Home / Buug / Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 11

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 11

WELWELKII IYO WALBAHAARKII CAWRALA

Waxaa welwel, walbahaar iyo walaac Cawrala geliyey heestii cirsan-ka-yeerka, khaas ahaan saddexdii tixood oo u dambeeyey heesta ee ahaa:

Dayaxu ma gabdhin, manuu gabax oran,

Ha yeeshee gashuu degey, way guduudnayd,

Ee ha gacan gelin, jeer gu’soor da’o

Iyadoo ay u muuqatay Cawarala in tixaha heestani yihiin xaal ku shuqulle xiddigaha, ayey waxay u sheegtay geeladeed Saluugla inay la doonto qof xiddigiska aqoon dheer u leh oo fura tixahaas micnahooda. Hadday maalmo goobaayeen xiddigiye, ayaa maalintii dambe waxaa loo sheegay inuu jiro nin Darawiishta ka mid ah, oo aad uga baaraandegey xiddigaha iyo maluugada iyo cilmi curaafiska. Halkaasay Cawrali cid u dirtay ninkii loo tilmaamay oo gurigoodii ugu yeertay gooray fiid hore tahay. Waxse dhacday inay ka naxday filidda aanay filayn inuu xiddigiyuhu noqodo Darawiishkii Bile oo farriinta uga keenay Calimaax, markay Darawiishtu duulaan uga soo baxday Xarun. Isla mar ahaantii Cawrali dareen kama qabin inuu Bile yahay ninkii habeenkii geerida Calimaax loogu soo warramay oo ay xeebta keligeed ka heesaysey, uga jawaabay heestay hadda doonayso in loo micneeyo, dabadeedna cirsan-ka-yeerka isugu sheegay intuu koray meeshay fadhidey meel ka korraysa oo dhagax dushiis ah.

Waxaa jirtey in Bile iyo Calimaax ay aad iyo aad rafiiq u ahaayeen, Bilena uu ahaa ninkii geerida Calimaax Cawrala u sheegay habeenkii hore, haddaba markuu warkii geerida u sheegay Cawrala habeenkaas, bile kama tegin Cawrala’e kor ayuu ka ilaalinaayey ilaa uu cirsan-ka-yeer isugu sheegay markuu uga jawaabay heestay ku calaacalaysey, isagoo isla mar ahaantii tusaalaynaaya mabaadiida Darawiishtu inay tahay inaan nin Darawiish ahi mar haddii jahaad dalkiisa ugu jiro oo uu gaalo la dagaalamaayo aan la oran karayn hadduu jahaadka ku dhinto waa geeriyoodey ee la oranaayo wuu janna tegey.

Cawrali intay shah u karisay Bile bay si fiican u dhoweysey, oo intaanay xaajaday ugu yeertay u furfuran sheeka dheer, iyo arar ka bixisay dhibaataday iyadiyo Calimaax soo wada wareen, markay doonnidu la degtey iyo siduu gacan ugu geystey oo baddii kaga soo bixiyey. Cawrali waxay aad ugu dheeraatay inaanu xaggeeda Calimaax ahayn nin la illaawi karo. Waxay kalo raacisay inay hadduu geeriyoodana si kastaba ha yeeshee ay dul tegayso qabrigiisa iyo halkuu ku naf baxay.

Cawrali waxay ku tiri Bile “Bilow horta anaa kuu soo cid diray waxaanna doonayaa inaan caawaa aad kuugu xog waramo dabadeedna aad ii furtaa heestaan kuu sheegi doono, waayo waxaa laygu yiri aad baad ugu fogtahay cilmiga xiddigaha iyo maluugadaba. Heestanaa habeen dhoweyto ayaa anoo cidla iska fadhiya oo heesaaya ruux aanan arkayn tixraacay heestaydii oo ku soo dujey heestiisii saddexdan weerood oo aan kuu sheegi doono. Haddaan waraystayna inuu kay isu sheego ruuxii wuxuu i yiri “waxaan ahay cirsan-ka-yeer”.

Bilaa hadalkii qaatay isagaan isu sheegin inuu isaga ahaa ruuxa heesta tiriyey ee cirsankayeerka isugu sheegay. Wuxuu yiri “waa runtaa Cawralaay oo aad baa la iigu xantaa cilmayadaad sheegtay, is faaninna maayee wax baan ka aqaan, Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa xiddiga sheeg cirka kaaga xeel dheer, xaryan wadowna badda kaaga xeel dheer, markaas waxaan filayaa inaan xaajada kaa murugtay intaan oddoroso kaa dherginaayo, ee bal si fiican oo tifaftiran iigu sheeg heestaad sheegtay miraheeda.”

Halkaasay u sheegtay heestay ku heestay habeenkay badda ag tagtay iyo heestii cirsan-ka-yeerku ugu jawaabay. Wuxuu yiri Bile markay dhammaysay heesihii “waa tahay Cawralaay i maqal haddii arrintu intaa yahay wax dhib leh ma aha’e. heesta cirsanka-yeerku waxay tusaalaynaysaa haddaan sangaabta soo qabto, inanu Calimaax geerina ahayn nololna ahayne ee uu gal dhiig ah dhex yaallo. Marka gu’soruhu da’ana war sugan baa laga helayaa. Haddaan sii faahfaahiyana waa dhaawac dhimasho looga tegey, waase dhiig fuqayaa. Wuxuu kaloo raaciyey intaas Daraawiishkii Bile inuu isku deyaayo inuu bal xagga iyo bari u waraysi iyo baadidoon tago, oo ay Iyana Cawrali intaas samir iyo iimaan sii yeelato.” Cawrala waxay tusaalaysay inay intay samir yeelan karayso samrayso, laakiinse ay ka cabsi qabto in nin loo arooso, iyadoo aan weli Calimaax geeri iyo nolol midna ku hubsan.

Wuxuu ugu dambaystii ku yiri “waxaan Cawralaay kaala dardaarmayaa inaadan arooskaas yeelin wax kastoo dhaca, haddaad soo baxsan kartidna u soo baxso galbeed ama Nugaashaas fog oo aan cidihiinna xeebaha degaa soo gaarayn. Midda kale haddaad ciyoon war iga weydid markaan bari tago waxaan aadayaa xaggaas iyo Xaruntii Taleexe ogow.”

Halkaasa Cawrala iyo Darawiish Bile lagu kala tegey, oo Cawrala laysku soo haray Saluugla. Cawrala markaas ku tiri “Saluuglaay waadigii Darawiishkii maqlaayey ilaaddiisiiye, waxayna Soomaalidu tiraahdaa, saaxiibka ama saanec kuu ahaa ama sabab kuu ahaa’e waxaad ka soo talisaa saddexda hal midaan falo, inaan kudaalo, oo u kaco xaggas iyo galbeed fog iyo dhul aan la gaagaynin, oo duurgal bahal dibadeed noqdo, iyo inaan ninka la sheegaayo ood xaalkiisa ogtahay oori u noqdo, iyo inaan sidii kale oo ay ka fursanweydo yeelo?”

Markay Carwali hadalkii dhammaysay ayaa Saluugli ku tiri “waa tahay Cawralaay dhammaysay oo xil weyn baad i saartay, oo waxaad i tusaalaysay inaan haddaan saaxiibaddaa runa ahay tala habboon ku siinaayo haddaanan ahaynna ku habaabinayo, haddaba, waxaad i siisaa ila saaddambe si aan uga soo fekero, waayo waxaa la yiri, hadday degdegsiiyo door dhalaan, kaadsiiyana kiish lacagay dhalaan, markaas aan ka baraandegee taladaas iga sug.”

Cawrali waxay sheegtay inaanay waxba ka qabin muddaday Saluugli qabsatay, in kastay ku adkaysay inay soo dhakhsato, sababtoo ahayd waxay cabsi ka qabtay inay waxyaala kale, oo lama filaan ah, oo aanay ka tabaabulshaysan ka soo hormaraan taladay codsatay.

Nasiibdarri, siday ka baqaysey, ayey la kulantay oo aroortiiba aabbeheed baa u yimid oo ku yiri “Cawralaay waa innagii is ogeyne sow wixii lagugu sheegaayey oo jacaylku sheegga ahaa kaama bixin intaan cidaha ka maqnaa. Midda kale waxaan filayaa inaad sidaan isku ogeyn aad diyaar u tahay in lagu arooso marka gugu da’o.” Wuxuu kaloo ku yiri “Ninkaan ku siiyey waad ogtahayoo waa nin maalqabeen ah oo marriin, masruuf, mood, madhax iyo wixii mulug adduunya ah buu ku mihiibsiinayaa. Waxaana ninkaas laguu siiyey xigsiisan ahaan markay gabartii kaa weyneyd ee walaashaa ahayd ka dhimatay.” Wuxuu kaloo ku yiri “waa inaad shaydaanka iska naartaa oo ninkaas xoolaha aan sheegay kugu derejeynaaya guriguu seexan lahaa cawskiisii, kebdihiisi iyo wax alla wixii lagu xardhi lahaa sii abidaa.”

Cawrali aabbeheed wuxuu kula hadlaayey oo dhan labada dibnood uma kala furin oo eray uma celin, waxse uurkeeda ku soo dhacay markuu ninka maalkiisa, moodkiisa iyo maal adduunyahuu qabo ka sheekaynaayey inay waxyaalahaasi yihiin waxyaalihii geeladeed Saluugla aabbeheed sababay oo hunguriga ka soo ridey kuna kallifay inuu inantiisa siiyo oday geed labadible ugu xirta oo if iyo aakhiraba seejiyey.

Waxay kaloo xan ku maqashay inuu ninku yahay nin qorqode iyo xilagube ah, oo geeridii walaasheed wax laga saaraayey, inay u dhimatay nabaro uu hangool ku gaarsiiyey maalin uu dilay.

Ugu dambaystii, in kastaanay codkeedii kor u qaadin oo aabeheed maqashiin, waxay iskula faqday oo uurka iyo maanka oo wada jira ka tiri “Allahayow qaraaraa nimaad qaweddey guurkiisu, Allahayow qaraaraa quud aadan cunidiis dooneynin, Allahayow qaraaraa nimaan qalbigu raacaynin, Allahayow qiyaamaha ka daran qarqode guurkiisu, Qaadirow Ilaahow qisaasteer iga badbaadi.” Goortay ereyadaas cabbaar uurka kaga maansaboliday oo aabeheedna weli doc fadhiyo ayey ku tiri “abbe waadigii intaad adigu i oran lahayd yiree, bal afaraydan iga dhegayso.”

Maalqabeenka geeliisa ramag, madar ku maalaaya,

Oo muluggii adduunyada qaboo, midigta loo saaray,

Nin micnaha magaalada yaqaan, yey maskabi dhaamaa,

 

Magalooti jaahila, oo haddana madax taagaaya,

Oo haddii muran idin dhex maro, meel ku jebinayaana,

Ninki birimagaydada yaqaan, yey maskabi dhaama,

 

Maangaab aan aqoon iyo lahayn, madadka haasaawe,

Oo mugdi habeen gudahayoo, marin habaabaaya,

Oo aan maraaciga haween iyo muxibadood haynin,

 

Oo aan miligiyo maansa gabay, mira ka sheegaynin,

Oo sida Maax waa maahire, mayey u horaynin,

Inaan meel cidla ah weytamaa, yey maskabi dhaanta,

 

Muudal weeye iyo nimaan, muqdarba ahayne,

Oo magligiyo hangoolayntu, waa meheraddiisiiye,

Waa wixii makalay weeladay, milaygii dayreede,

 

Murwana daryeelkeedu, waa xil iyo maamuuse,

Mar hadduu manfacii hunguri, mee ii oranaayo,

Inaan meerto guumays noqdaa, yey maskabi dhaanta,

 

Malabkiyo macaankiyo wixii, mid iyo maaheera,

Maantaas haddii lay wacoo, la i mihiibsiiyo,

Maalaydaa dacartoon rabaa, yey maskabi dhaanta,

 

Aabbow maqaan iyo waxaad moogtahaa badane,

Oo intaasoo masalooyinaan, maragsanaayaaye,

Haygu meherin aabbow, nimaanan muxibbadiis haynin,

Haygu meherin aabbow, nimaanan muxibbadiis haynin,

Haygu meherin aabbow, nimaanan muxibbadiis haynin,

Bacdamaa Cawrali u dhalatay waxgarada aqoon leh cilmigana ay heer fiican ka gaartay, waxay damacday inay aabbeheed oo aan garasho iyo aqoonba la gudboonayn, gabaygaas ku fahamsiiso inay qiime iyo ahamiyad siinayso ninka raganimadiisa, wax garadnimadiisa, aqoontiisa ku saabsan dhaqanka guurka iyo daryeelidda ka dhexaysa ninka iyo murwada u dhaxda. Laakiinse, aanu maalku fara kasta ha lahaadee waxba ku fadhiyin haddii rukunnadaas guurka salka u ahi ay kala dhantaalan yihiin. Isla markaasna waxay si tafaftiran u tusaalaysay inaan guurka milgihiisu daduuc iyo afduub ku habboonayn ee uu ahaado kalgacal, iyo jacayl ka dhex dhasha labada ruux.

Ayaandarrise, aabbeheed ma fahmin ula jeeddadii gabayga Cawrala, markaasuu intuu gambarkuu ku fadhiyey kor uga boodey oo kor u dhawaaqay oo yiri “wegerey! Ma taasaad keetay? Oo waxaan ku waaninaayey waad ka sii dartoo dibi dhashay? War Dalmarow iyo hooyadeedey bal kaalayoo dhegaysta waxa gabartan waalatay Ilaahay afkeeda ka keenay.”

Qayladii uu odaygu qayliyey ayaa waxaa u yimid hooyadeed iyo walaalkeed Dalmar, iyo dad kale oo cidhii deriskooda ka mid ahaa. Haddaba, intii odaygii iyo hooyadeed iyo dadkii kale isku buuqayeen ayey Cawrali ka dustey aqalkii iyadaan la ogeyn, hase yeeshee in yar dabadeed yaa la tebey inay maqan tahay, markaas walaalkeed lagu yiri doon hadday ku diiddana keen iyadoo labadible u xiran. Sidii la faray Dalmar amminkiiba Cawrala waa soo helay wuxuu gurigii ku soo celiyey iyadoo labadible u xiran.

Halkaasaa inta tiir aqalka dhexdiisa ah la qabadsiiyey labadible loogu xiray iyadoo ilmadu ka tililikh leedahay, hooyadeedna ku halaahalayso “tanu quus weeye oo belaa la tagtay ee ha la furdaamiyo hana loo kitaab furo intay goorigoor tahay.”

Kolkay hadhgalkii ahayd ayaa ciddii oo dhami isugu timid gurigii, oo hadhimadii halkaas lagu cunay. Waxaa ka mid ahaa dadka ka soo qayb galay hadhimadii Cawrala adeerkeed, oo Cawrala aabbeheed u cid diray si uu ugala tashado bal wixii Cawrala laga yeeli lahaa. Adeerkeed wuxuu ahaa nin abwaan iyo waaya arag ah, aminkiibana markii soortii la soo dhigay ayuu Cawrala xarigii ka furay oo ku yiri “adeer Cawralaay i maqaloo agtayda soo fariiso soortan wax ka cun, waayo baahi inaad qabtaa indhahaaga iiga muuqata.”

In kastoo adeerkeed si wacan oo raxmad leh u soo dhoweeyey iskuna deyey inuu soortii cunsiiyo, Cawrali laba iyo saddex jeer keliya oo dadduuc ah ayey gacanta gelisey xeeradii Mooliga ahayd ee soortu ku jirtey.

Haddi hadhimadii la dhamaystay, ayaa Cawrala iyo adeerkeed laysaga tegey, oo loo faq daayey si uu uga baaraandego gabarta lagu yiri quus baa laga joogaa. Wuxuuna hadalkiisii ka bilaabay isagoo aad u araranaaya oo beerlaxawsanaaya Cawrala “Cawralaay adeer ugu horraystii waxaa filayaa inaan caad kaa iga saarrayn inaan ahay adeerka aabbahaa la dhashay oo naas la nuugey, maalintaad dhalatayna anaa ku soo baalleeyey, Cawralana kuu baxshay, markii kaa la iigu bushaareeyey.

Midda kale waxaan ku xusuusinayaa inaan anigu sabab u ahaa cilmiga iyo aqoontaad soo baratay markaan aabbaa kula taliyey inuu dugsi Cadan kaaga daro. Intaas waxaa ii raaca, waxaan maqlay inaad diidday ninkii xoolaha badnaa ee xigsiisanka laguu siiyey, taasina mid lagaa filaayey ma’aha, waayo dantaada iyo tan reerkiinna midna ma’aha.

Aniga qudhayda wuxuu iigu ballan qaaday, haddaad oggolaatid ninka lagu siiyey inuu i siiyo sidig geela. Haddaba maandheey ciroole guudka ka caddaaday baan ahee ha igu gacan sayrin, oo waxaadna ogaataa in la yiri saddex baa adduunyada laga waraystaa waxna laga weydiiyaa. Saddexdaas oo ah, uurku ciroole, adin ku ciroole iyo oogo ku ciroole, aniguna saddexdaas baan isugu jiraa ee yaanay waanadaydani kula fududaan oo inkaari aniga iyo labadaada waalid kaaga nagaga dhicin. Tan ugu dambaysa miyaadan maqal gabaygan waanada ah:

Ma ogtahay ikhyaarkii ku raba, inaan la iska eedaynin,

Ma ogtahay abaalkiisu, waa inaad addeecdaaye,

Ma ogtahay ninkii uumiyaha, la ibtilaynaayo,

Ma ogtahay wixii khayr leh, baa lagu adkeeyaaye,

Ma ogtahay adduun nimaan lahayn, laga ilwaad roone,

Ma ogtahay dadkuba haatan, waw iima tiriyaaye,

Ma ogtahay inkaar waalid, waa eebo kugu taale,

Ma ogtahay ishiisaa ka daran, ololkii naareede.

 

Maandhey hadal wuxuu qaaya lahaa waanana lahaa kuu dhammeeyey, ee inaan Alla ku qaadin arrinkaas ha nagu diidin.”

Cawralaa markaas hadalkii qaadatoo tiri, “adeer waad ku mahadsan tahay waanadaad ii soo jeedisey, waxaanna ogsoonahay inaad wanaag ma’aha’e xumaan ila jeclayn. Waxaan kaloo leeyahay intaad gabayga ku sheegtay oo dhan waxba ka jira, laakiinse tixdii ugu qiima roonayd oo ahayd, ma ogtahay aqoon nimaan lahayn waa Allaw sahale, ma ogtahay markaad eray tiraahduu kugu ilaaqaaye.” Baa laga yaabaa inaad ula kac carrabka ugu dhifan, iyadoo suura gasha inay kaa tahay inaad qiimaynaysid waxyaalaha kale oo tixaha aad sheegtay ku jira, laakiinse aadan daryeelayn ahamiyadna siinayn aqoonta dadka u ah ifkii iyo ilayskii inta ifka iyo adduunyadan lagu nool yahay. Si kastaba ha kaa ahaatee hadalkaad i tiri waan ka soo fiirsanayaa go’aan buuxana wixii aan ka yeeli lahaa saaddambe iigu kaalay. Halkaasaa Cawrala inta adeerkeed nabadgeliyeeyey ku yiri “Cawralaay waad mahadsan tahay arrinkaasna aan kuugu imaaddo adoo niyadsan oo aanu ku noqosho iyo wax iska weydiin dambe lahayn.”

Cawrala iyo adeerkeed saasay ku kala tegeen, isagoo, isagu aad u faraxsan, Iyana ay aad uga murugaysan tahay ballan qaadka ay ballaanba qaadday inay ka soo fiirsanayso waxay ka yeelayso arrinkuu ula yimid.

Aroortii bay Saluugli u timid iyadoo taladay Cawrali weydiisatay ula socota. Haddii in yar lays nabdaystay ayey Saluugli “Cawralay anoo kula jeclaa inaad heshid ninkaad jeclaatay misna haddaan fekeray oo xag walba ka eegay waxa ila noqotay inaadan dhaafin wixii waalidkaa rabo, waayo waxa la yiri “haddii aad weydo waxaad doonaysid wixii dani ku baddaa la yeelaa.” Tu kalena waxaa iyana la yiraahdaa, hawadaaduna been bay kuu sheegtaa hantidaaduna runtay kuu sheegtaa markaas, sidaas darteed haddan xag walba ka rogay arrinkaas wuxuu iila ekaaday inaad been haweysatay oo nin aynaan ogayn runtii inuu nool yahay iyo in kale baad noloshaadii oo dhan ku xirtay. Intaas waxaa ii raaca oo aan so ogaaday inuu Calimaax gabar aroostay amminkiiba markuu halka ina kaga tegey oo Xarun galay, markaas maxaa kaaga maskab ah ninka aynaan ogayn inuu horta nool yahay, hadduu noolaadana rugtii arooskiisii cusbaa iyo minweyntiisii aan hurayn. Midda kale waxay tahay, haddii Eebbahayba kiin isu calfo miyaad naag kale oo eynigaaga ah dangalo u noqon karaysaa? Aniga taasi wey ila qaraar tahay oo wax murwo uga derjo liita marjirto, markay dadab naagi uga horraysey ka daba gasho. Tan u darri oo aan soo xansaday waxay tahay in warqaddaad u dirtay foolxumo ka raacday markuu akhrisan waayey oo uu dhiibay soddogiis iyo seeddigiis oo halkaas xaal gola jooga ah lagaga qaatay wixii aad warqadda ugu qortay. Haddaba ma ninka hadalkaagii macaanaa oo qiimaha lahaa xaalka ka bixiyey baad wax ka sugaysaa? Waxaa Cawralaay la yiri, ruuxii aan quus aqoon, isagaa quus ah, Cawralaay in kastoo aan aabbe iyo hooyo ina wada dhalin misana waxaad ii tahay walaashay dhaba ah, markaas sidaas darteed taladaydan ha fududaysan, waayo waxaan kaala baxsanayaa inaad reerkiinna ka dayrsantid oo aad nolol xun ku waartid.”

Cawrali hadaladaas iyo talooyinkaas aanay ka filayn Saluugla aad iyo aad bay u damqeen, oo welwel iyo walaac u geliyeen. Laakiinse in kastoo ay ka dhadhamisay in hadalada qaarkood run ahaayeen, misana waxay ku adkaysatay oo goosatay, iyadoo adduun irrid walba kaga soo oodmay inaanay guurkiisa oggolaan ninkaas Geelle la yiraahdo. Waxay kaloo goosatay inay adeerkeedii ka sugaayey jawaabta sidaa ugu sheegto, inay go’aan ku gaartay inaanay oori u noqonayn Geelle nin kaleba ha joogee. Markay saas goosatay ayey Saluugla ku tiri “saan kaa filaayey ma yeelin oo tala nacab baad ii soo jeedisay, laakiinse aduun baa dad oo dhan iigu sokeeyee ha iga ag fogaan.”

Saluugli waxay ka ballan qaaday inaanay ka fogaanayn, halkaasaana lagu kala tegey goorey tahay casar gaaban. Sidii ballanku ahaa arootii dambe, gooray tahay xigsiintii, ayaa adeerkeed u yimid iyadoo keligeed ardaaga fadhiga oo gacanteed midig murdisadeeda dhulka ku xardheysa. Ugu horreystiiba marku adeerkeed bariidiyey wuxuu ku yiri “maxaad Cawralaay gegida u fadhaysaa ma hawl kalaad weydey, mise arrinkaan isla ogeyn ayaadan weli go’aan ka gaarin?”

Waxay ugu jawaabtay adeerkeed afareydan, iyadoo tusaalaynaysa inay weli diiddan tahay in loo dhiso ninkay diidaysay, waxay tiri:

Haddaan lay garaabayn, haddaan idin garwaaqsiyo

Oo aan Layla garanayn waxier, gama’a ii diidey

Gartay weeye Naallow inaan, gegida jeexayey

 

Guurkii diidey nimaanan rabin, gogol wadaaggiisa

Guursi diidey Geelliyo nimaanan, gacalnimey hayne

Oo go’aankii ku siiyey, adaa gebegebayn doona.

 

Adeerow godkaad ila rabtaan, gudcur madow weeye

Guuldarrooyin hay badin iyo geesaas haweenaadka

Oo garba duubka iga daa ayaanan, uruga geeriyoone.

 

Markay tixahaas dhammaysey ayaa adeerkeed ku yiri, “maandhey maxaad hadalkaas u tiri, midda kale waxaan ku leeyahay, in kastoo ay tixahaagaasi meel i damqeen, misna waxay lagama maarmaan noqon weydey inaan laguu jixinjixin, oo dhakhso arooskaagii loo dhammeeyo.”

Siduu ku ballan qaaday Cawrala adeerkeed, amminkiiba aabbeheed iyo hooyadeed buu hadalkeedii u sheegay, wuxuuna ku dhiiri geliyey labadeedii waalid inaan dheg loo dhigin hadalkeedaase jujuub iyo garbaduub si degdeg ah lagu aqal geliyo.


La Soco Qaybta 12d


Qaybtii 10d

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 16: Shallayto iyo Dardaaran

Qaybtii Hore Shallayto Waaberigii ayaa Amiirka ka dul dhashay isaga oo weli talo wax-ku-ool ah ...

Mamuu iyo Seyn 15: Kacdoon iyo Dhagar

Qaybtii Hore Kacdoon Hal sano oo dhammaystiran ayuu immika xabsiga ku jiraa Mamuu. Saaxiibaddiisii guuldarrada, ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *