Home / Buug / Mamuu iyo Seyn 11: Ugaarsigii iyo Kulankii Mucaashiqiinta

Mamuu iyo Seyn 11: Ugaarsigii iyo Kulankii Mucaashiqiinta

Qaybtii Hore

Ugaarsigii

Waxa ay ahayd maalin cirka iyo qorraxdu ba saafi yihiin oo caad iyo daruur aanay saarnayn. Bii’addii ayaa lebbis kan ugu qurxoon ee ugu xardhan gashatay. Waxaa kulmay oo isla falgalay dhalaalkii xilligu keenay iyo dhoollacadeyntii beeraha iyo ubaxyadooda. Sundus cagaaran ayaa beeraha ka wirqaya. Neecaaw udgoon badan ayaa lulaysa laamaha beeraha. Taagsimaha waxaad moodaysaa taako-madaxeed laga sameeyay Dhulmandoogle (green emerald)* oo lagu xiray foolkooda dushiisa; taako-madaxeed ay dabiicaddu ubaxyo kala duwan oo wada ifaya hareeraheeda ku firdhisay. Buuraha dhaadheer kurusyadooda ayay dabiicaddu, sidoo kale, dooggii ku toshay. Waxani waa astaamo aan waarayn oo qurux iyo ashqaraar la weynaaday. Waa muuqaalka jasiiradda Buudaan. Waxa ay muujinayaan weynida uu leeyahay awood badanihii uumay ee dhulka dushiisa qotonsiiyay quruxdan. Togagga waxaa geesaha ka soo ciriirinaya geedo dheerdheer. Isdhaafdhaafka laamaha geedahan dhaadheer dhexdooda waxaa ka baxaya codadka dhammaan noocyada shinbiraha bulbulka la yiraahdo oo heesaya. ilo biyeedyo yaryar oo ifaya ayaa iyaguna taagagga iyo banaanka dhex susumaya. Waxaad mooddaa faraqyo xariir ah oo laga lulay gabadh qurux badan oo si wacan loogu labbisay.

Nin Amiirku soo diray ayaa daafaha jasiiradda iyo xaafadaheeda dhex wareegaya. Waxa uu ku qaylinayaa in amiirku digreeto ku soo saaray in qof walba oo qaanso iyo leeb leh, isla markaana awood u leh in uu ugaarsado ay waajib ku tahay in uu ka mid noqdo safarka Amiirku berri subax ku ugaarsi tagayo. Tartan ugaarsi oo uu amiirku garsoore ka yahay in isna la qaban doono ayuu intaa kore ku daray.

Subaxdii la ugaarsi tagayay ayaa timid. Daafaha jasiiradda oo idil waxaa ka soo anbabaxay intii wax isbidaysay; madaxnimo, magacdheer, awood iyo karti iyo intii dagaalyahannimo ku suntanayd. Waxaa horboodaya Amiirka iyo ilaaladiisa. nin walba oo meesha maraya qaansadiisa ayaa qarqarka u suran, wax walba oo ugaarsiga lagamamaarmaan u ahna wuu sitaa. Dadkii jasiiradda ku noolaa ee aan ugaarsiga iyo tartarnka ka qaybgalin intoodii awoodday in ay socod ku gaaraan meesha tartanka lagu qabanayo ayaa iyaguna soo baxay. Nooc walba oo ay bulshadu leedahay ayaa ka mid ah dadkaan soo daawashada tagey; duqow iyo carruur, lab iyo dheddig ba.

Durbadiiba tartameyaashii waxa ay dhex galeen kaymaha iyo taagsimaha dhexdooda. Waxaa kala  qariyay gollayaasha buuraha isaga oo qof waliba baadi-goobayo ugaadha ama bahal kale oo inta uu dilo galabta ku faantamo. Waa caado noloshu bartay bulshada reer Buudaan in halkan lagu kala haro. Qof baa libaax ama shabeel dagaalyahan ah soo dilaya, waxa ay daliil u noqon doontaa in uu yahay geesi dhiirran. Qof kalaa garanuug soo dili doona, isna waxaa lagu abaalmarin doonaa fudayd iyo dheerayn in uu dadka meesha yimi ugu sito, maadaama oo uu garanuug soo ugaarsaday. Qof kale ayaa shinbiro geedo dhaladood ka heesaya soo rida oo la gole imanaya. Qof bay u suurogalaysaa in uu xayawaanno kala gedgeddisan soo laayo oo golaha amiirku garsooraha ka yahay la yimaado. Sidoo kale, waxaa suurogal ah in la tartamayaasha uu ka mid noqdo qof aan waxba soo ugaarsan.

Gebagebadii kulanka, Amiirkii waxa uu sii muujiyay garsoorennimadiisu heerka ay gaarsiisan tahay. Qof kasta oo tartameyaashii ka mid ah qaddarin iyo dhiirrigalin ku habboon ayuu siiyay; mid walbana farta ayuu ka saaray wixii uu abaalgud ahaan mudnaa.

 

Kulankii Mucaashaqiinta

Bal aan isaga soo noqonno dadkaas ku foofay kaymaha iyo taagagga jasiiradda iyaga oo danahooda cayrsanaya. Aan saanta dib ugu jeedinno guryihii cammirnaa ee [dadkaasi ka tageen oo] cidiba aanay ku harin. Si gaar ah, aynnu beegsanno dhankii qasriga Amiirka. Aynnu u sujuudno muuqaalka gabar foorarta oo meel dheer [oo qasriga dhexdiisa ah] inooga bidhaansanayna. Tillaabadeennu xaggii gabadhu ka bidhaamaysay ha u soo degdegto. Aan aqoonsanno markaan inyar u soo jirno. Waa Seyn; quruxleydii beryo hore qasriga dhinacyadiisa la jaasi jirtay farxadda, kaftanka, quruxda iyo wanaagga ay leedahay.

Immikadan [ay noo muuqato] dariishad ayay taagan tahay. Waa iyadii oo shiilmatay. Way foorartaa. Waxaa jidhkeeda iyo maskaxdeedaba cusleeyay murugo iyo kurbo. Jirro iyo amuteet la’aan ayaa bas beeliyay. Madaxeeda ayay ku celinaysaa gacanteeda midig oo feer duuban. Maskaxaha filasoofyada iyo murtileyda waaweyn mid la mid ah ayay kaga fakaraysaa cidlada haraysay luuqluuqyada qasriga iyo fagaarayaashiisa. Muuqaallada uu qasrigu maanta leeyahay ee xasilloonida iyo cidlada ah ayay ka sawiranaysaa macnaha ay leedahay dhammaadka iyo gabogabada dunidaani. Waa socdaalka qof walba sugaya ee ka dambeeya saacadaha farxadda iyo baashaalka. Seyn, waxaa halkaa uga soo dhex baxaya tusaale muujinaya sida ay isugu egyihiin dhammaadka dunida iyo gubashada qalbigeedu. Muddo dhow ka hor waxaa qalbigeeda ku xardhanaa himilo xarragaysan oo lagu gedaamiyay riyooyin qurux badan. Wax aan daqiiqad dhammeyn ayay himiladaasi ku gubatay, danbaskeediina dabaysha ayaa durba qaadday. Waxa ay ku baraarugtay hoog iyo haantooy sabanku wadeen oo dhuunteeda ku margaday.

Iyada oo sidaa u fakaraysa ayay eegtay dariishaddii ay taagnayd hoosteeda, mise beerta qasriga ayaa ka bilaabata. Isha ayay la raacday. Waa beer weyn oo qaybo kala durugsan ka kooban. Xil weyn ayuu Amiirku iska saaray qurxinta beertan iyo xarragaynteeda. Nooc kasta oo khudaar iyo fawaakih ah ayuu isugu keenay. Ubaxyo kala jaadjaad ah ayuu khudaarta iyo fawaakihda ku kala xirxiray. Dhammaan noocyadii ubaxyada ee ka bixi jiray taagagga iyo jiinka wabiga ayaa meesha ku dhan. Kannaallo biyo ah oo dhuudhuuban oo wirqaya ayaa qayb weyn ka qaadanaya quruxda beerta oo hareereheeda iyo dhexdeeda susumaya.

Beertii oo cidlaa ah jawigeeduna deggan yahay ayay cabbaar daawanaysay. Qof kali ahi ma uu fadhiyo beerta dhexdeeda. Kaliya ubaxyada beerta ayay balanbaalisyo ku wareegayaan. Dhaqdhaqaaqooda oo kali ah ayaa muuqda. Codadka shimbiraha saaran laamaha dushooda ayaa la maqlayaa. Xasilloonidii iyo hawadii macaanayd ee qasriga ayay u bogtay. Xoogaa deggenaan ah iyo awood ayay ka dheeftay daawashada beerta. Waxa ay talo ku gaartay in ay fursaddan ka faa’iidaysato oo bannaanka uga baxdo qolka ay isku xabbistay. Awood yar oo jirkeeda ku jirtay in ay howl galiso oo taladeedaa ku fuliso ayay qoondaysay. Waxa ay naawilaysaa in ay socodkan awood iyo xasillooni badan ka dheefi doonto.

Seyn waxa ay ku dhaqaaqday fulinta taladii ay qaadatay. Dabaqii ay saarnayd ayay ka soo degtay. Iyada oo luudaysa oo tabardarro badan dareemaysa ayay u jihaysatay xaggii beerta.  Maro fudud oo xariir ah ayay qaarka sare iyo ka hoosaba ka huwan tahay. Waa maro cad oo fudaydka jileec u dheer yahay. Dhexda waxaa ugu duuban maro yar oo madow oo lagu xardhay diillimo qalin (silver) ah. Malkhamad madow oo dun adag laga sameeyay ayay ganbaysan tahay. Laba daraf oo ay malkhamaddu leedahay waxaa la moodayaa koofiyad laba faraq oo miiqmiiqan leh. Labada daraf ee malkhamadda middoodna wajiga ayay ku gedaamatay, middii kalena dhafoorka midig ayay dulsaartay. Malkhamadda hoosteeda waxaa ka soo jeeda tima aad u madow oo aan tidcanayn.

Beertii ayay hadba dhinac u qaadday. Daawasho aad moodayso in ay indhaha geedaha ka dhex dusinayso ayay ugu dhaqaaqday. Shinbiro kala duduwan muuqaal ahaan iyo magac ahaan ba oo laamaha beerta ka duulduulaya ayay u fiirsatay. Sideedii ayay bilowday in ay la sheekaysato xayawaanka.

“Shimbirayahaw faraxsani: waxaa beertaan ii dhex joogay shimbir miskiin ah oo aan lahaa. Shinbir calafxun oo xiddigiisu dhacay ayuu ahaa. Waqti dheer ayaanan halkan imaan. Sidaa darteed hawada ayuu galay oo iska tagay, dib na uma uu soo noqon. Cid garanaysa beerta uu ku deggay miyay idin ku jirtaa? Laanta uu dusheeda buulka ka dhistay mid yaqaanna ma waan la idin ka helayn? Shinbir iiga xog warrami kara ma idin ku jiraa? Ma nool yahay oo baalashiisa wali ma ku duulaa? Laamaha dushooda wali ma ka heesaa? Mise asna sebanka ayaa helay sidayda oo kale, deetana intuu jirro ku riday ayuu legday”?

Socodkeedii ayay sii wadatay. Geed weyn oo har fiican leh ayay soo gaadhay, dabadeedna hoostiisa ayay fariisatay. Jirriddii geedka ayay isku tiirisay. Wali daawashadii ayay sii wadday. Ubax midab boorboor ah leh ayay ishu kaga nagaatay. Way ku dhaygagtay. Dhammaan midabbadii kale ee ubaxyada ayuu ka jiitay midabkani. Ubaxan oo kali ah ayaa midabkan boorrowga ah leh. Xasuus iyo boog ay dhaymo ku wadday oo qalbigeeda guntiisa ku yaalla ayuu midabkii ubaxa danqay. Kalinimada iyo cidlada uu midabka ubaxani dareemayo ayaa tiiraanyo ku dhalisay. Sideeda oo kale in ay waayuhu hiifeen ayay u malaysay. Mar kale ayay isla sheekaysi bilowday.

“Ubax yahaw boorowga ahi, Alle ayaan ku dhaartay e, midabkaagu wuu I tiiraanyo galiyay. Miskiin yahaw, midabkaani ma mid muujinaya quus iyo halaag ku haysta baa? Mise waa mid muujinaya sida aad ugu naxariisanayso kuwa quustay [sidayda oo kale] si aad dhibka u la qeybsato?! Mise bulbulkii ayaa kaa dheeraaday oo ubaxyada cascas [ee kale] isaga daansha-daanshoonaya halka adiguna aad kaligaa tahay, oo cidladaas xanuunkeeda ayaa midabkaan [gaarka ah] kuugu wacan?

Aaaa. Miskiin yahaw wixii igu dhacay oo kale ayaa ku haysta. Waxaan leeyahay walaal la mid ah ubaxyadaas guduudan ee quruxda badan. Bulbulkeedii xarragada iyo codka bilnaa ayuu sebanku kaga farxiyay, halka uu anigana i baday quus iyo gaariwaa. Ma helin bulbulkaygii. Waxaan lahaa deewaad (candaliib) aan in badan ka tuugay in uu bulbulkayga iga ga farxiyo, balse wuu diiday. Wuu iga buriyay [oo iga fogeeyay]. Fogaantaa uu iga fogaayay darteed ayaanan u cabbay sharaabka quusta iyo halaagga.”

***

Maanta waxa ay u eg tahay in qaddarku xoogeey naxariis ah u galay labadii mucaashaq ee quusta joogay. Dadkii oo dhami waxa ay u baxeen ciyaar iyo damaashaad, balse iyagu, labadii mucaashaq; Mamuu iyo Seyn, ma aanay aadin goobta. Wax aanay ogayn ayaa go’aansaday in uu u turo muddada xasilloonida iyo sharqan li’idu jirto. Waxaas aanay aqoon ayaa Mamuu oo iska duuduuban oo xanuun la jiifa daaray. In uu socod-socod sameeyo ayuu jeclaystay. Socod? Haba socdee xaggee ayuu beegsadaa?

Cabbaar ayuu joodariga dul galgalanayay ka hor intii aanu ka soo kicin. Waxa uu fahmi waayay sababta uu socodka u xiisaynayo. Jawaab ayuu u waayay. Wuu soo firiistay. Wixii uu tabar hayay ayuu ku istaagay oo jooradigii kaga toosay. Isku joog duf leh oo maryihiisa ugu dhawaa ayuu isku jufay. Qolkii ayuu ka soo baxay oo hortay bannaan u dhaqaaqay.

Wajigiisa halkii ku aadanayd ayuu beegsaday. Meel gaar oo bartilmaameed u ah uma socdo. Daal iyo tacab badan ayuu dareemayay markii uu socodka bilaabay. Suuqii Buudaan oo haawanaya ayuu soo dhex joogsaday. Wuu yaabay. Meeshu in ay suuqii tahay ayuu yaqiinsaday, sababta maanta looga maqan yahay se ma garan. Halka lagu maqnaan karo maanta oo kale ayuu maamiyay. Cabbaar ayuu fekeray. Haa, waa maalintii uu Amiirku ugaarsi tagi jiray. Sidoo kale waa isla maalintii uu tartanka ugaarsiga qaban jiray. Dadkii halkaas ayuu aadey. Mamuu si fiican ayuu wax u gartay. Meel fog oo taag yar saaran ayuu doog qurux badan ka halacsaday. Go’aan degdeg ah ayuu ku gaaray in uu halkaa u duwo socodkiisa bilaa jihada ah.

Mamuu wakhti badan kuma ay qaadan in uu meeshii cagaarka badnayd gaaro. Meeshu ma ba uu dhaaddanayne waa qasrigii Amiirka. Waardiyeyaal dhowr ah ayaa albaabka qasriga laga galo fadhiya. Wuu salaamay oo gudaha u galay qasrigii. Beertii ayuu dhex saqaaf ugu dhaqaaqay. Isha ayuu sidaa ugu meegaariyay. Waa cidlo. Shinbiro ayaa laamaha beerta ku ciyaaraya oo mar ka duulaya mar kalena ku soo degaya. Deggenaan badan ayaa beerta ka muuqata. Daal badan ayaa ku soo baxay Mamuu. Xaydaabkii beerta ayuu ka wareegi  kari waayay. Geed har fiican leh ayuu hoos fariistay. Nasiino ayuu u barraaqsaday bal in uu xoogaa ku soo tamariyo nasashada. Dhaqaaq ayuu u holladay. In uu dhaco ayuu ku sigtay. Wuu is teelliyay. Socod cagajiid ah ayuu beertii ugu dhaqaaqay.

Seyn wali jiriddii geedka ayay ku dhacdiiddaa. Wali ubaxii ayay daawanaysaa. Wax baa ka jeediyay daawashadii ubaxa. Meel dheer ayay wax uga bidhaameen. Waa wax ku soo socda. Wuxu waa qof. Qofku waa Mamuu. Wadiiqo yar oo beerta dhex marta ayuu ku soo luudayaa. Way u qaadan wayday. In ay riyoonayso iyo in ay soo jeeddo ayay ka shakiday. Muuqaalkii u bidhaamay ayay sixi kari wayday. Farxad ayay la kala balballaaratay. Waxa kani ma ismoodsiis khiyaali ah baa? Ma mucjiso rabbaani ah baa dhacdadani? Way anfriirtay. Jirjir bay u dhacday. Ubaxyo iyo caleemo ka daatay geedka ay hoos fadhido ayay ka dul dhacday. Way miyir beeshay.

Mamuu isagu wuu iska socdaa. Ujeeddadiisu waa daawashada quruxda beerta iyo ursashada udugga ubaxa. Muddo dheer ayuu moogaa beertan qasriga iyo qasriga labadaba. Waxa hareerihiisa ka socda ee miyirbeelka gaarsiisan war kama hayo. [Allihiis baa Alle ah]. Shinbiraha laamaha beerta ku wareega-caddaalaysanayaa wuu garanayaa. Waa nooca bulbulka la yiraahdo ee codkoodu heesaha macaan sameeyo. Socod iyo heeso isku mar ah ayay ku mashquulsan yihiin dhammaan shinbiruhu. Cabbaar ayuu u fiirsanayay oo dhagaysanayay. Mid ka mid ah ayuu la hadlay.

“Shimbir yohaw yari maxaad la rooraysaa? Ubaxa aan jaceylkiisaa la asqoobay ayaa qurux, if iyo dhalaal ba kaa badsada. Calafka ila rogmaday ayaa ka madow oo ka murugo badan kan aad dartiis la wareega-caddaalaynayso. Sidaa oo ay tahay anigu waa ikan oo waan la shiilmay cishqiga; guux iyo sawaxan toonna la igama maqlo.

Shimbir yahaw, waan kuu garaabi lahaa hal ubax dartiis haddii aad la jirranaan lahayd; hal ubax oo beeraha dunida mid ka mid ah ka baxay, sida kayga oo kale. Maadaama ubaxyadaan [aad ku dul wareegayso] dhammaantood laga heli karo dhammaan beeraha iyo buuraha [jasiiradda], ma ay jiri karto sabab aad cishqi dartiis ugu guban karto ama aad ugu walwali kartid illaa heerkan oo kale.

Bal ii sheeg wixii uu fali lahaa ama uu isku illowsiin lahaa shimbir la jirraday caashaq uu u qaaday hal ubax oo kaligiis dunida la keenay, wax u dhigmana aan la soo helayn, isla markaana sebanku u diiday in uu agtiisa tago, beertii uu ku yaallay ubaxuna uu ka durkiyay, asaga oo kaligii ahna uu uga tagey buul cidlo ah oo murugo ka samaysan?”

Mamuu intii uu beerta dhexdeeda socday sidaa ayuu isu la sheekaysanayay. Shinbir, ubax ama laan, wixii uu arkaba sidaa ayuu ula hadlayay. Si lama filaan ah ayay wax waliba isu beddeleen. Caleen badan oo geed weyn hoostiisa taalla iyo gabadh dusheeda waran ayay indhihiisu si kediso ah u qabteen. Isaga oo aan si fiican u aqoonsan cidda meesha bilqan ayaa cirkaa loola baxay. Dhulka ayaa la dhaqaaqay. Maamulidda dareemmadiisa ayaa gacantiisa ka baxay. Xasuustii ayaa si fudud uga safartay. Wareer dartii ayuu indhaha la caddeeyay. Sarajooggii ayuu ka duulay. Waa kaa gabadhii aanu aqoosan agteeda dibir  ka soo go’ay.

Si tartiib-tartiib ayay Seyn miyirkeedii ula soo noqotay. Indhaha ayay markii kala qaadday oo haddana isku qabatay. Jiifkii ayay si aayar ah uga soo hinqatay. Mise Mamuugii beerta dhexdeeda saqaafayay ayaa dhinaceeda gorofsan. Maskaxdeedii daqiiqadaha yar ka hor soo noqotay ayay mowjado hor lihi ku furmeen. Horteeda ayay eegtay. Kannaal yar oo dhuuban oo biyo qulqulayaan ayaa socda. Geesaheeda ayay haddana dhugatay. Beerihii oo ay sidii shinbiruhu laamahooda ugu ciyaarayaan ayaa ka ah. Mamuu ayay araggii ku soo celisay. Way yaabtay. In ay riyoonayso iyo in kale ayay kala sixi wayday.

Si buuxda ayuu miyirkii ugu soo noqday Seyn. In aysan riyoonayn ee uu qaddarku qorsheeyay in uu maanta ka farxiyo ayay garatay. Markii labaad ee ay Mamuu u dhawaatay in ay maanta tahay ayay garwaaqsatay. Dhinaceeda ayuu bilqan yahay. Indhaheedii ashqaraarka lahaa ayay ku bikaacisay. Si fiican ayay uga bogatay. Araggeedii ay taqaannay ayaa ku soo noqday. Gacanteeda midig ayay si naxariis leh madaxiisa ugu soo qaadday. Bowdadeeda ayay u barkisay. Si yar oo qaaboow oo dabacsani badani ka muuqato ayay damacday in ay u toosiso. Ma oga in uu miyir la’ yahay. Cabbaar ka dib ayuu indhaha si caajis leh u kala qaaday.

Judhiiba waxa uu dareemay in madaxiisu barkan yahay bowdada tii uu jeclaa; Seyn. Wajigii dunidiisa ugu quruxda badnaa oo sii qurux badnaaday ka dib markii uu dhoollacadeeyay ayaa indhahiisa korkooda ka muuqda. Wajigu wuu ilmaynayaa. Gacanteedii midige oo si debacsan u saaran laabtiisa gariiraysa ayuu iyana ku war helay.

Madaxii ayuu kor u soo qaaday. Seyn ayuu tin illaa cirib eegay. Haddana isaga ayaa is eegay. Hareeraha ayuu mar kale dhugtay. Hal erayna afkiisa waa laga waayay. Anfariir ayaa hadalkii ku dhajiyay, Seynna xishood ayaa juuq tiray.

“Waa maxay? Miyaadan Seyn ahayn? Miyaadan ahayn qalbigaygii… qalbigaygii aan ka dhex waayay labadayda dhinac? Yaa! Ma riyo barkhadaysan ayaan jilayaa, mise jannadii aakharo ee lagu waarayay ayaan ku jiraa?”

Seyn ayaa karti iska baartay. Gacanteedii iyo tiisii ayay is dhexgalisay. In uusan wali miyirku u soo wada noqon ayay dareentay.

“Maya e, waa Seyn qudheedii gacaliye. Waa innagii oo beertii joogna; beertii qasrigeenna. Ma waadan xusuusnayn [beertan]?”

Si tartiib-tariib ah ayuu Mamuu u soo miyirsaday codkii jilicsanaa ee macaanaa ee Seyn kolkuu uu maqlay. In ay lafteedii tahay ayuu aamminay. Waxa uu garawsaday in saacaddani tahay middii uu in badan ku taami jiray in uu sabanku ugu deeqo. Indhaheedii xassiloonaa ee eegmadoodu fitnada iyo sixirka lahayd ayuu dhab ugu dhaygagay. Waxaad mooddaa in uu leeyahay “labadaan indhood [ee aan kugu eegayaayi] dartaa bay u nool yihiin”. Cirridkeeda iftiimaya ayuu indhaha hoos ugu soo dejiyay. Cabbaar kale ayuu ku negaaday. Astaamaha wajigeeda oo la ifaya wax kasta oo qurux iyo dhimrin ruuxdeedu leedahay ayuu ka boganayaa. Timaheeda madow ee wajigeeda hareerihiisa ku gedaaman oo xoog uga soo siibtay malkhamadda hoosteeda ayuu, iyagana, si weyn ugu fiirsanayaa.

Intaa uu Seyn daawanayo juuq oran mahayo. Waxa aad mooddaa in uu riyo farxadeed ku jiro.

“Alle ayaan ku dhaartay e quruxleey aad u dhalaalaysa oo heerkeedu sarreeyo ayaad tahay!” Mamuu ayaa kaga naxsaday Seyn oo juuq la’aantiisa goorahan ba ka yaabbanayd.

“Quruxdayda bilicdeeda sarraysa iyo sixirkeeduba waa adiga. Mamuu; daliil waxaa kuugu filan sida ay quruxdu iiga luntay markii aan ku waayay. Maanta ha iga baadi goobin quruxdii aad la sakhraantay ee aad darteed la suuxday markii ugu horraysay ee aynu kulannay.” Seyn ayaa durba ugu jawaabtay Mamuu.

Madaxa ayay foorarisay. Dhulka ayay indhaha ku cadaadisay. Si qiiro leh ayay bishimaha u kala qaadday.

“Quruxdaas oo dhan dartaa ayay iiga luntay; dartaa ayaan u firdhiyay kulligeed ba” ayay cod dabacsan oo yara murugaysan ku tiri.

Xaggeedii ayuu u soo dhawaaday.

“Maya. Sidaa ha odhan Seyneey. Maanta ayaad ka qurxoon tahay sidii hore [ee aan kugu arkay]. Maanta waxaa iiga kaa muuqda sadarro cusub oo aayadaha quruxdu kugu dhigeen, horena aadan u lahayn. Indhahaaga waxaa ka muuqda tilmaanta ugu sarraysa ee fitno iyo sixir lagu sheegi karo. Waxa ay bixinayaan [bixinayaan] micne aad u heer sarreeya; micne ay naftaydu fahamkiisa ku wareertay. Toloow sidee ayuu carrabkaygu u heli karayaa erayo uu ku tilmaamo waxa ay indhahaygu arkayaan? Khamrada cirridkaagu [la ifayaayi] maanta ayay ugu sakhrad badan tahay. Dhoollacadayn, fitno kale iyo qurux ayaa bud dhigtay cirridkaaga. Sidan aad u shiilmatayi waa mid ka mid ah astaamaha quruxdan aan ka sheekaynayo. Waa astaamo marka ay soo raaracaan ee wajigaaga hareeyaan iiga dhigan sidaa baalashu indhaha u daboolaan kolka ay lulmoodaan.”

Si kadis ah ayuu hadalkii u joojiyay. Sidii ay wax soo booddo ahi haleeleen ayuu mar qura hadalkii jaray. Hoos ayuu u foorarsaday. Isla sheekaysi ayuu bilaabay.

“Maxaa iga galay aniga oo aan uga sheekaynayaa qurux aanan heli doonin, oo aanan waxba ku lahayn? Maskiinkaygan yar ee calafkiisa ka quustay maxaa ugu jira isku dhererintan dayax afar iyo tobnaad ah oo uusan waligii gaarayn? Qorshaha kali ah ee ii bannaani waa in aan aado bankii aan ka imid, beertanna waa in aan ka tagaa oo dadkii lahaa ee fariisan jiray, marna ku sheekaysan jiray u dhaafaa.”

Illin kulul ayaa hal mar ka soo butaacday. Neeftuur iyo hiq-hiq ayuu bilaabay. Isla-sheekaysigiisii ayaa isna kala go’ay. Holacii laabtiisa ka hugmayay ayay dhinbilo ka duuleen. Toos ayay ugu dageen laabta Seyn. Iyadiina way hurtay oo balbashay. Gacantiisa ayay soo qabatay. Illintii dhabannadeeda yaacaysay ayay ku tirtirtay oo ku masaxday.

“Mamuu, waxaan kuugu dhaaranayaa illinta aan habeennada badan darteed la soo jeeday; hinraag dhalaaliyay quruxdii la igu kuunyi jiray; cidladii muuqaaga oo qura ahi iigu sawirmi jiray; dhammaantood in aanan ku beddalanayn [haddii aan ku waayo] wax ka sokeeya cidlada qabrigu leeyahay. Adiga haddii aan ku hanan waayo geeri mooyee cid kale oo hab isiin doonta ma jiri doonto. Waqaf ayaan adiga kuu ahayn, xaajana laba mid uun bay ku danbayn doontaa. In aan dunidan isku weheshanno [oo is calfanno] ama in aan aakharo is helno oo wada degno.”

Sheekadii oo halkaa u maraysa ayuu labadoodaba dareen galay. Waxa ay ka baqdeen in la isku arko ama sheekadooda la maqlo. Geedkii hoostiisa ayay ka keceen. Beerta gudaheeda ayay u dhaadhaceen. Kob gaar ah oo ay kalsooni ku qabeen ayay fariisteen. In ay is samirsiiyaan ayay bilaabeen. Sheekooyinka rafaadkooda ayay isku dhureen. Nasiibxumada soo foodsaartay iyo dadkii ka shaqeeyay ayay wada inkaareen. Riyo qabow oo ay la sarkhaameen oo sheekooyin iyo qosol ka kooban ayay dhex dabaasheen, illaa ay dunidii iyo wixii ku dhex noolaa oo dhan illoobeen.


Waa innoo moogga xiga iyo Oofintii.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 15: Kacdoon iyo Dhagar

Qaybtii Hore Kacdoon Hal sano oo dhammaystiran ayuu immika xabsiga ku jiraa Mamuu. Saaxiibaddiisii guuldarrada, ...

Mamuu iyo Seyn 14: Naf Saafi ah iyo Quus

Qaybtii Hore  Naf saafi ah Dhacdooyinka falagga iyo koonku waa kuwo horreeyay oo asal ah. ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *