B: Oofintii
Qorraxdii ayaa godkeedii haluulatay, gabbalkiina wuu ka daba haluushay. Ummaddii maalin-weynta taagagga iyo keymaha jasiiradda ugaarsashada ugu baxay ayaa soo noqday. Si doqoni-ma-garatay ah ayay magaaladii u cammirantay. Arsaaqaddii maanta laga bayhoofay ayaa hamaynnimadii raadin loogu dhaqaaqay. Labadii mucaashaq, Mamuu iyo Seyn, wali way maqan yihiin. Riyadii ay wada jilayeen oo dunida caadiga ah ka dhex saartay ayaa la fogaatay. Boqcadda yar ee ay beerta ka fadhiyaan ayay dunidii oo idili la ahaatay. Micnihii wakhtigu lahaa iyo xudduuddii uu ku wareegi jiray ayay halmaameen; maba dareensana hamayn dumay in ay joogaan.Amiirkii iyo ilaaladiisii ayaa iyaguna soo noqday. Beertii qasriga ayay soo beegsadeen. Deerooyinka, caanoqubta iwm ee ay soo ugaarsadeen ayay beertii ku dhex sii daayeen. Waa dad badan oo bulaamaya, sharqan badanna samaynaya. Way wada faraxsan yihiin. Jawigii cidlada iyo deggenaanta ku tilmaannaa ayaa hal mar dhinaca kale isku rogay. Jeer uu jawigaasi heerkii ugu sarreeyay gaaray labadii mucaashaq ma ay baraarugin. Dunidii ay kaligood in ay ka neefsadaan u maleeyeen oo wada dad iyo hadal ah ayay ku baraadsadeen.
Amiirkii iyo ciidankiisu waxa ay ku hakadeen beerta meel dhinaceeda ah. Daal badan iyo hiraahir ayay dhammaantood dareemayaan. Waxa ay qorshaysteen in ay nastaan. Taajuddiin, walaalihii Caarif iyo Jooko, iyo Bakar ayaa ka mid ah colka amiirka la socda. Beerta gudaheeda ayay u soo dhaadheceen. Kobtii ay sida gaarka ah u ilaalaysteen Mamuu iyo Seyn, halkii mucaashaqiinta ay uga socotay sheekada wax walba illowsiisay, ayay ku soo jabeen.
Waa la isa soo galay. Albaabkii weynaa ee qasriga oo la isku laabay ayaa sii dareen galiyay. Mamuu iyo Seyn hareerahooda ayay dhugteen. Naxdin! Shallayto ayay faraha la qaniineen. Seyn hal fursad ah ayaa u bannaan oo ay ku badbaadi karayaan. Waa in ay dhuumato. Go’ii Mamuu garab u saarnaa intiisii ugu badnayd ayay huwatay oo isku qarisay.
Amiirkii iyo colkiisiina ka danbeeya ayaa durba isha ku dhuftay muuqaalka qof barraaqa meel dhinac ah, mugdigana ah.
“Waa kuma midka xilligaan mugdiga ah qolkayga (beertayda) dhex fadhiya, haddana aan rukhsad iyo oggolaansho toonna haysan”? Amiirkii ayaa ku qayliyay.
Mamuu ayaa dhiirranaan iska baaray. Sidiisii isaga oo u barraaqa ayuu Amiirkii u jawaabay.
“Sayiddii, amiirkaygii: waa Mamuu qofkani. Sayidka amiirkayga ahow, waad la socotaa in aan muddo dheer la dhibaataysnaa xanuun firaash igu jiifiyay; xanuun ii diiday in aan maanta ka qeyb galo safarkii ugaarsashada ee Amiirku amray. [Amiirkaygow] galabta ayaan cidlo badan dareemay. Gogoshii ayaan ka soo kacay bal si aan xoogeey u soo socsocdo. Aniga oo aan ku tala galin ayaan is arkay aniga oo beertaada horteeda taagan. Waxa aan jeclaystay in aan daqiiqado ku dhex damaashaado.”
Jawaabtaa markii uu Amiirku maqlay ayuu isaga dhaqaaqay Mamuu hortiisii. Halkii uu fariisan jiray oo ah meel beerta inteeda kale ka sarraysa ayuu beegsaday. Mamuu ayuu gadaal u soo eegay, isaga oo turriinsho wajigiisa ka muuqdo.
“Dhib ma lahan. Bal maanta sidee tahay? Maxaad nalka u shidan wayday?” Amiirkii ayaa Mamuu weyddiiyay.
“[Awood baan jirin Amiirow]. Wax uun awood ah haddii aan maanta lahaan lahaa, waxaan gudan lahaa waajibkii iga saarraa salaanta amiirka. Markii aad soo gashay ayaan fadhiga ka kici lahaa [oo ku salaami lahaa]. Waxaan codsanayaa in Amiirku i saamaxo oo uu ii cudurdaaro.”
Shumacyo ayaa la shiday; colkiina wuu fariistay. Taajuddiin halkii uu saaxiibkii fadhiyay ayuu milicsaday. Astaamaha wajiga Mamuu ka muuqda iyo sida foosha xun ee uu u barraaqo ayuu akhris ku bilaabay. In uu anfariirsan yahay oo argagax badani hayo ayuu dareemay. Cid aan isaga ahayn oo dareen galay golaha ma ay fadhin. Isagana waxaa keenay in uu dareemo welwelka Mamuu hareeyay, waa ruuxa kali ah ee ka warqaba sirta ka danbaysa jirrada Mamuu. Taajuddiin walaac ayaa ku beermay. In uu ogaado sababta xilligan halkan fariisisay, waliba sidaa qaabka daran u kala wadhay ayuu doondoonay.
Fursad kadis ah ayuu helay. Wuu ka faa’iidaystay. Amiirkii ayaa dalbaday in la soo waraabiyo, isaguna nin isu xilqaamay Amiirka oo soo waraabinaya ayuu iska dhigay. Koob si gaar ah looga shaqeeyay ayuu Amiirkii biyo ugu keenay. Dadkii kale ee meesha fadhiyay ayuu iyagana waraabin ugu dhaqaaqay. Mamuu halkii uu fadhiyay ayuu soo gaaray. Waa ujeedkii uu lahaa ee waraabinta dadka iyo Amiirka isugu xilqaamayay. Wuu ku foorarsaday, sidii oo uu biyo u shubayo. Indhaha ayuu ka su’aalay sheekada meesha ka socota iyo sababta halkan keentay. Mamuuna lama uu hadline gacanta ayuu go’iisa hoos xaluuliyay. Timihii Seyn qayb ka mid ah ayuu soo saaray, si uu Taajuddiin u fahmo in ay Seyn wada joogaan.
Taajuddiin ayaa dhulku la xawaareeyay. Wuu anfariiray. In saaxiibkii musiibo dhex fadhiyo ayuu xaqiiqsaday –musiibo uu darteed u dhiman karayo. In aan laga garan yaabka iyo argagaxa ayuu isku dayay, si uu deggenaan arrinka ugu waajaho. Maskaxda ayuu rogay oo rogay oo rogay oo xal ka goobay. Wadiiqo uu saaxiibkii ku badbaadin karayo ayuu ka fekeray.
Fikrad baa ku dhalatay. Mid labaad ayuu waayay. Iyada in uu ku dhaqaaqo ayuu goostay. Sidii qof hawo doon ah ayuu ka codsaday Amiirkii in uu bannaanka u oggolaado. Waa la fasaxay. Judhii uu albaabka ka baxay ba cagaha ayuu wax ka dayay. Samadaa ayuu ku lalay, isaga oo afka saaray halkii uu qasrigiisu ku yaallay.
Isaga oo carrabka laalaadinaya ayuu gurigiisii ‘dalakh’ yiri. Ruux waalan oo kale ayuu u muuqday. Xaaskiisii ayaa durba soo qaabbishay, iyada oo dhanna ka yaabban dhan kalena ka argagaxsan.
“Maxaa jira? Ma col baa ina soo weeraray?” Sitti ayaa Taajuddiin weyddiisay.
“Cunuggaaga iyo wixii kale ee fudud ee aad qaadi karto si degdeg ah uga la bax qasrigan oo badbaadso. Waxaa igu qasab ah in aan qasrigaan gubo!,” si nuxuus ah intii uu ugu jawaabay ayuu gudaha qasriga u gudbay.
Bartii ooggu ka shidnaa asaga oo u sii ordaya, iskuna dhex yaacsan ayuu ku yiri:
“Mamuu iyo Seyn waxa ay ku dhex jiraan musiibo weyn oo si degdeg ah ugu dul habsan rabta. Waxaa waajib igu ah in aan musiibadaas la tartamo, inta aysan soo afjarin iyagana waa in aan [anigu musiibada] soo afjaraa.”
Qasrigii oo sidiisii ah ayuu dab qabadsiiyay. Afarta dhinac ba dhinbilo holcaya ayuu ka galiyay.
“Waligood ayay dadku biyo ku damin jireen dab qaxmaya, balse aniga ayaa maanta dab qaxmaya [oo ay Mamuu iyo Seyn dhex fadhiyaan] ku daminaya dab holcaya.” Taajuddiin ayaa is kula sheekaystay.
Daqiiqado yar gudahood ayuu holacii ka soo butaacay daaqadihii qasriga –qasrigii uu Taajuddiin u dhisay qaabkii ugu la quruxda badnaa ee xaaskiisu u fekeri karaysay. Qurux, farshaxannimo iyo hanti wixii la awooday ayaa loo dhammeeyay qasrigan sidii diga hulaaqday jagagac leh. Dheemmankii iyo alaabadii qaaliga ahayd ee dhexdiisa taallay ama lagu isticmaalayay ayaa ku bas beelay dabkii uu Taajuddiin ku shiday. Taajuddiin agtiisa wuu ka qiimo beelay qasrigiisu markii uu ka dhex arkay badbaadada saaxiibkii isaga oo qasrigiisa guba. Oofinta saaxiibtinimada iyo waaridda qasriga, labadaa arrimood tan hore ayuu doortay.
Taajuddiin oo qaylinayaa ayaa albaabkii weynaa ee qasriga ka soo kuday. Dadka ayuu ogaysiinayaa in carrigii dab qabsaday, gurmadna uu u baahan yahay. Warkii ayaa durba faafay. Amiirkii iyo colkiisii oo meeshii Taajuddiin uga soo tagay fadhiya ayuu warkii gaaray. Way wada argagaxeen. Iyaga oo aan isla hadlin ayay soo yaaceen. Halkii qasrigu ku balbalayay ayay toos u abbaareen, isla markii ay gaareenna dabdamin iyo badbaadinta hantidii gubanaysay ayay bilaabeen. Mamuu isagu colka ma soo raacin. Cabbaar ayuu is dhakiyay. Kolkii beertii laga dhammaaday ayuu Seyn baraarujiyay.
“Ma ujeeddaa sida uu Taajuddiin qasrigiisii dhammaa ugu huray badbaadadeenna?! Imminka waan baxayaa oo dab daminta ayaan ka qeyb qaadanayaaye, dhakhso ugu noqo qasrigii adiguna. Nabadeey Seyneey.”
***
T: Bar joogsi kooban
Kabaliyeerigow bes iga dheh sharaabka. Bes iga dheh. Wali caqligaygii wuu sarkhaansan yahay, maalintii aan cimrigayga ugu nasiib badnaana gabbalkii ayaa u dhacay. Waxa aan ka baqayaa in awoodda ajashu ay igu habsato sida ay ugu habsatay amiir Mamuu; sidani haddii ay dhacdana waxa aan ka sii walwalayaa in aan hareerahayga ka waayo saaxiib oofin badan –saaxiib ii badbaadiya sida Taajuddiin uu u badbaadiyay saaxiibkii Mamuu.
Kabaliyeeri waan ka yaqyaqsoonayaa koobabkaan ismoodsiiska ah ee aad igula dul wareegayso. Iga fogee. Kadeed [caqliyeed] waxaa iigu filan dhalaalka dhaan-dabagaallahaan [i sarkhaamiyay]. Iga dheeree inkaar qabe yahaw yaysan qorraxdu i bilqin aniga oo wali dhalaakiisa ku raad joogee. Oon iyo noogis inta aanay i legdin iga fogee.
Balse sug oo ii warran horta! Dhaladaan khamrada ah iyo taas aan ka cabanayo soo isku mid ma aha? Waxaan u jeedaa khamradaas i sakhraaminaysa ee i geynaysa bankii Beytul-Qudus; khamradaas igu sarkhaaminaysa ashqaraarka quruxda ee waara; khamrada biriqbiriqeeda dhagarta leh iiga dhex saaraysa ismoodsiiskaan yar ee aan la doorsoomay.
Aaaa! Alla maxaan u baahanahay koob sharaab ah oo aan ka miirto (I galiya) ruux ka saafi ah calawgii dunidaan! Alle maxaan u baahanahay koob khamro ah oo ii sarkhaamiya sida Taajuddiin uu ugu sarkhaamay khamriga daacadnimada iyo midka ay reynreynta oofintu leedahay. Haa waan u baahanhay: si aan uga saafi noqdo jacaylka xoolaha; si aan duunyada birbirkeeda u galiyo lugahayga hoostooda aniga oo u huraya [duuyadayda] badbaadinta naf igu qaali ah iyo qaan-nabka deyn oofinteedu waajibtay.
Muxuu I tarayaa dhaldhalaalka qasriga aan ku jiro iyo ifka sariirta aan ku jiifo; mar haddii naftii qalbigayga ku noolayd ee uu mar walba [qalbigaygu] gacan qaadi jiray ay ku dhawdahay in ay bas beesho oo seexato? Maxay I tarayaan ifka guriga iyo quruxda sariirtu mar haddii aanan uga dhigi karin ileys dib u iftiimiya? Dabku muxuu i yeelayaa mar ba haddii qasriga iyo waxa yaalla oo idil aanay qalbigayga ku jirin? Haddii ay [qasriga iyo waxa yaalla] iga fogaadaan oo ruuxdaan doortayi badbaaddo maxaan ka walwalayaa? Maxaa iiga jira haddii ay gubtaan oo gamaaraan, mar haddii qalbigaygu qaboobayo?
Marka ay maaddadaan adduunyo (hantida) noqoto mid lagu furto dareemmada baraxa la’ ee sarreeya, macnayaasha cishqiga iyo saaxiibtinnimadana badbaadisa; waa hubaal in ay tahay mid nafta agteeda qaali ka ah; haa… mid ay ku faraxdo oo ay xusuus u lahaato ayay noqotaa. Balse waxay tayo beeshaa oo qurun isu rogtaa marka ay gacanta u gasho mid ku baadi goobaya mansab sare iyo nolol waarta oo lagu dekeeyo!
Waa inoo moogga xiga iyo Laba-kacleyntii Fitnada!