Home / Aragti / Jaamacadda Tolka!
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Muqdisho

Jaamacadda Tolka!

Burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya wuxuu saameeyey dhammaan qaybaha nolosha bulshada.  Shakina kuma jiro in dhibaatooyin badan ay bulshadu kala kulantay baaba´a ku dhacay in badan oo ka mid ah adeegyadii dawladda laga sugi jirey sida caafimaadka, waxbarshada, difaaca iyo maamulidda dhaqaalaha. Taas oo jirta, ayaa haddana waxaa la oran karaa Soomaalida waxaa marmarka qaar wanaaggoodu soo baxaa markii aan la maamulin ee loo fasaxo inay iyagu is wadaan.  In badan oo ka mid ah adeegyadii guud ee dawladdu lahayd waxaa buburkii ka dib la wareegay qabaa´ilka oo reer walbaa wuxuu isku hawlay siduu degaankiisa isugu xilqaami lahaa meel ay tamari dhigtaba. Waxaa bilawday tartan iyo isku dayasho.

Qormadaanu waxay eegaysaa jaamacadaha badan ee laga furay dhulka Soomaalidu degto. Waa maxay faa´iidooyinka iyo khasaaraha ka iman kara in degmo walbaa furato jaamacad? Sidee u wada shaqayn karaan jaamacadahaasu? Sidee se loo hagaajin karaaa tayada waxbarasho iyo maamul ee jaamacadaha?

Hordhac

Waxaa hadda Soomaaliya ka jira jaamacado fara badan oo ay ka mid yihiin kuwo magac keli ah weli, iyo kuwo muddo toban sano ka badan jirayba. Waxaa adag in la qiimeeyo tayada waxbarasho iyo maamul ee jaamacadahaas waayo ma jirto hay´ad hawshaa hadda u qaybsan, ma jiro gole ka dhexeeya jaamacadahaas oo ay ku miisaamaan habsami u socodka hawl-maalmeedkooda, ma jiraan ururro madax-banaan oo iskood u dejiya qorshe ay ku qiyaasaan tayada waxbarasho ee ardayda ama habka ay macalimiintu wax u dhigaan. Arrimo fara badan ayaa, malahayga, hadda hor taagan in jaamacaduhu iska kaashadaan kor u qaadida tayada.

Waxaa jirtey in waqti ka hor jaamacado ku kala yaal Burco, Muqdisho iyo Garoowe lagu daray 100ka Jaamacadood ee Afrika ugu sarreeya (saddexdaba hadda waa laga saaray). Hay´adda iska leh website-ka soo qoray arrintan waxaa la yirahdaa Cybernetics Lab waxayna ku taal waddanka Spain. Hay´addanu waxay qiyaastaa oo keliya jaamacadda websitekeeda. Waxay eegtaa waxa ay jaamacadu ku daabacdo websiteka sidaas ayeyna ku gaartaa go´aanka ay darajada ku siiso jaamacadda. Marka ma eegaan tayada wax-dhigidda macallinka iyo waxbarashada ardayga. Waxayse ahayd wax lagu faani karo in jaamacado Soomaaliyeed soo galaan qiyaasaha caalamiga ah.

Maxaa keenay in jaamacado badan furmaan?

Markuu dhacay burburkii dawladdii dhexe waxaa waqti qaadatay in dugsiyadii dib loo furo. Haddii xoogaa naftii soo noqotay oo arday badani u soo dhawaadeen inay ka qalin jebiyaan dugsiga sare waxaa loo baahday in loo sameeyo waddo ay ku sii wataan waxbarashadooda. Waalidiintu dhamaan ma awoodaan inay ilmahooda u diraan waddanka dibediisa ilmihii aan sii wadin waxbarashadana wuxuu khatar ugu jiraa inuu noloshiisa cidla kula soo dhaco. Taasina waxay niyad jebinaysaa kuwii ku jiray dugsiyada hoose oo fahmi waayaya hadafka ay ka leeyihiin inay dhameeyaan dugsiga sare.

Dhibka kale ee jiray wuxuu ahaa in colaaddii sokeeye keentay in waalidiin badani shaki ka qabaan in ay ilmaha gobol kale ugu diraan jaamacad. Intaa waxaa dheeraa in ardaygii magaalo kale u aada waxbarasho ay noqonayso inuu kiraysto degaan uuna u baahdo kharash uu raashinkiisa, nadaafaddiisa, qalabka waxbarasho iyo caafimaadkiisa kula tacaalo. Taas oo aan waalidiintu wada awoodi karin. Arrimahaasu waxay soo dedejiyeen in reer walbaa isku dayo inuu isku filaasho ka gaaro xagga waxbarashada hoose iyo tan sare ba oo ay dhalinyaradooda u furan jaamacado. Tartan ka dhexeeya qabaa´ilka deriska ah iyo ujeedooyin ganacsi iyaguna ka ma maqna sababaha loo furo jaamacadaha.

Waxaa laga yaabaa in la isku khilaafo faa´iidooyinka iyo khasaaraha ay leeyihiin jaamcadaha badan ee waddankii laga furay. Tirada dadka ku nool waddankii la oran jirey Soomaaliya waxaa lagu qiyaasay inay ahayd wax ku dhaw 10 milyan sannadkii 2010kii (Qaramada Midoobay). Waa imisa ardayda ka qalin jebisa dugsiyada sare sannad walba? Imisa jaamacadood ayaa degaan walbaa u baahan yahay si loo buuxiyo baahida waxbarasho ee ardayda ka soo qalin jebisey dugsiyada sare ama u diyaarka ah inay jaamacad bilaabaan? Ardayga dhameeya dugsiga sare, ma in uu jaamacad galo oo keli ah ayuu ku sii wadan karaa warbarashadiisa? Soow machadyo farsamo lama furi karo?

Dhibaatooyinka badnaanta jaamacadaha waxa ka mid ah in mararka qaar odayaal ama nabadoonno furaan jaamacad iyaga oo aan qiyaasin sidii loo socodsiin lahaa jaamacaddaas. Waxaaba laga yaabaa in hal magaalo oo aan weyneyn laga furo dhawr jaamacadood. Tartanka ka dhexeeya jaamacadahaasi wuxuu keeni karaa in si mid walbaa magaceeda kor ugu qaado ay fududayso nidaamka diiwaangelinta, socodsiinta waxbarashada iyo imtixaamaadka. Waxaa laga yaabaa in mid walbaa ku faanto in ardaydeedu ku wada gudbeen 90% si ay  u kasbato shacbiyad. Waxaaba hadda lagu doodi karaa in qofkii jaamacad gaar ah tayadeeda wax ka sheega in la yiraahdo “caddayso hadalkaaga, maxaad jaamacadaha dadka kale wax uga sheegi weydey…, meel kalaad ka dagaalamysaa?”

Sidaa oo kale, xulashada macallimiinta ayaa dhibaato ka imaanaysaa. Imisa macallin oo jaamacad wax ka dhigi kara ayaa magaalo walba laga heli karaa? Waqtigooda ma u qaybin karaan dhawr jaamacadood oo isku magaalo ku yaal?

Taas waxaa garab yaal in la oran karo faa´iidooyin ayaa jira la iska indha tirayo oo jaamacadaha badani soo kordhiyeen. Adduunyada nin walbaa taagtiisuu tallaabsadaa. Wax walbaana bilawgooda waa kacaa-kufaan. Caalamka jaamacadaha ka jiraa isku derejo ma wada aha. Ilaa jaamacadaha Soomaalida miisaan sax ah la saarona waa gardarro in la yiraahdo waxaa jirta dhibaato. Waa maxay halbeegga lagu qiyaaso tayada jaamacadi leedahay? Halbeegyada Yurubta iyo Maraykanku ay jaamacadahooda ku miisaamaan ma lagu qiyaasi karaa jaamacadaha waddamada Carabta ama Hindiya ka jira, maxaase ka soo baxaya? Soow xaqiiqo ma aha in jaamacado badan oo ama Carabta ama Afrika ama Aasiya ku yaal laga qaadi lahaa magaca jaamacadnimo lagana xayuubin lahaa awoodda ay ku bixiyaan shahaadooyinka haddii la barbar dhigi lahaa jaamacadaha Harvard, Cambridge ama Tokyo oo boqolaal milyan ku bixiya cilmi-baarista iyo kordhinta aqoonta ardaydooda iyo shaqaalahooda?

Kuwa soomaalida sidee loo miisamayaa marka? Soow ma habboona haddaba, in la sameeyo hab-qiyaaseed la wadaago oo ka dhexeeya jaamacadaha dadka ku hadla afka Soomaaliga iyada oo aan laga tegeyn wixii hay´adaha caalamiga ahi wax ku miisaamaan. Si walba oo ay u qalab yar yihiin ama macallimiintu u mushahar la’yihiin waxaa markhaati ma doonto ah in ardayda ka baxda jaamcadaha soomaalidu ay si fudud u sii wataan tacliinta sare markii ay tagaan waddamo kale, taasina waxay tusaysaa in aasaaskooda waxbarasho la soo dhisay.

Jaamcadaha hadda jira haddii ay wadaagaan aasaaska manaahijta waxay fududaynayaan in ardayga colaadi ka qixiso degaankiisa u si fudud magaalo kale oo Soomaaliyeed uga sii wato waxbarashadiisa.

Talooyin

Waxaan is leeyahay arrimaha soo socda waxay ka qayb qaadan karaan hagaajinta tacliinta sare ee dhulkeena.

  1. In la furo macaahid lagu barto xirfado u sahlaya ardaygu inuu shaqo degdeg ah helo bulshadana u daboolo baahi muuqata. Farsamada, caafimaadka, kalluumaysiga ayaaa ka mid ah macaahidda laga yaabo in baahi weyn loo qabo.
  2. In la qiyaaso baahida waxbarasho ee degaanka inta aan la go´aansan in jaamacad ama machad la furo iyo weliba maaddooyinka ay ku habbon tahay in la darso. Waana inay muuqataa meeshii ardaygu buuxin lahaa markuu ka qalin jebiyo jaamacadda.
  3. In dhawrkii jaamacadood ee degaan ahaan isu dhawba iska kaalmaystaan sidii ay u qaybsan lahayeen maadooyinka ay dhigaan oo aan mid walbaa isku deyin inay ´wax-walba-haye´ noqoto. Taasi waxay sahlaysaa in jaamacad walbaa xoogga saarto dhawr maaddo oo keli ah, una diyaariso qalab iyo macallimiin ku filan oo ay si xarrago leh ugu maqsuudiso ardaydeeda.
  4. In jaamacaduhu samaystaan hay´ad dhexe oo ka shaqaysa tayeynta aqoonta macallinka iyo maamul-wanaagga. Waxay taasi sahlaysaa in markii ay jaamacaduhu doontaan aqoonsi caalami ah ay ku qancin karaan hay´adaha wax aqoonsada in ay leeyihiin siyaasado cad oo ay sare ugu qaadaan tayada waxbarasho ama maamul.
  5. In la bilaabo tartan-waayeel ka dhexeeya jaamacadaha xagga aqoonta ardayga iyo gacan-qabadka ay ka siiyaan ardayga markuu qalin jebiyo xagga shaqo helida iyo sii wadashada aqoontiisa sare.
  6. In maamullada ka jira waddanka ay isku dayaan inay miisaamaan baahiyaha waxbarasho ee ummadda. Markaasna ay dejiyaan qorshe fog (strategy) oo lagu habaynayo mustaqbalka tacliinta sare. Waxaa kale oo ay maamulladu xiriirro la samayn karaan waddamo ama hay´ado dawli ah oo ka caawiya jaamacadaha degaankooda sidii ay u heli lahaayeen aqoonsi u sahla in ardaydu si sahlan u sii wataan tacliintooda ama shaqo ku doontaan shahaadadooda.
  7. Waxaa yar ama aan weli jirin in jaamacaduhu soo saaraan warbixinno ku fadhiya cilmi baaris wax tar u leh degaanka ay ku yaallaan ama guud ahaan dadka Soomaalida ah. Waa run in hanti, waqti iyo aqoon gaar ah ay u baahan tahay cilmi baaristu, laakiin haddii laga bilaabo xallinta mushkiladaha fudud waxay noqon lahayd bilaw wanaagsan. Ardayda qalin jebinaysa qoraalladooda soow laguma daabici karo bogga (website) jaamacadda?
  8. In la furo waddooyin u sahla inay dadku jaamacadaha si fudud u geli karaan. Tusaale ahaan, 20 jir aan dhamaysan dugsigii sare ama dhexe laakiin dhawr sano oo khibrad ah leh ma loo samayn karaa waxbarasho degdeg ah oo soo gaabinaysa 12kii sano ee looga baahnaa in lagu dhammeyo dugsiga sare? Hawshaan waxay u baahan tahay taxadar iyo in si wanaagsan looga baaraandego laakiin waxay badinaysaa fursadaha waxbarasho ee u furan bulshada.
  9. Markii tirada ardayda dugsiyada ka baxaysaa badato waxaa badanaya tirada ardayda geleysa jaamcadaha. Hadaba waa in la qaado olole lagu wacyi gelinayo waalidiinta inay ilmahooda geeyaan dugsiyada waxbarashada.

Ugu dambayn, weli fari kama qodna xawaaraha ay jaamacaduhu ku furmayaan oo sannadkiiba dhawr cusub ayaa furmaya. Waqtigu wuxuu tusi doonaa in ay ku kala hari doonaan jaamacaduhu xagga tayada waxbarasho iyo maamul iyo weliba taageerada ay siiyaan ardaydooda. Waxaa haddaba habboon in aqoon is weydaarsiyo iyo doodo laga furo sidii loo hagaajin lahaa tacliinta sare.

 

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Imaam Axmad

Imaam Axmad Ibnu Xanbal (164H-241H, Baqdaad, 88 jir): Abuu Cabdallah, Axmad ibnu Muxammad ibnu Xanbal. ...

Imaam Shaafici

Imaam Shaafici (150H-204H, Qassah/زّ-Qaahira, 54 jir): Abuu Cabdallaah, Muxammad ibnu Idriis, ash-Shaaficii. Waa imaamkii aasaasay ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *