Home / Abaalmarinta Buugga / Baalkii Madoobaa ee Noloshayda- Buugga Sannadka 2016

Baalkii Madoobaa ee Noloshayda- Buugga Sannadka 2016

buugga-sannadka-guuleyste Buuggani waxa uu ku guuleystay Abaalmarinta Buugga Sannadka.

“Baalkii Madoobaa ee Noloshayda” waa magaca sheeko dhab ahaan uga dhacday Magaalada Muqdisho oo la buugeeyay. Gugan sii dhammaanaya ee 2016 ayaa la faafiyay dabcaddii ugu horreysay ee buuggan. Carwadii buugaagta ee Muqdisho 2016 ayay ahayd meeshii ugu horreysay ee lagu soo bandhigay.

Dhacdada uu buuggani is dultaagayo waxa ay hal ka tahay kumannaan la mid ah oo bulshada dhexyaalla, se aan la soo tabin. Gaboodfalka hablaha yaryar ee aan nolosha u bislaan lagu sameeyo ayuu buuggu cashar weyn ka sawirayaa. Tabo badan oo khiyaamadaa loo maro marka xumaanta la damacsan yahay ayuu, sidaa oo kale, bannaanka keenayaa. Tabahaa tan ugu halisaysan oo ah jacaylka dhalanteedka ah iyo haasaawaha sheeko-baralayda u eg ayaa sheekada buuggu soo warinayo laga baranayaa.

Dhool waa qalanjada sheekada uu buuggani soo tabinayo. Waa gabar da’ yar oo khibrad yari darteed lagu dagayo. Dabadeedna gabarnimadeeda iyo nafsiyaddeedaba la burburinayo. Dhool waxaa dhalay aabbe taajir ah oo ganacsiyo waaweyn Sucuudiga ku leh iyo hooyo guri-joog ah oo aad u jecel. Iyada waxaa kor uga wayn walaalana ay ka leedahay laba wiil. Nolosheeda hoogga iyo uur-la-silica ah intii aanay galin waxa ay ku noolayd nolol farxad iyo qurux loo dhammeeyay. Shakhsiyad ahaan Dhool waa gabar dabeecad macaan oo adkaysi badan.

Dhool waxa ay baranaysaa oo gadaalkana mustaqbalkeeda burburinaya Yaasir. Yaasir waa wiil Ceelbuur ku dhashay, ku barbaaray oo Xamar waxbarasho u yimid. Waa nin aftahammo leh oo danta uu leeyahay ‘maqaar ey’ ugu seexda. Inta aanu dhibkan axmaqnimada ah u geysan Dhool waxa uu waxbarashada sare u aadayaa dalka Turkiga. Sannad ayaa uu ku maqnaanayaa halkaa. Inta uu maqan yahay camal la’aan ma sii ahaanayo ee dhadhaabyo qallafsan oo makriga uu maaggan yahay carqalad ku noqon karayay ayaa uu sii burburinayaa. Ta yar ee Dhool ah ayuu qalbiga xuubcaaro ka dhigayaa. Wax kasta oo uu awoodo ayaa uu u adeegsanayaa in ay u jeclaato heerka ugu sarreeya ee la isku caashaqi karo.

Sheekadu waxa ay inkaarta ugu wayn sawiraysaa marka Dhool uurka lagu inkiro, isma-suratana lagu tilmaamo. Furriin ayaa dhacaya intaa dabadeed. Markii horeba meher-ku-sheeg aan cidina ogayn, dhanka Dhoolna aan raalli laga ahayn ayay isku guursanayaan. Aakhirkana Yaasir isbitaalka ayuu la gelayaa xanuun uu ka qaaday xiriirka sariireed oo uu Dhool la sameeyay.

Warsame Cumar Xuseen oo Shiidleey ku magac dheer waa qoraha sheekadan buugaysan. Waa nin dhallinyaro ah oo waxbarashada sare immika ka wada jaamacadda Camuud ee Boorame. Sannadkii ugu danbeeyay ee Cilmiga Dhaqaalaha iyo Hoggaaminta ayuu ku jiraa. Sidaa oo kale waxa heer dibloome ah ku diyaariyaa Bangiyada Islaamka (Islamic Banking). Buuggani waa kii labaad ee uu qoray oo waxaa uga horreeyay buug suugaaneed la yiraaho Maangarad oo isna Muqdisho lagu soo bandhigay 2015. Warsame waxaa kale oo uu yahay hal-abuure maanseed iyo qoraa sheekooyin gaagaaban iyo ku dhaadheerba curiyay ama soo tabiyay.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Kaalinta 2: Garta dhaqanka iyo garsoorka Soomaalida

Curiskii ku guuleystay kaalinta labaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Umadda Soomaaliyeed ...

Kaalinta 3: Hal ka mida hawlkarnimadii haweenkeenna

Curiskii ku guuleystay kaalinta saddexaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Hordhac Sinji aw ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *