tan u horraysa, waxay wax ka tusaalaynaysaa dhibaatooyinka, danqaaraha iyo waxyeellada ay dadka u leeyihiin wax akhris la’aanta iyo wax qoris la’aantu.
  • t) Tan labaad sheekadanu, waxay tusaalaynaysaa heerkay haweenka Soomaaliyeed kaga jireen dhaqanka iyo murtida Soomaaliyeed, isla markaasna waxay muujinaysaa qaybtey jacaylka ka qaateen beryihii hore.
  • j) Tan saddexaad oo ah tan ugu qaaya weyn, waxay daaha ka qaadaysaa ruuxa waddaniga ah oo dalkiisa kalgacal u qabaa inaanu ahayn kan dib uga laabma ama ka cataaba hadduu dhibaatooyin iyo silic kala kulmo daryeelidda, ilaalinta xornimada, iyo gobannimada dalkiisa.
  • x) Tan afraad waxay wax ka tusaalaynaysaa samaha sinnaantu leedahay, iyo saymihii sinnaan la’aantii ka dhexaysey raggiyo haweenkii hore. Waxay kaloo isla mar ahaantii wax ka tusaalaynaysaa taariikhda, dhaqanka qotada dheer iyo caadooyinkii ummadda Soomaaliyeed.
  • Kh) Tan shanaad waxay wax ka muujinaysaa joqoraafiga iyo taariikhda gobolkaas Sanaag oo ah gobolkay ku dhasheen Cawrala iyo Calimaax, isla markaasna waxay tusaalaynaysaa faa’iidooyinka kalluunka cuniddiisu u leedahay dadka.
  • d) Tan lixaad waxay tusaalaynaysaa in haasaawaha iyo muranka lagu murmo af Soomaaliga ay lagama maarmaan tahay in murti, gabay, saar, geeraar, hees, guurow, jiifto, shirib iyo maahmaaho ay saldhig u ahaadaan, haddiise aanay murtidaasi ku jirin taageeraynna, wax kastoo lagu hadlo, fara kastana hadalku ha lahaadee, inuu qiimihiisu yar yahay. Sidaas darteed, waxay ka fursanwaa noqon weydey, inay sheekadanu gabay, maahmaaho iyo heeso ku dhisnaato, oo ay meelo badan ka soo galaan.

Haddaba, inkastoo berigaas magac heello la yiraahdo aanu jirin, hase ahaatee waxa jirey heeso la sansaan ahaa, laakiinse ay dhihiddoodu iyo habka ku luuqayntoodu ka duwaneyd heellooyinka haatan jooga. Markaas heesaha buuggan ku qoran iyagoo ah heesihii berigaas jirey baa misna sidii heesaha maanta jooga loogu luuqayn karayaa.

***

AFEEF

Ugu dambaystii, iyadoo sheekadani tahay mid run ah, hase ahaatee sidaan hore ugu sheegay aan qaarkeed xarxariiriyey, khaas ahaanna qaarkeeda dambe dheehdheehay, si ay taabba gal u noqoto, waxaa markaas iga afeef ah in haddii innaba wax dhaliil iyo daldalool ahi ka muuqdaan habka iyo hannaanka dhismaheedu yahay ay sabab u tahay afkeennoo aan hore u qornaan jirin, oo markaas aan hab la raaco qorriinkiisu lahayn hadda ka hor. Iyadoo ay misana dhibaatooinkaasi jiraan, saas looga harimaayo, waayo waxaa Soomaalidu ku maahmaahdaa “canaan ka yaab reer ma doojiyo”.

Midda kale dadka magacyadoodu buuggan ku qoran yihiin qaybna kaga jira sheekadan, laakiinse aanay wehelin Cawrala iyo Calimaax iyo raga gabayadoodii xigashada loo soo qaatay, waa magacyo dad dedan oo lagu dhisay sheekadan.

***

KICITAANKII CAWRALA IYO CALIMAAX

…….. Waxaan ahay haddii runtii lagu arooro Cawrala Barre, oo ah middaan sheegay oo isheedu iyo laabteedu ku raaceen aragtideedii u horraysey, oo aad shaki la’aan nafteeda iyo ruuxeeda leedahay, aadanse adigu ogeyn, iyaduse had iyo jeer habeen iyo dharaar, hurdiyo soojeed kugu hamiyeysa oo jacaylkaaga iyo kalgacalkaaga oo jiidhka iyo lafaha galay aawadood oon iyo anfaco diiddey.

Cawrala Barre waxay ku dhalatay markay taariikhdu qiyaastii ahayd 1893kii dalka Soomaaliyeed, magaalada Xiis oo bad yarada Cadmeed ku taalla gobolka Sanaagna ka tirsan. In kastoo yaraanteedii ay magaalada joogi jirtey inta jiilaalka ah, hase ahaatee waxay badsan jirtey miyiga halkaasoo aabbaheed ku dhaqan jirey xoolo aan badnayn.

Sida la ogsoon yahay magaalad Xiis waxay ku hoos taal buuraha Caleed, buurihii Golisna loo yaqaanno, waxayna is hayaan buurahaasi ilaa Karinboosaaso iyo ilaa Boorama haddii xagga bogox loo raaco, halkaasoo ay misana sii dhereran yihiin ilaa Harar. Xagga barina haddii laga bilaabo Karinboosaaso waxay is hayaan ilaa Baargaal, waxaana loo yaqaan wixii Karin bari ka xiga buuraha Calmaskaad.

Haddaba, buurta Surad la yiraahdo ee Xiis, dusheeda ah waa buurta, buuraha dalka Soomaaliyeed ugu dheer waana 2800 Mt. Waxayna ka mid tahay buurihii caanka ahaa oo ilaa Nebi Ciise dhalashadiisii ka hor laga guran jirey Moxorka, Mayddiga, Falaxfalaxda, Murkudda iyo faleen badan oo udgoon.

Sida taariikhdu sheegayso waxaa meelaha iman jirey Faraacinadii, oo uduggaas qaayaha weyn leh uga guran jirey ahraamta iyo guryahay wax ku caabudi jireen. Faraacinadii iyo Masaaridii hore ee adduunka ilbaxnimadoodu ugu horeeysey aad bay u iman jireen gobolkaas Sanaag, raadad bandanna way kaga tageen, waxayna u bixiyeen dalkeenna dalkii Moxorka iyo Mayddiga, ama (Puntland) sababtoo ahayd uduggaas iyo carfoonkaas ayaan adduunyada meel kale laga heli jirin. Buurtaas Surad ee gobolkaas ku taal waxay ka mid tahay meelaha dalka Soomaaliyeed ugu roob badan.

Waxaa kaloo kabaxa buurahaas dhir badan oo kumanyaal jaad ah, oo ay ka mid yihiin Dhosoqa, Xiiska, Deyibka, Mooliga, Hareeriga, Shoyga IWM. Buurtaas Surad iyo buurahaas Caleed oo la xiriira wax la sifayn karo quruxdoodu iyo qiimahoodu ma’aha, waxse gabay ku sifeeyey gabayaaga caanka ah Xaaji Aadan Axmed (Afqallooc) ee Ceerigaabo deggan keligiisna la oran karo waa ka nool yahay raggii hore ee gabayaaga ahaa.

Wuxuu yiri,

Waa meel malka ah oo biyiyo buur madowba lehe

Marmar weeye dhagaxeedu iyo muunad gooniya’e

Miyaad dooxa ah  bay leedahay, oo miro ka beermaane

Mandarka iyo jamaalka  baad Libnaan ugu malaysaaye

Manaakha iyo hawada waxay ka tahay Mawsalka Ciraaqe

Kolkaad madaxa Surudeed tagtiyo meesha ugu taagan

Badda waxa maraayoo dhan baa, kuu muraayad ahe,

Madfaca laga ridaa wuxuu tagaa, kuman masaafoode

Arraweelo meeshay degtey, iyo muluggii Geylweyte

Iyo ma’aasiir ku jira, moodkii la helaayey,

Maanla’aha iyo taallooyinkaad, aqalka moodeysid,

Meelihii kinsiga lagu qarshay bay, maangadood tahaye,

Madduuno iyo god qorane baa ninkii, marayba yaabaaye,

Muutasaha iyo Daalo waa lagu murqaamaaye,

Ma’yey baa ka da’a goortay tahay, milayga jiilaale,

Daruurtoo mahaja soo rogatiyo, waqayga meyl gaaray,

Sida mawjadaha iyo doonyaha bay, mar isu jiiraane

Dhirtana qaarba midba leeyahay iyo, man iyo awraaqe,

Maawered in lagu daadiyey baad udugga mooddaaye,

Min aroos sidaad soo gashay iyo, mawledkii nebiga,

Miski baa ka urah kaynta iyo, malafka geedaha’e

Shimbiraha mukhtalifka u ciya ee midiba hees qaaddo

Oo midabba kala goonniya oo, cadad malyuun gaara

Mawda iyo siyaaxa baad arday iyo macallin mooddaaye,

Qollay ku madadaalisiyo Murada badane

Goortuu Gobyaan waa murdee, goonni miranaayo,

Uu Gorod miyuusigga tumoo, Galow ku maaweesho

Oo Marisku kuu soo warramo meesha waxa yaalla,

Aad Raha madiixiisa iyo, maqasho Daa’uuska

Adiga iyo naftaadaa murmah, oon doonin meel kale’”.

***

Haddaba, Cawrali waxay yaraanteedii ku barbaartay dhulka buurahaas, dhirtaas, shimbirahaas iyo quruxdaas leh, oo gabaygaas ku sifaysan. Cawrali waxay ahayd kuna tilmaannayd gabar aan meel laga saluugo lahayn dhan kastaba ha ahaatee, midabkeeduna wuxuu ahaa midabka midabada ugu wanaagsan oo maarriin dhalaal casaan raac ah. Jooggeedu wuxuu ahaa dherer dhexe oo dhex yar, oo tima sayn yalax ahi garbaha laba taako hoos uga degeen.

Waxaa la yaab iyo amakaag ahaa indhaheeda cadcad oo kaah adeenla ahaa, wiilkooduna madoobaa, suuniyaheeduna dherer intey ka qabeen sanqaroorkeeda dheer salkiisa ayey ku soo arooreen. Cawrala qosolkeedu wuxuu ahaa had iyo jeer dhool ka qosol, oo debnaheeda deebta ah aayar furta, oo markaas in yar muujisa ilkaheeda caddaan sadafka ah ilaa dhoolaheeda dhuudhuuban barbar ka muuqdaan. Intaas waxaa u raacay labadeed kub oo laba buuxsin ahaa. Haddii daacad loo tilmaamana gacmaheeda garaaraha lahaa markay ku laafyooto ruux la quuro mey ahayn, goroddana waxay ku lahayd kuna wareegsanaa caabbaadhyo haddii la tiriyo afar meeris ahaa. Waxaana la oran karaa quruxdeedu waxay ahayd waxaan la arag lana maqal. Dharqaadashadeeduna dhuda wareeg abid kama yeelan jirine hab iyo hannaan bey u xiran jirtey una xarragoon jirtey.

Magaalada Cadmeed bey muddo shan sannadood ah ka baran jirtey quraanka iyo af Carbeedka halkaasoo ay heer fiican ka gaartey aqoonta wax akhriska iyo wax qoridda.

Waxay la walaal ahayd wiil la oran jirey Dalmar iyo laba gabdhood oo ay midna ka yarayd midna ka weyneyd. Hooyadeed iyo aabbedeedna waxay ku noolaayeen magaalada Xiis iyo miyigeeda oo ah buuraha ka sarreeya. Aabbeheed Barre wuxuu had iyo jeer Cawrala ku faanin jirey uguna ducayn jirey muddeecnimadeeda iyo dheganugaylkeeda, in kastoo mar-marka qaarkood waxay damacdo ma’ ahe wax kale aanay yeeli jirin.

Isla markaas, Calimaax wuxuu la walaal ahaa wiil keliya iyo laba gabdhood, wuxuuna ku dhashay kuna barbaaray magaalada Laasqoray oo Xiis xagga bari ka xigta una jirta qiyaastii 152 Km. Magaaladaa isla iyada ah waxay ku hoos taal buuraha Calmadow oo ay isku xiriir yihiin Surad iyo Daalo, sidaas daraadeed xagga quruxda iyo dhirta ka baxda waa isku sansaan, inkastoo buurahaas Laasqoray ay hoos timaaddo marka oogo laga soo bilaabo ilaa xeeb ay u kala baxaan heerarka ah Raacin, Arooro, Cayow, Jarcaleed, Madar, Ragar, Gadoob iyo Macagta oo ah halka buuruhu ku dhammaadaan.

Haddaba, dhulkaas buurahaas leh, ayuu yaraantiisii ku kicitimay, waxaana kaloo jirtey inuu in badan la socon jirey bulsha fardood oo halkaas sida muuqata uu aad bulshay rag iyo haasaawe yaqaana ku noqday. Muddo dabadeed markuu gaashaan qaad noqday baduhuu galay oo ku ilbaxay, doonyahana wadiddooda iyo maamulkooda ka gaaray heer sare.

***


FG:  meelaha qaar higgaada waa la yara saxay.

La Soco Qaybta 2d

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 15: Kacdoon iyo Dhagar

Qaybtii Hore Kacdoon Hal sano oo dhammaystiran ayuu immika xabsiga ku jiraa Mamuu. Saaxiibaddiisii guuldarrada, …

Mamuu iyo Seyn 14: Naf Saafi ah iyo Quus

Qaybtii Hore  Naf saafi ah Dhacdooyinka falagga iyo koonku waa kuwo horreeyay oo asal ah. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *