Home / Abwaan / Fuulay/ Jiiq

Fuulay/ Jiiq

Fuulay ama Jiiq (Acacia Zanzibarica) waa geed qodaxle yar, ilaa 9m kor u baxa, lehna qodax toosan, marmar na salka ka buuran, jirriddu marka uu geedku curdun yahay waxa ay leedahay midab cagaar caddaan xigeen ah, marka uu weynaadana isu roga midabka qorfaha, ubaxiisuna waa basali dhalaal ah. Noocyada geedkaan waxa uu ka dhex baxaa dhir gaagaaban oo isku cufan, duurka iyo duur cawseedka. geedkaan oo jiq ah waxa laga helaa bannaanada xeebaha iyo carrada cusbada leh, sidoo kale carra madowga dhasheegyada (balliyada) webiyadu ku soo fatahaan.

Qoraa Khalid Cali Guul (Alle ha u naxariisto e) mar uu booqasho ku tegay xero-xoolaad Swiidhan ku taal oo uu ku arkay Geri waxa uu tiriyey gabay dheer oo uga sheekeynayo geriga sida xaal ku dambeeyey arladii, waxaa ka mid ahaa:

Fulaygii Ganaane iyo dheen, gaabshe yucubkiiye

Dhuxul bey ka goobeynayaan, gumarkii dheeraaye

Waa gegi bannaan toomahaad, gaada ku lahayde.

Small tree or shrub to 9 m high, with its straight thorns sometimes inflated into pseudo-galls. Bark yellow green to whitish when young, turning cinnamon coloured and powdery with age, and bright yellow flowers. The typical variety can be found in scrub, woodland and wooded grassland, gregarious on coastal clay flats and on saline soils, and on alluvium in seasonally flooded areas.

Xigasho

http://herbaria.plants.ox.ac.uk/VFH/image/index.php?item=2112&photo=4518

http:// plants.jstor.org/stable/10.5555/al.ap.flora.flos002002

 

Print Friendly

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *