Home / Sheeko Gaaban / Daljir

Daljir

Haye, haye, aynu ismaqalno,” ayuu yiri Macallin Nuur. “Waa faaqidaaddii suugaanta.”

Tobankiisii arday waxay la soo baxeen buugtoodii Suugaanta Af-Soomaaliga. Waxaa albaabka ka soo galay Qasaaye oo neef-tuuraya, dhididkuna ka dareerayay.

“Qasaayow waqtiga dhowr,” ayuu yiri Macallin Nuur. “Waad soo daahday.”

“Macallin, gabar i jecelaa isbaaro ii dhigatay,” ayuu Qasaaye la soo booday.

Waxaa hal mar wada qoslay ardaydii. Macallinkii qosolka ayuu isku celiyay.

“Saa maxaad isku furatay?” ayuu yiri Macallin Nuur oo yaabban.

“Sahal lee waaye,” ayuu yiri Qasaaye. “Al-dunyaa fil basar; wal-xaawaleey fil af-macaani.”

Macallinkii iyo fasalkiisaba goos dambeedka ayay ka qosleen. Qasaaye wuu fariistay.

Haye, labo koox u kala baxa,” ayuu yiri Macallin Nuur. “Hala dhageysto cajalkaan.” Cajalkii ayuu shiday:

Daljir daafaca qarannimo

Xirfadaha loo doortoo

U toog haya digta aafada

Dastuurka ilaashoo

Maatadana daryeeloo

Dadku ku hiirto baan ahay.

###

Waxaan dabac ka dhawraa

Degdeg aan u fuliyaa

Waajibaadka la ii diro.

###

Markay doodi dhalatana

Xubin baan la doontaa

Waana daqar cadaawaha

Ka damqinaaya boogaha

Gacalkuna ku diirsado.

Intii uu cajalku socday waxa uu Macallinku miraha heesta ku qorayay sabuuradda. Markii ay heestii dhammaatay ayuu misana mar labaad ugu soo ceshay si ay u dhuuxaan. Misana mar saddexaad.

“Sida aad aragtaanba,” ayuu yiri Macallin Nuur, “heestu waxa ay ka kooban tahay saddex beyd. Waxa aan doonayaa in loo kala dhigdhigo beyd beyd, sadar sadar, iyo erey erey. Su’aalahan ka dooda oo isla faaqida: heestu magaceed? Ciddee hadleyso? Maxay heestu idinku boorrineysaa? Maxayse ka dhiidhiyaysaa? Maxay heestu inoo ishaartay oo uu cadowgu ka naxayaa? Labaatan daqiiqo ku dhammeeya. Wax is-weydiiya, hase buuqina. Wax is weydiintu waa ilbaxnimo—buuquse waa badownimo.”

Ardaydii waxay galeen aqoon isweydaarsi. Mar qodob ayay ka doodayeen; marna qodob ku heshiinayeen; mar isku qoslayeen. Macallin Nuur hadba miis ayuu dul istaagayay. Oo u kuurgalayay dooddii iyo qodobadii ay ardaydu isla daadihinaysay. Saacaddii ayuu eegay.

“Haye soo jeesta,” ayuu yiri isagoo sacabbada tumaya. “Dhiga qalimaanta.”

“Macallin hal daqiiqo noogu dar,” ayuu cod meel gees ahi ka soo yiri.

“Saddex ka dhigo, Siciido,” ayuu yiri Macallin Nuur. “Kooxdiina ayaana jawaabta billaabaysa.”

Waxaa wada qoslay fasalkii.

Ardaydii in yar ayey qalinka xaashida ku jiidjiideen—soona gunaanadeen falanqeyntooda.

“Haye, Siciido,” ayuu yiri Macallin Nuur, “bal nala wadaag gorfeynta kooxdaada.”

“Macallin horta heesta magaceeda waxay noola muuqatay in la dhaho ‘Anaa Waddani’,” ayey tiri Siciido. “Waxa aynu magacaas kala soo baxnay fahanka ah cidda hadleyso—waana qof taxaya wuxuu u qaban lahaa dalkiisa hooyo. Heestu waxay la hadleysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waxa ay nagu baraarujineysaa in aynu dalkeenna daacad u noqonno, khilaafkana xal loo raadiyo. Heestu waxay diideysaa in la qiyaamo dalka, in la dayaco danta guud, cadowgana aan laga farxinin.”

Siciido waa ay fariisatay, ardayduna waxa ay eegayaan Macallinkooda—kana sugayeen inuu fal-celis ka bixiyo jawaabahooda.

“Aad baad u mahadsan tahay, Siciido,” ayuu yiri Macallin Nuur. “Si isku duub ahaad heesta u faaqiddeen. Waxaan aad u jecleystay sida aad magaca ula soo baxdeen: ‘Anaa Waddani’. Waa magac macquul ah. Taa waa wanaagga faaqidaaddiinna. Dhaliisha haddii aan u gudbo, waxaad ka tagteen in aad daliil kala soo baxdaan miraha heesta—daliil xujo u ah faaqidaaddiinna. Faaqidaad aan daliil laheyn waa feynuus aan dab laheyn. Ruuxdaa ka maqan. Ma aydaan haqab-tirin su’aashii aheyd heesta u kala dhig-dhiga ‘beyd beyd, sadar sadar, erey erey’. Laakiin waad dadaasheen—guuleysta!”

Macallin Nuur waxa uu isha la raacay fasalka. Wejiyada ardayda ayuu dhuuxayay. Fasalku waa shib. Waxaa caado u ah in uu dib u dhigto ardayda uu ka dareemo kalsooni. Waxa uu su’aalaha ku hormariyaa ardayda uu ka dareemo in aysan dersiga fahmin.

“Fu’aad,” ayuu yiri Macallin Nuur oo u muusoonaya arday isku qarinayay safka dambe. “Bal inoo akhri waxay kooxdaadu isku raacday.”

Saa Qasaaye oo ay Fu’aad isku koox ahaayeen ayaa gacanta taagtay: “Macallin aniga ii fasax inaan kooxda u hadlo.”

Macallinka oo dhankii sabuuradda u sii dhaqaaqayaa mar kale yiri, “Fu’aad.”

Fu’aad wuxuu ka kacay kursiga. “Een, kooxdeenna, een,” ayuu yiri, “sidaan baynu u faaqidnay heesta: Magaceedu waa ‘Daljir’. Ereyga daljir wuxuu salka ku hayaa dhaqanka reer miyiga—sida geel-jire, ari-jire. Heesta in magaceeda la yiraahdo ‘Daljir’ waxaynu kala soo baxnay ereyga ku jiro sadarka ugu horreeyo oo ah cidda hadalka wadata, oo ah cidda ballanka la galeysa Soomaaliya, oo ah cidda xumaha u diiddan Soomaaliya, oo ah cidda samaanta la rabta Soomaaliya.

Daljir inuu yahay cidda hadleyso waxa daliil inoo ah beydka koowaad oo sadar walba lagu arkayo qof inoo sheegaya waxqabadkiisa isagoo ugu danbeyn beydka koowaad ku gunaanadayo inuu yahay daljir ‘Dadku ku hiirto’. Beydka ugu horreeya waxa ku jira dhowr farriin oo laga doonayo Soomaali walba: difaaca qaranka, xirfad tacliin ku saleysan, dhiifoonaan, sharci ilaalin, iyo u dhibrinta muwaaddinka Soomaaliyeed.

Beydka labaad waxa uu na farayaa in Soomaali walba uu si hagar la’aan ah uga qeyb-qaato horumarka iyo wax-u-qabadka dalkiisa. Ereyga ‘dabac’ ee ku jira beydka labaad sadarkiisa koowaad waa micno badan yahay. Mar waa waxqabad liito ama hawl si hagar ku jirto loo qabtay. Ama mayee mar wuxuu u dhici karaa khiyaano waddan. Marna ereyga ‘dabac’ wuxuu noqon karaa qaadashada iyo bixinta laaluushka. Mar kale wuxuu u dhici karaa in waddanka loo soo jiido ceeb iyo bah-dil, oo talada qaranka la hoos geeyo cadowga Soomaaliya. Mar wuxuu ereyga ‘dabac’ noqon karaa in waddanka uu ku yimaado dib u dhac dhan walba ah—sida uu maantaba yahay.

Beydka saddexaad waxa uu na farayaa sida xalka lagu gaaro. Haddii la is fahmi waayo, waa in loo noqdaa dastuurka waddanka ama xeerka dhaqanka intiisa san—sida ku xusan heesta: ‘Markay doodi dhalatana / Xubin baan la doontaa.’ Sadarradaan waxay ka shidaal-qaadanayaan Aayadda Kariimka ahee Muslimka fareyso in loo noqdo Quraanka iyo Sunnada haddii uu khilaaf yimaado. Waxaana uu beydkan inoogu bishaareynayaa in cadowgu uu niyad-jabo oo uu ka naxayo markaynu xallino dhibteenna; muwaaddinkuna uu farxayo markaynu xal sokeeye isla helno. Nasiib-darrose beryahakan waxa batay Soomaali ka gar-naqsanayo sokeeye, una gar-naqsanaya shisheeye.”

Macallin Nuur madaxa ayuu luxay.

Gebaggebo,” ayuu yiri Fu’aad oo dhidid cabsi uga daadanayo. “Heesta ‘Daljir’ waa hees Soomaali walba ka dooneysa in uu dalkiisa waxqabad u ballan-qaado. Heestu waa heesaha waddaniga. Waxayna ina bareysaa siduu qaran ku dhismo, kuna waaro. Waxay heestu lahaanshaha dalka gacanta u gelinaysaa muwaaddinka; waxayna sidoo kale ina bareysaa in muwaaddin walba oo Soomaaliyeed uu ku dadaalo inuu dalka ka yureeyo daneystaha sokeeye iyo mid shisheeyaba.”

Fu’aad inta neefsaday ayuu eegay kooxdiisa. Dhidid ayaa wada qoyay wejigiisa. Wuu fariistay. Saa Macallin Nuur ayaa soo dul istaagay, oo yiri. “Fu’aad: maasha Allaah! Adiga iyo kooxdaaduba.”

Macallinkii wuxuu damcay inuu ardayda fasalka weydiiyo haddii ay dhaliil u hayeen gorfeyntii Fu’aad. Balse Qasaaye ayaa mar kale gacanta taagtay.

Macallin, Macallin, wax yar,” ayuu yiri Qasaaye. “Intaas uu Fu’aad sheegay waa waxaynu isku ogeyn koox ahaan. Hayeeshee intii uu Fu’aad hadlayay ayaa waxaa igu dhalatay fikrad cusub.”

Oo ah?” ayuu yiri Macallin Nuur.

Fikrad ahaan,” ayuu yiri Qasaaye, “heesta ‘Daljir’ waa hees maanta beddeli karta heesta qaranka ee ‘Soomaaliyeey Toosoo’.”

Markuu Qasaaye intaa yiri ayaa waxaa is eegay ardaydii. Macallinkiina wuu muusooday.

Sababtu waxay tahay,” ayuu yiri Qasaaye, “heesta ‘Daljir’ ayaa waaqaca lagu jiro ku habboon. Codka ‘Daljir’ waa qof hadlaya, oo dalkiisa ballan la galaya. Heesta ‘Daljir’ waxay qodob qodob u carrabbaabeysaa waxa laga rabo muwaaddinka Soomaaliyeed. Dhanka kale, codka ‘Soomaaliyeey Toosoo’ waa mid guud—sidii qof si guud un isaga oranayo, ‘Soomaaliyeey Toosoo’ balse ka gaabiyay inuu si qaas ah u qeexo hawshii uu muwaaddin ahaan u qaban lahaa dalkiisa, dadkiisana u anfici lahaa.”

Fasalkii oo idil waxay wada eegayeen Qasaaye.

Midda kale,” ayuu yiri Qasaaye oo hadalkiisa sii watay, “heesta ‘Soomaaliyeey Toosoo’ waa hees qeyla-dhaan aheyd oo xorriyaddii ka hor la allifay. Sidaa awgeed, heesta ‘Daljir’ ayaa maanta ku fiican in laga dhigo heesta qaranka, qaasatan labada beyd ee hore oo ah ballan-qaad ku aaddan u hiillinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”

Qasaaye markuu intaa yiri ayuu aamusay.

Guuleysta!” ayuu yiri Macallin Nuur. “Waan ku diirsaday dhammaan faaqidaaddiinna, iyo qaasatan sida aad Qasaayow u soo dhiraandhirisay—uguna dhiirratay—fikraddan quseysa heesta qaranka.”

Qasaaye iyo kooxdiisa farxad ayuu wejigoodu la ifay. Macallinkii wuxuu hor istaagay sabuuradda.

Yaa wax ka oranaya gorfeyntan Qasaaye iyo kooxdiisa?” ayuu yiri Macallinkii oo fasalkii eegaya. Hayeeshee intaysan ardaydu jawaabin—isaguna uusan fal-celis bixin—ayaa gambaleelkii yeeray, xiisaddiina dhammaatay.

~Dhammaad~

Email: Claahijanno@gmail.com

Facebook.com/Cabdullaahijanno

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 16: Shallayto iyo Dardaaran

Qaybtii Hore Shallayto Waaberigii ayaa Amiirka ka dul dhashay isaga oo weli talo wax-ku-ool ah ...

“Bulshooy adigay bokhraday”

Sirta Qoraalka: Masuuliyadda Qoraaga Soomaaliyeed Qoraagu waxa uu isu xilsaaray in uu hal-abuur iyo gadhwadeen ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *