Home / Taariikh / Sooyaalka Shiicada

Sooyaalka Shiicada

Ma habboon tahay in la oggolaado in aragtida Shiicada lagu fidiyo Soomaalida dhexdooda? Kala duwanaanshaha u dhexeeya Sunnada iyo Shiicadu ma mid siyaasad keli ah ku dhisan baa?

Qoraalkani wuxuu raadraacayaa mad’habta Shiicada iyo taariikhdeedii.  Si uu u sahlanaado akhriska qoraalku, waxaa laga tegey tixraacii cilmiga ahaa (references) in la tilmaamo laakiin dhammaan waxa ku qoran waa wax sal ku leh kutubta Shiicada iyo weliba Sunnada la na soo weydiin karo qoraaga. Dabcan way adag tahay in gef ama ilduuf laga waayo qoraal, haddaba wixii kuu muuqda ee qalad ah u soo tebi qoraaga si loo toosiyo.

Magaca ‘Shiico’ wuxuu salka ku hayaa erey Carabi ah oo micnihiisu yahay ‘koox’.  Waa erey ku bilawday khilaafkii saxaabada ka dhex dhacay qarnigii kowaad ee Islaamka markii la diley khaliifkii saddexaad Cusmaan bin Cafaan oo loo doortay Cali bin Abi Daalib khaliifkii afraad. Khilaafkaas wuxuu u badnaa wax ku saabsan kala hormarinta muhimmadaha hor yaallay ummadda oo ahaa in khaliif cusub la doorto mise in dhiggii Cusmaan la doono oo raggii dilay la soo qabto. Cali (RC) wuu ka guuray Madiina wuxuuna degey Ciraaq magaalada Kuufa, shan sano ayuuna ahaa khaliif markuu dhintayna waxaa khilaafadii qabtay wilkiisii Xasan Bin Cali oo isaguna saxaabi ahaa.

Khilaafkaasu ma ahayn mid la isku hayey anaa kaa diin fiican iyo adigaa diin xun. Waxaana taas ku tusaya khudbooyinkii Cali oo ilaa hadda ku yaal kutubta Shiicada sida Nahjul Balaaqah iyo weliba in Xasan uu markii la doortay waqti yar ka dib la xiriiray Mucaawiye una bandhigay inay heshiiyaan talada Muslimiintana uu la wareego Mucaawiye. Hadduu Xasan ogyahay in Mucaawiye diin xun yahay kuma aamineen talada Muslimiinta isagoo weliba awood u lahaa inuud ciidan xooggan ku bixiyo Mucaawiye oo qabsado Shaam.  Bilawgii sannadkii 41 ayaa taladii la isku hayey lagu wareejiyey Mucaawiye iyada oo Xasan Bin Cali na ku noqday Madiina isaga iyo dhammaan durrriyaddi Cali. Wuxuu sii sheegay Nebigeenu (NNKH) in wiilkiisa Xasan ah uu yahay Hoggaamiye sare oo midayn doona laba kooxood oo Muslimiin ah sida uu weriyey Bukhaari.

Waxaa jirtey intii Cali joogay Ciraaq in dad ciidamadiisa ka mid ahaa laakiin hore u haystay diimo kale oo ku dhisnaa in qof la caabudo ama la weyneeyo  inuu ka dareemay inay isaga weyneynayaan oo waxaanu mudnayn ku sheegayaan. Fikradda noocaas ah ayaa si qarsoon u soo socotay in muddo ah in kastoo aanu jirin xiriir muuqda oo ka dhexeeyey dadka qabey in Cali u mudnaa wax ka sarreeya khaliifnimada.

Markii uu geeriyooday Mucaawiye (RC) wuxuu u dardaarmay in wiilkiisii Yaziid qabto xukunka Muslimiinta. Laakiin dad badan oo ka mid ahaa saxaabada ayaa ka hor yimi arrinkaas iyagoo ay u muuqatey in Yaziid aanu ku habboonayn talada. Waxaa ka mid ahaa saxaabadaas Xuseen bin Cali, Cabdulaahi bin Cumar, Cabdullahi bin Zubeyr iyo kuwo kale. Xuseen wuxuu ka guuray Madiina isagoo aan aqbalin ama bayco la gelin Yaziid wuxuuna u guuray Maka oo aan xukunka Yaziid hoos iman markaas waxaana sidoo kale Maka u soo guuray Cabdulaahi bin Zubeyr iyo Cabdulaahi bin Cumar.

Xuseen waxaa u timi farrin ay soo direen reer Ciraaq oo ay leeyihiin waad aragtaa sida xaalka Muslimiintu yahay, adigaana badbaadinta Muslimiinta xil kaa saran yahay ee noo imaw annagaa ku garab istaagaynee. Xuseen wuxuu diray ina adeerkiis Muslim ibnu Caqiil bin Abii Daalib si uu u sooo hubiyo in gargaarka reer Ciraaq sheegayaan run yahay. Muscab markuu tegey Kuufa wuxuu la kulmay soo dhawayn aad u sarraysa waxaana ballan (bayco) la galay ilaa 18 kun oo qof. Markuu hubsaday in taageero xoog leh laga heli karo Kuufa ayuu Muslim fariin u diray Xuseen uu ku leeyahay degdeg u soo bax. Xuseen (RC) wuxuu u soo safray Ciraaq laakiin intii uu dariiqa soo hayey ayaa waxaa magaalada Kuufa soo galay nin wakiil u ahaa Yaziid bin Mucaawiye si uu uga hor tago imaanshaha Xuseen. Shiicadii badnayd ee ballanta ku gashay difaaca Xuseen waxaa dhacday in ay kala yaaceen oo ciidan dhawr boqol ah ay hor istaagi waayeen qaarkoodna ay cabsi darteed ugu biireen ciidankii Yaziid halkaasna waxa lagu qabtay Muslim bin Caqiil oo lagu dilay Kuufa intaanu Xuseen soo gaarin magaalada.

Xuseen isagoo soo socda jidka ayaa loo sheegay in la dilay Muslim. Aad ayuu uga xumaaday laakiin wuxuu go’aansaday inuu aanu noqon. Waxaa Xuseen ka hor yimi ciidan reer Ciraaq ah oo Yaziid ka amar qaata waxaana dhacay dagaal lagu dilay Xuseen iyo in badan oo ka mid ah caruurtii Cali iyo caruurtoodii.

In kastoo Shiicadii waqtigaas joogtay ay xuseen dulleeyeen oo garabkiisa ka baxeen, waxay sannad walba 40 maalmood u baroortaan dhacdadaas lagu dilay Xuseen. Ogow dagaaladii uu galay Nebigu (NNKH) kama sheeggana Shiicada dhexdooda oo ma xusaan Beder, Uxud iyo iyo geeridii Xamza ama Jacfar bin Abii Daalib iyo xataa geeridii Cali bin Abii Daalib laakiin waxay adduunkoo dhan madoobeeyaan maalintii la diley Xuseen. Meelaha ay ku cibadaystaan waxay u yaqaanaan Xusayniyaat. Xuseen iyo kacdoonkiisii waa dhacdada ugu weyn nolosha Shiicada. Xuseen dulmi iyo gardarro waxaa ku dilay dad Muslimiin ahaa oo u hiilinayey Xaakim daalim ah. Laakiin Xamza bin Cabdulmudalib waxaa lagu dilay dagaal uu hoggaaminayey Nebiga NNKH oo looga horjeeday gaalo doonayey inay cirib tiraan Islaamka.

Dad badan oo Aalul Beyt ah oo ka dambeeyey Xuseen ayaa sameeyey kacdoonno ay kaga soo hor jeedaan dawladihii Umawiyiinta iyo Cabbaasiyiinta laakiin mar walba Shiicadu markii ciidanka dawladdu yimaado waa kala yaaci jireen Aalul Beytkana waa la layn jirey. Waxaase si gaar ah loo xusi karaa Zayd bin Cali Bin Xuseen oo ka kacay Ciraaq sannadkii 122H ka dib markii isagoo safar ku yimi magaalada ay Shiicadii ku yiraahdeen dhibka Islaamka haysta adigaa ka saari kara ee qabo talada aan ku gargaarnee, markuu ka yeelay oo ciidan uruuriyeyna waa kala yaaceen isagiina waa la dilay. Qolada la yiraahdo Zaydiyada ee u badan shiicada Yaman isaga ayey ku abtirsadaan.

Qarnigii labaad ee Islaamka ayaa waxaa magaalada Kuufa ka jirey falsafado badan oo is dhexyaacaya iyo majaalis la isugu yimaado oo lagaga doodo aragtiyaha falsafadda ee diiniga ah. Waxaa la sheegaa in fadhiyadaas ay xoog weyn ka qaateen fufinta aragtiyaha Shiicada oo waxaa la isla soo qaaday in Ilaahay adduunka abuuray, inuu ujeeddo ka lahaa abuurka, inuu ujeedadaas u soo dhiibay qof dadka ka mid ah (rasuul) oo lagu dayan karo oo aan isagu qaldamin maadaama lagu dayanayo, in haddii qofkaasu dhinto ay tahay in booskiisa qof kale joogo oo isaguna aan qaldami karin isla markaasna leh cilmigii rasuulka oo kale. Waxaa falsafadahaas lagu gooyey in kitaab keligiis aanu ku filnayn hanuuninta dadka oo mar walba loo baahan yahay qof lagu daydo oo nool.

Aragtidaas falsafadeed waxaa ka dhashay in taariikhda dib loogu noqdo oo la yiraahdo waxaa khasab ahayd in Nebigu (NNKH) dardaarmay qofka ay ahayd in lagu daydo oo hoggaanka siyaasiga ah iyo ka diiniga ahba u haya ummadda. Waxaa la is tusay in qofkaasu ahaa Cali bin Abii Daalib. Isla waqtigaas waxaa Ciraaq caan ku ahayd xadiiska iyo rag shaqadoodu ahayd inay xadiis allifaan oo dadka soo dhex dhigaan. Nimankaas qaarkood waxay xoojin jireen aragtiyo diimeed ay qabeen, qaar kale waxay xoojinayeen siyaasad iyo rag maamul hayey, qaar kalena waxayba la ahayd in ay ajar ka helayaan hadday xadiis been ah oo dadka khayrka u sheega ay allifaan dadkana u sheegaan in Nebigu sidaas yiri. Dabcan aragtiyaha shiicadu kama marnayn inay adeegsadaan akhaabrta noocaas ah. Imaamu Shaafici oo waqtigaas noolaa waxaa laga sheegay inuu yiri dadka bidcada wata dhammaan waa ka dhegeysanayaa xadiiska ay soo sheegaan marka laga reebo Shiicada (Raafidada) waayo iyagu beenta diin ayey u haystaan.

Waxaa aad looga dareemayaa qaabka ay Shiicadu ku unkaan culuumta diiniga ah inay dib ka allifayeen akhbaarta qaarkood iyagoo xujo taariikheed u doonaya aragtiyo ay ku keeneen falsafad. Waxaa taas ka mid ah in haddii Cali ogaa in isaga loo dardaarmay inuu xukunka qabto Nebiga ka dib, muxuu beycada ula galay Abuu Bakar, Cumar iyo Cusmaan? Cali marna ma khilafeen amarkii Nebiga waayo waa diin. Laakiin jawaabta keliya ee Shiicadu sheegtay waxay ahayd in Cali baqayey oo ku dhaqmayey wax la yiraahdo (Taqiyah/Tuqyah) oo ah haddii aad naftaada u yaabto inaad waxaad doonto samayn kartid ama ku hadli kartid adigoo muujinaya wixii aad ku badbaadi karto ama dantaadu tahay niyaddana ku qarsanaya wixii aad rumaysnayd. Si ay taas u xoojiyaan waxay sheegeen in markii Cali diiday inuu Abuu Bakr baycada la galo uu Cumar soo weeraray gurigii Cali, markaasna Cali guriga isku xiray oo diiday inuu furo oo ay markaas Faadumo (RC) furtay irridda markaasna Cumar xoog ugu soo riixay irriddii oo dhulka ku tuuray Faadumo kana jebiyey feer iyadoo Cali daawanayo oo aanu waxba ka qaban. Caligaasu waa ninkii geesinimadiisa Carab oo dhammin taqaaney. Dhibaatooyinka noocaas ah ayaa Cali ku khasbay inuu afkiisa iyo uurkiisa is khilaafiyo. Ogow in dhawr iyo labaatan sano ka hor wadaad la oran jirey Xuseen Fadlalah oo Shiicada Lubnaan u ahaa marjic uu diiday sheekada kor ku qoran ee in Faadumo dhib loo geystey ahayd isagoo sheegay in aanay sugnayn laakiin wadaadadii Iiraan oo uu ka mid yahay Aayatullaah Mujtabaa Shiiraazi waxay markiiba fatwoodeen inuu gaaloobay Fadlallah.

Fahamkaas ah in waxa qofku rumaysan yahay qarsado wuxuu adkaynayaa in la fahmo waxa Shiicadu diin ahaan u rumaysan yihiin oo waa dhaqan ay leeyihiin in hadba meesha ay joogaan iyo dadka ay la hadlayaan wixii ay kaga badbaadi karaan ay sheegtaan iyagoo aan ka baqayn inay ku dambaabaan. Xataa duruusta ay ka akhriyaan goleyaasha ay keligood fadhiyaan oo laga duubayo waxay isticmaalaan ereyo sarbeeb ah markii ay sheegayaan tusaale saddexdii Khaliif ee Abuu Bakr, Cumar iyo Cusmaan waxay yiraahdaan (kii hore, kii ku xigey iyo kii saddexaad) waxay ku ducaystaan “Ilaahoow lacanad ku rid kii ugu horreeyey ee Aalu Muxammad xaqooda ka qaaday) oo laga wado Abuu Bakr. Ducadaas iyo kuwo la mid ah ma qarsoona oo hadda telefishinada Karbala iyo Kawthar ayaa laga akhriyaa.

Waxaa kale oo iyaduna mudan in la eego habka ay Shiicadu u soo tebiyaan axaadiista ama akhbaarta diiniga ah oo ka duwan sida Ahlu Sunnadu u soo tebiyaan. Waxaad mooddaa in Shiicadu gadaal ka baraarugeen oo kitaabkooda ugu horreeya ee asalka u ah waxa la qoray qarnigii Afraad. Kitaabkaas oo la yiraahdo Al-Kaafi waxaa ku yaal wax ku dhaw 16 kun oo xadiis laakiin inta laga weriyey Nebiga NNKH waa wax ka yar boqol xadiis. Inta kale waxaa laga weriyaa Imaamyadii Shiicada gaar ahaan Jacfar Al-Saadiq oo Shiicadu rumaysan tahay in hadalkiisa iyo kan Nebigu isku mid yihiin waxaana kitaabkaas ku yaal in ka badan 9 kun oo xadiis oo ah hadalkii Jacfar Al-Saadiq loona haysto inay la mid yihiin hadalkii Nebiga. Waxaase yaab ah in ragga ugu badan ee wax ka weriya Jacfar in ay ahaayeen reer Kuufa isaguna deggenaa Madiina oo uu ku dhashay kuna dhintay.

Imaamyadii ay tirsanayeen Shiicadu ee la yiri waa waajib in la raaco maadaama ay wakiil ka yihiin Nebigii NNKH, waxay qaacido ka dhigeen in imaam walba inta uu nool yahay uu sii tilmaamo imaamkii isaga dhaxli lahaa laakiin mar walba waxaa imaam noqonaya wiilka ugu weyn ilmaha imaamka. Taas sidii la moodayey ma noqon oo tusaale ahaan Jacfar Al-saadiq isaga oo nool ayaa waxaa dhintay wiilkiisii ugu weynaa oo la oran jirey Ismaaciil. Wareer ayaa ka dhex dhacay Shiicadii Kuufa joogaty waayo lama filayn inuu Imaam la sugayaa dhinto iyadoo aabihii nool yahay. Qolo waxay tiri ilaah ayaa nacay Ismaaciil oo sidaas ayuu u dhintay, qolo kalena waxay yiraahdeen isaga ayaa imaam ah wuuna dhuuntay oo ma dhiman. Markii loo sheegay in aabihii dhigay tacsi oo janaazadiisii lagu tukaday waxay yiraahdeen aabbihii wuxuu ka baqay in la dilo marka tacsi been ah iyo janaazo faaruq ah ayuu sameeyey. Kuwa sidaas rumaysan waa kuwa hadda la yiraahdo Ismaaciiliya oo wax walba qariya. Haddii aad tagto Makka waxaad ku arkaysaa iyagoo salaado badan ku tukada dhinaca Xijrul Ismaaciilka oo ay malaha magaca ka dugsanayaan. Imaam walba marka uu dhinto waxaa Shiicadu u kala baxayeen dhawr qolo oo ku kala duwan qofkii noqon lahaa imaam ka cusub.

Ugu dambayn Imaamkii 13aad Xasan Al Caskari wuxuu dhintay isagoo aan weli guursan. Wareer ayaa dhacay waayo waxaa la isku ogaa in imaamka cusub uu noqdo wiil uu dhalay imaamkii hore. Waxaa loo kala baxay ilaa iyo dhawr iyo toban kooxood oo koox walba ay aragti gaar ka haysato waxa la yeelayo. Muddo ka dib ayaa nin la oran jirey Cusmaan bin Saciid u sheegay shiicadii in uu jiro wiil imaamku ka dhalay gabar addoon u ahayd oo la qarin jirey haddana uu wiilkii dhuuntay uuna isaga u soo wakiishay inuu u soo qaado lacagtii xaqa ay u lahaayeen Aala Beytku. Wuxuu sheegay in wiilka oo shan jir ahaa uu ka baqay dawladda oo markaas uu galay god ku yaal magaalada Saamarraa. Muddo ayuu Cusmaan shiicada u keeni jirey qoraallo uu sheegayo inay yihiin farriimo u usoo diray wiilkii dhuuntay. Markuu gaboobay Cusmaan oo uu dareemay in geeridiisii soo dhawdahay wuxuu keenay farriin cusub oo yiri “Imaamkii wuxuu soo wakiishay wiilkayga Muxammad bin Cusmaan ee isaga ha loo dhiibo wixii lacag ahaa ee la siin jirey Imaamka”. Sidaas ayaa wiilkiisii ku wadey mashruucii markuu dhintayna laba nin oo kale ayaa isaga dambeeyey ka dibna kii dambe ayaa soo sheegay in imaamku markii hore ku jirey dhuumasho gaaban laakiin hadda uu galay dhuumasho dheer oo uu soo bixi doono qiyaamaha hortiisa uuna noqon doono Mahdiga.

Waqtigaas dhuumashada (marxalatul qaybah) waxay Shiicada ku abuurtay wareer siyaasadeed waayo waxay ogaayeen in imaamku xaq u leeyahay hogaaminta in lagu qabsadaana ay xaaraan tahay marka Shiicadu ma oggolayn in ay xukun qabtaan marka laga reebo Zaydiyada oo mar qabatay dawlad la oran jirey Buweyhiyiin oo meelo Iiraan iyo Ciraaq ka mid ah ka talinaysay. Waxaa kaloo Shiicada qaarkood joojiyeen inay bixiyaan sakada, inay tukadaan jimcaha, inay aadaan jihaadka iyo inay bixiyaan xoolaha khumuska la yiraahdo oo imaamku xaq u leeyahay. Sababtuna waxay ahayd intaas oo dhan waa in imaamka looga dambeeyaa imaamkiina ma joogo. Qaarkood khumuska iyo sakada waa aasi jireen oo waxay oran jireen Ilaahoow markuu Mahdigu soo baxo tus. Qaar waa uruurin jireen noloshooda oo dhan markii ay geeri ka yaabaana waxay u dardaarmi jireen qof kale oo ku oran jireen u dhiib xoolahaan Mahdigu markii uu soo baxo.

Maadaama jihaadku xaaraan ka ahaa Shiicada waxaa dhici jirtey inay daleel u ahaayeen Ahlu Sunno ciidamo ahaa oo marba soo weerari jirey dhulka Shiicada oo dhac iyo dhib u geysan jirey iyaga oo og in shiicadu xaaraan u haystaan in calan dagaal la taago inta Mahdigu maqan yahay.  Sidaa oo kale salaadda Jimcaha in si rasmi ah loo tukado waxaa soo celiyey Khumayni sannadkii 1979 si uu u helo meel uu dadka wax ugu sheego waayo waagii uu joogay Najaf ma amri jirin in la tukado Jimcaha.

Shiicadu maalka ay helaan boqolkiiba 20 waa inay siiyaan Mahdiga qarsoon. Sannad walba qofku waa inuu xisaabiyaa wixii soo galaay oo markaa u tagaa qof wakiil ka ah Aayatulaahiga uu raacsan yahay oo u dhiibaa 20% xoolaha soo galay sannadkaas sida mushaharka, faa’iidada ganacisga, IWM. Lacagtaas waxaa lagu bixiyaa arrimaha diiniga ah oo ay ka mid tahay in dadka aan Shiicada ahayn la soo shiiceeyo. Hadda waxaa jira ilaa shan nin oo la yiraahdo Aayatulaah Alcudmaa ama Marjic oo loo geeyo xoolaha laga uruuriyo dadkaas. Waxaa ka mid ah Sistaani, Khaamani’i iyo Bashiir Al-Najafi.

Soomaaliya waxaa hadda ku dhex hardamaya baahiyo qabiil iyo aragtiyo diimeed oo is dhex boodaya. Waxaa iyaguna jira awoodo dibedda ka yimid oo doonaya inay siday rabaan Soomaalidu u dhaqanto. Dadka qofba meel baa laga hayaa. Dadka qaar micne u samayn mayso in boqol aragtiyood oo diimeed yimaadaan umana haysataan in ay nabadgelyo xumo iyo colaado hor leh keenayso. Dadkaas waxaa ka mid ah dad aan awalba diinta in nolosha boos weyn laga siiyo aan qabin (seculars). Shiicadu waxay kaga duwan yihiin sunnada in ay saxaabadii nebiga NNKH weliba kuwii isaga ugu dhawaa xagga talada ee Khulafada ahaa ay nacaladaan ama gaaleeyaan. Waxay in badan eed ka sheegaan xaasaskii Nebiga, waxay rumasyan yihiin qaarkood in Ahlu Sunnada (Soomaalidu ka mid tahay) ay yihiin gaalo ay tahay in diinta loogu yeero haddii ay diidaan inay Mahdiga qarsoon rumeeyaanna ay ku waarayaan naarta jahannama.

Qofku wuxuu doortaa asxaab wanaagsan. Haddii Nebigu uu weligiis la saaxiib ahaa niman aan diintiisa daacad u ahayn, oo uu guursaday dumar kulligood aan daacad diintiisa u ahayn (ogow Shiicadu xaasaskii nebiga NNKH midna diinta kama weriyaan) soow dhaawac kuma noqonayso hoggaamintiisii iyo garaadkiisii maadaama uu si cad u ogaa munaafiqiinta oo haddii uu dareemi lahaa in dadka u dhaw ay wax qarsanayaan uu la talin lahaa ma xiriirka ka goosan lahaa? Kitaabka Kaafi waxaa ku taal in markii Nebigu dhintay ay riddoobeen dhamman dadkii aan ka ahayn ilaa saddex (Abuu Dar, Miqdaad iyo Salmaan). Waxaa jira akhbaar Shiicadu weriso oo kuwaas la mid ah ama xoogaa ka duwan.

Haddaba, akhristoow qoraalkanu ma koobi karo taariikhda, noocyada iyo caqiidooyinka Shiicada laakiin waa dareensiin in Shiicadu aanay ahayn oo keli ah dad siyaasad nagaga duwan ee ay jiraan kala duwnaasho xagga caqiiqadada iyo axkaamtaba ah soona socday kun sano ka badan oo ay adkaanayso in si sahlan looga heshiiyo. Waxaa laga yaabaa in dadka qaar colaad u hayaan qaar ka mid ah wadaaddada Soomaalida hadda saamaynta ku dhex leh, laakiin taasi ma keeni kartaa in wixii iyaga ka duwanba la soo dhaweeyo? Wadaaddadu ma iyagaa diinta iska leh? Haddii ay waajib tahay in shacabka dhaqankooda iyo afkooda loo ilaaliyo, miyaanay ka horrayn in waxa ay rumaysan yihiin loo ilaaliyo?

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Kacaan mise Afgambi?

Kacaan waa bulsho ka gilgilatey falalka ka soo fulaya maammulka ay hoos joogaan, ujeeddadada kacdoonkoodu ...

Rewinding Revolution. Rhetoric in Reliving the Past; The Kacaan Era.

The beginning of this story can be found in the way it ended. In assessing ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *