Home / Cabdullaahi Janno

Cabdullaahi Janno

Markaan Jannada Galo!!

Sheekhii wuxuu sharraxay, oo kala dhigdhigay, oo uu maskaxdeenna ku sawiray Jannada iyo barwaaqada taalla. Meel gees ah waxay ishaydu qabatay oday gar guduudan oo sanduuqii sadaqada safka hore la dul joogo. Anigu waxaan fadhiyay safka dambe. Saa intaan muxaadaradii dhadhansaday ayaan noqday maqane joogo. Codkii sheekha wuu iga sii ...

Read More »

Faan Rag iyo Fiiro Dumar

Waa saddex wiil. Waa guur-doon. Waa loollan. Gabadhu waa Shukri. Garasho leh iyo gar-soor. Waa bilic muuqato iyo billad loo tartamo. Shukri waxa ay maalmo badan soo dhageysatay oo ay mid mid ula fadhiisatay wiilashaan. Maalinkii danbe ayay go’aansatay inay saddexda wiilba hal meel isugu keento—oo ay tijaabiso. Waa galabnimo ...

Read More »

Godob Jaceyl iyo Gallad Eebbe

Waxaa wejigii Odayga ka muuqatay murugo. Waa kooyto ku cusub dalka Mareykanka. Wuxuu dul taagnaa gabadhiisa Suleeqo oo cisbitaal jiiftay. Qalab ka caawiyo neefsashada ayaa ku rakibnaa. Waxay dhakhaatiirtu yiraahdeen Suleeqo ma noolaaneyso haddii aan laga beddelin kelyaha. Qalliinka waxaa ku baxayo baa lagu yiri labo boqol oo kun oo ...

Read More »

Sawirle

Qasaaye wuxuu ka soo baxay fasalkii sawir-qaadista. Kaamiro ayaa garabka u surneyd. Imtixaan laga qaaday oo sawir-qaadista ah ayuu dirqi ku baasay. Macallinkiisii Mareykanka ahaana wuu u digay — wuxuuna u sheegay Qasaaye inuu qarka u saaran yahay inuu fasalka ku dhaco. Waxaa sidoo kale Qasaaye loo soo diray mashruuc ...

Read More »

Qalinle

Qasaaye wuxuu joogay dukaankii dahabka. Wuxuu bixiyay lacagtii. Katiinad iyo jijimo ayuu gatay. Saa markuu Qasaaye iridda ka baxay ayaa dahablihii laacay teleefankiisii gacanta. Wuxuu farriin qarsoodi ah u diray labo dabley ahayd oo dahabka ka soo dhacda ciddii gadataba. Dablaydu waxay dahablaha u tiqiin Booska. Qasaaye halkii uu aadi ...

Read More »

Buugle

Qasaaye oo imtixaankii suugaanta qishayo ayaa waxaa soo dul istaagtay macallimaddiisi suugaanta. Wuu argagaxay. Way u muusootay. Wuxuu is yiri alleylehe tani muusood ka weyn: waa ku digasho. Wuxuu filayay inay warqaddii imtixaanka ka qaaddo oo ay jeexjeexdo. Balse waxay u dhaqaaqday miiskeedi. Waxayna la soo noqotay buuggii weynaa ee ...

Read More »

Daljir

“Haye, haye, aynu ismaqalno,” ayuu yiri Macallin Nuur. “Waa faaqidaaddii suugaanta.” Tobankiisii arday waxay la soo baxeen buugtoodii Suugaanta Af-Soomaaliga. Waxaa albaabka ka soo galay Qasaaye oo neef-tuuraya, dhididkuna ka dareerayay. “Qasaayow waqtiga dhowr,” ayuu yiri Macallin Nuur. “Waad soo daahday.” “Macallin, gabar i jecelaa isbaaro ii dhigatay,” ayuu Qasaaye ...

Read More »

Xalku Waa Isbeddel Shacab

Soomaali baynu nahay. Doorashada 2016 baynu hadal heynaa. Sannadku wuu isbeddelay. Fikirkaayaguse isma uusan beddelin. Saas ay tahayna waxaynu u ololeynaa in isbeddel lagu sameeyo Madaxtooyada. Misana hankaayagu ma dhaafsiisana inaynu ku il doogsanno un qof nagu qabiil ahoo ku fariisto kursiga Madaxtooyada. Sabir iyo bisayl siyaasadeed waynu ka arradan ...

Read More »

Halbeeg

“War kaas aniga laxna kuma aamineen,” ayuu lahaa Oday dhex fadhiyay makhaayad laga shaaheeyo. “Tolku way ku qasaareen.  Cadowgiisa ma yaqaanno.” Waxaa isla markiiba makhaayadda soo galay nin Saalax la yiraahdo. “Waa doqonkaan Saalax oo kale,” ayuu yiri Odaygii. “Kanna cadowgiisa ma yaqaanno.” “Adeer hee?” ayuu la soo booday Saalax ...

Read More »

Af Hiil Waayey

Magacaygu waa af-Soomaali.  Da’deyda ma aqaan.  Hayeeshee in dhaaxo waan soo joogay.  Afaf qalaad inay igu milmaan waan iska caabbiyay.  Kuwii gumeystahana hangool ayaan isaga qabtay.  Waan xididaystay.  Oo raagay.  Gallad Eebbe dheh. Rag shisheeye ah baa ii qiray inaan ahay afkii gabayaaga.  Garab ayaan ahay.  Aniguu i adeegsadaa Soomaali ...

Read More »