Home / Sheeko Gaaban / Dermoweyn ma loo darsaday!

Dermoweyn ma loo darsaday!

Dermoweyn makhaayad cunto iyo cabbitaan keliya loo doonto ma ahane, waa rug ay ku kulmaan socotada degmada ku cusub, ganacsatada, dullaaliinta, dhallinyarada ka nasanaya hawl maalmeedka iyo odayaasha tuulada. Rugtu waxay leedahay geedo waaweyn oo qudhac ah. Gelin hore iyo gelin dambaba waxaa geedahaa hoos yaal dermooyin aad u balballaaran. Shaaha, caanaha, cabbitaanka kale iyo soortuba ma kala go’aan. Waana sababta magaca Dermoweyn loogu bixiyey. Inta cadceeddu soo jeeddo kulamo badan ayaa lagu qabtaa. Odayaasha qaar waxay ku hawlanyihiin kala guridda gefaf la isu haysto iyo qaan la isku leeyahay, qaar kale oo odayaasha ahna xog waraysi, xifaaltan iyo madadaalo ayay goobta u joogaan, badanaana shax bay ciyaaraan. Socotadu dad iyo duunyo ay doonayaan bay ka baafiyaan, ganacsatada iyo dullaalka ku lammaanna badeecadaha iyo sicirka ay marayaan bay iska waraystaan.

Naynaaso badan oo qaarkood caan noqdeen ayaa goobtaa laga bixiyey. Ragga goobtaa caan ka ah oo maqnaanshihiisa la tabo waxaa ka mid ah oday lagu naanaysay ” Dad Cay”. Waxaa iyana aan goobta laga waayin Dareenle iyo Daable. Labadan dambe waa labo marna isu hiilliya marna is haysta. Badanaana Dareenle ayaa qoonsi badan oo wax aan dadka badidii u muuqan ka dhifra. Daable oon hubsan ayaa deg deg nabar ugu dhufta qofkii Dareenle ay is qoonsadeen. Kala celiya iyo gar joogta ah weeye xaalkoodu. Dad Cay, isagu waa shakhsi ku sifoobay inuu ammin walba dadka caayo. Waa cirroole af kharaar. Caydiisu waa sidii dhulgariirka oo kale, qof u adkaysan kara ama muddo yar la saaxiibi kara ma jiro. Dhaqankiisaa dad caynimada ah waxa uu ku mutaystaa saaxiibo cusub, kuwo horey ula joogayna way isku seegaan waayo kii uu shalay caayey ee aan laga qaban ayaa maanta la jira oo u jiibinaya, berritana waxaa la jaal ah mid maanta ka caraysan. Waa belaayo aan kaftanka looga maarmin. Isagu ,waa Dad Cay e,isuma arko inuu wax dhimay. Waa hab nololeedkiisa caadiga ah.

Laakiin waxa loogu dulqaataa oo uu leeyahay sifooyin kale oo wanaagsan oo lagu wadan karo. Dhanka waxbixinta iyo sooryaynta waa ku gob, bakhaylnimana laguma tuhmo. Dadka gurmad uga baahdana wuu u hagarbaxaa. Haddii ay wax ka khasaaraan ma calaacalo, dadkana kuma baryo wixii ka khasaaray. Khiyaamana ma yaqaan. Waxay makhaayadda si joogta ah ugu kulmi jireen oday dusha sare uga eg mu’min xabiib ah balse mar dambe loo bixiyey ” Danayste”. Danayste waa sheekayahan, bashaash ah. Markasta waxaa ku xoonsan dad uu sheeko ku sakhraamiyo. Shaaha iyo ka badanba dadkaa uu u sheekeeyo baa u xilqaba. Waa dhiigmiirte aan dadku dareensanayn, haddii la mutana uma kala furo. Weligiis qaaraanka wuu horboodaa laakiin isagu shilin kuma daro, bal e wuxuu ku dadaalaa inuu qaaraan kasta uu wax kala haro. Danayste marka uu makhaayadda subaxdii yimaado waxa uu isha mariyaa kulamada socda, deedna dhanka garta lagu qaadayo ama dhanka sheekadu aad uga socoto ayuu mid ku biiraa, ujeedkiisuna waa in uu badbaadiyo jeebkiisa isla markaana maalinkaa loo xilqabo.

Goobo dhawr ah oo uu fadhiyey ayaa marar badan la keenay gaf laga tirsanayo odaygii Dad Cay. Deedna dhawr jeer ayuu gar gurracan ku xukumay Dad Cay oo ay sheekada isla jiibin jireen. Ujeedkiisuna ma ahayn caddaalad e waxaa uga dhexmuuqday xoogaa hunguri ah. Dad Cay waxa uu isna ogaaday sifooyinka taban ee Danayste ee ay ugu weyntahay bakhaylnimada, deedna fagaaraha ayuu la istaagay waana sii daayey wixii af xumo ahaa ee lagu yaqaanay! Dagaal kharaar oo la isu habarwacday ayaa dhexmaray labadii oday ee shaxda iyo shaahaba heshiis ku ahaa. Dhawr jeer baa gacan ka hadal dhexmaray, waxaana xaaladdii barako ma leh geeyey warmaqabto habarwacad ugu soo kala hiillisay. Dermowayn iyo goobtii fadhi wanaag waa lagu kala irdhoobay, deedna colaaddii way baahday oo raasaskii durugsanaa bay gashay, derisnimadii iyo daaqii la wadaagi jireyna lagu kala tag!

Waxaa la yiraahdaa waqtiga xun isagaa dadkiisa wata. Oday rugtii Darmoweyn looga aqoon jirey “Daaqe” ayaa si lama filaan ah goobihii ula wareegay. Daaqe waa mid la soo hindhisay, noociisa oo kalana noo dhinnaa.Xil ma qabto, xeerna ma celiyo. Ujeedka ugu weyn ee uu u noolyahay waa “maxaan cunaa!”, waana sababta loogu bixiyey Daaqe. Wuxuu ka arradan yahay dhanka dareenka iyo danqashada balse dhawr shahaado ayuu wataa, dhawr afna wuu ku hadlaa. Colaaddii sokeeye ee beelihii Dad Cay iyo Danayste dhexmartay ayuu suuq ka dhex helay. Mar dib u heshiisiin aan dawo lagu gaarin buu u qabtaa, marna hubka ay isku dilaan buu u soo dillaalaa! Mar macaluusha ka muuqata iyaga iyo makastooda ayuu ku barya tagaa, marna dhawrtadii loogu soo dhiibay ayuu inna dabka saartaa inna daaro ku dhistaa. Hawshii ayaa ku badatay deedna Dermoweyn waxa uu ku martiqaaday daaqayaal shisheeye ah oo ay isku dhaqan yihiin balse magaca iyo muuqu u kala duwan yahay, si ay uga talo bixiyaan tarminta colaadaha iyo barakacayaasha ka jira deegaamada ku hareeraysan Dermoweyn iyo weliba sida loogu baryo tago. Talooyin horudhac ah oo la siiyey waxaa ka mid ah inuu Dermoweyn u beddelo xero caydh, isna horay ayuu ka fuliyey.

Burhanali990@gmail.com

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 15: Kacdoon iyo Dhagar

Qaybtii Hore Kacdoon Hal sano oo dhammaystiran ayuu immika xabsiga ku jiraa Mamuu. Saaxiibaddiisii guuldarrada, ...

Mamuu iyo Seyn 14: Naf Saafi ah iyo Quus

Qaybtii Hore  Naf saafi ah Dhacdooyinka falagga iyo koonku waa kuwo horreeyay oo asal ah. ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *