Sideedaba, af walbaa isagaa dhismihiisa (naxwihiisa) samaysta. Af walba dadka u dhashaa waxa ay ku baraarugsan yihiin in uu jiro sharci xakamaynaya in hadallada sidii la doono loo yiraahdo. Iyadoo sidaas ah, ayaa sharciga naxwaha waxaa marmar dusha ka mara khalad-wadareed markii hore qof bilaabay, dabadeed inta bulshada ku faafay isagoo jaban naxwe ahaan haddana hirgalay oo gaara heer ugu dambayn aan loo arkin in uu jaban yahay.
Labada erey ee ‘isu’ iyo ‘isku’ ma aha kuwo midba kan kale booskiisa buuxin karo, maxaa yeelay mid waliba macne kan kale ka duwan ayuu u yeelaa oraahda ama weedha uu ku jiro. Badanaa dadka aan ku arkay isku-khaladka labadaas, ayaa waxay u haystaan ama u adeegsadaan in ‘isku’ qaban karto shaqadii ay haysey ‘isu’ iyadoo aan macnuhu isbeddelin. Inkastoo bulshadu laga yaabo in ay fahanto qofka ujeeddadiisa, haddana, naxwaha laftigiisa ayaa ku wareeraya sida iyo ujeeddada qofku rabo in uu sheego.
Tusaale (1):
a) Bile iyo Mire waa isku maragfureen.
b) Bile iyo Mire waa isu maragfureen.
Sida muuqata labada oraahood ujeeddooyinka ay gudbinayaan waa kuwo aad u kala fog.Oraahda (a) waxay sheegeysaa in Bile iyo Mire ay liddi isku yihiin oo markii maxkamadda la soo taagey uu midiba isku deyey in uu kan kale dembiga dusha ka saaro ama ku caddeeyo. Laakiin, oraahda (b) waxay sheegeysaa in Bile iyo Mire ay istaageerayaan oo markii maxkamadda la soo taagey uu midiba kan kale hadalkiisii in uu run yahay ka marag kacay. Kolkaas, haddaad ‘isku’ adeegsato adigoo raba in aad gudbisid ujeeddada (b) waxaa caddaaneysa in oday Naxwe la yiraahdaa uusan kula socon ujeeddadaadana fahmeyn.
Tusaale (2):
a) ‘Macallinkaaga isu taag.’
b) ‘Macallinkaaga isku taag.’
Oraahda (a) waxay fareysaa qofka lala hadlayo in uu macallinkiisa u istaago, ixtiraam ahaan. Laakiin, oraahda (b) waxay fareysaa tan kore liddigeed oo ah in uu macallinkiisa ‘lig’ isku siiyo, oo uu hadallada iyo amarrada uu siinayo dib ugu celiyo. Kolkaas, haddii aad arday fareysid in uu macallinkiisa u istaago, ma adeegsan kartid ‘isku taag’.
Tusaale (3):
Bile oo yimi meel uu maalintaa shaqo ka bilaabi lahaa, ayaa ilaaliyihii ku yiri:
‘Ninka xafiiskaas fadhiya isu sheeg’ oo macneheeda loo wada garanayo in uu u tago ninka la tilmaamay isuna sheego in uu yahay ninkii maanta shaqada bilaabi lahaa.
Ka warran haddii ilaaliyuhu Bile ku oran lahaa:
‘Ninka xafiiskaas fadhiya isku sheeg.’ Dabcan ujeeddadu wax kale ayey soo bixi lahayd oo ah: waxaad adigu, Bile ahaan, sheegataa in aad tahay ninka xafiiska laga hadlayey fadhiya. Taas oo meesha soo gelin lahayd hadal been ah, aanna ahayn kii loo baahnaa.
Tusaale (4):
‘Shirow, Bile iyo Mire isu dir’ oo looga jeedo in uu Shire, Bile iyo Mire kii uu hor helo kan kale u diro. Ka warran haddii la yiraahdo:
‘Shirow, Bile iyo Mire isku dir.’ Waxaa cad in fidmo laga shaqaynayo oo la doonayo in labada nin madaxa la isu geliyo. Kolkaas, waxaa halkaas ka cad in aadan adeegsan karin ereyga ‘isku’ haddana filan karin in ay u jeeddada koowaad u muuqato adeer Naxwe.
Tusaale (5):
a) Bile iyo Mire waa isu dhaarteen.
b) Bile iyo Mire waa isku dhaarteen.
Oraahda (a) waxay yeelan kartaa laba macne: 1) labada nin in ay isu hanjabeen iyo 2) labada nin in ay isugu dhaarteen in mid walbaa daacad u noqonayo kan kale ama hawsha ka dhexaysa. Laakiin oraahda (b) waxay sheegeysaa in midi ba kan kale ku dhaartay. Waxay dhacdaa, Matalan, marka laba qof makhaayad wax ka wada cunaan oo midi ba ku dhaarto in uu isagu bixinayo lacagta.
Tusaale (6):
a) Bile iyo Mire ayaa isu soo baxay.
b) Bile iyo Mire ayaa isku soo baxay.
Oraahda (a) waxay sheegeysaa in labada nin uu midi ba meeshii uu ku jirey inta ka soo baxay ay dibadda ku kulmeen. Laakiin oraahda (b) waxay sheegeysaa in Bile iyo Mire iyagoo aan iska war hayn oo isu muuqan ay hal mar suuqa ‘mug’ iskaga soo yiraahdeen si kedis ah. Idaacadaha iyo muuqdaawisyada Soomaalida, oo ay badanaa daadihiyaan dhallinyaro iska dedaaleysa laakiin, aan afsoomaaliga ku xeeldheerayn ayaa waxay adeegsadaan ‘isku soo baxay’ marka ay ka hadlayaan dad mudaaharaad ama ujeeddo kale isugu soo baxay. Hadalka saxda ahi wuxuu ahaan lahaa ‘ isu soo baxay’.
Tusaale (7):
a) Labadii gaari baa isu yimi.
b) Labadii gaari baa isku yimi.
Oraahda (a) waxay sheegeysaa in ay labada gaari kulmeen.Laakiin, oraahda (b) waxay sheegeysaa in labada gaari isku dhici gaareen oo in ay shil madaxmadax ah isku galaan ku sigteen, ka dib markii midiba kan kale isagoo rooraya ku yimi.
Tusaale (8):
a) Mire been buu isu sheegay.
b) Mire been buu isku sheegay
Waxay oraahda (a) inoo sheegeysaa in Mire been naftiisa ka dhaadhiciyey. Halka tan (b) ay inoo tebineyso in Mire waxyaabo been ah naftiisa ku sheegay oo matalan waxaa laga yaabaa in uu waxyaabo uusan ahayn sheegtay isagoo faan ka dhiganaya. Kolkaas, adoo ka hadlaya Mire wuxuu naftiisa kula faqay ama iska dhaadhiciyey ma adeegsan kartid ‘isku’ ee waa in aad tiraahdaa ‘wuu isu sheegay’
Tusaale (9):
a) Isu celi.
b) Isku celi.
Labada oraahood aad bey u kala durugsan yihiin macne ahaan. Tan (a) waxay inoo sheegeysaa wax kala yaacaya ama kala daadanaya oo la isu ururinayo. Matalan ‘ ariga isu celi’ oo looga jeedo yuu kala yaacin ee isu ururi. Laakiin, oraahda (b) waxay inoo tilmaameysaa in laga hadlayo wax la kala bixiyey ama la kala saaray in dib la isugu celiyo. Sidaa darteed, adeer Naxwe ma oggola in qofku yiraahdo ‘ariga isku celi’ iyadoo loo jeedo isu ururi. Laakiin, haa, waa la oran karaa‘ ariga isku celi’ haddii ari isku jirey la kala soocay, dabadeed laga badin waayey in dib la isugu celiyo.
Tusaale (10):
a) Bile iyo Mire waa isku faaneen.
b) Bile iyo Mire waa isu faaneen.
Labada oraahood- sida kuwii horeba – waa kala macne oo tan (a) waxay sheegeysaa in labada nin ay isku dheer yihiin oo midi ba ku faraxsan yahay in uu kan kale saaxiib/walaal/shaqawadaag la yahay. Yacni in mid ba kan kale ku faanay. Meesha oraahda (b) ay sheegeyso in ay iyagu isu faaneen oo midi ba kan kale u faanay. Kolkaas adoo doonayaa in aad muujiso in Bile iyo Mire isu faaneen, oday Naxwe kaa yeeli maayo in aad tiraahdo ‘Bile iyo Mire waa isku faaneen’ waayo, wuxuu u qaadanayaa in labada nin yihiin kuwo isu dhow oo midba qiime weyn u hayo kan kale.
Dhammaad.