Home / Buug / Mamuu iyo Seyn 13: Laba-kacleyntii Fitnada

Mamuu iyo Seyn 13: Laba-kacleyntii Fitnada

Qaybtii Hore

Laba-kacleyntii Fitnada

Awoodda xoogga badan ee jaceylku waligeed ma ay noqon mid carshi qalbi dhexyaalla inta korta isaga nagaata, iyada oo ku dhuumaalaysanaysa doohyo gadaashood. Si kasta oo ay u dheeraato muddada awooddaasi ka dahsoon tahay indhaha iyo dhagaha bulshada ku xeeran axadka ay qalbigiisa dhex gashay, haddana waxaa khasab ah in ay maalin uun jabiso wax kasta oo ay ku qarsoonaan karto. Tusaale ahaan haddii ay daahyo yihiin waxa awooddan qarinaya, waa tii jeexjeexda, haddii ay gidaarro yihiinna waa tii digaandigaha ka dhigta. Falalkaa kolka ay awoodda jacaylku ku kacdo, dadka oo dhan ayay u muuqataa oo qira jiritaankeeda. Xooggeeda iyo tamarteedu inta ay le’eg yihiin ayay is tusaan dabadeedna. Awooddaasi sida ay horumar u samaynayso heer waxa ay gaadhaa ay dowlad uga dhex samaysanto qalbiga ruuxa ay ka dhex oogantay. Dowladdaasi dan iyo heello toona kama yeelato in ay bulshadu ku qanacdo iyo in kale, in ay raalli ka noqoto iyo in kale.

Mamuu iyo Seyn, labadii mucaashaq ee uunka iska arkooday, muddo dheer ayay u suuragashay in ay dadka ka qariyaan sirta xanuunnadooda iyo muxibbada ay isu qabaan. Caashaq bay xilli dheer dadka ka qarinayeen si arxandarro ah qalbiyadooda u maamulanayay oo fikarradooda iyo waxa ay ku saabsanaan doonaanna ku takrifalayay. Caashaqaasi qalbiyadooda kali ah dhibaatadiisa kuma uu ekayn. Bannaanka ayuu keenay dhammaan wixii ay uurka ku haysteen. Dadka dhexdooda ayuu kaga ilmaysiiyay. Muuqoodii iyo muunaddii ay bulshada la dhex joogeen ayay si xun oo xil leh u dooriyay. Dabadeedna warkoodii ayaa baahay. In ay is jecel yihiin ayay afarta jihaba u faaftay. Sheekadoodii ayaa isu rogtay hees laxan cuddoon oo dhagaha bulshada wada barjaysay iyo arrin lagu haasaawo. Amiir iyo addoon ba isku si ayuu warkoodii u gaaray. Dabadeedna caadadii aadanaha lagu yaqaannay ayaa ka adeegtay. Been-abuur badan ayaa sheekadoodii lagu daray oo lagu foolxumeeyay. Labadii miskiin ee hufnaa ee cishqiga la sheegaba ka dhadhamiyay xinjiraha dhiigga ah ayaa la hafray oo tuhun badan lagu gedaamay. Bulshada inteedii ugu tayada xumayd ee ugu anshaxa liidatay ayaa  arrimahaa ka shaqaysay. Bakar ayaa qayb libaax leh ka qaatay.

Shayaaddiinta qaybtooda insiga ah ayaa dhagar badan. Bakar ayaa shayaaddiintaa insiga ah ka tirsan. Si fiican ayuu ugu diirsaday warkii uu ka maqlay jacaylka Mamuu iyo Seyn. Durba howlo ayuu bilaabay. Howlo marki ah. Kadhad kasta oo caqabad ku noqon lahayd markigiisa ayuu jabiyay. Tuducyadii kala duduwanaa ee uu sheekada ka hayay ayuu isku kabkabtay. Wax kasta oo ujeeddadiisa dhagarta ah taageeri karayay ayuu ku laray. Maalin hoog iyo haantooy xukmanaayeen ayuu fursad helay. Amiirkii ayuu dhagaha ugu shubay tixdii uu soo maleegay ee dhagarta  ahayd.

Amiirkii ayaa durba is madax maray. Waligeed ayaa lagu yaqaannay tixda maansada ah ee laga shaqeeyay in ay ka daaddegto dhegaha ay ku aroorto, si kasta oo ay dulucdeedu u kharriban tahay, Kacdoon dhiiggiisa huriyay ayaa Amiirkii ku habsaday. Labadiisa indhood oo daqiiqada ka hor intii aan tix baasta loo marin nuurayay ayaa sidii ay danbaaburooyin sayrayaan noqday; danbaaburo naar ah oo holcin karaysay wax kasta oo ay taabato ama u dhawaato. Qolkii ay isaga iyo sharwade Bakar ku jireen ayuu ku wareegacaddaystay. Talooyin baas oo mid kasta oo iyaga ka mid ahi sideeda jahannamo ula mid tahay ayaa maskaxdiisa isaga soo daba dhacay. Mar waxaa ku soo dhacday in uu Mamuu meel uu joogaba raadsado, dabadeedna qudha ka soo jaro. Mar kalena waxa uu ku tashaday in uu dagaal ballaaran ku qaado Mamuu, Taajuddiin iyo cid kasta oo u hiillinaysa. Mar kasta se in aysan sharaftiisa iyo dulqaadkiisu dhaawacmin ayuu isku celinayay.

Waxyar oo garasho ah ayaa cabbaar ka dib ku soo noqtay. Waxa uu xusuustay ninkan warka u sheegayi in uu yahay waardiyihii dhagar wadaha ahaa ee waligii fitnada ka shaqayn jiray, Bakar. Hadalkiisu in uusan mudnayn hadal la rumaysto oo dabadeedna, haddii uu dhalin karo, laga caroodo ayaa qalow ku soo tiri. Si caro leh ayuu xaggii uu ka jiray ugu jeestay. Isaga oo aad mooddo in uu caro la qarxi rabo ayuu hadal kulul bilaabay.

“Dhagarqabeyahow, sida iiga kaa muuqata waxa aad u oomman tahay in aad aragto dhiig daadanaya, balse haddii uu dhiig daadanayo kaaga ayuu noqonayaa. Haddii aad warkaaga u keeni weydo caddeyn dhab ah oo shakiga iga saarta waan ku gawracayaa.”

Bakar inta uu anfariiray ayuu wajigiisiina kogmay. Durba garashadiisii ayaa leegleegtay; waa se belo dhagari u waxyooto e, judhiiba warcelin ayuu helay. Waxa ay u muuqataa in uu hore uga sii tabaabushaytay su’aashan iyo hanjabaaddan; haddii aysan sidaa ahaynna shayddaan ayaa jawaabta ula soo dhakhsaday.

“Sayidoow waxa aad awooddaa in aad Mamuu u yeertid si uu shaxda jeeska la yiraahdo kuula ciyaaro. Shaxdaas aad ayuu u yaqaanna; wuuna ku faanaa. Shaxdaasi inta aydaan u fariisan shardi dhigta. In ninkii laga guulaysto uu ninka kale ee guulaystay siinayo wax kasta oo uu ka dalbado, su’aal walba oo uu weyddiiyana uga jawaabayo, ku ballama. Sidaa adinka oo u ballamay, Mamuu haddii uu guulaysto iyo haddii uu guuldarraystaba waxa uu ku khasban yahay in uu kaaga jawaabo su’aal kasta oo aad wayddiiso [balse adigu kuma khasbanid]. Isaga ayaa markaa caddayn doona jacaylka uu u qabo Seyn.”

Aad ayuu Amiirku taladaa ugu guuxay. Si walba wuu ugu qancay. Saacad gudaheed ayuu isugu yeeray adeegayaashii qasriga, intoodii uu danta ka lahaa. Laba kooxood ayuu u kala jabiyay. Koox waxa uu ku amray fadhiga weyn ee uu ku damaashaado, ku dheelo, kuna caweeyo Amiirku in ay diyaariyaan. Caweysin heersare ah oo caawa halkaa ka dhici doona in ay qabanqaabiyaan ayuu u yeeriyay. Koox kale waxa uu ka dhigay wafdi Mamuu gaarsiinaya farriinta Amiirka iyo casuumaaddiisa.

Intaa dabadeed, qolkiisii ayuu isaga sii nagaaday. Waxa uu sugayaa wakhtiga uu cawaysinku bilaaban doono. Qalbigiisu sidii dhinbil dab ah ayuu u holcayaa, dhiiggiisuna wuu karayaa. Xaqiiqada warka uu Bakar u keenay in uu ogaado ayuu u oomman yahay. Danta ugu weyn ee uu cawaysinka u agaasimay waa in uu kulaylkaa iyo culayskaa iska rido. Haddii ay dhab tahay arrintu, waxaa ka go’an, inta ay goori goor tahay, in uu daba qabto.

Golihii cawayska lagu qaban lahaa sidii uu Amiirku dalbaday ayaa loo diyaariyay. Bartamaha golaha waxaa la dhigay miis dahab lagu xardhay oo lagu dheelo jeeska. Qalabkii ciidammada oo kale ahaa ee jeeska lagu dheeli jiray ayaa miiska la dul tubay. Waa qalab ka samaysan fool maroodi aan dheeldheel lagu helin. Wakhtigii cawaysinka la bilaabi lahaa ayaa la gaaray. Dhammaan la taliyeyaashii iyo golihii gaarka ahaa ee Amiirka ayaa goobta soo buux dhaafiyay. Taajuddiin iyo xaaskiisa oo qura ayaa goobta ka maqan, iyagana Amiirka ayaa si kas ah isaga dhaafay u yeeritaankooda. Dhammaan daafaha goobta waxaa la tubey ilaalo iyo adeegayaal si heer sare ah loo safay oo quruxda dharka iyo tan hubka ba loo dhammaystiray.

Amiirkii ayaa soo galay madashii caweyska loo gingimay Mamuu dartii, dhammaan dadkii ayaa fadhiga uga kacay. Si xarrago leh ayuu isna u soo dhex laafyooday illaa iyo inta uu ka gaarayay bartamihii fadhiga oo fadhi boqoreedkiisu diyaar ku ahaa. Wuu fariistay; dadkiina way ka daba fariisteen. Goobtii mar qura ayay juuqla’ isu beddeshay; shib. Amiirkii ayaa hanqalka kor u taagay. Si deggenaani ku jirto ayuu isha ula raacay martidii goobta soo buux dhaafisay. Mamuu ayuu raadinayaa. Meel dhinac ah isaga oo fadhi soofe ah ku dhacdiiya ayay indhihiisu qabteen.

“Soo istaag [Mamuuyow]. Caawa waxaa ina dhex mari doona dagaal ay qasab tahay in aad ka qeyb gasho”, Amiirkii ayaa Mamuu ku bariidiyay.

Mamuu dareen ayaa ku biday. Wuu yara baqay. Isaga oo aan kelmadna oran ayuu soo istaagay. Amiirkii ayuu soo hor fariistay. Miiskii jeeska lagu ciyaari lahaa oo qura ayaa u dhexeeya.

“Waxaa cayaartaan u shardi ah in qofkii saddex jeer laga adkaado uu sameeyo wax kasta oo uu kan guulaystay ka dalbado”, Amiirkii oo mar kale hadalka ku noqday ayaa yiri.

Martida goloha fadhida Amiir Karkuun bin Amiir Seyn Al-diin ayaa ka mid ah. Amiirka ayaa dhalay. Shakhsiyadda Mamuu iyo firfircoonidiisa si gaar ah ayuu u danayn jiray. Sheekada jacaylka ee Mamuu iyo Seyn sida bulshadu uga dharagsan tahay ayuu uga dibbirsan yahay. Casuumaadda uu aabbihii Mamuu caawa u fidiyay in ay sheekadaa dabada ku hayso ayuu si weyn u dareensan yahay. Dhagar aabbihii maaggan yahay ayaa u muuqatay. Mamuu in la ciqaabo ama si kale loo waxyeelleeyo ayuu ka baqay. Si hoose ayuu golihii uga dhex baxay. Intii uu degdegi karayay ayuu ku dhaqaaqay. Gurigii Taajuddiin ayuu afka saaray. Wixii dhacay iyo wixii socday ayuu dhagaha ugu shubay. Ujeeddadiisa ugu weyni waa in uu Mamuu ka fududeeyo dhagarta uu aabbihii la maaggan yahay; Taajuddiinna waa rejada qura ee uu arrinkaa ku suuragalin karo. Waayo oo Taajuddiin Amiirka aad ayuu ugu dhow yahay; in uu saaxiibkii ku xushmeeyana waa suuragal, sida uu Karkuun yare ku xisaabtamayo.

Daqiiqado yar gudahooda ayay Taajuddiin, Jooko iyo Caarif ba golihii lagu caweeyay ku soo gaareen. Midkood kastaba halkii uu haleeli karayay ayuu fariistay. Waxa dhici doona ayay u wada dhur hayaan. Shaxdu cabbaar ayay socotay kolka ay soo galayaan. Laba jeer oo isxiga ayaa Amiirka afka ciidda loo daray. Mar kii saddexaad ayaa bilow ah. Wajiga Amiirka waxaa laga dheehan karayaa in uu yaabban yahay; in uu la yaabban yahay garashada Mamuu iyo xirfaddiisa oo labaduba aad u sarreeyaan ayaa muuqata. Mamuu isagu shaxda ayuu ku foogan yahay. Mar kaliya ma libiqsanayo. Hal shay oo qura ayaa maskaxdiisa ku dhalaalsan oo uu naawilayaa. Abdo uu ka qabo in uu guulaysto, dabadeedna Amiirka ka codsado in uu hankiisa iyo farxaddiisa u dhabeeyo ayuu ku fekerayaa.

Bakar isagu meesha shaxda lagu dheelayo wuu ka yara durugsan yahay. Meel kore ayuu ka soo khaawisayaa. Walwal badan ayaa uurkiisa dhex geyllamaya. Markan saddexaad haddii uu Mamuu guulaysto in Amiirku ku khasbanaan doono wixii Mamuu weyddiisto in uu u fuliyo, guurka Seyn ba ha ahaadee, ayuu qirsan yahay. Qorshe uu ciyaarta sii galbeedsanaysa wax uga beddelo ayuu raadinayaa.

Isaga oo walbahaar la karaya ayay dhagartu u hiillisay. Seyn iyo qeyb ka mid ah hablihii qasriga oo taagan daaqad ku beegan dhabarka Mamuu ayuu arkay. Seyn iyo habluhu waxa ay u soo daawasho tageen shaxda. Si gaar ah ayay amiirad Seyn uga dhursugaysaa natiijada ciyaarta. Bakar Amiirka xaggiisii ayuu soo qaabbilay. Afka ayuu dhagta u saaray.

“Sida uu [guud ahaan] xeerka cayaartu yahay, waxa ay ahayd in Amiirku markii uu xoogaa joogaba ka booska beddasho la-baratamihiisa”, Bakar ayaa si xanshashaq ah Amiirka ugu yiri.

Xeerkaa Amiirku waa uu fuliyay. Isaga iyo Mamuu ayaa is weydaartay, iyaga oo aan dhaaddanayn ujeeddada Bakar, In uu dhagarwade yahay way wada og yihiin, balse midkoodna ma uu sixi karo dhagartaasi waxa ay tahay iyo cidda ku waxyeelloobi doonta. Daqiiqado gudahood ayayse dhagartaas iyo ciddii lala maaagganaaba soo if bexeen. Mamuu ayaa samada loola baxay. Muuqii Seyn oo ka hillaacaya daaqad Amiirka dhabarkiisa ku beegan ayaa cirka ula haaday. Golihii oo dhan ayuu ka hadaafay. Maskaxdiisii ayaa riyooyin iyo xasuuso aan mooggan habboonayn la foof tagtay. In uu garashadiisii dib u hanto oo guusha kaabadda u soo fuushay sii tiigsado ayaa ku adkaatay. Indhihiisii ayaa hoos iyo miiskii ciyaarta u soo noqon waayay. Daaqaddii hillaacu uga bilig yiri ayaa nuurkoodiina afduubatay. Gacantiisii midige ayaa sidii ay doonto ciidammadii uu ku ciyaarayay ka yeeshay. Fardihii, maroodiyadii iyo wasiirradii jeeska ayay isku dhex walaaqday oo isku dhex yaacisay. Muddo yar gudaheed ayay ku suuragashay in shan jeer oo waliba isxigxiga afka ciidda loo daro Mamuu. Ciyaartii ayaa la soo gabagabeeyay.

Amiirkii ayaa sarajoogsaday. Isaga oo aan butuli oran ayuu dhaqaaqay. Halkii uu carshigiisu yiillay ayuu beegsaday. Wuu fariistay. Mamuu, isaga, khajil iyo xishood ayaa hareeray. Amiirkii ayaa xaggiisa u soo jeestay.

“Mamuu, shardigii ma illowday?” Amiirkii ayaa yiri.

Mar qura ayay laba dareeni ku kulmeen laabta Mamuu. In dabin loo dhigay uu si fudud ugu dhacay iyo in ay guuldarro weyni meesha ka raacday ayuu isku mar ka fekeray. Amiirkii ayuu u jawaabay.

“Maya. Ma illoobin. Amiirku sidii uu doono ha yeelo, anigu hoggaansane ayaan u ahay e.”

“Waad og tahay in aynnaan ku weyddiisanayn hanti aannu ku hodantowno iyo sharaf aad noo kordhiso midkoodna; waxa aannu u baahan nahay waa in aannu ogaanno sirtaada. Nooga warran qalbigaaga; waa tuma midda aad jeclaatay ee aad dhallinyarannimadaadii u quudhay? Waannu eegaynaa oo haddii ay kuu qalanto waan kaaga farxinaynaa.” Amiirkii ayaa taladaa Mamuu u soo jeediyay.

Waa baa ku beryay Mamuu. Madaxa ayuu foorariyay. In uu fahmo ulajeeddada erayada Amiirka ka soo yeeray ayuu isku howlay. Bakar ayay halkaa fursadi uga bidhaantay. Maqnaanshaha Mamuu ayuu ka faa’iidaystay. Amiirka xaggiisii ayuu jeedaaliyay.

“Sayidii, waxa ay u muuqataa Mamuu in uu ka xishoonayo sheegista middan uu jeclaaday. Mar hore ayaan arkay oo, waxa aan ogaaday in ay tahay jaariyad madaw oo foolxun oo aan meel Amiirku joogo lagu soo hadal qaadi karin.”

Mamuu ayaa xanaaqay. Hadalkii Bakar ka yeeray ayuu ka dhirfay. Isla weynidiisii iyo qabkiisii ayaa baraarugay. Dhibco waaweyn oo dhidid ah oo muujinaya sida uu uga gilgishay ilaaqda loola yimid ayaa ka soo go’ay. Sharafta iyo karaamada xididdadiisa ku saynsaaban ayaa soo dhalaalay. Cid kasta oo madasha fadhiday oo xitaa Amiirku ku jiro ayuu halmaamay; hadalkan dartii. Luquntii cabbaarka foorartay ayuu si degdeg ah u soo toosiyay. Bakar oo meel xoogaa ka durugsan taagan ayuu eegay.

“Been ayaad sheegtay wasakh yahaw liitaayi. Tan aad ka sheekaynaysaa waa saaxiibtaa; tan xumaanta kula wadaagta; tan u beegtoonta liidashadaada. [Haddaba] tan qalbigeyga qafaalatay miyaa? Waa mid ay sharafteedu sarrayso. Dayax afar iyo tobnaad ahi la ma uu baratami karo; waayo oo quruxdeedu waa aayad sixir ah. Qorraxdu in ay iyada oo kale noqoto iska daa e, walaasheed oo kale xitaa ma ay noqon karto. Nasabkeedu waa asal. Cid ku gaari karta nasab iyo qurux deegaammadaan laguma uumin. Waa inta dumar Allaha abuurtiisu sarrayso uu uumay tan ugu dhammayska tiran ee… waa… waa amiiraddii Jasiiraddaan…!”

Eraygaa ugu danbeeya markii uu yiri iyo Amiirku oo xaggiisa u soo hinqaday ayaa isku mar dhacay. Wuu qaylinayaa Amiirku; qaylo in uu hadalka sii wato Mamuu u diidday.

“Iyada oo ay intaasi jirto oo ay sidaa u sharaf badan tahay, ayaadan ka xishoonayn oo aad carrabkaaga ku dhererinaysaa, waliba [kaaga daranta] adiga oo cishqi iyo wax aan la aqoon ka hadlaya! Soo [sidaa] ma aha? Xitaa kama xishoonaysid in aad sharaf xumidaada qasrigayga ku wasakheyso soo ma aha?!”

Ilaaladii albaabka taagnayd ayuu haddana, Amiirku, ku jeestay. Hadal tirtirsiin ah ayuu u bilaabay.

“Idinka oo intaas oo ihaano ah maqlay, miyaad soo taagan tihiin weli? Maxaad dhawraysaan [oo haray]… madaxa ka gooya qofkaan carrabkiisu dheeraaday, ha noqdo mid ay ku waano qaataan cid kasta oo waxaan oo kale isku dayda e”!

Intii aysan ilaaladu seefta marin Mamuu ,ayay saddex nin geesaha fadhiga ka soo kala boodeen. Waa Taajuddiin, Caarif iyo Jooko; saddex geesi oo wada dhashay. Mid kasta oo saddexdooda ka mid ah dhudhun iyo madax aan hoos u foorarsan ayuu Alle ku galladay.

Toorreeyo dhaldhalaal iyo holac ka baxayaan ayay galka ka jiiteen. Fadhiga bartamihiisii ayay u soo degdegeen. Taajuddiin ayaa qaylo iyo bulaan bilaabay. Ilaaladii ayuu la hadlay.

“Doqommo yahoy istaaga. Marka aad naga dul boodaysaan miyaad waalan tihiin mise waad cabsan tihiin?! Wixii aan idiin ku dhignay ee hoog iyo haantooy ahaa miyaad illowdeen?

Mamuu far ma saari kartaan iyada oo aysan idin ka dhiman boqollaal aad dhiiggooda ku simbiririxootaan. Waxaad u gudbi karaysaan oo qura markii ay maydadka qaarkiin qaarka kale buunddo ay nooga tallaabsadaan noqdaan.”

Xaggii Amiirka ayuu soo jeedaaliyay. Durbadiiba sidii biyo qabow in lagu shubay ayuu noqday. Hadal deggen ayuu u bilaabay.

“Sayidkeenna amiirkeenna ah sidii uu doono ha u galo Mamuu. Hore ayuu noogu nimceeyay, noogu galladay barwaaqada maamulkiisa, mana aannu awoodno in aannu inkirno.”

Intaa markii uu yiri ayuu, Taajuddiin, aammusay. Dadkii meesha joogay ayaa iyaguna mar qura aammusay. Ilaaladii ayaa iyaguna meel halkan ah tuban oo erayada ka soo bixi doona afka Amiirka dhowraya.

Waxyar ka dib Amiirkii ayaa soo istaagay. Mamuu ayuu halkiisii ugu yimid. Gacantiisa ayuu ku xiray, deetana in xabsiga la dhigo ayuu amar ku bixiyay. Taajuddiin iyo walaalihiis shib ayay yiraahdeen. Xabsiga Mamuu ayaa kurbo badan ku beeray. In ay aammusaan se way ku habboonayd, mar haddii ay Amiirka ku kallifeen in aanu dilin ee si kale ka yeelo. Xikmad badan ayaa ku jirtay in aysan mar labaad hor istaagin go’aanka Amiirka. Mar kale iyo meel kale iyo Amiirka oo xasiloon in ay cafis uga raadiyaan Mamuu ayay indhaha is kala garteen.

Cawayskii ayaa lagu kala dareeray. Dadkii oo dhabannada haysta ayaa mid mid iyo koox koox u siibtay. Mamuu waxa uu beegsaday xabsi aan muddo loo qaban is la markaana lagu xukmay; xabsi noqon doona hadyad ay naftiisu waayo-aragnimo badan ka dheefto.


Waa inoo moogga xiga iyo Ruux Saafi ah iyo Quus.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 15: Kacdoon iyo Dhagar

Qaybtii Hore Kacdoon Hal sano oo dhammaystiran ayuu immika xabsiga ku jiraa Mamuu. Saaxiibaddiisii guuldarrada, ...

Mamuu iyo Seyn 14: Naf Saafi ah iyo Quus

Qaybtii Hore  Naf saafi ah Dhacdooyinka falagga iyo koonku waa kuwo horreeyay oo asal ah. ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *